SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - NORWAY

GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 

Laga soo billaabo markay Soomaali badan u soo qaxeen dalalka galbeedka, waxaa jiray wiilal iyo gabdho soomaaliyeed oo nasiibkooda guur la galay dadyow shisheeye oo wato luqado, dhaqamo iyo diimo kale oo ka duwan kan ay soomaalida ay abid ku abtirsan jireen. 

Haddaba, waxaa weekend-kii tagay ii suurto gashay inaan ku booqdo magaallada Stavanger, koonfurta dalka Norwey wiil soomaaliyeed oo xaaskiisa ay ka soo jeeddo dalka Colombia, koonfurta Ameerika. 

Gabadha magaceedu waa Astrid Osorio. Waa 25 jir, waxay dalka Norwey timid iyadoo 9 jir ah, weliba waxaa soo korsaday qoys ka soo jeeda Colombia oo dalka Norwey degganaa sannado badan. 


Astrid, Abdinasir iyoAdam

Wiilka soomaaliyeed waa Cabdinaasir Farah Cilmi Shidde oo 26 jir ah. Wuxuu dalka Norwey yimid isagoo 13 jir ah, wuxuu ku soo barbaaray, isla markaasna uu dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sareba ku dhammeeyay isla magaallada Stavanger, dalka Norwey. 

Si maamuus iyo qaddarin leh ayay iigu soo dhoweeyeen gurigooda, intaan fadhiyay guriga, cabitaanka iyo adeegga kale noo qabanayay Astrid Osorio, halka Cabdinaasirna uu igu wehelinyay sheekada la xiriirta qaabka iyo sidii ay ku wada kulmeen isaga iyo xaaskiisa Astrid.  

“waxaa laga joogaa 5 sanno markii aan bartay xaaskayga, mana ku fekerin weligeey inaan guursan doono gabar aan soomaali ahayn” ayuu yiri isagoo dhoola-caddayna, wuxuuna intaas ku daray “xiriirkeenii hore waxaa asal u ahaa dabeecadda dhalinyaranimada ee ka jirta galbeedka, hase ahaatee dareenkayga danbe wuxuu ahaa inaan bal marka hore kala doodo waxa ay islaamka ka aaminsan tahay” ayuu raaciyay, wuxuuna intaas kadib ku dadaalay sidii uu laf ahaantiisa ugu dadaali lahaa barashada diinta islaamka iyo inuu markaas ku dhaqmo waxay ay diintiisa farayso. 

“run ahaantii dhalinyaradaydii kuma aanan fiicnayn ku dhaqanka diinta, hase ahaatee innagoo xiriir saaxiibtinimo lahayn ayaan safar aan aaday kadib billaabay inaan naftayda la xisaabtamo, su’aalihii ugu weynaa ee igu soo dhacayay ayaa u badnaa sideed u nooshahay salaad la’aan, ma sidaan aad u nooshahay ayaa kuu wanaagsan iwm” ayuu yiri Abdinasir, dabadeedna wuxuu billaabay inuu tukado salaadda, gabadha ay saaxiibada ahaayeena u hadiyeeyo kitaabo iyo buugaag ka hadlaya diinta islaamka. 

“waxaan xasuustaa inaan ku iri, waxaan doonayaa inaad si fiican uga fekertid inaad muslim noqotid iyo inkale, maxaa yeelay haddaad rabtid inaad noqotid xaaskayga oo uu xiriirkeena sii socdo waa inaad soo gashaa diinta islaamka” ayuu ku iri, iyadoo ay jirtay jacaylkii weynaa ee dhexdooda soo jiitamayay sannado badan. 

Kadib markii Cabdinaasir uu go’aankaas weyn qaatay, ayaa Astrid waxay go’aansatay inay ka fiirsato xiriirka iyo jacaylka ay u hayso isaga, waxayna sideedaba jartay xiriirkii Cabdinaasir muddo billooyin ah.  

“markii ay ka soo wareegatay aragtidii iigu danbeysay Astrid qiyaastii 4 billood, ayaa waxaan ka helay taleefan, iyadoo ii sheegtay inay doonayso baaritaan ay ku samayso islaamka, taasi waxay igu beertay farxad weyn, sababtoo ah waxaan ku taamayay inuu xiriirkeena sii socdo, maadaama aan dhab-ahaantii aan uu naftayda sameeyay jacaylkeeda” ayuu yiri iyadoo xiriirkii danbe ee Astrid-na ay ku beertay farxad iyo yiddiddiilo weyn. 

Waxay Astrid tiri iyadoo arrintan iiga sheekeenaysa hadalladii ay Cabdinaasir ku tiri maalmahaas “Oo sidaas miyaad iigaga tagaysaa, miyaadan i guursanaynin, hadda kama jawaabi karo, inaan qaadanayo diinta islaamka iyo inkale, hase ahaatee waxaan kaa ballan qaadayaa inaan daraasad kooban ku sameenayo diinta islaamka, waan aqrin doonaa, kadibna waan kula soo socodsiinayaa” ayay igu tiri Astrid oo ka sheekeenaysa billowgeedii markii ay ku fekertay inay wax ka ogaato diinta islaamka. 

Sheikh Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey 87-jir
K/Afrika: Daacigii caanka ahaa, dood-yahankana ahaa, Sheikh Ahmed Hoosen Deedat (Axmed Deedat) ayaa maanta oo Isniin ah geeriyoodey.. Guji... 8/8/05

“waxaan booqday webside-yada islaamka ka hadla ee ku qoran luqadda spanishka, hase ahaatee wixii aad ii soo jiitay ayaa waxay ahaayeen cajaladihii Sh. Ahmed-Deedaat ee aan daawaday, sidii dheellitirnaa ee uu isugu bandhigayay diinta islaamka iyo kirishtaanka, waxaan si kooban kuu oran karaa, waxaa si weyn ii saameeyay qaabkii wanaagsanaa ee uu Deedaat u qeexayay diinta islaamka” ayay tiri Astrid oo si xishood wadata u muusoonaysay, waxayna iyadoo ku faraxsan kuna qanacsan ugu soo biirtay diinta islaamka. Waxaan bareeg yar ku qaadanay cabitaankii iyo macmacaankii ay noo soo bandhigtay Astrid oo si wacan ugu asturnayd xijaabkii ay xirnayd. 

Astrid oo ila kaftamaysa ayaa igu tiri “dhaqanka dadkeena (colombia-nka) iyo kan soomaalida waxay ka midaysan yihiin fur-furnaanta iyo nolosha bulshannimo, waan ku faraxsanahay inuu ninkayga noqday soomaali” ayay tiri Astrid, waxaana innagoo bareegii ku jirna sii wadanay sheekadeenii.. 

Abdinaasir F. Cilmi Shidde iyo Astrid Osorio waxay is guursadeen labo sanno kahor. Billooyin yar kahor ayay ahayd markii uu Illaahay siiyay qoyskan wiilkoodii ugu horeeyay, ayna u bixiyeen Adam. Intaan waraysanayay qoyska Abdinasir, waxaa sheekada iyo waraysiga hareereenayay oo garab-socday qosolka iyo cayaarta Adam oo isagu ah wiil farxad badan, ayna wejigiisa si weyn uga muuqatay bashaashnimo weyn. 

Abdinaasir Farah waa shaqaale iyo arday dhigta jaamacadda, halka Astrid ay ka shaqayso xarumaha lagu xanaaneeyo waayeellada. Waxay Astrid xiriir wanaagsan la leedahay guud ahaan jaaliyadda soomaalida ee Stavanger, waxay duruus diinni ka qaadataa masjidka soomaalida ee Stavanger ku yaala, halka qoyska ay adduunka ku leedahay ay yihiin reerka Cabdinaasir.

 

“hooyaday iyo walaalahay waa kuwa Cabdinaasir, dabcan waan qaddarinayaa qoyska i soo barbaariyay ee i korsaday, haddana maadaama aanan garanaynin waalidkaygii dhabta ahaa, waxaa ii waalid ah waalidka Cabdinaasir” ayay si deggan u tiri Astrid oo aan dareemayay inay indhaheeda ilmo ka soo buuxsamayeen markay ka sheekeenaysay sidii ay ugu guuldaraysatay inay hesho hooyadii dhashay. 

“2 sanno kahor ayaan Colombia aaday, waxaan muddo raadinayay hooyadii i dhashay, dad kala duwan ayaan weydiiyay, laakiin ugu danbeyntii waxaas oo dadaal ah waxay ku dhammaadeen guul-darro” ayay si naxdin laga dareemayo iigu tiri. “su’aasha aan doonayay inaan weydiiyo markaan la kulmo waxay ahayd, hooyo maxaad iiga tagtay, miyaadan i jeclayn, waa maxay denbiga aan kaa galay, miyaanan xaq u lahayn inaan lahaado waalid aan ku nasab sheegto sida dadka kale, maxay ahaayeen sababihii dhaliyay inaad igu wareejisid dad kale oo aanan qaraabadayda ahayn” ayay si tiiraanyo leh misna u tiri, waxayna intaas raacisay inay jiraan dad yaqaana hooyadii i dhashay, hase ahaatee aanan doonaynin inay ii sheegaan. 

Wuxuu sannadkan Cabdinaasir doonayaa in isaga iyo hooyadiiba ay gutaan Xajka, halka uu mustaqbalka dhow-na ay misna Astrid jeceshahay inay gudato waaibka Xajka, isla markaasna ay labadoodaba u guuraan mid ka mid ah dalalka islaamka.

Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD