SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Shariif Xasan oo Ku Dhawaaqay in Baarlamaanka DFKMG Ku shiri Doono Baydhabo Bisha Feraayo 26keeda...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa maanta (Jan 30) oo Isniin ah shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, 26ka Febraayo ayaana kulankaasi qabsoomi doonaa, sida uu guddoomiyuhu sheegay isagoo isagoo jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

"Kaddib markii wada tashi dhex maray madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo aniga waxaanu go'aansanay in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka lagu qabto Baydhabo.. waxaana kulmi doonaa 26ka Febraayo," ayuu yiri shariif Xasan.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Kenya waxa ay ka kooban yihiin 275 xubnood.

Wararka kale ee maanta hoos ka akhri

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKII JAN 30, 2006

  • Ra’isul Wasaare Geeddi oo lagu qanciyey in aan xilka laga qaadi.

  • Kulankii labaad oo ay yeeshaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Qanyare..
  • Beesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleymaan..
  • Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqey Roob doon …
  • Maanta oo la filayo in lagu dhawaaqo halk lagu qabanayo Kulanka ugu horeeya…
  • Xaflad deeq daawo ah lagu gudoonsiinayo isbitaalka guud ee magaalada Kismayo oo ka dhacday..

Ra’isul Wasaare Geeddi oo lagu qanciyey in aan xilka laga qaadi.

Wararka naga soo gaaray magaalada Nairobi waxey sheegayaan in ay madaxda DFKMG wada hadal ka yeesheen khilaafkii u dhaxeeyey Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah, khilaafkaas oo la xiriiray halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka ayaa maalintii shalay aheyd kulan saacado qaatay waxaa wada yeeshay saddexda mas’uul ee ugu sareeysa dowladda ee kala ah Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in Ra’isul wasaaraha uu ku adkeysanayey in meel aan Jowhar aheyn lagu qaban kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka. Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka waxey ku qanciyeen Ra’isul wasaaraha in kulanka ugu horreeya lagu qabto magaalada Baydhabo, waxaana Ra’isul wasaaraha uu sheegay in kulankaasi uusan waxba u dhimi doonin xilka Ra’isul wasaare ee uu hayo, kaasoo uu si weyn u soo dhaweeyey, Ra’isul wasaare Geeddi, waxaa kaloo Ra’isul wasaaraha lagu qanciyey kaddib markii uu dhacay kulankaasi in dowladda ay si rasmi ah ugu hawl gali doonto magaalada Jowhar kaddibna ay u guuri doonto magaalada Muqdisho, marka la nabadeeyo, sida uu dhigayo heshiiskii Cadan, maanta ayaa la filayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka in ku dhawaaqo halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka taasoo la filayo in ay noqoto magaalada Baydhabo, waxaana magaalada Baydhabo haatan ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta xildhibaanada Baarlamaanka, oo la filayo in maalmaha soo socda loo daad gureeyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

Kulankii labaad oo ay yeeshaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Qanyare..

Wararka naga soo gaaray magaalada Neirobi waxey sheegayaan in habeen hore kulan ay albaabadu u xiran yihiin ay yeesheen Madaxweynaha xukuumadda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax, waxaana kulankaasi la iskula meel dhigay halka lagu qabanaayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha iyo Max’ed Qanyare waxey iska raali geliyeen wixii horey u dhex maray, gaar ahaan intii uu socday loollaankii siyaasadeed ee u dhaxeeyey xubnaha dowladda ee ku kala sugnaa Muqdisho iyo Jowhar, sidoo kale shalay ayey mar kale kulan ay wada yeesheen waxaa la iskula soo qaaday sidii wadashaqeyn xoog lihi u dhex mari laheyd xubanaha dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, wuxuuna Max’ed Qanyare shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo meel alle meeshii lagu qabanaayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.

Beesha Fiqi Muxumad oo dhex dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleymaan..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd Beesha Fiqi Muxumad ay googol u dhigtay Waxgaradka, Nabadoonada beelaha Sacad iyo Suleymaan ee ku sugan Magaalada Nairobi waxaana soo qaban-qaabiyay Suldaan Khaliif Max’ed Maxamuud.

Suldaana ayaa mar uu ka hadlayay sababaha ay u dhigeen goshaan ay tahay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada dhex taala labadaasi beelood ayaa waxa uu u soo jeediyay labada beelood in heshiisyada ay gaaraan ay ka dhabeeyaan.

Waxaa laga soo saaray kualnkaasi baaq loo soo jeedinayo labada beelood oo ah in ay xabadda joojiyaan in wixii khilaaf ah ay ku dhameeyaan wada hadal, waxaana labada beelood u kala hadlay Cabdi Faarax Jaamac iyo Mudane Indha-Cadde, waxayna sheegeen in ay soo dhaweenayaan dhex dhexaadinta beesha Fiqi Muxumad waxaana halkaasi lagu saaray guddi ka kooban dhowr iyo taban xubnood oo tagi doona Gobalada dhexe

Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqey Roob doon …

Waxaa maalmahan jiray qeylo dhaan la xiriirta abaar ba’an oo ku dhufatay gobalada dalka taas oo geystay dhimasho dad iyo duunyo, ayaa waxa maalintii shalay aheyd shir jaraa’id qabtay Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxeyna dadka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay is kaalmeystaan oo ay gurmad u fidiyaan dadka ku waxyeeloobay abaarta.

Sheekh Axmed Max’ud Suleybaan oo ka mid ah Daladda Culimada ayaa wuxuu u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay Soomaaliyeed in ay soomaan afar maalmood si Illaahey ugu fidiyo gargaar isla markaana uu uga qaado dhibaatada.

Waxaa kaloo uu shacabka u soo jeediyey in ay sameeyaan roob doon si uu Illaahey deg deg ugu siiyo roob, isla markaana uga qaado dhibaatada abaarta iyo dagalada sokeeye, waxeyna Dalladu sheegtay in loo baahan yahay in banaanbaxaasi ay ka qeyb qaataan ardayda dugsiyada Qur’aanka, Culimada diinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayna isugu soo baxaan meel fagaare ah si uu Illaahay dhibka uga qaado.

Maanta oo la filayo in lagu dhawaaqo halk lagu qabanayo Kulanka ugu horeeya…

Iyadoo wali uu jiro is qab qabsiga u dhaxeeya xubnaha sar sare ee dowladda gaar ahaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamanka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta Gudoomiyaha Baarlamanka uu ku dhawaaqo halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay goobta lagu qabanayo kulankaasi balse warar ayaa waxey sheegayaan in kulankaasi loo badinayo in lagu qabto magaalda Baydhabo, oo uu ka taliyo Xildhihbaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.

Warar kale ayaa waxey sheegayaan in guddoomiyaha Baarlamaanka laga yaabo muddo kale halka lagu qabanaayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka maadaama uu guddoomiyuhu ku guuleysan waayey in uu xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Xaflad deeq daawo ah lagu gudoonsiinayo isbitaalka guud ee magaalada Kismayo oo ka dhacday xarunta ururka haweenka ee magaalada kismayo  

Munaasabad qurux badan oo deeq daawo ah lagu gudoon siinayay maamulka sare ee isbitaalka magaalada  Kismayo ayaa Axadii (Jan 29) waxaa ay ka dhacday xarunta ururka haweenka magaalada Kismayo ayadoo munaasabadaan ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Dooxada Juba oo ay ka mid ahayeen gudoomiye ku xigeenka maamulk Isbahaysiga mr CabdiRaxmaan xaaji Axmed (Waldiire) iyo gudoomiyha degmada xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carabey ) iyo waliba madax kale oo ka kala socday ururada bulshada iyo siyaasiyiin kale.

Deeqdaan dawada ah ee maanta la gudoosiinayay maamulka guud ee isbitalaalka magaalada Kismayo ayaa  cadadeedu waxa ay hayad laba iyo toban kartoon  oo isugu jira daawo iyo qalabka dadka lagu dhayo  waxaana soo dhiibay hey,ad samafal ah oo lagu magacaabo African serves ayadoo loo soo mariyay ururka haweenka magaalada kismayo oo ay wada leeyahiin xariir wada shaqeyn waxaana deeqdaan la soo gaarsiiyay magaalada kisamyo maalintii shalay ahayd ayadoo maantana ay ururka haweenka gudoonsiiyeen agaasinka guud ee isbitaalka magaalada kismayo DR: Maxamed Cabdilaahi iyo waliba dhaqaatiir kale oo ka socotay isbitaalka.

 

Intii ay socotay munaasabada  deeqdaan dawada ah lagu bixinayay ayaa waxaa goobtii qudbado kala duwan ka soo jeediyay mas,uuliyiintii halkaas isugu timid oo uu ugu horeeyo gudoomiyha degamda xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahri Carabey) isago ugu baaqay dhamaan madaxdii ururada bulshada ee halkaas isugu yimid in ay ka waan toobaan deeqaha ay ka sugayaan hey,adaha samafalka iyo waliba dalalka shisheeye waxaa kaloo uu gudoomiyha eed dusha kaga tuuray ganacsatada reer kismayo iyo hey,adaha samafalka oo uu ku sheegay in ay ka gaabiyeen howlaha lagu tabaruco isbitaalka magaalada Kismayo.

 

Waxaa sidoo kale halkaas qudbado ka soo jeediyay madaxdii kale ayagoo intabada xusay howlaha mutadawacnimo ee uu isbitaalka u qabto bulsho weynta reer kisamyo ayadoo gabagabadii xafladasi uu hadal gaaban ka soo jeediyay agaasimaha gud ee isbitaalka DR: Maxamed Cabdulahi oo sheegay in aysan wax kaalmo ah aysan isbitaalka soo gaarin  dagaalii dhawaan kismayo ka dhacay dabadeed haatana uu ugu baaqayo dhamaan bulshada reer kismayo in ay kaalmo la soo gaaraan isbitaalka oo aysna jirin wax hey,ad ah oo haatan gacanta ku heysa.

 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo Somalia
cabdiqadar84@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2006


WARARKII SHALAY:

WARARKII JAN 29, 2006

  • Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG

  • Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay si toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…

  • Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan Caato iyo Muuse Suudi …

  • Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan nasiib daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii waxaa tababaraya Itoobiyaan..”…

  • Maamul  cusub oo loo dhisay Deegaanka Toortoorow…

  • Dalladda INXA oo Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..

  • Cismaan Caato iyo Max’ed  Jaamac Furux oo ku eedeeyey Dowlad Federaalka  …

  • Abwaan Hadraawi oo  dhex dhexaadinaya Maamulada Soomaaliland Iyo Putland..


Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG

Waxaa maalmo yar ka harsan tahay xiligii lagu waday in la qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa mas’uuliyiintii sarsare ee Dowladda waxay isugu tageen Magaalada Nairobi waxaana ka mid ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Waxaa mudo saacado ah kulan wada lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan waxayna isla meel dhigeen halka lagu qabanayo shirka, kaddib waxaa kulan saddex geesood ah uu dhex maray C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geedi iyo Shariif Xasan waxaana la sheegay in ay wada hadlayeen mudo  saacado ah waxaana laga dareemayay in uu jiro khilaaf ba’an oo la xiriira halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi la sheegay in uu ku gacanseyray hindisaha ay wataan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaaruhu uu ku adkeysanayo in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka lagu qabto Magaalada Jowhar oo uu sheegay in ay tahay magaalo aad u xasiloon lagana helo wixii tasiilaad ah oo uu Baarlamaanku u baahan yahay.

“Haddii uu Baarlamaaku shiro iyo haddii uusan shirinba xarunta Dowladdu waa Jowhar” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi waxaana arrintaani la qaba qaar ka mid ah wasiiradiisa iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).

Shalay ayaa la doonayay in lagu dhawaaqo halka qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, balse warar aan ka helnay Magaalada Nairobi waxay sheegayaan in maalinta isniinta ah lagu dhawaaqi doono goobta lagu qabanayo, warar kale ayaa waxay sheegayaan in khilaafka u dhexeeyay mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda laga yaabo in uu sababi karo in dib loo dhigo mudo dhowr cisho ah kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka iyo halka lagu qabanayo. Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa waxa uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu wado qorshe isaga u gaar ah oo la xiriira keenista ciidamada Shisheeye, taasina waa mid burburineysa heshiiskii ay Cadan ku saxiixdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha, ayuu yiri.

Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay si toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…



Sawirada ay soo bandhigtay Aljaziira.. Guji

Taleefishinka Caalamiga ah ee ku hadla afka Carabiga ee AL-Jasiira ayaa xalay si toos ah looga daawanayay waxyeelada abaarta ee qaar ka mid ah gobalada dalka kaddib markii wariyaal ka socday taleefishinkaas ay booqdeen deegaano ka tirsan Gobalka Bay.

Weriyaha taleefishinka ayaa soo bandhigay xoolo ay abaartu baabi’isay, dad ay macluul badani hayso waxaadna soo xasuusaneynaa xiligii abaartii 1992-dii ee caga bararka, sidoo kale dhulka waxa uu u muuqday dhul ay isugu darsameen qorax, bus iyadoo geedihiina ay aad u qalalee.

Sidoo kale taleefishinka waxa uu sii daayay dad iyo xoolo saf saf ugu jira ceelal ay u soo arooreen oo ku yaala gobalka Bay.

Weriyaha Taleefishinka ee Max’ed Suufi oo isagu taagan dhul baadiyo ah oo ku yaala degmada Wajid ayaa waxa uu wareysanayay dad aad u macluulsan oo ku qaylinaya gaajaa na haysta biyo la’aan ayaa na haysta, qaarkood waxay sheegeen in abaartu ay uga le’deen carruur iyo xoolihii yaraa ee ay lahaayeen, iyadoo taleefishinka uu maalmaha soo socda sii deyn doono barnaamijyo la xiriira abaartaasi.

Iyadoo 1992-dii abaartii ka dhacday Soomaaliya waxaa indha caalamka ku soo jeediyay warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliya.    

Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan Caato iyo Muuse Suudi …

            Waxaa Magaalada Nairobi ku sugnaa mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowlada Federaalka iyo qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowlada waxayna halkaasi ku leeyihiin kulamo ay uga arinsanayaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

            Guddoomiyaha Baarla-maanka oo horey ugu yeeray wasiiraka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax ayaa haatan waxa uu u yeeray Wasiirada kala ah wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato si ay talo  ugu darsadaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaaka.

            Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxa uu shalay ku dhawaaqay in uusan ka qaybgali doonin kulamada ay isugu imaanayaan Baarlamaaka ilaa nabad lagu soo dabaalo beelaha ku dagaalamaya gobalada dhexe oo uu sheegay in ay dowladdu ka gaabisay.

Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan nasiib daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii waxaa tababaraya Itoobiyaan..”…

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan yeeshay ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaas shir guddoominayay Gen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sarasare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana kulakaasi looga arrinsanayay sidii dowladda loogula talin lahaa in ay howlgeliso ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed si ay dalka nabad ugu soo dabaalaan kulankaas oo uu ka hadlay Gen. Max’ed Nuur Galaal ayaa waxa uu yiri “Waa nasiib daro in maanta ay ciidamadeenii tababara siiyaan saraakiil Itoobiyaan ah” waxa uuna intaa sii raaciyay “ciidankaasi Itoobiyaanku tababaraan ma noqon doonaan kuwo dalka iyo dadka daafa, mise waa kuwo  la doonayo in lagu luggooyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”

Maamul  cusub oo loo dhisay Deegaanka Toortoorow…

Shirar is daba joog ah oo ay la haayeen Odayaal Dhaqameedyada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Culuma’u-diinka, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhallinyarada degmada Tooratoorow ee Gobolka Sh/hoose loogana hadlayey xaalada siyaasadeed tan nabad galyo, bulsho iyo dhaqaale ayaa ugu dambayntii waxaa lagu go’aan- saday in la dhiso maamul cusub oo bedela kii hore isla markaana waxa laga bedelo maamulkii hore uga dhisnaa degmadaas.

Shirkaas oo 17/1/2006 ilaa 20/1/2006 ayaa waxaa lagu dhisay Gole maamul oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada Sh. C/Xaaji Xasan Maxaad (Mad Kaadil) iyo laba ku xigeen oo kala ah Cali Maxamed macalin xasan iyo cumarow cusman cabdi (falayley) sidoo kale waxaa loo dhisay duqmagaalo oo lagu magacaabo c/laahi xasan macalin (karta) hal ku xigeen oo lagu magacaabo sh, c/laahi cabdow cusmaan.

Waxaa sidoo kale lagu dhisay shirkaas xoghayeyaal joogto ah oo ka kooban 16,  macalin cusmaan cali (cali kuus), c/laahi cusmaan ibraahim (taula), sh. aadan gurey boorow,  Xuseen Xasan Cusmaan (Xuseen Ganey), Maxamed Gaab Xasan.ibraahim, Cusmaan Cabdi  Xagaleey, Xaaji Axmadeey Gureey, C/naasir SH. Daud, C/laahi SH.Xasan SH.Axmed, Nuurow Boorauy Cali, Aadan Maaxamed Cabdiyoow, Cusmaan muudey ibraahim, Xuseen C/ ibraahim, Coloow Xaaji C/le Cabdi, Cumaan Aadan kulan iyo Cali ibraahim Cusmaan.

Waxaa kale oo la dhisay Maxamed uu gudoomiye ka yahay Sh.C/raaxmaan Maxamed Aadan ku xigeena ka yahay  Sh. Abuukar SH.Maxamed Macalin, iyo kaaliye SH.cabdi Bitow waxaa asaxiixay gudigaan 11 oday dhaqameed oo isugu jiray salaadiin iyo nabadoono ay ka mid ahaayeen suldaan maxamed macalin xasa, suldaan aadan cali macalin iyo suldaan sh. xasan cabdi aadan.

Dalladda INXA oo Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..

Shirweyne 26 urur uga socday xarunta Dalladda isku xirka Nabadda Xuquuqda Aadanaha ee INXA ayaa lagu soo geba-  gabeeyey xarunta hay’addaas ee Magaalada Muqdisho waxaana shirkaas oo socday 3-maalmood looga hadlayey wixii u qabsoomay dalladda sanadkii tagay iyo barnaamijyadda lagu howl galayo sanadka soo socda.

Shirkaan  u soo gebangaboobay Dalaadda INXA waa ka duwanaa shirarkii hore ee ay yeelan jireen ururada ku bohoobay Dalladda INXA waayo waxaa is bedel lagu sameeyey dastuurka Dalladda, waxaa sidoo kale shirkas lagu doortay mar kale maamulkii hore ee dalladda ee uu gudoomiyaha ka ahaa C/Naasir Axmed Cusmaan, ayna gudoomiye ku xigeen ka ahayd Sahro Cumar Maalin waxaa sidoo kale sidoodii loo ansixiyey xubnaha gudiga fulinta dalladda.

Gebangabadii shirkaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay dalladda dib ugu soo biirtay Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman mar la wareystay gudoomiyaha hay’adda Elmnan Eng. Suudaan Cali Axmed waxa uu sheegay in ay dib ugu soo biireen kaddib markii ay la dhaceen maamulka dalladda INXA ee cusub.

Cismaan Caato iyo Max’ed  Jaamac Furux oo ku eedeeyey Dowlad Federaalka  …

Waxaa shalay si wadajjir ah shir Jaraa’id ugu qabtay guriga Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Maxamed Jaamac (Furux) oo Wasiiru dowlaha Badda iyo Dekedaha, waxayna shirkas Jaraa’id kaga warameen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku gareen beelaha ay ka soo kala jeedaan ee dirirtu ku dhexmareyso G/Dhexe.

Waxay sheegeen Wasiiradaani in ay dhaqso ugu ambabaxayaan Gobolada dhexe  si ay u dhexgalaan labada beelood waxay sheegeen inay safar dhulka ah ku gaarayaan Degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobalka Galguduud, sidoo kale waxay Wasiiradaan dhaliil u soo jeediyeen Dowladda ku meel gaark ah.

“Dowlad aan dadkeeda daryeeleyn in aan kulamadeeda ka qaybgalnaa waa qalad”, waxay intaas ku dareen in aysan ka qaybgaleen kulanka Baarla-maanka ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo iyagoo sabab uga dhigay gacan ay weydiisteen Dowladda ku meel gaarka ah si ay u joojiyaan dagaalka ka socda Gobalada Dhexe  isla markaasna ay ka waayeen in ay ka saacido Dowladdu dhaqangelinta heshiiskaas iyo colaada ka socota Gobalada Dhexe.  

Abwaan Hadraawi oo  dhex dhexaadinaya Maamulada Soomaaliland Iyo Putland..

Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah abwaan si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa shalay soo gaaray Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland isagoo ka soo baqoolay dhinaca Soomaaliland, wuxuuna yimid deegaanada Puntland sidii uu u heshiisiin lahaa maamulada Somaliland iyo Puntland  oo khilaaf waayadan u dhexeeyay.

Abwaan Hadraawi waxa uu kulan kula yeeshay Golaha Wasiirada Puntland Magaalada Garoowe waxa uuna kala hadlay sidii loo soo gebgabeyn lahaa khilaafka labada dhinac sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay dadweyne isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo ururada Bulshada rayidka ah ee deegaanadaas.

Abwaan Hadraawi waxa uu gacan weyn ku lahaa sii deyntii iyo is dhaafsigii maxaabiista ay is dhaafsadeen maamulada Puntland iyo Somaliland labo bil ka hor Maxaabiistaas oo ay isaga qabsadeen dagaalo horey ugu dhex maray deegaanada Yagoori iyo Ari-Caddeeye ee Gobalka Sool, sidoo kale waxa uu Abwaanku kal horey socod loogu magacdaray socodka Nabadda ee Abwaan Hadraawi uu ku maray inta badan dhulka Soomaaliya, gaar ahaan jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Hargeysa isagoo sidoo kalena booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

  • Sacuudiga oo u yeertay danjiraheedii Denmark
    Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa u yeertay danjiraheedii u fadhiyey dalka Denmark kadib markii ay dowlada Kopenhagen ay tixgelinweysay codsigii ay u soo gudbisay ee ah iney raali gareyn ka bixiso aflagadaadii wargeyska denish oo Rasuulka aflagaadeyey warkan ayaa maanta waxaa qortay wakaalada wararka ee Rueters... Guji


Dowladda Mareykanka oo warqad caqli celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.


US Ambassador to Kenya William Bellamy| (AFP/File)
US urges Somali unity in rare personal appeals to warlords

Safiirka Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Danjire Wiliam Bellamy ayaa warqad qoraal ah u kala diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo todobo Wasiir oo ka tirsan Dowladda KMG ah.

Warqadaan oo uu soo saaray danjiraha ayaa waxay ahayd mid uu ku hadlayay codka Dowladda Mareykanka ayaa mas’uuliyiintaan mid waliba gaarkiisa loo gaarsiiyay warqadan, nuquladan la gaarsiiyay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Wasiirada dowladda oo lagu sheegay mid si toos ah ugu saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa lagu sheegay in ay tahay warqad caqli celin ah oo Dowladda Mareykanka ay kala hadleyso Madaxweynaha sidii uu danaha gaarka ah meel isaga dhigi lahaa isla markaana uu ugu jeesan lahaa hoggaaminta shacabka iyo dal in ka badan 15 sano ah ay ka jirtay Dowlad la’aan isla markaana ay aad ugu baahday is aamindarada ka dhex jirta kooxaha Soomaaliya. “Mudane Madaxweyne waxaana rajayneynaa in aad gaartay oo aadna nala garan doonto in dal aan lagu hoggaamin karin fikir shaqsi, mid Qabiil iyo mid kooxeed, sidaas darteed Dowladda Mareykanku waxay kulula talineysaa in aad ku saleyso hoggaamintaada mid qaran oo aad ka gudubto mid kooxeed ama mid Qabiil isla markaana aad meel iska dhigto danaha gaarka ah oo ah kuwii 15 sano kala dilay Soomaalida” ayaa lagu yiri warqadda loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale waxaa warqado la gaarsiiyay todobo ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka kuwaas oo iyana lagu booriyay in ay taageeraan heshiiskii Cadan, isla markaana ay xushmeeyaan dhismaha Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa warqad lagu sheegay ogeysiin loo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo lagula socodsiinayo in ay jiraan warqado ay dowladda Mareykanku u dirtay hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo C/llalahi Yuusuf, balse lama sheegin in warqadda Guddoomiyaha loo diray lagu faray wax mas’uuliyaad ah sida mas’uuliyiinta kale. Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Mareykanka ay si toos ah uga hadasho xaaladda siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan wixii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagabeeyay wadanka Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 28, 2006


Xamaas oo doorashooyinka ka dhacay Falastiin ku Guuleysatay
Ururka Xamaas ayaa cod aqlibayad leh ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay Falastiin.. Guji..

Haamahii Shidaalka  Kismaayo oo dib loo hawlgaliyey
»C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi
»Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.
»Carruur ku geeryootay qarax ka dhacay Caabud Waaq..
»Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa Muqdisho..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Jan 26

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
"Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay" Guji....