SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

  EEDEYSANE ARGAGIXISO AH MISE MUDANE MUSHARAX AH?!!
(Xaalada Soomaali Swedish ah)

C/risaaq Aaden Cali oo ka mida sadexdii dhalinyaro ee u shaqeynayey Shirkaddii Al-Barkaat Sweden ee hantideeda la xanibay, ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay ama isu sharaxayo xubin ka noqoshada Baarlamaanka dalka Sweden, isagoo ka tirsan ururka talada dalka Sweden haya ee Social Democratic.

II  I  D  H  E  H

Maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa Midowga Yurub waxay sheegeen in aanu C/risaaq iyo mid kamid ah labdii kale ee lala eedeeyay isaga ay hada xor yihiin, sida ay doonaana u dhaqdhaqaaqi karaan, iyagoon loo raacaneynun wax denbi ah oo la xirriira eedeymihii Mareykanka, oo Mareykanku laf ahaantiisa ka saaray raggaasi Liiska argagixisada kadib markii lagu waayay caddeyn muujineysa inay dhaqaale ahaan ku xiran yihiin Al-qaacida ee uu hogaamiyo Usaama Bin Laaden.

Dowlada Sweden ayaa dadaal dheer u gashay sidii ay saddexdaasi nin ee Soomaalida ah, heystana dhalashada Sweden looga saari lahaa liistada magacyadii, shaqsiyaadkii iyo urruradii lagu calaamadeeyay inay yihiin argagaxiso, ugu danbeyntiina muddo toban bilood kadib ayay dowladda Sweden ku guuleystay dadaalkeedii ku aadaana Soomaalidaasi la masabitay inay dib ugu soo celiso xoriyadooda.

Iminka C/risaaq Aaden Cali waa Musharax u taagan xubin ka noqoshada Baarlamaanka Dalkan Sweden, waxaana uu doonayaa inuu galo Baarlamaanka si uu xil ugu qabto Degmada uu degen yahay ee Soomaalidu ku badan yihiin ee Rinkby oo ku taala magaalada Stockhom caasimada dalka Sweden.

Guud ahaan Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayay soo galeysaa baahi ku aadan inay ka qeyb qaataan nolosha siyaasadeed ee dalkan, isbedelka ku dhacay C/risaaq Aadan Cali oo mudo dhow ahaa mid ka mida shaqsiyaadka ugu jira Mareykanka inay Al-qaacida xiriir la leeyihiin ayaa si weyn uga gilgishay markii uu maqlay in loo heysto argagixisanimo.

Sida uu sheegay horaantii mar uu warameyey warfidiyeenada horaantii sanadkan oo aan ku wareystay Idaacadda Radio Sweden, Laanteeda Af-ka Soomaaliga ayuu ii sheegay C/risaaq inuu aad uga xun yahay sida ay dowlada Mareykanka ugu geftay ee ay ugu tilmaantay argagaxiso isaga iyo dad aan weligood arag meel argagaxiso joogto oo weliba la yirhaado waad taakuleyseen.

Sweden waxay sidoo kale dib ugu fasaxday C/risaaq iyo xubnihii kale ee la jiray inay Xisaabaadkooda lacageed dib u isticmaali karaan, kadib markii la fariisiyey bishii November ee sanadkii hore. C/risaaq Aaden oo aad ugu faraxsan inaan denbi lugu helin ayaa sheegay iney xaqii iyo cadaaladii ay soo iftiintay "Haddii aanay dowlada Sweden ahayn iyo Dimoqraadiyadii ay ku dhaqmeen natiijadii dadaalkooda waxay ahaan laheyd Hal bacaad lugu lisay!" ayuu yiri C/risaaq Aaden oo gurigiisa ugu warameyey wakaaladda wararka Sweden ee TT-da.

Tan iyo intii uu shaaca ka qaaday C/risaaq Aadan inuu yahay Musharax u taagan xil ka qabashada Golaha Baarlamaanka dalkan Sweden ayaa bilaabay inuu soo bandhigo macluumad gaaban oo la xirriirta noloshiisii hore ee dalka Soomaaliya, taasoo sida muuqata aan looga baran dadka Soomaalida ah ee uu ka midka yahay.

Mr: C/risaaq waxaa uu sheegay in reerihiisa ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo heystay 15 neef oo Geel ah, isagana ay aheyd da'diisa markaasi 8-jir, sida sawirkiisa oo la soo bandhigayna ka muuqda waa C/risaaq Aaden oo gacanta ku haya sawir uu isagu Geel ku ag sawiran yahay isagoo hortaagan Baarlamaanka dalkan Sweden.

"Waxaan u maleynayaa inaanay Sweden u baahneyn xoolo dhaqato kale" sidaasi waxaa yiri C/risaaq Aadan ku kaftamyey hadalkaaasi isagoo muujinaya sida uu ugu faraxsan yahay musharaxnimada uu u taagay yahay, mar aan sidaasi u dheereyn ayaa ninka lugu magacaabo Leijonborg oo madax ka ah Xisbiga la yirhaado Xisbiga Shacabka ee (Folkpartiet-ka) waxaa uu sheegay in C/risaaq Aadan yahay "Cadow Shisheeye ah" ereygaaasi oo uu aad ugu gilgilshay C/risaaq Aadan, isagoo ku baaqay in ninkaas siyaasiga ah yimaado xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Rinkby si ay dood u dhex marto isaga iyo urrurkiisa oo fikrado xag jira ka aaminsan dadka shisheeyaha ah, xitaa ninkaasi laf ahaantiisa ayuu ku casuumay inuu doodaasi ka soo qeyb galo.

Ninkan Swedhish-ka ah ee lugu sheegayo siyaasiga ayaa ku doodaya in marka hore dadka shisheeyaha ay luqada si fiican u bartaan markaasina ay u dareeraan shaqooyinka qeybahooa kala duwan iyo tacliinta oo uu sheegay inay keeneyso inay la jaan qaadaan noloshan casriga ah, haddii kale waxay noqneysaa ayuu leeyahay arintu "Musiibo" wuxuuna Leijonborg oo isku muujinayaa inuu yahay nin og danaha dalkan iyo dadkiisa.

C/risaaq Aaden oo weli faallooyin kala duwan ka bixinaya hadaladii kasoo yeeray hogaamiyaha Xisbiga Shacabka (Folkpartiet) ayaa sheegay inuu abuurayo caadawad sii xoogeysa naceybkii ay awalba dadka madax faquuqa qaba u qabeen dadka soo galootiga ah ee u soo hijrooday dalka Sweden.

C/risaaq Aadan iyo C/casiis Cali ayaa waxaa ay ka mid yihiin sadexda dhalinyaro ee Soomaalida Sweden ah oo Mareykanku ku sheegay inay xiriir la leeyihiin Argagaxisada Caalamka ee uu hogaamiyo Usaama Bin Laaden oo dhinaca dhaqaalaha ay ka taakuleyn jireen.

Sidoo kale waxaa Sanadkii tagay Maamulka Bush albaabada u laabtay dhamaan xarumihii Xawaaladda Al-Barakaat iyo Laamaheeda ay ku laheyd daafaha dunida, tanoo ay ugu danbeyntiina ku qasabtay iney Shirkadaasi markale ay magaca bedelato si ay howlaheedii adeegyada Bulshada dib u hanato, walow aaney sidii hore u awood bandeyn shirkadu oo ay naafeysay talabaadii Mareykanku ka qaaday.

Ikraamn Cali Kaar
Gothenberg Sweden
E-mail: ikraam@journalist.com  

Sept 13, 2002

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD