SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SPR

SOMALI PEACE RALLY

Galkacyo, Somalia, January 2da 2003

PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M12/0179/2002

PUNTLAND: Colaad cusub iyo dilal siyaasadeed

Galkaio City, Somalia, Janaayo 2da 2003 – Somali Peace Rally – SPR waxay dhaleeco dusha ugaga tuuraysaa falalka dilka waxgaradka iyo dagaal oogidda ee ka socda PL, gaar ahaa xiridda, cadaadiska iyo laynta shacabka gobolka Bari ee aan waxba galabsan. Dhaleecayntaasi waxay ku wajahantahay ninka mooday inuu ku bar-baarayo daadinta dhiigga dadkiisa, ama xigtadiisa asagoo adeegsanaya saad shisheeye.

Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 Waxaan wada ognahay in barqo cad ilaalada Cabdullaahi Yususf Garoowe ku dishay sarkaalkii/ganacsadihii qaaliga ahaa ee Faarax-dherre bilowgiii sannadkii 2002. Faraax wuxuu hogaamiye u ahaa dadka reer Nugaal ee diiddan xukun-kororsiga Cabdullahi. Sidoo kale 17kii bishii 8aad waxaa tuulad Kala-Bayr (u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo) isla askartiisu ku dishay Suldaan Axmed Maxamed Hurre oo ahaa nin ciddii taqiin ilmaysay – aqoon yahay, geesi, cod-kar ah. Toogashada Suldaan Hurre waxay ka dambeysay markii uu si cad uga hor yimid gaboodfalka Ina Yey ka wada degaanka Mudug iyo guud ahaan PL.
Warbixin: Xaaladda Puntland
»» C/Laahi Yuusuf oo la hadlay Odayaasha Dhuudo
»» 20 Qof oo kudhintay dagaalkii dhuudo & 30 dhaawac ah
»» Gen. Cadde Muuse & kuxigeenkiisa oo kusugan Somaliland
 Dhamaan ka akhri halkan ... GUJI... 1/1/3

Waraka Dagaaladii Dhuudo
»»BAAQ XABAD JOOJIN Kuwajana PL oo kasoo baxay (PPP)..  GUJI.. 
»»Warar SomaliTalk kasoo gaarey ilo wargal ah oo jooga PL..  GUJI.. 
»»Warsaxaafadeed ka soo baxay DG/Puntland.. GUJI... 31/12

Siduu u sii wado toogashada dadka tayada leh ee reer Puntland, waxaa 25kii Diseember Cabdullaahi u soo diray nin dila Guddoomiyihii degmada Qardho Cabdirsaaq Maxamed Jamac (Boobe). In Cabdullaahi ka dambeeyey dilkaas waxaa xaqiijinaya, askarta Kornaylka ayaa fogaysay gacan ku dhiiglihii. Ayaantaan dambe waxaa Cabdullahi ugu caraysnaa in Boobe hoos kala shaqaynayey ciidanka ka soo horjeeda kornaylka ee ku sugan Dhuudo uuna hoggaaminayo Jen. Cadde Muuse.

Qar iska tuurnimada ina Yey waxay u horseedday gobollada Puntland bur-bur cusub iyo halaag, waxayna horseedday dhiig dad waaalo ah ee macne darri ku sii daata.

Waxaan ugu yeeryaynaa hay’adaha xaquuqul aadamiga inay baaraan falalka xad-gudubka ah ee Cabdullahi Yusuf ka wado Puntland. Sidoo kale waxaan dunida ugu yeeraynaa in kornaylka maxkamad la horkeeno sidu uga jawaabo dacwadaha faraha badan ee loo haysto. Waxaa nasiib darro ah in kornaylku ka soo cararay maxkamad ugaga furantay carriga Ingriiska wakhti aan fogayn. Ciqaabidda Cabdullahi iyo dadka la midka ahi waxay guul u noqonaysaa dadka uu xigtadooda laayey iyo habsami u socodka dib-u-heshiinta Somaliya

Waxaa ayana nasiib darro ah in 30kii bishii Diseembar in Kornaylku weerar ku qaaday aagga Dhuudo ee ay ku sugnaayeen dad ay siyaasadda isaga soo horjeedeen. Falkaasi wuxu tusaale u yahay sida aan Cabdullahii ugu aabbo yeelayn sharciyadda gaar ahaan heshiiskii uu ku saxiixay Eldoret ee xabbad iyo colaad joojinta Somaliya. Waxaan Somalida iyo dunida kaleba ugu baaqaynaa inay dhaleeceeyaan falkaan argagaxisnimo iyo afcaasha Kornaylkaba.

Waxaa SPR codsanysaa in Cabdullahi Yusuf lagu ciqaabo qirashadiisa inuu xannib ku yahay dib-u-heshiisiinta Somaliya, waayo asagaa dagaalka qaaday. Haddaan taasi dhici wadahadalka Eldoret waa hal bacaad lagu lisay.

Waxaan mar kale ugu celineynaa dadka Somaliyeed in qoriga caaraddiisa aan sharci laga dhigan oo aan mansab siyaasadeed lagu raadsan, sida Cabdullahi Yusuf uga dhigtay shaabbadda u gaarka ah. Taasi waa tan maanta Somaliya dhigtay meesha ay taal. Waa muhiim inaan la illaawin wixii hore u dhacay si loogaga baxa dhibta maanta haysata Somaliya. Waa in wixii colaad ah lagu xalliyaa caqli iyo isu tanaansulid, ama Puntland ha ahaato ama Somaliya guud ahaan.
SPR ARCHIVE
. Nov.10.2002
. Sept.25.2002
. August.18.2002
. October 2001
. August.20.2001
. August.8.2001
. July.27.2001
. July.25.2001
. June.19.2001
. June.13.2001
. May.31.2001
. November 17, 2000
. July 19- May 22, 2000
. July 19- May 17, 2000
. May 13 - March 21, 2000
GAASHAAN ARCHIVE
. May.30.2001
. May.18.2001
. February.21.2001
. February.15.2001
. Febraury.14.2001
. February.9.2001
BOOSAASO ARCHIVE
. Fedbruary.21.2001
. February.6.2001

sprally@hotmail.com 

Jan 2, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaar ah SPR, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk. 

------ENGLISH VERSION------

SOMALI PEACE RALLY

Galkaio City, Somalia, January 2nd 2003

PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M12/0179/2002

War and Political Assassinations Continue in Puntland State of Somalia

Galkaio City, Somalia, January 2nd 2003 – Somali Peace Rally – Somali Peace Rally (SPR) condemns the criminal and senseless murder and the brutal killing of the intelligentsia of Puntland and indiscriminate massacre to the unarmed civilian people of Bari Region by Col. Abdullahi Yusuf, a man who thinks that he prospers in having blood in his hands.

We all know the broad-day-light assassination of Col. Farah Dheere, a prominent businessman in Garoowe, a key figure opposed to Col. Yusuf. Mr. Farah was killed by the body guards of Puntland’s brutal dictator. On 17th August 2002, another high profile assassination took place in Kalabayr village (between Garoowe and Galkacyo) – the point-blank killing of Suldan Hurre, a very important person in Puntland who opposed publicly the Colonel’s misrule of Puntland regions. The prominent Sultan was brutally shot by the special guards of Col. Abdullahi Yusuf

To perpetuate the circle of bloodshed, on December 25th 2002 another wealthy young entrepreneur, Abdirisak Mohamed Jama aka Boobe was brutally killed by a hit man sent by the Colonel. The Colonel’s militia helped the assassin get away. Mr. Boobe was lately accused of collaborating with the Abdullahi’s dissidents in Dhudo base under the leadership of General Adde Muuse.

The violent effort by Col. Yusuf to intimidate civilian population have exacerbated tribal and other tensions within the country.

We strongly urge Human Rights organisations to investigate the mass barbaric killings of Col. Yusuf. We also call the international community to take Col. Yusuf to court and he faces the accusation made against him. It is reported that Col. Yusuf eluded court proceedings in UK recently. The realization of a prosecution against this decades old brutality would have been a bright day for justice and good governance in Somalia.

In another unfortunately event, on December 30th and 31st 2002, the Col. Yusuf launched an attack on his political adversaries in Dhudo village of Bari region. This is a stark violation of Eldoret cease-fire signed by all Somali warlords including Col. Yusuf. The Somalis as well as the international community have to condemn this barbaric assault. SPR calls for Col. Yusuf punishment in his admission of being an obstacle to peace in Somalia. Unless Col. Yusuf pays a big price for his violent practice, the Eldoret talks will be futile exercise.

We remind the Somali people that the barrel of the gun, Abdullahi’s trademark is not leading Somalia any where. Indeed, it is what brought Somalia where it is now. We condemn this practice, and we call for a peaceful resolution of conflicts in Puntland and Somalia at large.

sprally@hotmail.com 

DISCLAIMER: All opinion expresses here are those of the authors and do not necessarily reflect the opinion of SomaliTalk.

2003-01-02

I  I  D  H  E  H

Maxaa keenay inaay sheekada Soomaaliya daba dheeraato?
Dagaal toos oo lala beegsadey Diinta Allah. Waxaa laxalaalsaday wax kastaa oo Diinta xaaran ku’ah. Xaafado dumarka... GUJI...  23/12

»»Xusnul Khaatimah Xigmada Toddobaadka GUJI [Al-Hassani] 

SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Kaah oo Loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
War SomaliTalk kasoo gaarey Kaah Express ayaa caddeeyey in shirkada loo cusboonaysiiye shatigii Xawaalada ee Minnesota..  GUJI.... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

MACHADKA BEDER - BOSASO


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD