Wararka Koonfurta Soomaaliya ee
Toddobaadkan
- DKG oo fariisin Ciidan ka sameyn
doona
Magaalada Aw-dheegle
-
Cayayanaan Fara Ba’an ku haya Deegaano ka tirsan G/Sh/ Hoose
- Dammeeraha Muqdisho oo Daroogo la siiyo
WQ:
Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com
MOGADISHU SOMALIA
Feb 23, 2003
Dammeeraha Muqdisho oo Daroogo la siiyo
Dammeeraha oo ka mid ah Gadiidka ay soomalidu si’aad ah ugu Manaafacaadaan Qeyb
Libaaxna ka qaata Adeega guud ee Bulshada ayey kuwa muqdisho ay u daboolaan
baahida Bulshada siyaabo kala duwan gaar ahaan Dadka dan yarta ah Sida Qaadida
Alaabooyinka kala duwan iyo Biyaha.
Inta badan Dadka ku nool Magaalada Muqdisho 70% waxey dano uga xiran yihiin
Dammeeraha ayagoo ugu Manaafaacadda Siyaabo kala gadisan kuwaasoo kala ah: kuwo
ah Milkilayaasha Dammeeraha oo lagu shaqeeyo Daqli ay ku daboolaan Baahida
Qoysaskoodana uu uga soo xaroodo, iyo kuwo Shaqaale ka ah oo nolol maalmeedkooda
ka raadsada kana qaata Joornaati iyo Dadweynaha kale ee ay Biyaha u geeyaan
maadaama aysan awood u laheyn iney Ceelasha Muqdisho oo ah kuwo ay leeyihiin
Shaqsidaan Gaar ah ay Biyo kasoo gashadaan.
Ayaa waxaa jirta in Dammeeraha oo ah Xayawaan Nafley ah oo hadii ay hawshu ka
badato Daala oo Tabar yareeya in Dhalinyarada wadayaasha ka ah ay siiyaan
DAROOGO si uusan u daalin Dammeerku.
Taasoo Dhibaato aan la soo koobi Karin u geysta Dammeeraha Daroogooyinkaas ay
Wax-magaratadu Siiyaan
Daroogooyinka ay siiyaan Wax-magaratadu ayaa isugu jira Kiniiniyaal iyo waxyaabo
kale oo Qasan dabadeedna ay ugu daraan Biyaha uu Cabayo Dammeerku
Tasoo keenta inuu ka Go’o Biyaha iyo Baadka (Cawska) iwm inta ay Daroogadu ku
jirto jirka Dammeerka.
Milkilyaasha Dammeeraha ayaa Walaac ka muujiyey Umuurtaan .
Waxeyna sheegeen Qaar ka mid Milkillayaashu ay arintaani ku keentey in ay ku
Aamini waayaan Shaqaale oo ay Gacantooda ku wataan Dammeerahooda si ay uga
Badbaadiyaan wax-magaratada aan aqoonta u laheyn Qiimaha iyo Waxtarka uu
leeyahay balse halkii looga baahnaa iney Xanaaneeyaan ay siiyaan Daroogo.
Inta badan Waddankeena Soomaaliya Magaalooyinkiisa Waaweyn hadii aad u kuur
gasho Dhalinyaradda Wadayaasha ka ah Dammeeraha tobankii (10) Dammeer ee ay
Indhahaagu qabtaan waxaad ku arkeysaa Labo (2) ama Saddex (3) aad ka Naxdo
Darxumadda ka muuqata Xayawaankaasi.
Waxaa jirta in wax-magaratada ku shaqeeya Dameeraha aad arkeysid ayagoo Dusha ka
Saaran Gaari uu jiidayo Dameerku hanoqoto mid Biyo wada ama mid Alaab sidee ayna
Ulo waaweyn Dhabarka kala dhacayaan (ku garaacayaan) si Naxariis daro ka dibna
ay Ushaasi Dhaawac u geysato Dhabarka Dammeerka ama Sinnaha Dammeerka,
Waxaase taa kasii daran markii dammeerku dhaawac gaaro Usha ay la dhaceen awgeed
ma garowsadaan Cuqubadda ay ka galayaan Xayawaankaan Nafleyda ah ee waxaad
Arkeysaa meeshii Dhaawacu ka gaarey Dammeerka ee Diirantey (Muruxdey) ayagoo Ul
uga Jukeynaya ama uga Mudaya si meesha Boogta ah ee Dhaawacu gaarey U Danqato
si Dammeerku u Ordo una socdo Socod Xad dhaaf ah.
Isku soo duuduuboo sidii Sharcigii iyo kala Dambeyntii ay faraha uga baxdey ayey
ugu Sahlanaatey in wax Magarataddu Sameeyaan wixii ay Maskaxdooda ka Maagaan
Cayayanaan Fara Ba’an ku haya Deegaano ka tirsan G/Sh/ Hoose
Warka naga soo gaaraya gobolka shabeelada hoose ayaa waxey sheegayaan in
magaalooyinka Tawakal Awdheegle iyo Bariire dadka ku nooli ay dhibaato ku qabaan
Cayayaano yar yar oo markii hore lagu arkey beeraha balse markii dambe soo galey
magaalooyinkaas.
Sida warar xog ogaal ihi sheegayaan cayayaankaan ayaa marba marka ka dambeys ay
soo badanayan asagoo u socod si raxan raxan ah.
Dadka ku nool Gobalka shabeelada hoose ayaa ah 80% dad Beeroley dadka beeraleyda
ah ayaa sheegaya in marki horey ay cayayaankaan ku arkeen beeraha kaasoo dhibaato
uga geysan jirey Dalaga ay beertaan ayna kula dagaalami jireen Sunta cayayaanka
balse hadeer midkaani uu yahay cayayaan aysan dili Karin sunta ay heystaan
Tiradiisuna ay xad dhaaf tahay.
Waxeysa xaaladu sii murugtey markii uu soo galey magaalooyinkii taasoo uu dhib
ba’an u geysto dadka markii ay jiiftaan asagoo dhagaha, Sanka iyo Indhaha ka
gala ugu dambeyntiina waxey ku kaliftey dadka dagan deegaanadaas in aysan karsan
CASHO. marna aan la xiriirey dad dagan deegaanadaas oo aan wax ka weydiiyey
sababta ku kaliftay ineysan Casho kartan waxey ii sheegeen in ay u taag
la’yihiin Cayayaankaan oo uu uga dhaco Biyaha Cuntada iyo wixii la mid ah taasna
ay ku kaliftey ineysan casho karsan.
Si kastaba ha ahaatee dadyowga ku dhaqan Deegamadaasi waxey Xusul Duub ugu
jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen Cayayaankaas Qatarta ku haya Noloshooda. DKG
oo fariisin Ciidan ka sameyn doona
Magaalada Aw-dheegle
Nabad galyada Deegaanadaasi ayaa aheyd mid liidata Asbuucyadii la
soo dhaafey waxeyna Codsi Cabasho ah u Dirsadeen ciidanka xoogga dalka
soomaaliyeed (CXDS) ee hoosta taga ama ka amar qaada (DKM) ah oo Fariisimo ku leh
magaalooyin ka tirsan G/sh/hoose,
Inta badan Gobolka Shabeellada hoose waxaa Gacanta ku haya Dowladda ku meel
gaarka ah inkastoo ay jiraan Fariisimo ay Joogaan Maleeshiyooyin aan Cidna ka
amar qaadan.
Masuul u Hadley Dowlada ku meel gaarka ah ayaa sheegay in ay si deg deg uga
jawaabi doonaan Codsiga Cabashada ah ee uga yimid Dadka ku nool Magaalooyinka
Aw-dheegle, Bariire ,iyo Tawakal Ayagoo fariisin Ciidan ka sameyn doona
Magaalada Aw-dheegle ayna Roondo ku sameyn doonaan wadooyin isku xira
magaalooyinkaas iyo guud ahaanba gobalka shabeellada hoose ayna ka sifeyn
doonaan Burcadda Dhibaatada ku heysa Gobolkaasi.
Ali Mohamed Haji (Calideeq)
Mugadishu Somalia
caliddeeq@hotmail.com
Dab
Qabsadey Dekadda Ceel-macaan
wuxuu si lama filaan ah dab u qabsadey
Dekadda Dabiicigaa ee Ceel-macaan Dabkaan oo.. GUJI..
Dagaal
ka Dhacay G/Shabeelada Hoose
Dagaalkaas
oo la xiriirey dhul-beereed waxaa ku dhintay..... GUJI..
Shil
Baabuur oo kadhacay Tuulada Qalimoow
Baabuurkaas oo
ka baxay Muqdisho warbixintii uu kasoo diray Calideeq..... GUJI..
Feb 17
[TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYA
|