SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub | Jan 29

Waxaa is soo taraya maalinba maalinta ka danbeysa eedaymaha kulul iyo carada sida joogtada ah ka soo yeeraya dadyowga muslimiinta ee ku dhaqan barriga dhexe, gaar ahaan shirkadaha carbeed ee dalalka Sacuudi Careebiya, Imaaraadka iyo Kuweit ee iyagu heshiis ganacsi la leh Denmark.

Xiriirkan ganacsi ayay u badan tahay inuu waxyeeleeyo, kadib markii mid ka mid ah wargays ka soo baxa dalka Denmark uu si weyn meel uga dhacay maqaamka Rasuulka Muxamed (scw).

Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga


MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH

Maalinimadii arbacada la soo dhaafay ayay ahayd markii muftiga dalka Sacuudiga Sh. Cabcicasiis Aala-Sheekh uu soo saaray fatwo uu ugu yeerayo shirkadaha sacuudiga, iyo guud ahaan ganacsatada muslimiinta inay jaraan xiriirkooda dhaqaale ee ay la leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Denmark, wuxuuna dhinaca kale u soo jeediyay xukuumadda Denmark inay jawaab cad ka bixiso aflagaaddada uu wargayska Jyllands Posten u gaystay Rasuulka (scw), kadib markii uu wargayska mid ka mid ah bogaggiisa ku soo bandhigay sawiro-gacmeedyo gaarayay 12, sawiradan oo aad foolxumaa ayaa lagu sheegay inuu ahaa qofkii ku sawirnaa Nebiga (scw).

Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda

Fatwadaas uu soo saaray muftiga weyn ee Sh. Cabdil-casiis, markay ka soo wareegatay wax ka yar 24 saacadood, ayaa waxay xukuumadda Sacuudiga u yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dalka Denmark, iyadoo sidaas jawaab uga dhigtay carada ay ka muujiyeen sida weyn ee meel looga dhacay muqaddasaatka islaamka.

Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

Waxaa tallaabadaas oo kale sameeyay dalka Kuweit oo sidoo kale uu yeeratay safiirkooda, halka maanta oo axadna (Jan 29) gebi ahaanba albaabada loo laabay safaaraddii Libya ay ku lahayd Copenhagen, xarunta dalka Denmark. Waxay arrimahan oo dhan jawaab uga dhigeen carada weyn ee ay ka muujiyeen sawiro-gacmeedyadii lagu been-abuurtay Rasuulkeena Muxammad (scw) oo ka hufan dhammaan xad-gudubyadaas foosha xun ee ay isaga u nisbeeyeen.

Guud ahaan, saxaafadda Denmark ayaa maalmahan si weyn u hadal haya dhibaatada uu sababay wargayska Jyllands Posten, iyadoo la sheegay inay jiraan warshado iyo shirkado deenish ah oo muujiyay walaaca iyo khasaaraha dhaqaale ee iyaga la soo gudboonaatay, kadib markii shirkado carbeed ay gebi ahaanba jareen xiriirkii dhaqaale ee ay la lahaayeen, waxayna shardi uga dhigeen inuu sii socdo xiriirkooda ganacsi in xukuumadda Denmark iyo wargayska Jyllands Posten ay cudurdaar cad ka soo saaraan arrimaha sawiro-gacmeedyada, taasoo aan ilaa iyo hadda aan si dhab ahaan loo arag. Shacabka Sacuudiga ayaa waxaa taleefannada gacanta ee Cellphone-ka ah loogu soo dirayay oraahyo ay ka mid yihiin "ha gadanin alaabta laga keeno Denmark iwm", iyadoo dhinaca kalena la sheegay in boqolaal shaqaale u dhashay Denmark ay khatar ugu jiraan in laga eryo shaqooyinkooda, kadib markay la soo gudboonaatay dhibaatadan dhaawacday ganacsigoodii.

Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay


iibsanmayno alaabaha lagalaga keeno Denmark, ayaa kuqornaa

shacabka Sacuudiga oo joojiyay in ay gataan alaabaha Denmark lagakeeno

Hans Skov Christensen

Warshadda caanaha ee Arla ee laga leeyahay Denmark ayaa wargayska Politikenee Denmark ka soo baxa daabacay maalintii dorraad ahayd ee ay bishu ahayd 27-ka jannaayo, in warshaddaas Arla ay khasaaraan maalin walba lacag gaaraysa toban malyuun oo lacagta Dk, tanoo u dhiganta lacag lagu qiyaasay 1 malyan iyo 600,000 USD ($1.6 Million). Guud ahaan, waxay warshadda Arla u dhoofisaa sannad walba badeeco lagu qiyaasay ilaa 3 bilyan oo lacagta deenishka ah. Arla oo keliya ma ahan shirkadaha deenishka ee khasaarahaan la soo gudboonaatay, waxaa kaloo jira kuwo kale sida shirkadda dhoofisa daawada ee loo yaqaano Novo, waxay maanta shaaca ka qaadeen inay khasaarayaan ilaa 50 malyuun sannadkan aynu ku jirno, una dhiganta ilaa 8,4 malyan oo USD, iyadoo ay jiraan sharikado kale oo iyagana lala socodsiiyay in xiriirkooda dhaqaale ee ay la lahaayeen dalalka Kuweit, Qatar iyo Imaaraadka uu hakad galay, waxayna sabab uga dhigeen siday dowladda Denmark uga aamustay aflagaaddadii ay qoreen wargayska Jyllands Posten.

Khasaarahan intan le’eg, waa tan keentay inuu madaxa warshadaha Denmark Hans Skov Christensen uu si toos uga codsado wargayska Jyllands Posten caddaymo la xiriira sababta keentay fidinta sawiro-gacmeedyada sababtay inay si weyn u dhaawacdo dareenka dadyow tiro badan oo muslimiin ah. Sidaasoo kale, madaxa xisbiga bahwadaagga la ah dowladda ee Konservative-ga ayaa wargayska u soo jeediyay inay cudurdaar ka bixiyaan aflagaaddada weyn ee ay sida weyn u dhaawacay dareenka iyo muqaddasaatka muslimiinta.

Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

Safiirka Denmark ee u fadhiya dalka Sacuudiga ayaa si weyn dhaleecayn ugu soo jeediyay wargayska Jyllands Posten, wuxuuna isagoo shaleey waraysi siiyay taleefishin laga leeyahay Mareekanka sheegay in wargayska JP uusan dhibaataynin keliya muslimiinta ku dhaqan dalka Denmark, ee uu si weyn u dhaawacay malaayiin muslimiin ah oo ku kala nool dunida daafaheeda kala duwan. “waa wax aad loola yaabo in wargays si private loo leeyahay uu sidan weyn dadyow u dhaawaco, ma aha oo keliya muslimiinta Denmark, ee waa muslimiinta meel walba ku nool” ayuu yiri Hans Klingenbjerg oo ah safiirka Denmark u fadhiya dalka Sacuudiga. Hadalkan ayaa wuxuu caro weyn ku abuuray xisbiga xag-jira ee Dansk Folkeparti oo ku tilmaamay inuu safiirka ka soo horjeestay siyaasaddii uu dalkiisa u metalayay.

Calankii Denmark oo la gubay


calankii Denmark oo lagubayo

Calankii Denmark oo ay caruurta falastiiniyiinta ku korsocdaan

Maanta oo axad ah (Jan 29), ayaa loogu hadal badnaa saxaafadda Denmark arrimaha la xiriira jawaabaha ay muslimiinta ka bixiyeen sawiro-gacmeedyadii ay daabacday wargayska JP, iyadoo maanta la inka tusayay tv-yada iyadoo dhalinyaro falastiiniyiin ay gubayaan calanka deenishka, ayna ku hanjabayeen inay beegsan doonaan shacabka deenishka ee dalalkooda booqashada ku yimaada, si ay falkaas ay jawaab uga dhigaan ayay yiraahdeen sawiradii meel-ku dhaca ku aha Rasuulka (scw). Wasiirka arrimaha dibadda dalka Denmark Per Stig Møller ayaa welwel weyn ka muujiyay xiisaddan sii kordhaysa, wuxuuna shaaca ka qaaday gelinkii danbe ee maanta in wasaaradda arrimaha dibadda ee Dk ay berito oo isniin u diri doonto dalalka Khaliijka wafdi la kulmi doona madaxda dalalkaas.

Xukuumadda Norwey ayaa iyadu cudurdaar u gudbisay dadyowga muslimiinta, kadib markii wargays ka soo baxa dalkeeda uu soo daabacay sawiro si weyn meel uga dhacay Rasuulka (scw), halka xukuumadda Denmark iyo maamulka wargayska Jyllands Posten aynan weli wax cudurdaar ah ka bixin.

Xisbiga labaad ee social-ka ayaa weli ku celcelinaya inay habboonaan lahayd inuu Ra’iisal wasaaraha la kulmo muslimiinta Dk, isla markaasna mowqif cad uu iska taago sawiro-gacmeedyada caro-geliyay guud ahaan muslimiinta.

JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)
Waxay ahayd 30-kii bishii sibteembar ee sannadkii tagay, markii wargayska afka dheer ee lagu magacaabo Jyllands Posten soo bandhigay 12 sawir-gacmeedyo oo lagu sheegay inay ahaayeen Rasuulka (scw), kuwan oo oo aad u foolxumaa, isla markaasna mid welibana u taagnaa macno aan u qalmin Xabiibka sharafta badan ee Muxammad (scw)... Warkan oo dhan akhri... Guji...

DENMARK IYO JP OO WAX RAALLI-GELIN U EG BIXIYAY

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub


Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 
Xiisada ay dhalisay aflagaadada aan geed ku gabashada laheyn ee u geystay wargeyska lamagac baxay Jylland- Posten ee dalka Denmark ayaa la islahaa waa uun demi doontaa haddiiba ay madaxda wargeyskaasi ay cudurdaar aan rasmi aheyn jeediyeen warqad furana ay u direen dadka Sacuudiga islamarkaasina ay ku soo qoreen wargeys ku sheegooda iyagoo sheegaya iney ka xun yihiin wixii dhacay, ayaa hadana wararka laga helayo marinka Qaza ee dhulalka Falastiiniyiinta sheegayaan in kooxaha mujaahin- Al Aqsa ugu baaqeen dadka asalkoodu ku soo jeedo Denmark, Sweden iyo Norway iney 72 saac ee soo socota ay uga baxaan  Falastiin.Sidoo kale kooxaha Islaamik Jihaad ayaa iyaguna ugu baaqay dadkaasi iney gebi ahaanba 48 saac gudahood uga baxaan haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.
 
Saraakiil matalaya wasaarada arrimaha dibada dalka Denmark oo haatan ku sugan Raammallah ayaa iyagoo xaqiijinaya warkan dhiilada leh ku tilmaamay "Biriq si kedis ah uga soo dhacday cirka oo aan caad laheyn" Maanta wadooyinka Nablus waxaa lugu arkayey falastiiniyiin careysan oo gubayey calanka Denmark waxaana ay ku hanjabeen iney waxyeelo u geysan doonaan dadka Denish-ka ah.
 
Qoraalo looga dalbanayo Urrurada ugu waa weyn ee dunida muslinka ayaa laga codsaday iney gollaha amaanka Qaramada Midoobey ugu gudbiyaan baaq ah iney kasoo saarto qaraar ku saabsan ku xadgudubka ay Denmark ku sameysay ixtiraamka diimaha caalamka ka jira, Mas''uuliyiin ka tirsan Jaamacada Carabta ayaa dhinacoodana waxey u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP iney soo gaareen dhambaalo looga codsanayo iney u gudbiyaan gollaha Amaanka sikulankooda ugu horeeya kaga munaaqishoodaan.

Dowlada Liibiya ayaa wakaaladeeda wararka sheegtay in Liibiya ay xirtay safaaradeedii ay ku laheyd kopenhagen sidoo kale waxey xustay wakaaladu wax u eg cuno qabateyn lugu sameeyo badoocooyinka Damark inay dowladu qorsheyneyso.

 
Madaxweynaha Afgaanistaan Xamid Karzai oo haatan booqasho ku jooga dalka Denmark ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in loo helo xal arrintan walaaca leh waxaana uga digay wargeysyada Denmark iney ka foojignaadan waxyaabaha ay qorayaan gaar ahaan diimaha oo uu sheegay iney ixtiraam u muujiyaan.

Diblomaasiyiinta dalalka Iskaandaneefiyanka oo arrinta ku saabsan iney ka baxaan dhulalka Falastiiniyiinta u arag wax weyn ayaa hoosta ka xariiqay iney tahay arin qatarteeda leh, wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa saraakiil ku sugan waxey sheegeen ineysan howlihii diblomaasiyiintooda bariga dhaxe ka wadeen aysan wax iska badalin balse waxey ugu baaqeen shaqaalahooda iney taxadaraan.

 
Dalka Denmark ayaa iyadana wararka ka imanaya sheegayaan in "dadkoo dhan isku wada careysan yihiin" taasoo salka ku heysa cuno qaboteynta lugu soo rogay badoocooyinkooda. Axsaabta siyaasadeed dalkaasi ayaa qaba in wargeysyadu xadkooda ka baxeen waxaana ay ra'iisal wasaaraha dalkaasi ka codsadeen inuu si deg deg ah ku maareeyo xiisada taagan ee wargeyska Jylland- Posten abuuray.
Wargeyskan lugu magacaabo Jylland- Posten ayaa warqad furan oo u diray dadka sacuudiyiinta ah codsaday raaligareyn iyo waxa uu ku sheegay iney fahan darro keentay kartuun ay ku aflagaadeynayeen Nabi Muxamed NNKH oo tafaftiruhu ku sheegay iney timid xilli dood weyni ay jirtay oo wargeysku cabriyey fikirkiisa ku aadan xorriyada saxaafada.
 
Bishii september ee sanadkii hore ayuu wargeyskaasi sawiray kartuuno uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH kuwaasoo mid kamid ah muujiniya Rasuulka ay cimaamad bambo ah madaxa ugu xiran tahay. Sawiradaasi foosha xun ayaa muslimiinta dalkaasi iyo guud ahaan dunida Islaamkaba si weyn ugu careysiisay waxaana ay dowlada dalkaasi ka codsadeen iney talaabo ka qaado wargeyskasi balse jawaabaha dalkaasi ka imanayey ayaan iyagu habayaraatee qiimeyn codsiyadii loo soo jeediyey, balse haatan oo arrini farraha ka baxday ayey qasab ku tahay dowlada dalkaasi iney maareyso mushkilad ay sahashaneeyeen. 

Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

 

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten
Haba soo daahdee ugu dambeyntii wargeyskii aflagaada darran u geystay Nabi Muxamed NNKH ee dalka Denmark ayaa wax u eg raali gareyn  iyo warqad furan u diray boqortooyada Sacuudi Careebiya waxaana lagu soo qoray wargeyska qeybtiisa internet-ka. Warqadan furan oo lugu sheegay "Sixid isfahan darro" ayaa lugu qoray afafka carabiga iyo denish-ka iyadoo weliba afka carabiga yahay mid la diray dadka Sacuudiga sida uu wargeysku sheegay. Hadaba nuqul kamid ah qoraalkaasi afka carabiga ku qoran oo aan soo akhriyey ayaa waxeyna u qorneyd sidan. [ARABIC VERSION]
 
"Ku: muwadaadiinita boqortooyada Sacuudi Careebiya.
Iigu ogolaada Munaasabadan (fursadan) si aan u saxo isfahan darrada jirta oo ka timid sawiro kartuun ah oo Nabiga Maxamed ah, taasoo keentay inaad goysaan alaabooyinkii Denmark.
Sawiradan kartoonka ah oo lasoo daabacay muddo afar bilood ka hor ah, waxey aheyd dood furan oo Denmark  ka jirtay kana tarjumeysay cabirka fikir iyo xuriyatal qowlka. Waana xaq aan ku cabireyno inuu muhiim u yahay Denmark.
Sawirkaasi lasoo bandhigay wuxuu u muuqday mid loogu danlahaa muslimiinta Denmark iyo guud ahaan caalamka Islaamka waana mida aan doonayo in la saxo. Ujeedadu wargeyskuna maaheyn mid  wax loogu dhimayo dadka diimahooda waan ka xumahay waana mida dhacday iyadoon ujeedadu  sidaas aheyn.
Annaga (bahda wargeyska) arrintaasi waan ku raali gareynay dhowr jeer bilihii ugu dambeeyey wargeyskeena, wargeysyada kale, talefeyshinka, raadiyaha iyo warfaafinta caalamiga ah. Sidoo kale waxaanu kulamo la yeelanay jaaliyadaha muslimiinta Denmark iyadoo jawi is garasho ku dhamaaday sidoo kalena ku baaqnay kulamo kale oo aan la yeelano muslimiinta Denmark guud ahaantood si looga doodo arrintan.
 
Hadaanu nahay bahda Jylland Posten waxaanu ka xunahay in mowduucu heerkaas gaaray, sidaas daraadeed waxaan (annagu) markale ku celineynaa (leenahay) in u jeedayadu aanu aheyn inaan qofna wax u dhino waxaanu ictiqaadsanahay hadaanu nahay mujtamaca guud ee Danmark in la ixtiraamo diimaha kala duwan ee xorta ah"
 
Carsten Juste
Tafatiraha wargeyska Jylland- Posten 
 
ENGLISH:::

Muslims Step Up Product Boycott Over Danish Cartoons

Hadaba raaligareyntaas laga waayey madaxda siyaasadeed ee dalkaasi ayaa u muuqata iney u sabab tahey xayiraadii ay dowlada Sacuudiga ku soo rogtay badeecooyinka ka yimaada dalka Denmark islamarkaasina lugu daminayo xiisada diimeed uu dhaxeysa Denmark iyo guud ahaan musliminta caalamka oo ay haatan Sacuudi Careebiya hormuudka ka yahay.

Wasiirka Arrimaha dibada dalkaasi Per Stig Möller oo ka hadlayey arrintan cawaaqib xumada ka imaan karto hadaan xal siyaasadeed laga gaarin ayaa warmurtiyeed uu soo saaray ku sheegay iney tahay mid dhibaatadeeda leh waxaana uu sheegay in maalinta isniinta wa (Jan 30)uu hordhigi doono kulanka ay wasiirada arrimaha dibada midowga Yurub iskugu imanayaan si looga munaaqishooda mowduucan oo uu u arko in Danmark dhaqaalaheeda saameyn ku yeelan karto. Sidoo kale war laga helay wasaarada arrimaha dibada ayaa lugu sheegay in wasiirku u socdaalayo dalka Kuweyt si bal mowduucan xasaasiga ah ugu munaaqishoodo madaxda dalkaasi.

Qoraalkii Tafatiraha wargeyska Jylland- Posten oo  Carabi ah: http://www1.jp.dk/indland/doku/jp_aabent_brev.pdf

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2006


BOQORADDA DENMARK: WAA IN AYNU ISLAAMKA HOR ISTAAGNAA! (15/04/050
Boqoradda ka talisa dalka Denmark ayaa ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan muslimiinta dalkeeda jooga.

Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa layaabka dunida.

Jariidadda kasoo baxda UK ee “The Daily Telegraph” ayaa caddadkeedi 15/04/05 ku tilmaantay in boqoraddu ay kharribtay sawirkii Denmark laga haystey oo ahaa in ay tahay “jannadii xorriyadda” ee dadka nolosha cusub doonayaa ku soo hiran jireen.

Boqoradda ayaa iyadoo u hadlaysey si ay kalsooni ka buuxdo tidhi: “Sannadahaanba Islaamka ayaanu la halgamayney, caalami ahaan iyo maxalli (lookal) ahaanba. Arrintu waa halgan, waana in aynu si dhab ah u qaadannaa” ayay tidhi iyadoo ku sii dartay “arrintan muddo dheer ayaannu iska dayney oo aanaan wax ka qaban, sababtoo ah dulqaadkii iyo liidnimadii ayaa naga badatay” waxay Margrethe II intaas sii raacsiisay “xukuumaddu waa inay wax ka qabato, oo hannaan kan hadda jira ka fiican kula dhaqanto, waa haddii aynu fahamsannahay waxa aynu la lagdamayno” ... AKHRI...


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen

JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)

SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN


GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 


DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji...


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD