SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

               
Maxbuus reer Ogaadeenya ah oo xabsiga Hargaysa ku geeriyooday.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay abaaraha Ogaadeenya .
 
Jigjiga: Ganacsato lagu eedeeyay inay JWXO ka tirsan yihiin.
 
Britan oo Geeska Afrika ciidammo gaynaysa.
 
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Waxba-Qoodhi yaa dirsaday)
 
 ======================
 
Markii ay taariikhdu ahayd 30-kii Disember 2005 ayaa la sheegay inuu xabsiga ku geeriyooday mid ka mid ah dhalinyaro Ogaadeenya u dhalatay oo muddo dheer si xaqdarro ah loogu haystay xabsiyada Hargaysa. Ninkan dhalinyarada ah ee geeriyooday waxaa lagu magacaabi jiray Alla ha u naxariistee Axmed Maxamuud Xuseen (Kuukay), wuxuuna ka mid ahaa dhalinyaro fara badan oo Ogaadeenya u dhalatay oo maamulka Hargaysa uu xaqdarro ku haystay muddo dheer oo labo sano gaadhaysa.
 
Wararku waxay sheegayaan in marxuum Kuukay uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay jidhdil ba’an oo malleeshiyada maamulka Woqooyi Galbeed ay u gaysteen muddo hadda dhawr bilood laga joogo.
 
Waxaa xabsiyada magaalada Hargaysa, oo noqotay barrinka dulmiga, ku xidhxidhan dad boqoollaal gaadhaya oo reer Ogaadeenya, kuwaasoo ayna jirin denbiyo loo haysto oon ka ahayn haybtooda.
 
Dhinaca kale maalintii sabtida ahayd ee bisha Disember ay 31-ka ahayd waxaa magaalada Gabiley lagu dilay Alla ha u naxariistee Ibraahim Cudhi Cismaan oo ahaa muwaadin reer Ogaadeenya ah, kaasoo la sheegay inuu muddo dheer ku noolaa magaalada Gabiley, isla markaana ak tirsanaa kooxda kubbada cagta ee gobolka Woqooyi Galbeed.
 
Wali lama garanayo sababta marxuumkaas loo dilay. Maamulka Woqooyi Galbeedna wali lagama hayo isku day ku saabsan sidii loo baadhi lahaa dilka marxuumkaas. Guud ahaan ammaan darro aad u wayn ayay dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya ku qabaan gobollada Woqooyi Galbeed, ha noqdaan kuwo socoto u tegay ama kuwa degganba.
 
JWXO oo bayaan ka soo saartay abaaraha Ogaadeenya .
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa qoraal ku saabsan abaaraha laga cabsi qabo inay ku faafaan Ogaadeenya u gudbisay hay’adaha kala ah Barnaamijka Cuntada Adduunka (World Food Program) iyo Ururka Cuntada iyo Beeraha (Food & Agricultura Organization), iyadoo ka codsatay inay gargaar degdeg ah gaadhsiiyaan dadwaynaha Ogaadeenya.

Ku Xigeenka Hogaanka Arrimaha Dibbeda ee JWXO mudane Hanad Maalinguur ayaa sheegay inay Jabhaddu waraaqahaas gaadhsiisay labadan hay’adood, ka dib markii ay caddaatay in roobabkii Dayrta aysan gobollo badan ka da'in, isla markaasna ay hay’ado caalami ah muujiyeen inay ka cabsi qabaan inay abaar ka dhacaan Ogaadeenya.
 
Mudane Hanad waxuu sheegay in Jabhaddu qoraalkaas kaga codsatay hay’adaha kala ah FAO iyo WFP in aysan marnaba xukuumadda Itoobiya marinin gargaarka loogu talagalay shacabka Ogaadeenya, maadaama ay xukumadda EPRDF caado u noqotay inay cunada gargaarka ka ganacsato.

Mudane Maalinguur waxuu sheegay ”in maamul xumo iyo siyaasad ragaadin ah oo gumaysiga Itoobiya maleego ay mar kasta sababto in dadka iyo duunyada Ogaadeenyaba ay cudur iyo gaajo u dhintaan, isagoo muujiyay in arrintaas laga hortagi lahaa hadii hay’adaha caalamiga ee gar gaarka bixiya loo oggolaan lahaa inay si xor ah uga hawlgalaan dalka Ogaadeenya”.
 
Jigjiga: Ganacsato lagu eedeeyay inay JWXO ka tirsan yihiin.
 
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in daba-yaaqadii toddobaadkii hore ay ciidammada Wayaanaha ee aagga Jigjiga isugu yeedheen qaar badan oo ka mid ah ganacsatada magaalada Jigjiga, isla markaana si toos ah ugu eedeeyeen inay yihiin taageerayaasha JWXO.
 
Markii ganacsatadan la isugu yeedhayay waxaa sidoo kale loo yeedhay madaxda maamul ku sheegga soomaalida ee gumaysiga u adeega ee magaalada Jigjiga ay xarunta u tahay.
 
Saraakiisha ciidammada Wayaanaha ee shirkan qabanqaabiyay ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay yihiin taageerayaal JWXO, waxayna ugu hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadayaan haddii ayna joojinin taageerada ay u hayaan JWXO.
 
Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay madaxa maamul ku sheegga soomaalida ee Jigjiga, wuxuuna ganacsatada iyo dad kale oo iyagana goobtaas loogu yeedhay u jeediyay hanjabaad ka kulul middii ay saraakiisha Wayaanuhu u jeediyeen.
 
Hanjabaaddaas waxaa si wayn uga xanaaqay ganacsatadii la isugu yeedhay oo iyaguna dhinacooda ku hanjabay inay JWXO si dhab ah u taageerayaan haddii aan laga daynin tuhunka beenta ah ee mar walba loo soo jeediyo.
 
Britan oo Geeska Afrika ciidammo gaynaysa.
 
Dawlada Britan ayaa daboolka ka qaadday inay goblka Geeska Afrika gaynayso ciidammo u tababaran la dagaallanka argagaxisada, kuwaasoo gaar ahaan ka hawlgeli doona xeebaha dalka Jabuuti, si ay uga hortagaan waxa ay ku sheegeen argagaxisada u tallaabaysa dhinaca Soomaaliya.
 
Waxaa la filayaa in heshiis arrintaas ku saabsan ay wada-saxiixdaan dalalka Jabuuti iyo Britan inta ayna bishan Janwari dhammaanin.
 
Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti Ugurre Kifle Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in dawlada dalkiisu ay waraaqo rasmi ah oo arrintan la xidhiidha ka heshay dawladda Britan. Wuxuu kaloo sheegay in wafti reer Britan ah ay booqasho ku yimaadeen dalka Jabuuti todobaadkii hore.
 
Wasiirka wuxuu kaloo intaas ku daray in saddex toddobaad ka dib uu Jabuuti iman doono Safiirka Britan u fadhiya magaalada Addis Ababa, kaasoo dalka Britan u saxiixi doona heshiiskan oo ka dhigan in ciidammo Britan ahi ay saldhig ka sameystaan Xeebaha Jabuuti, si ay isha ugu hayaan waxa ay ugu yeedheen argagixisada u soo baxsanaysa dhinaca dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.
 
Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti ma aanii sheegin ciidammada Britan xilliga ay xeebaha Jabuuti ku soo beegan yihiin iyo tirada ciidammada ay Britan halkaas keeni doonto.

DHEGEYSO HALKAN:: http://www.radioxoriyo.com/rxoriyo/RadioXor.ram

 
 Radio Xoriyo
 03 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 3, 2006


C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo ku heshiiyey in Dowladda FKMG ah ay si toos ah u soo degto Muqdisho
Wararka ka imaanaya magaallada Sanca ee dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in heshiis horudhac ah ay.... Guji... Jan 3

Ciidamada Itoobiya oo Magaalada Adis-Ababa ku xir xirey dad soomaali ah..
»Isbaaradii Isgoyska Bakaaraha oo dib loo soo celiyey..
»Max’ed Dheere oo Jowhar ku martigelinaya kulan....
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan.... Guji... Jan 2, 2006

Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD