SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKII JAN 29, 2006

  • Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG

  • Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay si toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…

  • Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan Caato iyo Muuse Suudi …

  • Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan nasiib daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii waxaa tababaraya Itoobiyaan..”…

  • Maamul  cusub oo loo dhisay Deegaanka Toortoorow…

  • Dalladda INXA oo Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..

  • Cismaan Caato iyo Max’ed  Jaamac Furux oo ku eedeeyey Dowlad Federaalka  …

  • Abwaan Hadraawi oo  dhex dhexaadinaya Maamulada Soomaaliland Iyo Putland..


Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG

Waxaa maalmo yar ka harsan tahay xiligii lagu waday in la qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa mas’uuliyiintii sarsare ee Dowladda waxay isugu tageen Magaalada Nairobi waxaana ka mid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Waxaa mudo saacado ah kulan wada lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan waxayna isla meel dhigeen halka lagu qabanayo shirka, kaddib waxaa kulan saddex geesood ah uu dhex maray C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geedi iyo Shariif Xasan waxaana la sheegay in ay wada hadlayeen mudo  saacado ah waxaana laga dareemayay in uu jiro khilaaf ba’an oo la xiriira halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi la sheegay in uu ku gacanseyray hindisaha ay wataan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaaruhu uu ku adkeysanayo in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka lagu qabto Magaalada Jowhar oo uu sheegay in ay tahay magaalo aad u xasiloon lagana helo wixii tasiilaad ah oo uu Baarlamaanku u baahan yahay.

“Haddii uu Baarlamaaku shiro iyo haddii uusan shirinba xarunta Dowladdu waa Jowhar” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi waxaana arrintaani la qaba qaar ka mid ah wasiiradiisa iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Shalay ayaa la doonayay in lagu dhawaaqo halka qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, balse warar aan ka helnay Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in maalinta isniinta ah lagu dhawaaqi doono goobta lagu qabanayo, warar kale ayaa waxay sheegayaan in khilaafka u dhexeeyay mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda laga yaabo in uu sababi karo in dib loo dhigo mudo dhowr cisho ah kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka iyo halka lagu qabanayo. Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa waxa uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu wado qorshe isaga u gaar ah oo la xiriira keenista ciidamada Shisheeye, taasina waa mid burburineysa heshiiskii ay Cadan ku saxiixdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha, ayuu yiri.

Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay si toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…



Sawirada ay soo bandhigtay Aljaziira.. Guji

Taleefishinka Caalamiga ah ee ku hadla afka Carabiga ee AL-Jasiira ayaa xalay si toos ah looga daawanayay waxyeelada abaarta ee qaar ka mid ah gobalada dalka kaddib markii wariyaal ka socday taleefishinkaas ay booqdeen deegaano ka tirsan Gobalka Bay.

Weriyaha taleefishinka ayaa soo bandhigay xoolo ay abaartu baabi’isay, dad ay macluul badani hayso waxaadna soo xasuusaneynaa xiligii abaartii 1992-dii ee caga bararka, sidoo kale dhulka waxa uu u muuqday dhul ay isugu darsameen qorax, bus iyadoo geedihiina ay aad u qalalee.

Sidoo kale taleefishinka waxa uu sii daayay dad iyo xoolo saf saf ugu jira ceelal ay u soo arooreen oo ku yaala gobalka Bay.

Weriyaha Taleefishinka ee Max’ed Suufi oo isagu taagan dhul baadiyo ah oo ku yaala degmada Wajid ayaa waxa uu wareysanayay dad aad u macluulsan oo ku qaylinaya gaajaa na haysta biyo la’aan ayaa na haysta, qaarkood waxay sheegeen in abaartu ay uga le’deen carruur iyo xoolihii yaraa ee ay lahaayeen, iyadoo taleefishinka uu maalmaha soo socda sii deyn doono barnaamijyo la xiriira abaartaasi.

Iyadoo 1992-dii abaartii ka dhacday Soomaaliya waxaa indha caalamka ku soo jeediyay warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya.    

Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan Caato iyo Muuse Suudi …

            Waxaa Magaalada Nairobi ku sugnaa mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowlada waxayna halkaasi ku leeyihiin kulamo ay uga arinsanayaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

            Guddoomiyaha Baarla-maanka oo horey ugu yeeray wasiiraka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa haatan waxa uu u yeeray Wasiirada kala ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato si ay talo  ugu darsadaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaaka.

            Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxa uu shalay ku dhawaaqay in uusan ka qaybgali doonin kulamada ay isugu imaanayaan Baarlamaaka ilaa nabad lagu soo dabaalo beelaha ku dagaalamaya gobalada dhexe oo uu sheegay in ay dowladdu ka gaabisay.

Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan nasiib daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii waxaa tababaraya Itoobiyaan..”…

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan yeeshay ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaas shir guddoominayay Gen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sarasare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana kulakaasi looga arrinsanayay sidii dowladda loogula talin lahaa in ay howlgeliso ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed si ay dalka nabad ugu soo dabaalaan kulankaas oo uu ka hadlay Gen. Max’ed Nuur Galaal ayaa waxa uu yiri “Waa nasiib daro in maanta ay ciidamadeenii tababara siiyaan saraakiil Itoobiyaan ah” waxa uuna intaa sii raaciyay “ciidankaasi Itoobiyaanku tababaraan ma noqon doonaan kuwo dalka iyo dadka daafa, mise waa kuwo  la doonayo in lagu luggooyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”

Maamul  cusub oo loo dhisay Deegaanka Toortoorow…

Shirar is daba joog ah oo ay la haayeen Odayaal Dhaqameedyada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Culuma’u-diinka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyarada degmada Tooratoorow ee Gobolka Sh/hoose loogana hadlayey xaalada siyaasadeed tan nabad galyo, bulsho iyo dhaqaale ayaa ugu dambayntii waxaa lagu go’aan- saday in la dhiso maamul cusub oo bedela kii hore isla markaana waxa laga bedelo maamulkii hore uga dhisnaa degmadaas.

Shirkaas oo 17/1/2006 ilaa 20/1/2006 ayaa waxaa lagu dhisay Gole maamul oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Sh. C/Xaaji Xasan Maxaad (Mad Kaadil) iyo laba ku xigeen oo kala ah Cali Maxamed macalin xasan iyo cumarow cusman cabdi (falayley) sidoo kale waxaa loo dhisay duqmagaalo oo lagu magacaabo c/laahi xasan macalin (karta) hal ku xigeen oo lagu magacaabo sh, c/laahi cabdow cusmaan.

Waxaa sidoo kale lagu dhisay shirkaas xoghayeyaal joogto ah oo ka kooban 16,  macalin cusmaan cali (cali kuus), c/laahi cusmaan ibraahim (taula), sh. aadan gurey boorow,  Xuseen Xasan Cusmaan (Xuseen Ganey), Maxamed Gaab Xasan.ibraahim, Cusmaan Cabdi  Xagaleey, Xaaji Axmadeey Gureey, C/naasir SH. Daud, C/laahi SH.Xasan SH.Axmed, Nuurow Boorauy Cali, Aadan Maaxamed Cabdiyoow, Cusmaan muudey ibraahim, Xuseen C/ ibraahim, Coloow Xaaji C/le Cabdi, Cumaan Aadan kulan iyo Cali ibraahim Cusmaan.

Waxaa kale oo la dhisay Maxamed uu gudoomiye ka yahay Sh.C/raaxmaan Maxamed Aadan ku xigeena ka yahay  Sh. Abuukar SH.Maxamed Macalin, iyo kaaliye SH.cabdi Bitow waxaa asaxiixay gudigaan 11 oday dhaqameed oo isugu jiray salaadiin iyo nabadoono ay ka mid ahaayeen suldaan maxamed macalin xasa, suldaan aadan cali macalin iyo suldaan sh. xasan cabdi aadan.

Dalladda INXA oo Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..

Shirweyne 26 urur uga socday xarunta Dalladda isku xirka Nabadda Xuquuqda Aadanaha ee INXA ayaa lagu soo geba-  gabeeyey xarunta hay’addaas ee Magaalada Muqdisho waxaana shirkaas oo socday 3-maalmood looga hadlayey wixii u qabsoomay dalladda sanadkii tagay iyo barnaamijyadda lagu howl galayo sanadka soo socda.

Shirkaan  u soo gebangaboobay Dalaadda INXA waa ka duwanaa shirarkii hore ee ay yeelan jireen ururada ku bohoobay Dalladda INXA waayo waxaa is bedel lagu sameeyey dastuurka Dalladda, waxaa sidoo kale shirkas lagu doortay mar kale maamulkii hore ee dalladda ee uu gudoomiyaha ka ahaa C/Naasir Axmed Cusmaan, ayna gudoomiye ku xigeen ka ahayd Sahro Cumar Maalin waxaa sidoo kale sidoodii loo ansixiyey xubnaha gudiga fulinta dalladda.

Gebangabadii shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay dalladda dib ugu soo biirtay Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman mar la wareystay gudoomiyaha hay’adda Elmnan Eng. Suudaan Cali Axmed waxa uu sheegay in ay dib ugu soo biireen kaddib markii ay la dhaceen maamulka dalladda INXA ee cusub.

Cismaan Caato iyo Max’ed  Jaamac Furux oo ku eedeeyey Dowlad Federaalka  …

Waxaa shalay si wadajjir ah shir Jaraa’id ugu qabtay guriga Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Maxamed Jaamac (Furux) oo Wasiiru dowlaha Badda iyo Dekedaha, waxayna shirkas Jaraa’id kaga warameen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku gareen beelaha ay ka soo kala jeedaan ee dirirtu ku dhexmareyso G/Dhexe.

Waxay sheegeen Wasiiradaani in ay dhaqso ugu ambabaxayaan Gobolada dhexe  si ay u dhexgalaan labada beelood waxay sheegeen inay safar dhulka ah ku gaarayaan Degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobalka Galguduud, sidoo kale waxay Wasiiradaan dhaliil u soo jeediyeen Dowladda ku meel gaark ah.

“Dowlad aan dadkeeda daryeeleyn in aan kulamadeeda ka qaybgalnaa waa qalad”, waxay intaas ku dareen in aysan ka qaybgaleen kulanka Baarla-maanka ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo iyagoo sabab uga dhigay gacan ay weydiisteen Dowladda ku meel gaarka ah si ay u joojiyaan dagaalka ka socda Gobalada Dhexe  isla markaasna ay ka waayeen in ay ka saacido Dowladdu dhaqangelinta heshiiskaas iyo colaada ka socota Gobalada Dhexe.  

Abwaan Hadraawi oo  dhex dhexaadinaya Maamulada Soomaaliland Iyo Putland..

Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah abwaan si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa shalay soo gaaray Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland isagoo ka soo baqoolay dhinaca Soomaaliland, wuxuuna yimid deegaanada Puntland sidii uu u heshiisiin lahaa maamulada Somaliland iyo Puntland  oo khilaaf waayadan u dhexeeyay.

Abwaan Hadraawi waxa uu kulan kula yeeshay Golaha Wasiirada Puntland Magaalada Garoowe waxa uuna kala hadlay sidii loo soo gebgabeyn lahaa khilaafka labada dhinac sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay dadweyne isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo ururada Bulshada rayidka ah ee deegaanadaas.

