SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Nairobi..

Madaxweynaha soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Joma Kenyata International Airport ee magaalada Nairobi, isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Adis-ababa ee wadanka Ethiopia, halkaasi oo waqti kooban ku sugnaa, isaga oo markiisii horena ka yimid wadanka Yaman, oo uu kaga qayb galay shirka isbahaysiga SANCA, islamarkaana sidoo kale uu ka dhacay Hishiis Taariikhi ah, oo uu la galay Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.  

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda Fs ka tirsan oo muddoyinkan joogay magaalada Narobi, iyo Guddoomiyaha Gudiga siyaasadda Gobolka Sh/dhexe Mudane Maxamed Cumar xabeeb (/dheere) halka dhinaca Kenya ay ka qayb qaateen soo dhaweynta madaxweynaha madax sare oo uu kamid yahay Ambasador afey iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.  

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa dabadeed loo sii ka xeeyay Xarunta gaar ah oo loogu tala galay, iyada oo sidoo kale ay soo dhaweynta ay ka qayb qaateen soomaali fara badan oo ku sugan Magaalada Nairobi.  

waxa kale oo jira in wada hadal aan waqti badan qaadan ay yeesheen sadexda mas'uul ee ugu sareysa dowladda, iyaga oo ku balamay in la adkeeyo wada shaqeyntooda, danta qarankana ay wax kasta ka hor mariyaan, loona istaago sidii soomaaliya loo xasilin lahaa, waxana ugu dambeyntii Madaxweynaha la dejiyay qasri gaar ah oo ku yaala Nairobi.  

Xigasho: Xafiiska Ra'isul Wasaaraha, waaxda Warfaafinta

Faafin: SomaliTalk.com  | Jan 15, 2006


Amiirkii Kuwait oo Geeriyoodey

Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah attends parliament's opening in 2003War maanta oo Axad ah (Jan 15) laga siidaayey Telefishanka Kuwait ayaa shaaca ka qaaday in amiirkii Dalkaasi, Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah, uu geeriyoodey.

Amiir Jaber waxa uu ahaa amiirkii 13aad ee boqortooyada Kuwait ee dalkaasi xakumeysey 245 sano.

Sheikh Jaber waxaa ra'iisul wasaaraha Kuwait loo magacaabay sannadkii 1965, kaddibna waxaa amiir-suge loo caleemo saaray 1966. Kaddib waxa uu amiirnimada ka dhaxlay ina-adeerkiis , Sabah III Al-Salim Al-Sabah, bishii December 1977.

Sheikh Jaber waxa ay da'diisu ahayd 77 jir.

Isha: Kuwit TV | Tarjumadii SomaliTalk.com | Jan 15, 2006

Wararkii Soomaaliya ee Maanta Hoos ka akhri...

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKII MAANTA: JAN 15, 2006

  • Shariif Xasan “Aniga iyo C/llaahi daacad bay naga tahay Heshiiska ee waxaa..

  • Wasiirka dib u heshiisiinta oo saxiixay Mashruuca  Dib u dhiska ..

  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walaac.ka muujisey Dagaalada iyo Abaaraha.

  • Warbixin ku saabsan dagaalka ka dhacay Deegaanka Galgalato..

  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.oo si dhaqsi leh ugu ambabaxay.

  • Shaarguduud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirada Beeraha ee ..

Shariif Xasan “Aniga iyo C/llaahi daacad bay naga tahay Heshiiska ee waxaa..

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maalintii shalay Magaalada Niarobi gaar ahaan Hotelka lagu magacaabo Grand Regency ugu sameeyay qado xildhibaano tiradoodu gaareyso 35 qofood, oo iyagu kala taageersanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la arkay iyadoo ay ka muuqatay farax iyo reyreyn kana sheekeysaya waxyaabihii ay soo mareen mudadii sanadka iyo barka ahayd ee khilaafku u dhexeeyay. Hadal gaaban oo uu halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibanaada looga baahan yahay in ay ku guntadanaa sidii ay shacabkooda ugu shaqeyn lahayeen wixii khilaaf ahna meel iska dhegaan. “Aniga iyo Madaxweynaha daacad bay naga tahay heshiiskaasi” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in uu dhawaan tagi doono Magaalada Muqdisho, isa markaana xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ugu dhaadhicin lahaa heshiiskii dhex maray isaga iyo Madaxweynaha, waxa kalloo uu sheegay in la gaaray waqtigii shacabka ay u heli lahaayeen Dowlad daacad ah isla markaana ka shaqeyneysa dib u dhiska dalka. Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xasan waxaa kalloo kulan gaar ah la yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isna shalay gaaray Magaalada Niarobi iyadoo maanta la filayo in ay si wadajir ah ula kulmaan mas’uuliyiin ka socota Hay’adaha deeqda bixiya iyo Hay’adaha samfalka si ay uga helaan wixii dhaqaale ah oo horey loogu xayiray khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Dowladda ee ku sugnaa Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka dib u heshiisiinta oo saxiixay Mashruuca  Dib u dhiska ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar sheegayaan in Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Max’ed Shiikh Aadan Deeyr ayaa shalay saxiixay mashruuc dib loogu dhisayo lix Gobol oo ka mid ah  Gobalada dalka, waxaan qarashaka ku baxaya lixdaas gobol ay gaareysa 1-Milyan iyo 250-Kun oo Doollar, waxaana lacagtaan bixiyana Dowladda Talyaaniga oo iyadu ku wareejiysay hay’ad lagu magacaabo UN-Open-S.

Wasiirku waxa uu sheegay in degmo kasta ay soo dirsaneyso toban qofood, iyadoo guddiga howlahaan isku dubaridayana ay shaqeyn doonaan 25 maalmood oo maalinkii la siinayo  12- Doollar, sidoo kalena Degmooyinkaas dadka ka imaanaya waxa ay qaadan doonaan Siminaar la xiriira dib u dhiska oo socon doona afar maalmood.

  Gobalada ka qaybgalaya wajigaan ayaa waxaa ka mid ah Galguduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Sh/hoose, Banaadir iyo Bakool, iyadoo wajiga xiga uu isna bilaaban doono bisha  Feebaraayo ee fooda nagu soo hayso.

Mashruuca dib u dhiska Gobalada ayaa waxaa kalloo ku jira in Gobalada loo sameeyo maamulo iyo Golayaal deegaan.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walaac.ka muujisey Dagaalada iyo Abaaraha.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda aadanaha oo inta badan diiwaangelisa tacadiiyada xaquuqda aadanaha ee ka dhaca daka ayaa wele wel iyo walaac ku haya dagaalada ahliga ah ee ka kala dhacay deegaanada Galgalato ee Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho iyo dagalkii ka dhacay deegaanka Galinsoor ee Gobalada Galguduud, waxayna Hay’addu sheegtay in dagaaladaasi ay sababeen dhimasho, burbur hantiyeed iyo barkac baahsan oo ku yimid dadka rayidka ah ee lagu dul dagalamay, sida Haweenka iyo Carruurta, taas o xadgudub ku ah shareecadda Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliya iyo Baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadamiga qodobkiisa saddexaad oo leh qof walbaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo.

Sidoo kale waxay hay’addu wel wel iyo walaac ka muujisay abaaraha baahsan ee ka jira  Soomaaliya gaar ahaan Gobalada qaarkood, abaartaas oo ay hay’addu sheegtay in ay ku dhinteen dad fara badan oo ayna sababtay biyo la’aan iyo macluul daran.

Waxayna ugu baaqeysaa Hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay gargaar bini’aadannimo la soo gaaraan dadkaasi, waxaana war-Saxaafadeedkaan ku saxiixnaa gudoonka xarunta ee Maryan Xuseen Owreeye.

Warbixin ku saabsan dagaalka ka dhacay Deegaanka Galgalato..

Halka lagu magacaabo Galgalato oo dhowr Kiilo Mitir u jirta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay maleeshiyooyin kala taageersan Ganacsatada kala ah Bashiir Raage iyo Abuukar Cumar Caddaan, dagaalkaan oo ah kii ugu qaraaraa ee mudooyinkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu gaystay khasaaro naf iyo maal ah, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa iyo 20 qofo, dhaawacana uu gaarayo ilaa iyo 30 qof oo labada dhinac ah.

Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxa uu ahaa mid muuqday goos goos iyadoo maleeshiyooyinka Taageersanaa Ganacsade Bashiir Raage ay la wareegeen goobihii lagu dagaalamay ee agagaarka Dekedda Ceel-Macaan iyadoo lagu waramay in labo Tikniko ah laga qabsaday dhinaca Abuukar Cumar Caddaan.

Labada dhinac ayaa isku hub uruursanaya, hase yeeshee waxaa barbar socoda dadaalo ay wadaan waxgaradka ay ka soo jeedaan labadaasi nin oo isku Jifo ah.

Waxaa baryaan dambeba meelo ka tirsan Magaalada Muqdisho ku soo noq noqanayay iyadoo dhawaan dagaal kan la mid ah uu ka dhacay xaafadda Boondheere oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.oo si dhaqsi leh ugu ambabaxay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaas uu ka ambabaxay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare oo isla shalay gaaray Magaalada Nairobi, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay xubnaha labada Gole oo marka hore kala fekerka ahaa kalana taageersanaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la yeelan doonaa Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh oo ay isla soo qadi doonaan sidii wada shaqeyn xoog leh ay u dhex mari lahayd Xukumada iyo Golaha Baarlamaanka, iyadoo maanta Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha ay kulamo la yeelan doonaan Mas’uuliyiin ka socota wadmada deeqda bixiya iyo Hay’adaha samafalka si ay u uga helaan dhaqaale maaliyadeed oo markii hore loo joojiyay khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Dowladda ee kala degay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhinca kale waxaa la filayaa in Magaalada Nairobi uu soo gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed si uu ugu biiro madaxdaasi, sidoo kale waxaa la filayaa in Nairobi soo gaaraan Wasiirada Hubeysan ee ku sugan Muqdiso oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Cismaan Xasan Cali Caato iyo Max’ed Qanyare Afrax.

Shaarguduud oo ka qaybgalaya shirka Wasiirada Beeraha ee ..

Xasan Max’ed Nuur Shaarguduud oo ah Wasiirka Beeraha oo mudooyinkaaba ku sugnaa Magaalada Waajid ayaa shalay u ambabaxay Magaalada Niarobi halkaas oo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu yimaanayaan qaar ka mid ah Wasiirada Beeraha ee IGAD oo ay ka mid yihiin Itoobiya,Kenya iyo Soomaaliya, waxaana shirkaan looga arrinsanayaa arrimo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa abaar baahsan oo looga cabsi qabo in ay ku habsato saddexdaa wadan, madaama xiliyadii la soo dhaafay aysan heli wax roob ah.

Shaarguduud waxa uu ku biiri doonaa sidoo kale shirka ay isugu imaanayaan Guddoomi-yaha Baarlamaanka Shariif Xasna Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geede.

Dhinaca kale Wasiiro badan oo markii hore kala aragti duwanaa ayaa haatan ku sii qulqulaya Magaalada Naribo si ay uga qaybgalaan kulan guud oo dhex mari doona Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda Federaalka oo dhawaan ka dhici doona Magaalada Niarobi. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2006


»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?

Shariif Xasan Oo Ka Hadlay Heshiiskii Cadan
Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG oo Hotel Grand Regency qado ugu sameeyey 33 xildhibaan ayaa sheegay in... Guji...

Magacyada Qaar Kamid ah dadkii Soomaaliyeed ee ku Geeriyoodey Xajka...
»
Galgalato: Dagaal u dhaxeeya Laba Ganacsade....
»Wasiirada hubeysan ee Muqdisho oo marti qaad helay.
»Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ku soo fool leh Nairobi..
»Shariif Xasan iyo Max’ed Dheere oo kulan yeeshay...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Jan 14

»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa? Qaybtii 2aad

Isku dhac dhex-maray arday dugisyada Addis Ababa iyo booliska

Dayactir La'aan ku Dhacay mid ka mid ah Dugsiyadii Waxbarasha ee Muqdisho
Xaggee ku dambeeyey Dugsigii Hoose/dhexe ee Xamar Jadiid ee Degmada H/wadaag...
Guji.... Jan 13