Xaaji Salaad Dhabarey oo soo
jeediyey in kulanka ugu horeeye ee Golaha
Baarlamaanka lagu.
Xaaji Salaad
Dhabarey oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee
Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyey
heshiiska magaalada Cadan ku dhex maray
madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf
Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ku tilmaamay mid
danweyn ay ugu jirto shacabka Soomaaliyeed isla
markaana kala qaybsanaantoodua aysan wax
faa’iido ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Xaaji Salaad Dhabarey ayaa wuxuu soo jeediyey
in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka lagu
qabto maaagaalada Balacad isagoo magaaladaasi u
doortay in ay tahay mid isku soo dhaweyneysa
isla markaana u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho
iyo Jawhar. Xaaji Salaad Dhabarey waxa uu ballan
qaaday in qarashka ku baxaya kulanka ugu
horreeya ee golaha baarlamaanka uu isaga bixin
doono, tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii
dhex maray maadaxweyne C/laahi Yuusuf iyo
gudoomimaha Baarlamaankaa Shariif Xasan ayaa
Xaaji Salaad waxa uu noqday ganacsadaha kaliya
ee ballan qaad dhaqaale ugu yaboohay kulanka
baarlamaanka kaas oo lagu wado in uu dhaco
soddon maalmood gudahood. Heshiiska dhexmaray
Madaxwene C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa si
weyn looga soo dhaweeyay dalka gudihiisa iyo
dibaddiisa, waxaana si gaar ah u soo dhaweeyay
xubnaha labada Gle ee ku kala sugan
Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar
Aragtida dadweynaha ee heshiiska
Cadan
W/D: C/raxmaan Shariif Max’ed
{Taysiir}
E-Mail:
Taysiir55@hotmail.com
Khamiistii ayey aheyd markii hay’adaha warbaahinta
ay la sare kaceen hadal heyn la xiriirta in uu
guulestay shirkii ay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed
iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh
Aadan uga wadsa hadlayeen khilaafka fadhiidka ka
dhigay dowladda federaalka ee kala degan Muqdisho
iyo Jawhar.
Dadaal uu sameeyey madaxweynaha dalka Yemen Cali
Cabdalla Saalax ayaa waxaa ugu suuragashay in uu isa
soo hor fariisiyo labadan mas’uul oo muddo sannad
iyo lix bilood ah aan wax wada shaqeyn ah yeelan
tiiyoo uu jiray is maandhaaf sababay in ay kala
fogaadaan kaas oo ka dhashay halka ay dowladdu ku
shaqeyneyso iyo waliba keenista ciidamo shishiiye oo
suga ammaanka gudaha dalka Soomaaliya.
Wadahadalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa
5-tii bishan waxaa ay isla soo saareen qodobo ay
isku af garteen oo uu ka mid yahay in baarlamanka
federaalka uu yeesho kulan soddon maalmood gudahood
laga bilaabo markii heshiiskaasi la sixiixay uuna
isku arko gudaha dalka meel ka mid ah, haddaba sida
ay heshiiskaasi u arkaan dadweynaha Soomaaliyeed si
aan wax uga ogaano ayaa waxaan soo ururinay
afkaartooda.
“Aniga ma aaminsani in heshiiska ay gaareen laban
mudane uu wax ka badalayo xaaladda cakiran ee dalka,
waayo, waxaa jira siyaasiyiin kale, oo aan la isku
haleyn karin siyaasaddooda oo ka soo hor jeesan kara
wax lagu heshiiyey, in kastoo uu yahay wax wanaagsan
haddii uu dhaqan galo, waxaase maskaxdeena ka
guuxaya waxyaabihi ay horey u saxiixeen raggan
siyaasiyiinta ah ee ay hadana ka baxeen, oo ay
daadka raaciyeen” ayuu yiri Cali Isxaaq Xasan {Cali-Yare)
oo ah arday degan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Sumayo Aadan oo aan arrintani sida ay u
aragto wax ka weydiinay ayaa waxey tiri, “Waxaan u
arkaa in guul weyn ay usoo hoyatay ummadda
Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa in ay wada shaqeyaan
hadda ku baraarugay dowladdii aan ka dhur sugeynay
oo awalba iyada dhexdeeda caqabad isku aheyd,
waxaana ka rajeynayaa siyaasiyiinta kale ee dowladda
ka tirsan in aaney noqon far soo taagan ee ay la
qaataan waxa ay madaxdoodu ku soo heshiiyeen”.
Xasan Cismaan ayaa isagana mar aan weydiinay bal
sida ay isaguna ula muuqdaan qodobadan ay ku
heshiiyeen madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Gudoomiye
Shariif Xasan, waxaa uu ku jawaabay, “Hadda ma dhihi
karno dowladdii wey heshiisay, balse waxaan jawaab
bixin karnaa marka aan aragno talaabooyin ficil ah
oo ay ku muujinayaan waxa ay wada sixiixdeen,
Illaahay ayaana ka rajeyneynaa in uu quluubtooda
isku milo oo ka dhigo dad wada shaqeeya oo is jecel.
Sidoo kale waxaa iyana soo dhaweeyey heshiiskani
siyaasiyiin kala duwan oo ku kala sugan
magaalooyinka Muqdisho iyo Jawhar, waxaana gobalada
dalka meelo ka mid ah ka dhacay banaanbaxyo lagu soo
dhaweynayo heshiiska Cadan.
Heshiiskani ayaa haddii uu hir galo waxaa uu ka
dhigi doonaa dowladda federaalka mid lugaheeda ku
istaagta isla mar ahaantaana caalamka ka hesha
dhaqaale uga xayirnaa khilaafkooda dartii.
Ismaaciil
Cumar Geele iyo Gen. Cadde Muuse oo kulan ku yeeshey
Imaaradka..
Madaxweynaha waddanka Jabuuti Ismaaciil
Cumar Geelle ayaa magaalada Dubai ee waddanka
Imaaraadka carabta kulana kula yeeshay madaxweynaha
maamul gobaleedka Puntland Cadde Muuse waxeyna
kulankoodaasi iskula soo qaadeen sidii loo xoojin
lahaa xiriirka u dhaxeeya Jabuuti iyo maamul
gobaleedkaasi gaar ahaan sidii ay labada dhinac isku
dhaafsan lahaayeen arriamaha ganacsiga.
kulankaan ay yeesheen Ismaaciil Cumar Geelle ayaa
wuxuu ku soo beegmay xilli ay ka qeyb galayeen
tacsidii xaakimkii Dubai Sheekh Maktuub Al-Raashid.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu
sheegay sidoo kale in uu gacan siin doono dowladda
federaalka ah wuxuuna meesha ka saaray in uu xun
yahaya xiriirka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo
Jabuuti gaar ahaan marka la eego isticmaalka
dowladda Itoobiya ee dekadaha Soomaaliya.
Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu si weyn
u soo dhaweeyey heshiiska dhex maray madaxweynaha
dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo
guddoomiya baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan
waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid muhiim gaar
ah ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed.
Muuse Suudi
iyo Max’ed Qanyare oo si tartiib ah ug hadalay
heshiiska ..
Wasiirrka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo
wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa si
dabacsanaani ku jirto u soo dhaweeyey heshiiska
magaalada Cadan ku dhex maray madaxweynaha dowladda
federaalka C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyahaya
baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
“Waxaan dooneynaa in
faahfaahin dheeraad ah nagala siiyo heshiiskaasi,
waayo, meelaha qaarkood qodobada ku qoran ma cadda”
ayey yiraahdeen Max’ed Qanyare iyo Muuse Suudi.
Wasiirada hubeysan ee
magaalada Muqdisho waxaa looga fadhiyaa sidii ay u
qaadan lahaayeen heshiiska uu soo saxiixay
guddoomiyaha Baarlamaanka iyagoo mar kasta ku doodi
jiray in madaxweynaha uu ku xad gudbay qodobo ka mid
ah dastuurka, oo uu ugu horreeyo in dowladda ay soo
degto magaalada Muqdisho hase yeeshee, qodobkani waa
midkii koowaad ee ay isla af garteen madaxweynaha
iyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxeyse su’aashu
tahay, wasiirada hubeysan ma u hogaansami doonaan
heshiiskaasi?
Dowladda Talyaaniga oo dalkeeda ku martiqaaday
cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan..
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayaan in Madax-weyne C/laahi Yuusuf
Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh ay martiqaad ka heleen Dowlada Talyaaniga,
waxaana la filayaa in iyagoo wadajira ay gaaraan
dalka Talyaaniga.
Dowladda Talyaaniga waxay
ka mid ahayd Dowladdihii ugu horeeyay ee si weyn u
soo dhaweeyay heshiiska dhex maray Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan, taas oo ay ku tilmaantay mid
weyn ka taraya hannan socodka Dowladda Federaalka.
C/llaahi Yuusuf iyo
Shariif Xasan ayaa la filayaa in ay dowladda
Talyaaniga ka soo helaan taageero lacageed oo ay
doonayaan in ay ku dhaqaajiyaan dowladda federaalka.
Banaanbaxyo lagu taageerayo heshiiska...
Wararka ka imaanaya Magaalada Xudur ee
gobalka Bakool ayaa waxey sheegayaan in banaanbaxyo
lagu taageerayo heshiiska 5-ta bishan ay wada
saxiixdeen madaxweyne dowladda federaalka C/laahi
Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Aadan waxayna ku dhawaaqeyeen ereyo ay ka mid
ahaayeen “Waxaa soo carfaya saxan saxadii Dowladnimo
ee Soomaaliya”, “kii ka hor yimaada heshiiska waa in
si wada jir ah looga hortagaa”, iyo ereyo kale oo la
mid ah.
Dadkii banaanbaxayay waxay kalloo soo
dhaweeyeen heshiiskii Magaalada Muqdisho ay kuwa
saxiixdeen waxgarad ka tirsan beelihii ku dagaalay
deegaanka Tiyeeglow, waxayna heshiiskaasi ku
tilmaameen mid soo afjaraya dagaalka, kaas oo ay
sheegeen in uu ahaa mid mar kasta soo noq noqday.
Soomaalida Qaxootiga ah ee ku nool dalka Yemen oo
qoraal u gudbiyey
Wararka naga soo gaaraya Dalka Yemen waxay
sheegayaan in Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah
dalka Yemen ay warqad qoraal ah u gudbiyeen
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh, waxayna
qoraalkooda uga dalbadeen Madaxweynaha in ay gacan
ka gaystaan sidii Dowladda Yemen ay magdhow uga
bixin lahayd dilkii dhowr qof oo Soomaali ah oo
dhawaan lagu dilay xarunta Hay’ada Qaxootiga ee
Qaramada Midoobey ee UNHCR, mar ay ka
banaanbaxa-yeen cabasho la xiriira in loo qaado dal
kale oo ka nolo wanaagsan midka haatan ay ku sugan
yihiin. “Waxaa dowlad u tihiin shacabka Soomaaliyeed
ee waa in aad wax ka qabantaan dhibkii ay noo
gaysteen ciidanka Booliiska ee Wadanka Yemen” ayay
ku yiraahdeen qoraalkooda Qaxootiga Soomaaliyeed ee
ku nool dalka Yeme oo si wanaagsan u soo dhaweeyay
heshiiska ay gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo
Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxayna
heshiiskaasi ku timaameen mid waxtar weyn u leh
dadka soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah daafaha
adduunka, iyo waliba kuwa ku sugan dalka gudihiisa
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
War Saxafaafadeed Uu Soo
Saaray Ugaaska Beesha Mareexaan Ahna Afhayeenka
Salaadiinta Beesha Daarood Ugaas Maxamed Wali.
Waxaa soo tebisey
Canab Mumtaz
Waxaana
Warsaxaafadedkaan uu kaga hadlayay abaaraha ka
taagaan gobolada koonfurta soomaaliya haba ugu
darnaatee gobolka Gedo oo ay ku dhinteen inta la
og yahay sida warsaxaafadeedka ku cad dad
gaaraya 25 Qof waxaana Warsaxaafadeedku u qornaa
Sidatan
02/01/2006
BISMILAAH
WAR
SAXAAFADEED
UJEEDO,QAYLO
DHAAN KA TURJUMAYSA ABAARO BA’AN OO KATAAGAN
GOBOLADA KOONFURTA SOOMAALIYA
Sida
aan ognahay waxaa hareeyey koonfurta Soomaaliya
abaaro ba’an oo waxyeelo u geystay dad iyo
duunyaba.
Sida
Bay,Gedo,Marko Iyo Bu’aale. Dadka ku nool
gobolada aan soo sheegney waxay roobla aan
yihiin todoba bilood, hadana way sii kala daran
yihiin. Gobolada sida gaar ka ah ula il daran
abaarta waxaa ka mid ah Gobolka Gedo.
Dadkii iyo
duunyadii ku nooleyd gobolka gedo waxay
bilaabeen dhimasho ay sababtey oon iyo gaajo,
xoolihii waxay bilaabeen dhimasho laga bilaabo
10,11,2005, dadkiina waxay dhimashadu ku
bilaabatey 20,12,2005.
Mar aan la xiriray
qaar kamid ah wax garadka ku nool gobolka Gedo,
1-1-2006 waxay ii xaqiijiyeen in ay oon iyo
gaajo ugu dhinteen deegaano ka mid ah
degmooyinka gobolka 25 qof inta la ogyahay, ilaa
100 qof oo kalena aan lahaynin meel ay jaan iyo
cirib dhigeen, ilaa iyo hadana majiraan wax
gurmad ah oo gaarey deegaanadaa ay masiibadu
kadhacdey, ama wax isku day ah, oo lagula
tacaalayo masiibooyinkan balaaran.
Dadka iyo duunyada
ku nool gobolka Gedo, hadii aysan helin10ka
casho ee soo socota Deeq Ilahay oo dheeraad ah,
ama, gurmad bini aadam oo deg deg ah, waxaa laga
yaabaa inay kadhacdo masiibo balaaran oo dad iyo
duunyaba waxyeelo u geysta, waxaa si deg deg ah
loogu baahan yahay Booyado Biyo
dhaamiya,nafaqada Caruunta,haweenka iyo dadka
waa yeelka ah.
Waxaan ugu
baaqayaa dawladaha Deeqda bixiya,hay’adaha
dawliga ah kuwa aan dawliga ahayn iyo
ganacsatada madaxa banaan in gurmad deg deg ah
lala soo gaaro, dadka ay ku habsatey abaarta ay
kadhalatay gaajada iyo Biyo la’aantu.
Waxaa diyaariyey
iskuna duba riday, Ugaaska Beesha
Mareexaan,ahna afhayeenka salaadiinta beelaha
daarood, Ugaas Maxamed Wali Sheekh Axmed Nuur.
Shir
xaasaasi oo Beesha Cali Saleebaan kaga arrinsanayaan
aayahooda oo Jan 5, 2006 Boossaaso ka dhacay..
Shir xaasaasi oo Beesha Cali
Saleebaan kaga arrinsanayaan aayahooda oo
maantay Boossaaso ka dhacayShir balaaran oo
looga hadlaayey la jaanqaadka siyaasada ,
canshuuraha iyo isku xirnaanta Beesha ayaa
maantay lagu qabtay hudheelka Karaama 2 ee
magaalada boossaaso
Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay aqoonyahano
waxgarad ganacasato isimo iyo qaar ka tirsan
labada gole ee dawladaha Puntland iyo tan
Federaalka oo beesha ka tirsan.
Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay Dr C/qaadir
Maxamuud Cali oo ka mid ah Jaaliyda Beesha ee ku
dhaqan Dalka Holland.
Ugu horayn waxaa halkaasi hadal kooban ka
jeedeiey Beeldaaje faraax cabdulaahi oo ku
waaniyey dadkii gobtaasi isugu yimi in ay
gacmaha is qabsadaan.
intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay Dr: C/qaadir
Maxamuud Cali oo ah ninka suurta geliyey in meel
la isugu yimaado oo ka hadlay maraxladihi la soo
maray iyo waxa la rabo in haatan lagu tashado oo
lagu dhaqaaqo.
Dhaman dadkii kale ee goobtaasi
ka hadlay waxay isku raceen in hal mawqif la
qaato lagana doonto dawlada fedraalka iyo tan
Puntland waxii saami ahaan beeshu ka hesho.
Mar laga hadlaayey cashuuraha tirada badan ee
maamulku Puntland soo rogay aaya waxaa la isku
raacay in aan la qaadan waxii aan maslaxadi ku
jiran'.
Beesha Cali saleebaan oo ah Beesha ugu tirada
badan Gobolka bari ahna Beesha keli ah marka
laga hadlaayo dhaqaalaha ugu tunka weyn ayaa
maanta shirkoodu waxa uu ahaa Mid uu soo
abaabulay Dr: C/qaadir Maxamud Cali.
Shirkaan
beeshu waxay xooga ku saaratay in midnimda
Puntland tahay mid muqadas ah oo aan la dhaafi
karin waxay kaloo ka hadleen doorka ay ka qadan
karaan amniga gobolka iwm.
Mire
Xaaji farax wasiir ku xigeenka lacagta dawlada
federaalka ah ayaa goobtaasi ka sheegay in ay
muhiim tahay in wada shaqayn lala sameeyo
maamulada dalka ka jira laguna dadaalo isku
xirnaanta.
Por: C/weli gayre oo ah wasiirku xigeenka
Qorshaynta Puntland ayaa isna halkaasi ka
jeediyey warbixin dheer oo kaga hadalaayey
habkii loo maamulay Golohii degaanka Gobolka
karkaar taasoo Beeshu ka muujisay caro lixaad
leh ayna u arkeen in lagu tuntay xaquuqdoodi
degaanimo.
Gudiga Siyaasada Cali Saleebaan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 7, 2006