Abwaan Hadraawi waxa uu gacan weyn ku lahaa sii deyntii iyo is dhaafsigii maxaabiista ay is dhaafsadeen maamulada Puntland iyo Somaliland labo bil ka hor Maxaabiistaas oo ay isaga qabsadeen dagaalo horey ugu dhex maray deegaanada Yagoori iyo Ari-Caddeeye ee Gobalka Sool, sidoo kale waxa uu Abwaanku kal horey socod loogu magacdaray socodka Nabadda ee Abwaan Hadraawi uu ku maray inta badan dhulka Soomaaliya, gaar ahaan jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Hargeysa isagoo sidoo kalena booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

  • Sacuudiga oo u yeertay danjiraheedii Denmark
    Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa u yeertay danjiraheedii u fadhiyey dalka Denmark kadib markii ay dowlada Kopenhagen ay tixgelinweysay codsigii ay u soo gudbisay ee ah iney raali gareyn ka bixiso aflagadaadii wargeyska denish oo Rasuulka aflagaadeyey warkan ayaa maanta waxaa qortay wakaalada wararka ee Rueters... Guji

WARARKII SHALAY HOOS KA AKHRI....


 

WARARKII JAN 28, 2006

  • Dowladda Mareykanka oo warqad caqli celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.
  • Dowladda Sucuudiga oo dad u dhashay Somaliland uga digtey in ay calanka...
  • Magacyada Tobankii "burcad badeed" ee uu Mareykanku qabtey..
  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta mar kale ku kulmaya Nairobi..
  • 14-Lamaane oo arooskooda ka dhacay Magaalada Marka…

  • Jabhadda Wadniga Xoreynta OGaadeeniya oo soo saartey warbixin..
    • Dhibaatada abaarta oo ka muuqatay gobollo Ogaadeenya ah. 
    • Abaaraha oo carruurta si gaar ah u taabanaya. 
    •  Meles oo lagu soo daray madaxda adduunka ugu keligood talisan.
    •  Wafti caalami ah oo tagay magaalada Jawhar.
    •  Jaraaidka iyo wargaysyada aduunku waxay ka qoreen geeska afrika & gumaysiga Itoobiya.

Dowladda Mareykanka oo warqad caqli celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.


US Ambassador to Kenya William Bellamy| (AFP/File)
US urges Somali unity in rare personal appeals to warlords

Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Danjire Wiliam Bellamy ayaa warqad qoraal ah u kala diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo todobo Wasiir oo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Warqadaan oo uu soo saaray danjiraha ayaa waxay ahayd mid uu ku hadlayay codka Dowladda Mareykanka ayaa mas’uuliyiintaan mid waliba gaarkiisa loo gaarsiiyay warqadan, nuquladan la gaarsiiyay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Wasiirada dowladda oo lagu sheegay mid si toos ah ugu saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa lagu sheegay in ay tahay warqad caqli celin ah oo Dowladda Mareykanka ay kala hadleyso Madaxweynaha sidii uu danaha gaarka ah meel isaga dhigi lahaa isla markaana uu ugu jeesan lahaa hoggaaminta shacabka iyo dal in ka badan 15 sano ah ay ka jirtay Dowlad la’aan isla markaana ay aad ugu baahday is aamindarada ka dhex jirta kooxaha Soomaaliya. “Mudane Madaxweyne waxaana rajayneynaa in aad gaartay oo aadna nala garan doonto in dal aan lagu hoggaamin karin fikir shaqsi, mid Qabiil iyo mid kooxeed, sidaas darteed Dowladda Mareykanku waxay kulula talineysaa in aad ku saleyso hoggaamintaada mid qaran oo aad ka gudubto mid kooxeed ama mid Qabiil isla markaana aad meel iska dhigto danaha gaarka ah oo ah kuwii 15 sano kala dilay Soomaalida” ayaa lagu yiri warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa warqado la gaarsiiyay todobo ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka kuwaas oo iyana lagu booriyay in ay taageeraan heshiiskii Cadan, isla markaana ay xushmeeyaan dhismaha Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa warqad lagu sheegay ogeysiin loo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo lagula socodsiinayo in ay jiraan warqado ay dowladda Mareykanku u dirtay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo C/llalahi Yuusuf, balse lama sheegin in warqadda Guddoomiyaha loo diray lagu faray wax mas’uuliyaad ah sida mas’uuliyiinta kale. Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Mareykanka ay si toos ah uga hadasho xaaladda siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan wixii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagabeeyay wadanka Kenya.

Dowladda Sucuudiga oo dad u dhashay Somaliland uga digtey in ay calanka...

Intii lagu guda jiray gudashadii waajibaakii xajka ee sanadkaan ayaa dad u dhashay dalka la magacbaxay Soomaaliland ay damceen in ay calanka soomaaliland ka taagaan goobo ka mid ah halka ay isugu yimaadeen xujeyda.

Ciidamada Booliiska ee Wadanka Sucuudiga ayaa waxay ku wargeliyeen in aysan mar dambe calanka Soomaaliland ka taagi Karin halkaasi, balse ay qaataan astaanka Calanka Soomaaliya.

Dhamaan dadka yimaada xajka ayaa waxaa astaan u ah calamada wadanka ay ka soo jeedaan si loogu aqoonsado, hase yeeshee dadka ka soo jeeda Soomaaliland ayaan iyagu helin wax aqoonsi ah mar haddii ay caadaadis ay kala kulmeen booliiska dalkaasi Sucuudiga, waxaase qasab ku noqotay qaadashada calanka Soomaali-weyn.

Sidoo kale waxay Dowladda Sucuudiga albaaba u laabtay xafiisyo macmal ah oo ay lahaayeen dad ka soo jeeda Somaliland, waxaana lagu amray in aysan mar dambe dib ugu laaban furashada xafiisyo noocaas oo kale ah, wixii ay u baahdaana ay kala xiriiraan safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sucuudiga.-      

Magacyada Tobankii "burcad badeed" ee uu Mareykanku qabtey..

Iyadoo Mareykanku uu dhawaan gacanta ku dhigay koox "burcad badeed" ahaa oo tiradoodu gaareysay toban Nin, kuwaasoo ka qowleysanayay xeebaha Badweynta Hindiya.

Ciidamada Mareykanka oo haatan ku yaha raggaasi xero milatari oo ku taal Dalka Baxreyn ayaa magacyadoodu waxay kala yihiin C/raxmaan Macallin C/llaahi (Diiwaan), Liibaan Cabdi Cali (Gorod), Xuseen Nuur Cali (Koombirow), Maxamuud Cabdi Faatax, Max’ed Muuse Max’ed (Toore), Xasan Maxamuud Axmed (Xasan Shir-Buqle), Salaad Max’ed Jaamac (Dhagoole), Cawil Max’ed  Maxamuud, Mukhtaar Daba-Cadde iyo Muumin labaale.

Kooxaha burcad badeedka ah ee  ku sugan Magaalada Xarardheere ayaa waxay ku hanjabeen in ay leyn doonaan dadka ay ka soo qabtaan xeebahaSoomaaliya haddii uusan Mareykanku si dhaqsi leh u sii deyn tobankaasi dhallinyaro oo ay sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen xeebaha Soomaaliya.

“Mareykanku waa nagu soo xadgudbay, hadduu xadgudubkaasi naga joojin waayo isaga ayaa mas’uul ka aha wixii ku yimaada” ayay yiraahdeen kooxdaasi. 

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo maanta mar kale ku kulmaya Nairobi..

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda  Federaalka uu mar kale kulan la yeesho guddoomiyaha Baarla-maaka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxa uuna kulankaan uu noqonayaa mid lagu shaaciyo waqtiga uu dhacayo kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarla-maanka.

Kulankaan waxaa ka qaybgali doona xubno ka tirsan labada gole oo ku sugan Magaalada Nairobi iyo mas’uuliyiin ka socota Dowladda Kenya, iyadoo shalay la filayay in Madaxweynuhu uu soo gaaro Magaalada Nairobi, balse uu u baaqday arrimo la xiriira Dowladda Federaalka.

Ilaa iyo haatan lama oga halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya, hase yeeshee warara ayaa waxay sheegayaan in ay u badan tahay in kulanka ugu horeeya lagu qabto Magaalada Baydhabo, hase yeeshee warara kale ayaa waxay sheegayaan in kulankaasi lagu qabto Magaalada Kismaayo, waxayse ku xiran tahay Guddoomiyaha Baarlmaanka oo isagu kalsooni ka haysta xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka.

14-Lamaane oo arooskooda ka dhacay Magaalada Marka…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in xarunta AGoonta ee Ayuub ay ka dhacday xaflad aad u balaaran oo aroos ahayd taasoo la isugu aroosinayay a14-lamaane oo ah Ardayda agoonta ah ee xaruntaasi.

Xafladdaan oo mudooyin-kaan qaban-qaabadeedu socotay ayaa waxaa gacan ka gaystay hay’adda WFL ee ka howlgasha Gobalka Sh/hoose.

Xafladaan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta Gobalka Sh/hoose, madaxda Hay’adaha Samafalka ayaa intaysan xafladdu bilaaban waxaa soo galay 14-kii Lamaane oo laba laba gacmaha isku haysta waxaa u dhacay sacab aad u balaaran.

Hay’adda isku howshay barnaamujkaan ayaa waxa ay sheegtay in lamaanaha aysan ahayn kuwo la isku qasbay balse ay ahaayeen kuwo iyagu is doortay, ma ahan markii ugu horeysay ee xaflad noocaan ah loo qabto lamaane, sanadkii hore ayay ahayd markii 11- lamaane iyana loo dhigay xalaf noocaan oo kale ah, waxaana arrinaan si aad ah u soo dhaweeyay dadweeynaha ku nool Gobalka Sh/hoose.

Jabhadda Wadniga Xoreynta OGaadeeniya oo soo saartey warbixin..

Qoraal ka soo baxay xafiiska Jabhaddu ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo bandhigay dagaalo dhex maray Jabhadda iyo Ciidamada Xabashida laga soo bilaabo 8/12/2005 ilaa 17/1/2006, waxayna dagaaladaasi ka dhaceen Dhanqa oo ka tirsan Gobalka Jigjiga, Gurdumi oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Daratoole oo ka tirsan Gobalka Doolo, Caraweelo oo ka tirsan Gobalka Doolo, Dhiya oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Jiiro Angalo oo ka tirsan Gobalka Nogob, Xamaro oo ka tirsan Gobalka Nogob, Fiiq oo ka tirsan Gobalka Nogob, Bulxan oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Huuraale oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Yucub oo ka tirsan Gobalka Doolo, Qamuuda oo ka tirsan Gobalka Doolo, Waji-Waaji oo ka tirsan Gobalka Qoraxey, Dhagax Madow oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur, Jaleelo oo ka tirsan Gobalka Doolo, waxaana dagaaladaas ciidanka Xabashida guud ahaan looga dilay 160 askari waxaana looga dhaawacay 165 askari, waxaana laga gubay afar baabuur iyadoo la furtay hub iyo saanad Milatari oo aad u badan.

Qoraalkaas ka soo baxay xafiiska Muqdisho ayaa waxaa loogu baaqay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya in ay u adkeystaan dhibaatada baahsan ee Gumeysiga Itoobiya ku hayo, una is taagaan sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryad gumeysiga, sidoo kale Jabhaddu waxay ugu baaqeysaa shacabaka Soomaaliyeed ee xorta ah in ay nagu garab istaagaan halganka aan kula jirno ciidamada Xabashida, isla markaana aad ka digtoonaataan shirqoolada gumeysiga.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2006


Xamaas oo doorashooyinka ka dhacay Falastiin ku Guuleysatay
Ururka Xamaas ayaa cod aqlibayad leh ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay Falastiin.. Guji..

Haamahii Shidaalka  Kismaayo oo dib loo hawlgaliyey
»C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi
»Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.
»Carruur ku geeryootay qarax ka dhacay Caabud Waaq..
»Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa Muqdisho..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Jan 26

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
"Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay" Guji....