SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


HESHIISKA YEMEN KU DHEX MARAY DFKMG

C/laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Khamiista (Jan 5, 2006) Heshiis ku kala saxiixan doona Yemen

Tarjumadii SomaliTalk.com Yemen | Jan 4, 2006

Wararka ka imanaya magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Dawlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanaka FKMG ay Arbaca (Jan 4, 2006) heshiis kama dambays ah ku gaareen dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada garab ee dawlada (Jowhar & Muqdisho), isla mar ahaantaasna dawlada Kumeelgaarka ah loo raro magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aaden waxa ay maalmahan wada hadal ku lahaayeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Waxaa wararaku intaas ku dareen in Madaxweyne C/Laahi iyo Shariif Xasan ay isla gaareen heshiis rasmi ah, heshiiskaasna la saxiixi doono maalinta Khamiista, waxaana saxiixaas goob joog ka noqon doona madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo in dhoweydba ku jirey dhexdhexaadinta labada garab ee dawlada FKMG.

Warar dheeraad ah oo ka imanaya dalka Yemen ayaa tibaaxay in heshiiska ka dib kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya lagu qaban doono magaalo aan weli la cayimin, waxaana loo malaynayaa in ay noqon doonto Baydhabo ama Kismaayo.

Dhanka kale waxaa saraakiil reer Yemen ah laga soo xigtey in marka hore ay wasiirada iyo xildhibaanada DFKMG ah ay tegi doonaan magaalada Muqdisho ka hor inta aan madaxweyne Cabdullaahi uusan tegein Muqdisho. Waxaana wararku intaas ku dareen in uu madaxweynuhu sii joogi doono magaalada Jawhar ilaa uu ka xaqiiqsanayo amaankiisa Muqdisho.

Dalka Yemen dhawr jeer ayuu isku deyey in uu dhexdhexaadiyo labada garab ee dawlada ee kala joogey Jowhar iyo Muqdisho. Waxaana wararku hadda muujinayaan in ay Yemen uu muuqato in ay ku guulaysatey markaan in ugu yaraan ay isa salaamaan labada hoggaamiye (Jowhar & Muqdisho), kuwaas oo shacabka Soomaaliyed ay ka sugayeen in ay u horseedaan nabad gelyo, colaadana soo afjaraan.

WARARKA KALE EE : JAN 4, 2006

  • Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar oo soo dhaweeyey heshiiska dhexmarey ..

  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ku tilmaamey heshiiska Cabdulaahi  iyo shariifka ..

  • Cali Khaliif Galeyr “C/llaahi Yuusuf iyo.shariif xasan waxay doonayaan in ay ka xoroobaan.

  • Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo si taxadar leh u soo dhaweysey …

  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u qabatey Macalimiin…


Xubnaha Dowladda ee ku sugan Jowhar oo soo dhaweeyey heshiiska dhexmarey ..

            Wararka ka imaanaya Magaalada jowhar waxay sheegyaan in xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ay si aad ah u soo dhaweeyeen heshiiska hordhaca ah oo ay gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan kaasoo ka dhacay Magaalada SANCA  ee dalka Yemen.

            Heshiiskaas ay gaareen labada Mas’uul ee ugu sareeya Dowladda ayaa waxay ku tilmaameen mid isku soo dhaweynaya xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxay kalloo sheegeen in uu keenayo in Dowladdu ay si wadajir ah uga wada shaqeysto guud ahaan dalka.

            Dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ayaa yididiilo ka muujiyay, iyagoo sheegay in uu waxtar u yahay dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo u ooman wax la yiraahdo Dowladnimo oo iyagu mudo 15 la’aa.

            Waxaa lagu waramay in tanaasulka ugu weyn uu ka yimid Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isagu sheegay in kulankii hore ee Bishii Juun ay isugu yimaadeen isaga iyo Guddoomiyaha Baarla-maanka uu ahaa mid loogu gogol-xaarayay midka ay maanta gaareen. kana soo shaqeysay Dowladda Yemen.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ku tilmaamey heshiiska Cabdulaahi  iyo shariifka ..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo haatan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa mar uu la kulmay waxgarad iyo odoyaal Soomaaliyeed oo ku sugan Magaaladaasi ayaa waxa uu soo dhaweeyay heshiiska ay wada saxiixdeen/kala saxiixanayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sahriif Xasan Shiikh Aadan, waxa uuna ku tilmaamay mid soo afjaraya mudo sanad iyo bar ah khilaaf u dhexeeyay Dowladda Federaalka.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya ilaa haddana aysan jirin meel looga qaaday maqaabkeedii caasimad-nmimo, isagoo sheegay in arrintaan uu qeexayo axdiga ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka, balse waxa uu sheegay in Dowladdu u baahan tahay meel ammaan ah oo ay ku shaqeyso.

Labo jeer oo uu Ra’isul Wasaaruhu yimid Magaalada Muqdisho waxaa lala beegsaday qarax ay ku dhinteen dad fara badan, ilaa iyo haddana ma jirto wax dabagal ah oo lagu sameeyay, hase yeeshee waxaa lala xiriirinayaa is jiidjiidka Siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka. 

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in Dowladda Federaalku ay iskaashato si looga miradhaliyo shirkii dib heshiisiinta ee Nairobi.

Cali Khaliif Galeyr “C/llaahi Yuusuf iyo shariif xasan waxay doonayaan in ay ka xoroobaan.

Cali khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaare ka soo noqday Dowladdi Carta ayaa waxa laga weydiiyay sida uu u arko heshiiska ay gaareen C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxa uuna sheegay in Labada mas’uul ay soo ogaadeen waxa ay runtu tahay iyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dalka.

“Labaduba waxa ay u afduubnaayeen hogaamiye kooxeedyo aan la garaneyn waxa ay doonayaan” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Shiikh ay haatan goosteen in ay ka xoroobaan Wasiirada Hubeysan, wuxuuna intaa sii raaciyay “qorshayaasii ay labadooduba ka fuliyeen Magaalooyin Muqdisho iyo Jowhar waxa ay ku dhamaadeen fashil waana midda soo dedejisay in labada mas’uul ay haatan heshiis wada gaaraan”, hase yeeshee waxaa labada mas’uul looga fadhiyaa sidii ay heshiiskaan uga dhaadhicin lahaayeen Siyaasiyiinta hubeysan ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, oo iyagu heshiis horey loo wada gaaray dhinacooda uu ka socon waayay.   

Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo si taxadar leh u soo dhaweysey …

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac... Akhri...

Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo la hadleysay Saxaafadda ayaa ka hadashay maamul u sameynta Gobalka Banaadir, waxayna sheegtay in mas’uuliyiinta maamul u sameynta Gobalka Banaadir ay howshooda ku wareejiyeen xubnaha Golaha Deegaanka ee lagu dhaariyay Dugsiga Booliiska ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in qof kastoo mas’uul ah ee joogay halkaasi la wada ogaa wixii uu balanqaaday.

 Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxay kalloo sheegtay in aysan iyagu hortaageen maamul u sameynta Gobalka Banaadir ayna u direyso hambalyo sida quruxda badan oo ay isu abaabuleen una doorteen Guddoomiye isla markaana u taagan yihiin in ay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna doorashadaasi ku dhacday si Dimuquraadiyadi ka jirto, waxayna saxaafadda ugu baaqday in aysan buunbuunin wax yaabaha qaar ee keeni kara dhibaato hor leh oo ka dhacda dalka, Caasha Axmed Cabdalla waxay soo dhaweysay isu soo dhawaansha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  iyo Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan  waxayna meesha ka saartay in hogaamiyaasha Muqdisho ay ka soo horjeesteen Doorashadii dhawaan dhacday, waxayna ugu dameyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan danahooda. oo aysan gacan siin kuwa doonaya in dhibaatada lagu sii jiro.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Siminaar u qabatey Macalimiin…

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha oo inta badan iyadu uruurisa tacadiyadda ka dhaca dalka ayaa xarunteeda Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Siminaar kaas oo loo qabtay macallimiin ka socday Dugsiyada Gobalka Banaadir, waxa uuna simaarkaani socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Simaarkaan waxaa furay Guddoomiyaha Hay’addaasi Maryan Xuseen Owreeye, waxayna sheegtay in siminaarkaan lagu baranayo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha, Dimuqu-raadiyadda Dimuquraadiyeynta iyo qodobo kale oo la xiriira sida looga hortagi karo tacadiyadda ka dhaca dalka, waxaana wax ka dhigaya Macallimiin ay ka mid yihiin Max’ed Xuseen Eenow, Xasan Axmed Sadiiq, Faadumo Cabdi Xiirey iyo Max’ed Nuur Sheegow, waxaana maalgeliyay Hay’adda National Endoment For Democarcy (NED) ee fadhigeedu yahay Magaalada Washington ee Cariga Mareykanka.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com


WARARKII:: Jan 3, 2006

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku heshiiyey in Dowladda Federal-ka KMG ah ay si toos ah u soo degto Magaallada Muqdisho

            Wararka ka imaanaya magaallada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in heshiis horudhac ah ay wada gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baaarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo haatan lagu dhex-dhexaadinayo waddanka Yemen.

            Kulan muddo saacado ah qaaatay oo ay wada yeesheen labada mas’uul ayaa waxay ku heshiiyeen in dowladda Federal-ka KMG ah labadeeda qaybood ee Golaha Baarlamanka iyo Golaha Wasiirrada ay soo degaan magaallada Muqdisho, kuna shaqeeyaan.

            Heshiiskaan horudhaca ah ayaa waxaa xaqiijiyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda waddanka Yemen, waxayna sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay labadooduba ku faraxsanaayeen in xal la gaaro, si loo soo afjaro khilaafka xukuumadda ee sababay in xukuumaddu ay kala degto magaallada Muqdisho iyo Jowhar.

            Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aadan ay soo saaraan war murtiyeed ku aaddan qodobbada ay ku heshiiyeen, waxaana ka qayb galaya madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo madax kale oo ka tirsan waddammada Geeska Afrika, gaar ahaan Danjireyaasha waddammada Yurub, Afrika iyo Asia u fadhiya dalka Yemen.  Heshiiskan horudhaca ah markii uu soo yeeray ayaa magaallada Muqdisho waxaa ka dhacay fantasiyo iyo dabaaldegyo ay dhigayeen dadka Soomaaliyeed, kuna soo dhoweynayeen  heshiiskaasi.

Cali Khaliif Galeyr oo ra’iisul Wasaare ka ahaa dowladdii Carta oo wax laga weydiiyey heshiiskan dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa waxa uu sheegay in labadan nin ay laheysteyaal u yihiin kooxaha ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, waxayna isla garteen in ay ka xoroobaan labadaasi Garab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya | Jan 3, 2006


Maxbuus reer Ogaadeenya ah oo xabsiga Hargaysa ku Geeriyooday.

Markii ay taariikhdu ahayd 30-kii Disember 2005 ayaa la sheegay inuu xabsiga ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaro Ogaadeenya u dhalatay oo muddo dheer si xaqdarro ah loogu haystay xabsiyada Hargaysa. Ninkan dhalinyarada ah ee geeriyooday waxaa lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Axmed Maxamuud Xuseen (Kuukay), wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaro fara badan oo Ogaadeenya u dhalatay oo maamulka Hargaysa uu xaqdarro ku haystay muddo dheer oo labo sano gaadhaysa.... warkan oo dhan.. Guji...

 


  • C/llaaahi Yuusuf oo Dowladda Yemen ka dalbaday in in ay dhex dhexaadiso..

  • Dowladda Yemen mar kale ma ku guuleysan.doontaa in ay heshisiiso.

  • Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hurineyso Dagaalka ka socda..

  • Ciidamo ka gadooday xerada Kongo ee Magaalada Jowhar..

  • Hay’adda Xaquuqda Aadaanaha ee Gaashaanoo walaac ka muujisy isbaarooyinka Siyaasadeysan

  • Guddoomiye ku xigeenadii Golaha Deegaankaa oo la doortey..


C/llaaahi Yuusuf oo Dowladda Yemen ka dalbaday in in ay dhex dhexaadiso..

Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu isagu codsaday in mar kale la kulansiiyo lana heshiisiiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxa uuna codsigaan u gudbiyay Madaxweynaha Wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax, waan midda keentay in deg deg loogu yeero Shariif Xasan uuna soo gaaro Magaalada SANCA. Wadamada Yemen, Suudaan iyo Itoobiya ayaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku cadaadiyay in uu heshiis la gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka si Dowalddii lagu soo dhidbay Nairobi u noqoto mid shaqeysa. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Jariidada AL-YAAM ee ka soo baxda Dalka Yemen ayaa waxa uu sheegay in Dowaddiisu tahay mid khilaaf xoogan u dhexeeyo, isagoo sheegay I dhinacyada is haya ay haatan diyaar u yihiin in ay dhameeyaan khilaafka soo kala dhex galay. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu codsi kaga yimid Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo uu kaga codsanayo in si deg deg loo dhameeyo khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka. Markii haddii la soo afjaro khilaafka u dhexeeyay Dowladda waxaa mar kale yididiilo gelaya rajaddii Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu quus ka joogay isku soo dhawaansha xubnaha Dowlada ee kala fariistay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Wareysi uu dhawaan bixiyay Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uu ku sheegay in khilaafka Dowladda uu ku soo afjarmi karo iyadoo loo hogaansamo shuruucda iyo Axdiga ku meel gaarka ah.      

Dowladda Yemen mar kale ma ku guuleysan.doontaa in ay heshisiiso.

            Waxaa la filayaa in Magaalada SANCA uu mar kale wada hadal uu ku dhex maro Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo labadoodub haatan ku wada sugan dalka Yemen.

            Dowladda Yemen waxay dooneysaa in la soo afjaro khilaafka u dhexeeyay Xubnaha sar sare ee Dowladda, taas oo ay Dowladda Yemen sheegtay in ay rajo wanaagsan gelineyso Wadamada geeska AFrika gaar ahaan kuwa deriska la ah Soomaaliya.

            Dowladda Yemen kal hore ayay ahayd markii ay soo qaban-qaabisay kulan ay isugu keentay Madaxweyne Cllaahi Yuusuf iyo Guddoomiye Shariif Xasan, hase yeeshee kulankasi waxa uu ku soo dhamaaday guuldaro, wixii ka dambeeyay kulankaasina waxay Dowladda Yemen taageero militari siisay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana arrintaasi si aada h uga carooday xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, sidoo kale Dowlada Yemen waxay dalkeeda ku martigelisay Madaxweyne C/llaahi si uu uga qaybgalo kulankii Iskaashiga SANCA, waxaana iyana cambaareeyay xubnaha Dowladda ee u sugan Magaalada Muqdisho oo iyagu ku tilmaamay kulankaasi mid lagu sii kala fogeynayo xaalada Soomaaliya, haddaba Su’aasha Dadweynaha Soomaaliyeed isweydiinayaan waxa ay tahay (Dowladda yemen dhex dhexaad ma ka tahay in ay heshiisiiso xubnaha sar-sare ee Dowladda Federaalka.

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay hurineyso Dagaalka ka socda..

            Warar ka imaanaya Gobalka Bakool waxay sheegayaan in Deegaanka Tiyeeglow ay weli ka socdaan dagaalo u dhexeeya labo beelood oo halkasi wada dega, dagaalkaas oo ku faafay deegaankaas ayaa gaystay khasaaro naf iyo maalba leh.

            Beel ka mid ah Beelaha dirirta ku jira ayaa Dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay hub iyo saanadba siineyso beesha kale, waxayna waxgarad ka tirsan beeshaasi u soo jeediyeen Dowladda Itoobiy in ay faraha kala baxdo arrimaha ka jira Tiyeeglow.

            Ma ahan markii ugu horeysay ee Dowladda Itoobiya lagu eedeeyo in ay hurineyso dagaalada markasta ka soo cusboonaada Gobalada dalka, gaar ahaan kuwa deriska la ah Dowladda Itoobiya, sidoo kale Dowladda Itoobiya waxaa lagu eedeeyaa in ay hub siiso qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee ku sugan xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya, hase yeeshee eedeemaha loo soo jeediyo Itoobiya inta badan way iska fogeysaa.     

Ciidamo ka gadooday xerada Kongo ee Magaalada Jowhar..


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

            Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd in xerada Kongo ee Duleedka Magaalada Jowhar ay ka gadoodeen ciidamo maleeshiyo ah oo xeradaasi ku xareysnaa mudo shan bilood ah.

            Ciidankaan oo taradoodu gaareysay 150 askari, ayaa waxaa la sheegay in sababaha ay u gadoodeen ay tahay cabasho ku aadan dhaqaalo xumo, Daryeel la’aan iyagoo aan wax mushaar ah la siin mudo shan bilood ah.

            Ciidankaan oo xoogoodu u badnaa Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “dib ha naloogu celiyo halkii markii hore nagala keenay”, waxay kalloo ku dhawaaqayeen “ciidamada ku xareysan xerada Kongo isku xaquuq ma ahan kuwo waxaa la siiyay hub, raashin fiican iyo radeys.

            Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Jowhar waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan gadoodka ciidamadaasi, hase yeeshee waxaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo qiray in ay jiraan waxyaabo ay ka cabanayeen ciidankaasi, hase yeeshee waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku tala jirtay in ay mushaar siiso ciidankaasi.

            Ciidanka ku xareysan Xerada Kongo oo taradoodu gaareyso 1200 oo askari ayaan ahaysan daryeelkii ay u baahnaayeen ee ciidannimo, ma ahan markii ugu horeysay oo ay xeradaasi ka goodaan ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan, kal hore ayay ahayd markii ay gadood sameeyeen ciidamo laga keenay Gobalka Hiiraan.

Hay’adda Xaquuqda Aadaanaha ee Gaashaanoo walaac ka muujisy isbaarooyinka Siyaasadeysan

            Hay’adda Xaquuqda Aadanaha Gaashaan ayaa walaac ka muujisay Isbaaroo-yinka Siyaasadeysan ee dib loo soo dhigay Magaalada Muqdisho xili ay dadku u hanqal taagayaan nabad iyo xal wadajir ah oo ay ka sugayeen Siyaasiyiinta hubeysan ee Magaalada Muqdisho ku sugan.

            “Waa wax laga xumaado in siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho ay u dhaqmaan si ka fog dhaqanka looga baahan yahay, ciddii ku xisaabtameysa dano kale kasbashada taageerada dadka” ayay lagu yiri War-Saxaafadeed ay soo saaftay hay’addaasi.

            Hay’adda waxaa naxdin iyo welwel ku haya waxa ka imaan kara dib u bilaabida jidgooyooyinka Siyaasadeysa taasoo ah Fowdooyin cusub iyo in ay bilowdeen jidgooyooyin kala ujeedo ah oo isugu jira kuwo siyaasadeysan iyo kuwo laga leeyahay dano dhaqaale oo ay dhigtaan maleeshiyooyin awal baqayay, haddase dadiil ka dhiganaya “Maxaa teyda ku gooni ah, hebelba dhigaye”.

            Ugu dambeyntii waxay Hay’addu ugu baaqeysaa siyaasiyiinta ay arrintaani quseyso in ay dib u eegaan waxa maanta socda iyo hadalkii ay shalay u sheegeen dadka ee ahaa in ay ka dhigayaan Muqdisho meel lagu shaqeyn karo, waxay kalloo Hay’addu u soo jeesiyay in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha Hay’addaasi Cali Max’ed Maxamuud.     

Guddoomiye ku xigeenadii Golaha Deegaankaa oo la doortey..

            Waxaa maalintii shalay ahayd mar kale la isugu yimdi sidii loo dooran lahaa Guddoomiye ku xigeenada Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir, iyadoo maalintii doraad ahayd la doortay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir loona doortay Maxamuud Cumar Tootoow.

            Tartankii shalay oo ahaa mid aad u adkaa ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku soo baxay Shariif Xuseen Roobow oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa iyana ku soo baxay Cismaan Abuukar Mahdi oo ka soo jeeda beelaha Banaadiriga.

            Doorashadii Guddoomi-yaha Golaha Degaanka ee Gobalka Banaadir waxa ka yimid muran kaddib markii uusan goobta soo xaadirin ninkii la taramayay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow, wuxuuna sheegay Max’ed Xiirey Max’ed in doorashadaasi ay ahayd mid caddaalad daro ah kuna dhisneyd nin jecleysi, waxaa kalloo uu sheegay in arrintan ay keeni karto in ay sii wiiqanto nabadgelyadii Gobalka Banaadir iyo isku keenidda shacabka Gobalka


Maxamed Cabduqaadir “Damac dheeriga Dheef ma Dhalo “

Dalkani, nasiib darro, waxaa dadkeedu ay ku caan bexeen DAMAC DHEERI oo dalka halka maanta uu joogo u sabab ah. Cid ku tala jirta inay saxdo camalkeedu xun waliba lama hayyo. Waa dad aan ehel u eheen dalkani  (Madaxdu badankooda waxey sitaan baasabooro dalal ajnabi ah).   Waxaan sheeganaa in Boqolkiiba Boqol aan nahay dad aaminsan Caqiidada Islaamka, SHAKI BAA KUJIRA. Lama aaminsana in mulkiga uu Eebbe bixiyo, sidoo kale QADAHA iyo QADARKA EEBBE.

Mar hadii la soo doortay Xubnaha Golaha Barlamaanka, Madaxweynaha lana soo magacaabay Golihii Wasiirada, Mas’uuliyiintii hore jagooyinkaasi u hayyey ay xilkii wareejiyeen, waxaa mugdi kujira mas’uuliyiinta ka hooseeya waxa jagadaasi ay ugu dhegan yihiin. Waxaan filayyaa in dhib dalkani ku filan uu soo maray aanna muuqasnin jidkii looga bixi lahaa oo DAN u ah DALKA iyo DADKABA.

Ma waxaa la damacsan yahay in magaca dalka-SOOMAALIYA-Khariidada Juqraafiga laga tirtiro, Eebbe ayaan ka  megen galnay.

Waxaan leenahay in qofkasto ku qanco waxa uu Eebbe u soo qoray, taasoo aan ku gaari karno Liibaan Adduun iyo Aakhiraba. JANNO hala tacbado oo TAQWADA hala badiyo.

Khaliifka Sayid Cali Bin Abii Taalib wuxuu ku micneeyay TAQWADA: Eebbe kacabsi,  ku dhaqanka Qur’aanka Kariimka, ku Qanaca waxa yar iyo u diyaar garowga Geerida.

TNG waxaa lagu wareejiyey TFG ayna Madax ka yihiin shakhsiyaatka u magacaaban yaanna leysku qaldin Xaqqa iyo Baadilka.

Dalkeena kan waxaa ku soo qul qulay reer duureed – reerguuraa ah waxayna arliga  ku soo rogeen fasahaad marnaba aan ku talineynin  sulux ; reer baadiyuhu - sida Eebbe Qur’aanka noogu sheegay waa dad gaalnimadoodi iyo munaafaqnimadoodi ay aad u adag tahay loona ballan qaaday darajada ugu hooseysa ee Naarta  . Waxaa naga dardaaran ah in nifaaqu leyska fogeeyo oo hadalka afka ka soo baxayya la waafajiyo uurka. Dalkani - waxaa la moodaa in aysan joogin dad raba nidaam iyo kala dambeyn Dowladnimo; qofkastaaba waa in xilkiisa lagu dhowraa uuna kasoo dha aalaa oo aan leysku xad gudbin. Ilaahey halaga cabsado oo haloo daneeyo dalka iyo dadkaba .
Awoodda Dawladda waxay u qeybsantaa : Sharci dejin, fulin iyo caddaalad

“Potere Legislativo - Potere Esecutivo - Potere Giudiziario” ; sidaasaana loo baahan yahay in loo shaqeeyo. WabillaahitTowffiiq.

 Dr: Maxamed Cabdulqaadir Maxamed

Kuxigeenka koowaada Duqa Magaalada Muqdisho – TNG

Kuxigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna

Kuxigeenka Duqa Magaalada Muqdisho Qeybta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda - TFG

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2005


Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..
»Isbaaradii Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..
»Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.... Guji... Jan 2, 2006

Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD