SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Sida aynu lawada socono waxaa baryahanba ka jiray gobolada waqooyi ee Soomaaliya dhacdooyin badan oo ku saabsan dad la qabqabtay, oo ka kala dhacay goobaha kala ah Hargaysa iyo tuulada lagu maga caabo Sarara-weyne oo ku dhacda galbeedka Magaalo Madaxda Gobolka Cayn ee Buuhoodle.

Haddaba dhacdooyinkani waakuwo caynkee ah, Hadii aynu ugu horayn soo qaadano dhacdadan ugu danbaysay ee ka dhacday tuulada Sarara-Weyne, waxay ahayd mid loogu hiilinaayey dad Soomaaliyeed oo ay ciidamada Dawlada Itoobiya ku dhibaataynayeen iyaga iyo hantidoodaba, waxayna ka bilaabmatay sida la xaqiijiyey gaadhi uu leeyahay nin u dhashay qabiilka Habar jeclo ee Isaaqa oo abti loo yahay , ka dib markii uu muusanaabay , isaga oo ku dhawaaqaya (waryaa Muslin- aheey).

Kadibna ay dadkii deegaankaa ku noolaa oo iyagu ka soo jeeda qabiilka Dhulbahantaha ee Daarood ,ay is hayn kari waayeen, una gurmadeen gaadhigii iyo wiilkii ay abtiga u ahaayeen, halkaasna ay ku dileen afar askari oo itoobiyaan ah,hantidiina ay ka dhiciyeen cadawga.

Ciidamada Itoobiyaanka ahi iyaga oo arrintaa ka cadhaysana ay maalintii danbe dileen laba qof oo rayid ah oo iyagu ka soo jeeda dadka deegaanka u dhashay, haatana ay gacanta ugu jiraan oo ay u xidhan yihiin labaatan qof oo isugu jira dhalinyaro iyo odayaal, kuna xidhan yihiin magaalada wardheer.

Maxaa haddaba Hargeysana ka dhacay?!hargeysa waxaa ka dhacay sadex dhacdo oo mid waliba tan kale ka daran tahay oo intaba lagula kacay dad Soomaaliyeed oo loogu gacan galiyey ciidamada amxaarada, sannadihii 1996-2002 iyo sannadkan aynu ku jirnee 2003 oo ay dadbadani jeelasha Hargeysa ku jiraan sugayaana sidii gacanta loogu gelin lahaa ciidamada Itoobiyaanka , iyaga oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsan yihiin xoogaga mucaarka ee ka soo horjeeda dawlada Itoobiya, kana ah xubno ururka ONLF,kana soo jeeda dhamaantood qabiilka Absame(Daarood)

MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal

Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan, sida aynu ognahayn dadka Soomaaliyeed gaar ahaana beelaha deegaan wadaaga lihi waxay had iyo jeer wadaagaan ehelnnimo iyo qaraabo aad isugu dhow.

Waxaa Haddaba isweydiin leh labadan dhacdo ee aynu ka soo sheekaynay, ee mudooyinka aadka isugu dhaw ka dhacay Goobo ka tirsan gobolada waqooyiga Soomaaliya, sida ay u kala duwan yihiin , dadna dadkii ay qaraabada ahaayeen way u gurmadeen ,Hargeysana waxaa haatan jeelasha ku jira oo sugaya in la gudbiyo dad qaraabo iyo ehel layahay.

Waxaana hubaal ah , dadka in-dheer garadka ah ee reer Hargeysa in ay ka xun yihiin falalkan ay ku kacayaan hogaamadii kala danbeeyey ee soo maray maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland, sida Alla ha unaxariistee Maxmed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo Riyaale Kaahin, oo iyagu caadaystay in ay ku talaabsadaan falkasta oo raali galinaya dawlada Itoobiya, si ay u aqoonsadto maamulkaas ismagacaabay.

Waxaa iyana hubaal ah, in ay falka Hargeysa ka dhacay ay aad u taageersan yihiin dadka wax-ma garadka ah ee iyagu meeldhaw wax ka eega.

Soomaali waa wiil iyo abtigii, horaana loo yidhi (Ajji Haygu Haybsan), waxaana haboon in la ogaado in aynu nahay ul iyo diirkeed , dadkuna aanu kala maarmin, lana xusuusnaado in sheeko kasta taariikhi ka hadho, oo ay maalmuhu sumadaysan yihiin, nin walibana wuxuu dhitaysto dhamayo.

Dadweynaha Hargeysa ku sugana waxaan ku boorinayaa in ay arrimahan fiiro gaar ah u yeeshaan waayo waa dhacdooyin aayatiinka u daran iyaga, waxaana hadda lawada ogsoonyahay dhibaatooyinka aflagaadada iyo caga juglaynta isugu jira , ee lagu hayo dadka ka soo jeeda (Ogaadeeniya) ee ku sugan Hargeysa.

 

Assad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya.

e-mail: asadlaska@hotmail.com  


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD