SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD: AP  | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | Times.ukTimeGuardianVOA | WallStreet | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | ISlamOnline.IOL  | Australia.News  |  IndependentCanadian.Press | China.News | Japan.News  |  Whitehouse.News | Mirror
 MID EAST: IslamTodayArabNews  | Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | Middle.east.online | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai.News |  

WARAR KOOBAN

iraq Qarax muujinaya hub lagu qarxiyey saxaraha, hubkaas oo ay lahaayeen ciidanka ciraaq ee ka tegey Umm Qsar, sida ay werisey AP

Iimaamada Sucuudiga oo Bilaabay Qunuud:
Sida ay wersey Arabnews, waxaa imaamamada sucuudigu ay  bilaabeen ducada Qunuuda oo ay ugu ducaynayaan Ciraaq. Ducadaas lagu akhriyo salaada dhexdeeda oo ah tii uu Nebi Muxamed (scw) akhriyey kaddib markii qabiil Carab ahi dileed dhawr saxaabadii rasuulka ah, intii ka dambeyseyna ducadaas waxaa la akhriyaa markii Umadda ay soo wajahdo dhibaato. arabnews
 

Mudaharadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq
sida ay werisey warbaahinta Japan waxaa Axadii mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq laga dhigay Osaka-Japan, Jakarta-Indonesia, Beijing-China, Peshawar-Pakistan. Dadka Axadii ku bananbaxay Peshawar  waxaa lagu qiyaasay 100,000 ilaa 200,000.. eeg kyodo
Sidoo kale IOL waxay werisey in mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq ka dhaceen Spain, Morocco, Turkey, Egypt, Israel, Palestine, Pakistan, United States, Indonesia, China, South Africa, Bulgaria, Romania , iyo magaalooyin kale oo kamid ah Yurub, Sudan, iyo South Korea.. eeg islamonline [sawirka IOL] 

iraq
Sawirkan reuters wuxuu muujinayaa oday reer Ciraaq ah oo horfadhiya gurigiisii oo duqayn lagu burburiyey, waxa uu gurigiisu ku yaaley kasoo horjeedka xarunta isgaarsiinta Ciraaq ee la dueeyey reuters [march 30, 2003]

....Sawiro dagaalka Ciraa...

Kuwait: Dareewal Gaari ku qarxiyey Askar Maraykan ah:
Dareewal aan haybtiisa la sheegin ayaa gaari weyn oo watey ku qarxiyey askar Maraykan ah dalka Kuwait. 6 askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaas sida uu sheegay TVga Canada ee CBC... . Warar kale ayaa sheegay inninkaasi u dhashay dalka Masar.

Wararka kale ee TV-ga Canada weriyey waxaa kamid ah in askari maraykan ah uu dhintay kaddib markii uu maray gaari ah nooca dagaalka ee loo yaqaan Humvee. Askari kale ayaa dhintay kadib markii gaari uu kula dhacay meel biya mareen ah (ama kanaal).  CBC...  

Janaraal Ciraaqi ah oo la qabtay:
iraq sidaas waxaa qoray jariidada times ee kasoo baxda dalka Ingriiska, waxna la sheegay in janaraalkaas lagu qabtay Basra.. times  

Ciraaq oo Sheegatay in ay soo ridey laba diyaaradood oo Marayku leeyahay:
Wasiirka saxaafada Ciraaq, Mohammed Saeed al-Sahaf, waxa uu saxaafada u sheegay in Ciraaq so ridey laba diyaaradod oo ah helicopter, mid waxaa lagu soo ridey Basra , tan kalena Khazaf
CBC.TV  

Ciraaq oo ka hadashay dadka isbiimaynaya, sheegtayna in ay bilowday dagaalkan cusub Daawo Halkan.. AbcTV Australia

ABU.DHABI.TV: VIDEO

Wargeyska Newsweek oo qoraal dheer ka qoray TV-ga Al Jazeera ka akhri NewsWeek

Rumsfeld's Role as War Strategist Under Scrutiny Reuters..

Rumsfeld Says No Plan for 'Pauses or Cease-Fires' Reuters.  

VIDEO: ITV | Reuters TV  ABU-DHABI.TV | CANADA.TV | SaudiTV | BBC.TV | TRANSLATOR 
MAP: Khariidada Ciraaq | TAARIIKHDA CIRAAQ
 CIRAAQ: MAALINTII 11aad | 10aad |  9aad | 8aad | 7aad |  6aad   | 5aad  | 4aad3aad | 2aad & 1aad

ITALIAN: RAI.RADIO.LIVELA GUERRA IN IRAQ | Corriere Della Sera | Televideo.rai

VIDEO ITV: DAGAALKII UGU KULULAA OO KA DHACAY AL-NASIRIYAH

VIDEO: Baqdaad iyo Isniintii... Daawo AbudhabiTV 

HADDA.SOCDA:LIVEABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

WARARKA CIRAAQ: MARCH 31, 2003

  • Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.

  • Baqdaad oo Xalay aad loo duqeeyey

  • iyo wararka kale ee Maanta iyo Ciraaq

March 31, 2003

 

Mubarak: Dagaalka Ciraaq waxaa ka soo bixi doona '100 Bin Laden'.

Madaxweynaha Masar, Xusni Mubaarak [Hosni Mubarak] ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dagaalka Ciraaq ee uu Maraykanku hogaaminayo uu soo saari doono "boqol bin laden cusub" kaas oo muslimiin badan ka dhigi doona dagaalyahano kasoo harjeeda reer galbeedka, sidaas waxaa werisey reauters.

"Marka uu dhammaado, waaba haddii uu dhamaadaaye, dagaalkani wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xumo aad u weyn" ayuu Mubarak u sheegay ciidamada  masaarida ah ee jooga magaalada Suez. "Halkii aan ka hayn lahayn hal  (Osama) bin Laden, waxaan hayndoonaa 100 bin Laden," ayuu ku daray Mubaarak.

Maanta iyo dagaalada Ciraaq

Wararka ka imanaya Ciraaq waxa ay tibaaxayaan in dagaalo xoog badani maanta ka dhaceen dhanka koonfureed ee dalka ciraaq. Waxaana lagu soo waramay in qaybo dagaaladaas ka mid ah ay iskaga hor yimaadeen ciidanka ilaalada Qaranka Ciraaq iyo kuwa Maraykanka.

Baqdaad oo Xalay aad loo duqeeyey
iyo wararka kale ee Maanta iyo Ciraaq

Magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaaq ayaa xalay markale hawada laga duqeeyey. Waxaana la arkayey holoc hawada isku shareeray, kaas oo cirka u ifiyey sidii qoraxda waaberiga. 

Wararka ugu horeeyey ee kasoo baxaya duqayntii xalay ayaa tibaaxaya in gantaalo xoog leh lala beegsaday wasaarada warfaafinta ee Ciraaq.

Sida ay werisey hay'adda wararka ee Reuters, Ciraaq oo ciidankeeda aan caadiga ahayn iyo kuwa caadiga ahba lagala kulmay caabin ka weyn tii laga filayey awgeed ayaan ciidanka Maraykanku aanu ku degdegayn in degdeg u galaan Baqdaad. Waxaase si aan kala go' lahayn hawada looga duqaynayaa magaalada Baqdaad.

Dhanka kale waxaa isla hay'ada Reuters ay werisey in Axadii diyaarad helicopter ah ay ka dhacday ciidanka Maraykanka, waxaana ku dhintay saddex askari, waxaana ku dhaawacmay afar askari.

Sida uu weriyey Tv-g Australia, Ciraaq waxa ay sheegatay in ay Maraykanka ama Ingiriiska ay ka burburisey laba taangi iyo sagaal gaari oo ah kuwa qaada ciidamada. 

Waxa kale oo warkaasi intaas ku daray in Ciraaq sheegtay in ay soo ridey shan diyaaradaha aan dadku wadin ee wax sawira. Waxa kale oo Axadii ay Ciraaq sheegtay in ay soo ridey laba diyaaradood oo ah Helicopter.

Ezzat Ibrahim oo ah gudoome xigeenka xisbiga kacaanka Ciraaq ee loo yaqaan [Iraq Revolution Command Council] ayaa sheegay in Ciidamada isku bahaystay dagaalka Ciraaq aysan dhinacna u dhaqaaqi karin, waxana uu yiri "waxay ku carari doonaan saxaraha cidlada ah". Dhanka kale General Tommy Franks oo ah hogaamiyaha ciidamada ka dagaalamaya ciraaq waxa uu yiri ciidanka uu Maraykanku hogaaminayo waxay Baqdaad u jiraan 95km, waa sida uu weriyey ABC Australia TV.

Warar kale ee Ciraaq ka imanay ayaa tibaaxay in ay wadankaas kusoo fool leeyihiin isbiimayaasha iskuqarxiya bambooyinka. 

Tareq Aziz, ra'iisal wasaare xigaha Ciraaq, oo u waramayey TV-ga ABC ee Maraykanka ayaa sheegay in iska caabinta Ciraaq ay ka hortagtay Maraykanka iyo Ingiriiska ay si wanaagsan u socoto, isla markaana wuxuu isbeemeyaasha ku tilmamaay geesi nimo.

IOL ayaa werisey in mudaharaadyo looga soo horjeedo dagaalka Ciraaq ay ka dhaceen  Spain, Morocco, Turkey, Egypt, Israel, Palestine, Pakistan, United States, Indonesia, China, South Africa, Bulgaria, Romania, Sudan, iyo South Korea. Waxa kale oo wararka ka imanaya Japan ay sheegeen in boqolkiiba lixdan iyo shan dadka Japanese-ka ah ay kasoo horjeedaan dagaalka Ciraaq, halka 91% dadka ruushka ah ay kasoo horjeedaan dagaalka Ciraaq.

TV-ga Canada ee CBC ayaa sheegay in xoghaya guud ee difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld, uu Axadii sheegay in ciidanka Maraykanku aysan ka dib dhicsanayn qorshohoodii, laakiin dagaalkii ugu adkaa uu soo fool leeyahay. Daawo Halkan

ISHA: 
http://www.reuters.com
http://www.abc.net.au
http://www.abc.net.au/news/newsitems/s820177.htm
http://www.reuters.com/newsArticle.jhtml
http://www.cbc.ca/stories/2003/03/30/rumsfeld_030330
 
http://www.reuters.com/newsArticle.jhtml
 

LIVE ABU-DHABI.TV | AUSTRALIA.TV | CANADA.TVRADIO.AUSTRALIA  | VOA

COOK: CIIDAMADEENA HA SOO NOQDEEN 

CookWasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Britain Robin Cook ayaa soo jeediyay inay ciidamada Britain ee dagaalka ku jira ay ka soo baxaan Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay dagaalka ay gacanta kula jiraan ciidamada Mareekanka iyo Ingiriiska inuu yahay “dagaal dhiig badan ku daadanaya oo aan wax faa’iido lahayn”.

Robin Cook oo u waramayay wargayska Sunday Mirror ee ka soo baxa England cadadkiisa maanta oo axad ah ayuu ku taliyay inuu doonayo inay ciidamada Britain ay ku soo laabtaan guryahooda kahor intaanan laga dilin tiro kale oo badan.

Sida la ogsoon yahay waxaa ciidamada Ingiriiska kaga dhintay dagaalka Ciraaq hadda ka socda ilaa 23 qof, afar iyo toban ka mid ah ciidamadaas waxay ku dhinteen shil isku dhac diyaaradeed, afar kalena iska hor imaad dagaal, halka shanta soo hartayna ay ku dhinteen waxay ciidamada isbahaysiga ugu yeereen “rasaastii ay soo ridayeen saaxiibada”.WARKAN OO DHAN... GUJI HALKANI.. 30/3

DAGAALKA CIRAAQ OO SII DABA DHEERAANAYA

Waa maalintii kow iyo tobanaad ee uu weli socdo duulaankii ay dagaalkii ciidamada Mareekanka iyo Britain ay ku wadeen magaalooyinka Ciraaq. Saacaddan oo aan qorayo warkan waxaa socda weeraradii sawaariikhda ahaa ee lala beegsanayay magaallada Baghdad.

 

“waxaa magaallada Baghdad gilgilaya sawaariikh aad u waaweyn, waan ka fogahay oo garan maayo khasaaraha ay gaysteen gantaalladaas” ayuu yiri weriyaha Abudhabi TV uga soo warama magaallada Baghdad. Goobihii sida daran ay ciidamada Mareekanka iyo Britain ay duqeeyeen ayaa ka mid ahaa koonfurta Baghdad, sidoo kale dhawaaq xoog leh ayaa isna laga maqlayay bartamaha Baghdad una dhow webiga Dijla ee mara magaallada. WARKAN OO DHAN... AKHRI HALKAN... 30/3

 

Rumsfeld oo Suuriya iyo Iiraan uga digey in aysan Caawin Ciraaq

Xoghaya Difaaca Maraykanka, Donald Rumsfeld, ayaa Jimcadii digniin adag u jeediyey dalalka Suuriya iyo Iiraan.

"Waxaan haynaa akhbaar ah in xamuul militari laga gudbiyey xadka Suuriya oo loo gudbiyey Ciraaq, kuwaas oo ay ka mid yihiin qalabka habeenkii wax lagu arko" ayuu yiri Donald Rumsfeld oo warsaxaafadeed kuqabtay xarunta looga taliyo ciidanka maraykanka ee pentagon-ka. "alaabtaas la gudbinayo waxay halis toos ah ku yihiin ciidanka iskudhafka ah, waxaana u arkeynaa ficil cadaawadeed, waxaana mas'uulkeeda leh dawladda Suuriya" ayuu ku daray. Waxana uu sheegay in Suuriya ay mas'uul ka tahay xadkeeda. Warkan oo dhan..... 

 

WARARKII HORE EE DAGAALKA CIRAAQ... 

CIRAAQ: WARARKII MARCH 28
»» Gantaalo lala Beegsaday Magaalada Kurdish-ku gacanta ku hayaan ee Chamchamal 
»» Dagaalkii Nassiriya oo sii xoogeystey
»» Baqdaad oo Markale la duqeeyey Habeenimadii Jimcada
»» Japan oo ka welwelsan Dagaalak Ciraaq oo daba dheeraada
»» Dagaalo Xoogbadan oo kadhacay Koonfurta Ciraaq
»» Baarlamaanka Koonfurta Korea oo dib u dhigay Codbixin kusaabsanan Ciraaq
»» Diyaarad laga soo ridey USA
»» Interfax: Dadka Ruushka oo Diidan dagaalka Ciraaq.
»» Iimaamada Baqdaad oo kubaaqay Jihaad

Dhammaan ka akhri halkan  28/3

I  I  D  H  E  H

 <> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD