SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

 WARARKII JAN 28, 2006
  • Dowladda Mareykanka oo warqad caqli celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.
  • Dowladda Sucuudiga oo dad u dhashay Somaliland uga digtey in ay calanka...
  • Magacyada Tobankii "burcad badeed" ee uu Mareykanku qabtey..
  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta mar kale ku kulmaya Nairobi..
  • 14-Lamaane oo arooskooda ka dhacay Magaalada Marka…

  • Jabhadda Wadniga Xoreynta OGaadeeniya oo soo saartey warbixin..
    • Dhibaatada abaarta oo ka muuqatay gobollo Ogaadeenya ah. 
    • Abaaraha oo carruurta si gaar ah u taabanaya. 
    •  Meles oo lagu soo daray madaxda adduunka ugu keligood talisan.
    •  Wafti caalami ah oo tagay magaalada Jawhar.
    •  Jaraaidka iyo wargaysyada aduunku waxay ka qoreen geeska afrika & gumaysiga Itoobiya.

Dowladda Mareykanka oo warqad caqli celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.


US Ambassador to Kenya William Bellamy| (AFP/File)
US urges Somali unity in rare personal appeals to warlords

Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Danjire Wiliam Bellamy ayaa warqad qoraal ah u kala diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo todobo Wasiir oo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Warqadaan oo uu soo saaray danjiraha ayaa waxay ahayd mid uu ku hadlayay codka Dowladda Mareykanka ayaa mas’uuliyiintaan mid waliba gaarkiisa loo gaarsiiyay warqadan, nuquladan la gaarsiiyay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Wasiirada dowladda oo lagu sheegay mid si toos ah ugu saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa lagu sheegay in ay tahay warqad caqli celin ah oo Dowladda Mareykanka ay kala hadleyso Madaxweynaha sidii uu danaha gaarka ah meel isaga dhigi lahaa isla markaana uu ugu jeesan lahaa hoggaaminta shacabka iyo dal in ka badan 15 sano ah ay ka jirtay Dowlad la’aan isla markaana ay aad ugu baahday is aamindarada ka dhex jirta kooxaha Soomaaliya. “Mudane Madaxweyne waxaana rajayneynaa in aad gaartay oo aadna nala garan doonto in dal aan lagu hoggaamin karin fikir shaqsi, mid Qabiil iyo mid kooxeed, sidaas darteed Dowladda Mareykanku waxay kulula talineysaa in aad ku saleyso hoggaamintaada mid qaran oo aad ka gudubto mid kooxeed ama mid Qabiil isla markaana aad meel iska dhigto danaha gaarka ah oo ah kuwii 15 sano kala dilay Soomaalida” ayaa lagu yiri warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa warqado la gaarsiiyay todobo ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka kuwaas oo iyana lagu booriyay in ay taageeraan heshiiskii Cadan, isla markaana ay xushmeeyaan dhismaha Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa warqad lagu sheegay ogeysiin loo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo lagula socodsiinayo in ay jiraan warqado ay dowladda Mareykanku u dirtay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo C/llalahi Yuusuf, balse lama sheegin in warqadda Guddoomiyaha loo diray lagu faray wax mas’uuliyaad ah sida mas’uuliyiinta kale. Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Mareykanka ay si toos ah uga hadasho xaaladda siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan wixii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagabeeyay wadanka Kenya.

Dowladda Sucuudiga oo dad u dhashay Somaliland uga digtey in ay calanka...

Intii lagu guda jiray gudashadii waajibaakii xajka ee sanadkaan ayaa dad u dhashay dalka la magacbaxay Soomaaliland ay damceen in ay calanka soomaaliland ka taagaan goobo ka mid ah halka ay isugu yimaadeen xujeyda.

Ciidamada Booliiska ee Wadanka Sucuudiga ayaa waxay ku wargeliyeen in aysan mar dambe calanka Soomaaliland ka taagi Karin halkaasi, balse ay qaataan astaanka Calanka Soomaaliya.

Dhamaan dadka yimaada xajka ayaa waxaa astaan u ah calamada wadanka ay ka soo jeedaan si loogu aqoonsado, hase yeeshee dadka ka soo jeeda Soomaaliland ayaan iyagu helin wax aqoonsi ah mar haddii ay caadaadis ay kala kulmeen booliiska dalkaasi Sucuudiga, waxaase qasab ku noqotay qaadashada calanka Soomaali-weyn.

Sidoo kale waxay Dowladda Sucuudiga albaaba u laabtay xafiisyo macmal ah oo ay lahaayeen dad ka soo jeeda Somaliland, waxaana lagu amray in aysan mar dambe dib ugu laaban furashada xafiisyo noocaas oo kale ah, wixii ay u baahdaana ay kala xiriiraan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sucuudiga.-      

Magacyada Tobankii "burcad badeed" ee uu Mareykanku qabtey..

Iyadoo Mareykanku uu dhawaan gacanta ku dhigay koox "burcad badeed" ahaa oo tiradoodu gaareysay toban Nin, kuwaasoo ka qowleysanayay xeebaha Badweynta Hindiya.

Ciidamada Mareykanka oo haatan ku yaha raggaasi xero milatari oo ku taal Dalka Baxreyn ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin C/raxmaan Macallin C/llaahi (Diiwaan), Liibaan Cabdi Cali (Gorod), Xuseen Nuur Cali (Koombirow), Maxamuud Cabdi Faatax, Max’ed Muuse Max’ed (Toore), Xasan Maxamuud Axmed (Xasan Shir-Buqle), Salaad Max’ed Jaamac (Dhagoole), Cawil Max’ed  Maxamuud, Mukhtaar Daba-Cadde iyo Muumin labaale.

Kooxaha burcad badeedka ah ee  ku sugan Magaalada Xarardheere ayaa waxay ku hanjabeen in ay leyn doonaan dadka ay ka soo qabtaan xeebahaSoomaaliya haddii uusan Mareykanku si dhaqsi leh u sii deyn tobankaasi dhallinyaro oo ay sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen xeebaha Soomaaliya.

“Mareykanku waa nagu soo xadgudbay, hadduu xadgudubkaasi naga joojin waayo isaga ayaa mas’uul ka aha wixii ku yimaada” ayay yiraahdeen kooxdaasi. 

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta mar kale ku kulmaya Nairobi..

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda  Federaalka uu mar kale kulan la yeesho guddoomiyaha Baarla-maaka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uuna kulankaan uu noqonayaa mid lagu shaaciyo waqtiga uu dhacayo kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarla-maanka.

Kulankaan waxaa ka qaybgali doona xubno ka tirsan labada gole oo ku sugan Magaalada Nairobi iyo mas’uuliyiin ka socota Dowladda Kenya, iyadoo shalay la filayay in Madaxweynuhu uu soo gaaro Magaalada Nairobi, balse uu u baaqday arrimo la xiriira Dowladda Federaalka.

Ilaa iyo haatan lama oga halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya, hase yeeshee warara ayaa waxay sheegayaan in ay u badan tahay in kulanka ugu horeeya lagu qabto Magaalada Baydhabo, hase yeeshee warara kale ayaa waxay sheegayaan in kulankaasi lagu qabto Magaalada Kismaayo, waxayse ku xiran tahay Guddoomiyaha Baarlmaanka oo isagu kalsooni ka haysta xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka.

14-Lamaane oo arooskooda ka dhacay Magaalada Marka…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in xarunta AGoonta ee Ayuub ay ka dhacday xaflad aad u balaaran oo aroos ahayd taasoo la isugu aroosinayay a14-lamaane oo ah Ardayda agoonta ah ee xaruntaasi.

Xafladdaan oo mudooyin-kaan qaban-qaabadeedu socotay ayaa waxaa gacan ka gaystay hay’adda WFL ee ka howlgasha Gobalka Sh/hoose.

Xafladaan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta Gobalka Sh/hoose, madaxda Hay’adaha Samafalka ayaa intaysan xafladdu bilaaban waxaa soo galay 14-kii Lamaane oo laba laba gacmaha isku haysta waxaa u dhacay sacab aad u balaaran.

Hay’adda isku howshay barnaamujkaan ayaa waxa ay sheegtay in lamaanaha aysan ahayn kuwo la isku qasbay balse ay ahaayeen kuwo iyagu is doortay, ma ahan markii ugu horeysay ee xaflad noocaan ah loo qabto lamaane, sanadkii hore ayay ahayd markii 11- lamaane iyana loo dhigay xalaf noocaan oo kale ah, waxaana arrinaan si aad ah u soo dhaweeyay dadweeynaha ku nool Gobalka Sh/hoose.

Jabhadda Wadniga Xoreynta OGaadeeniya oo soo saartey warbixin..

Qoraal ka soo baxay xafiiska Jabhaddu ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay dagaalo dhex maray Jabhadda iyo Ciidamada Xabashida laga soo bilaabo 8/12/2005 ilaa 17/1/2006, waxayna dagaaladaasi ka dhaceen Dhanqa oo ka tirsan Gobalka Jigjiga, Gurdumi oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Daratoole oo ka tirsan Gobalka Doolo, Caraweelo oo ka tirsan Gobalka Doolo, Dhiya oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Jiiro Angalo oo ka tirsan Gobalka Nogob, Xamaro oo ka tirsan Gobalka Nogob, Fiiq oo ka tirsan Gobalka Nogob, Bulxan oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Huuraale oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Yucub oo ka tirsan Gobalka Doolo, Qamuuda oo ka tirsan Gobalka Doolo, Waji-Waaji oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Dhagax Madow oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Jaleelo oo ka tirsan Gobalka Doolo, waxaana dagaaladaas ciidanka Xabashida guud ahaan looga dilay 160 askari waxaana looga dhaawacay 165 askari, waxaana laga gubay afar baabuur iyadoo la furtay hub iyo saanad Milatari oo aad u badan.

Qoraalkaas ka soo baxay xafiiska Muqdisho ayaa waxaa loogu baaqay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya in ay u adkeystaan dhibaatada baahsan ee Gumeysiga Itoobiya ku hayo, una is taagaan sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryad gumeysiga, sidoo kale Jabhaddu waxay ugu baaqeysaa shacabaka Soomaaliyeed ee xorta ah in ay nagu garab istaagaan halganka aan kula jirno ciidamada Xabashida, isla markaana aad ka digtoonaataan shirqoolada gumeysiga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sacuudiga oo u yeertay danjiraheedii Denmark
Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa u yeertay danjiraheedii u fadhiyey dalka Denmark kadib markii ay dowlada Kopenhagen ay tixgelinweysay codsigii ay u soo gudbisay ee ah iney raali gareyn ka bixiso aflagadaadii wargeyska denish oo Rasuulka aflagaadeyey warkan ayaa maanta waxaa qortay wakaalada wararka ee Rueters... Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
27. January 2006
 
  • Dhibaatada abaarta oo ka muuqatay gobollo Ogaadeenya ah. 
  • Abaaraha oo carruurta si gaar ah u taabanaya. 
  •  Meles oo lagu soo daray madaxda adduunka ugu keligood talisan.
  •  Wafti caalami ah oo tagay magaalada Jawhar.
  •  Jaraaidka iyo wargaysyada aduunku waxay ka qoreen geeska afrika & gumaysiga Itoobiya.
 ======================   
 
  Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa toddbaadkan sheegay in dadka ay macalushu Ogadeenya ku hayso ay 1 milyan ka badan yihiin, isla markaana ay gaadhayaan 1,75 milyan oo qof, waxayna hay’adahaasi adduunka ka codsadeen in dadkaas gargaar degdeg ah lala soo gaadho.
 
Gobollo badan oo Ogaadeenya ka mid ah waxaa lagu soo warramayaa inay dhammaadeen xoolo badan oo isugu jira Adhi, Lo’ iyo Geel, kuwaasoo biyo iyo baad la’aan u dhammaaday. Meelaha ay xooluhu aad ugu dhammaadeen waxaa ka mid nawaaxiga magaalada Dhanaan iyo inta badan gobolka Shabeelle.
 
Isbitaalka Godey waxay dhakhaatiirtu sheegayaan inay dadaal adag ugu jiraan sidii ay u baajin lahaayeen nafaqa xumada carruurta iyagoo adeegsanaya qalliin, waxayna sheegeen in qaar badan oo carruurta isbitaalka soo gaadhaysa ka mid ah ay sidoo kale hayaan cudurrada qaaxada, duumada iyo shubanka, kuwaasoo uga daran dhibaatada gaajada.
 
Abaaraha oo carruurta si gaar ah u taabanaya.
 
Hay’adda Qaramada Midoobey ee NICEF ayaa arbacadii dunida ka dalbatay in loogu deeqo adduun gaadhaya 14.7 milyan oo dollar, si ay u caawiso carruur ay tiraoodu dhan tahay 1.2 milyan oo ay hayso nafaqo darro ka dhalatay abaaraha ku dhuftay daalka Bariga Afrika.
 
Bayaan ay UNICEF ka soo saartay magaalada Nairobi waxay ku sheegtay inay dhaqaalahan u isticmaali doonto hawlaha quudinta degdegga ah ee seddexda bilood ee soo socda loo fidin doono dadwaynaha iyo qoysaska ku tabaalaysan dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.
 
Hy’adda UNICEF waxay bayaankan ku sheegtay in carruur ka badan 56,000 oo da’doodu shan san oak hoosayso ay nafaqo xumo ba’ani ku hayso Soomaaliya iyo gobolka Oromiya ee Itoobiya, waxaana laga yaabaa in tiradu ay si degdeg ah intaas uga badato.
 
Dalka Kenya waxaa la rumaysan yahay in 40,000 ilaa iyo 60,000 oo carruur iyo haween isugu jira ay nafaqo xumo hayso. Sidoo kale dalka Soomaaliya waxaa la filayaa in tobankii carruur ah ee abaaruhu waxyeelleeyeenba ay seddex ka mid ahi nafaqo xumo la liitaan, sidaas waxaa ka digtay Hay’adda UNICEF.
 
Meles oo lagu soo daray madaxda adduunka ugu keligood talisan.
    
Wagays caan ah oo ka soo baxa magaalada New York oo lagu magacaabo Parade, kaasoo sannad walba soo saara liis ay ku cad yihiin labaatanka madaxwayne ee adduunka ugu keligood talisan (digteetarsan), ayaa axaddii soo saaray liiska madaxda sannadkan ugu horreeye dhinaca kali talisnimada, wuxuuna sannadkan ku soo daray kaligii taliye Meles Zenawi.
 
Dalalka reer galbeedka ayaa keligii taliye Meles Zenawi ku tilmaai jiray inuu tusaale fiican u yahay madaxda dalalka Afrika, isla markaana uu yahay ilaaliyaha hannaanka dimuqraadiyada ee qaaradda Afrika, waxayna ka dhigteen xaliifka ugu muhiimsan ee qaaradda Afrika ay ku leeyihiin.
 
Hase yeeshee dadwaynaha uu xukumo iyo kuwa gumaysto ayaa isku si uga dhawaaqayay taladiisa maroorsiga iyo cabbudhiska ku dhisan. Hadda waxay dalalka reer galbeedku ku baraarugeen waxyaabo ay markii hore modayeen in indhaha laga lalin karo, waxayna yaqiinsadeen qofka uu yahay Meles Zenawi.
 
Wargayska Parade, oo qeexaya sababta uu Zenawi ugu daray madaxda kaligood taliyayaasha ah, wuxuu yidhi;
Meles Zenawi, oo da’disu 50 jir tahay, wuxuu xukunka Itoobiya haystay tan iyo sannadkii 1995.
 
Isagoo wargaysku qormadisa sii wata wuxuu intaas ku daray; Doorashadii muranka adag ka dhashay ee May 2005, ciidammada Zenawi waxay dileen dad tobnnaan qof gaadhaya oo ka mid ah dadwayne bannaanbaxayay. Wuxuu xabsiyada u taxaabay in ka badan 10,000 oo qof oo ka tirsan xisbiyada siyasadeed. Wargaysku wuxuu qormadiisa ku gabagabeeyay; Meles wuxuu oggolaaday in xal nabadeed loo helo muranka ku saabsan xadka uu dalkiisu la wadaago Eritereya, hase yeeshe wuxuu haddana diiday go’aankii kama danbaysta ahaa ee guddiga Qaramada Midoobey ka soo saaray xadka ee lagu astayn lahaa xadka labada dal u dhexeeya.
 
Wafti caalami ah oo tagay magaalada Jawhar.
 
Magaalada Jawhar ee dalka Soomaaliya waxaa khamiistii tagay wafdi ka socda Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub.

Wafdigan waxaa horkacaya xidhiiidhiyaha hawlaha gargaarka aadamnimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo ninka isaguna Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Waxaa kaloo wafdigan la socda sargaal sare oo ka socda dawlada Britan.
 
Wafdigan ayaa kulanno kala duwan la yeeshay masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Qaramada Midiibey iyo Midowga Yurub ka jooga magaalada Jawhar, waxay sidoo kale la kulmeen madax ka tirsan dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Jawhar.
 
 Radio Xoriyo
 27 January 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Xamaas oo doorashooyinka ka dhacay Falastiin ku Guuleysatay
Ururka Xamaas ayaa cod aqlibayad leh ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay Falastiin.. Guji..

Haamahii Shidaalka  Kismaayo oo dib loo hawlgaliyey
»C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi
»Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.
»Carruur ku geeryootay qarax ka dhacay Caabud Waaq..
»Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa Muqdisho..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Jan 26

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
"Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay" Guji....