SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

Warbaahinta Maraykanka iyo Caalamka

Hassan Nuur | SRG14@jubiimail.dk 

30.01.2003

Wixii ka danbeeyey 11 September 2001, waxay dawlada Maraykanku si aan hore loo arag u adeegsatay warbaaahinta, si ay isugu garab taagto dagaalka lagula jiro cadaw aan la garanayn meel uu ku sugan yahay isla markaana soo qaadi doona dagaal, waqti aan la garanayn. Arinkan oo dhaqaalaha aduunka ku keenay culays aad u ballaadhan keenay iyo cabsi ba’an soo food saartay dhamaan caalamka awgeed ayaad moodo inuu isu bedelay wax u eg cudur maskaxeed uu la-taliye ka yahay nin waalan. 

Kadib hadaladii caanka ahaa “... waad nala jirtaa ama waad naga jirtaa....” dalalka badidoodu waxay si aan midaysnayn oo indho kala jeeda iyo quluub baqaysa ku raadinayaan habkii ugu hor tegi lahaa khatar aduunka aduunka soo food saarta. [qoraalka oo dhan]Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Caalamka oo ay ugu muhiimsanaayeen dalalka reer Yurub wuxuu dhacdooyinkii NY iyo Washington isla garab taagay Maraykanka taageero niyadeed iyo mid dhaqaale, hadaba maanta oo laga soo wareegay in ka badan hal sano ayaad moodaa in xaalku is bedel ku soo fool leeyahay kadib markii la isku af garan waayey yoolka dhabta ah oo la weerarsan yahay.

Shalay wuxuu barlamanka EU ku diiday dagaal Ciraaq lagu qaado 287 halka ay taageereen 209 xubnood, taas oo ay dheerayd inay raaciyeen lahjad aan horay looga baran oo odhaysa “dagaalka Ciraaq waa mid aan waafaqsanayn shuruucda aduunka”

Waxaa dhankale baadhitaano aan kala go’ lahayn wada hay’adaha dawliga iyo kuwa gaarka ah ee Yurub si ay u ogaadaan ra’yiga dadwaynaha oo laga yaabo in siyaabo kala duwan loo adeegsado, tusaale ahaan shakhsiyaadka, ururada iyo xisbiyadu waxay u adeegsan karaan mudaharaadyo maal iyo naf badan lagu waayo marka ay ogaadaan in ay hantiyi karaan quluubta dadka si ay jilbaha ugu gooyaan xukuumadaha gees mara rabitaanka dadkooda.

Machadka EOS  warbixin uu soo saaray usbuucii hore wuxuu cadeeyay in dalalka Yurub shantii qofba afar ka soo hor jeedo in duulo lagu qaado Ciraaq.

Machadku wuxuu soo ururiyey baadhitaan baahsan oo Yurub oo dhan ah, wuxuu kale oo baadhitaan ka soo diyaariyey hadafka iyo siyaasada Maraykanka, isagoo soo saaray sidan:

· 72% Maraykanku wuxuu doonayo saliida Ciraaq oo uu xoog ku qabsado

· 66% waxay rumaysan yihiin in Ciraaq ka badbaadi karto hadidaada Maraykanka

· 41% dhinaca kale waxay u muujiyeen siyaasada debada ee maraykanka inay OK tahay

· waxaase 54% ay rumaysan yihiin, siyaasada dibada ee Maraykanku inay qaldan tahay.

Sida hadaba labadii maalmood ee ugu danbeeyey ay sheegayso warbaahintu, Maraykanku wuxuu u baydhay dhinaca dawladaha yaryar ee uu culayska saari karo iyo dawladaha ugu faqiirsan qaarada oo badidoodu ka mid ahaan jiray culafadii WARSO, kadib markii ay dheg jalaq u siin waayeen dalalkii ugu muhiimsanaa sida: France, Germany, Holland, Sweden, Norway, Findland, Switzerland, Bilgium, Russia iyo dalal kale oo ka mid ah qaarada oo aad moodo inay ka sii fogaanayaan yoolka Maraykanka oo aad moodo inaan lala ogayn ujeedada uu ka leeyahay.

Kadib markii ay ka soo hor jeesteen guud ahaan dalalkii ugu muhiimsanaa Yurub, marka laga reebo Ingiriiska oo aan la garanayn ilaa iyo inta uu la gaadhi doono.

Hadaba waxaa laga yaabaa Maraykanku inuu kordhiyo Culayska uu saarayo dalalka yar ama faqiirka ee Yurub, wuxuu kale oo uu baqa maali karaa dalalka Carabta iyo dalal ka mid ah Asia, wuxuu hanan karaa hogaamiyayaasha musuqmaasuqa ee qaarada Afrika, balse waxaa ku adkaan doonta sida uu uga talaabsan karo jaalafooyinka kuwa muruqa leh.

Waxaa hadaba is waydiin leh hadii xaalku sidan kusii socdo ma laga yaabaa in dhaqaalaha Maraykanku gaadho heer gabadha Maraykanka ahi ay xaraashto kaatunka meherka si ay maalintaa iyo labo ugu dhaafto, waa sida ka taagan maanta Ciraaqe, mase ka badbaadi doonaa caalamka intiisa kale dhaqaale burbur ku yimaada Maraykanka.

Hassan Nuur

SRG14@jubiimail.dk 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.

<><><><><>

I  I  D  H  E  H

 FAALLO: Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota Qoraladii Maxamed Diridhaba. GUJI [Cali Shirwac]

»»Qaabka Loo Bixiyo Sakada Dahabka.... GUJI... 
»»
26 Janaayo: Libta Saas Laguma Helo
»»
GABAY: "DAAWO NABADEED
»»Sheeko Dhaxmartey
»»Kiciddii iyo Kufiddii Aragtida Somaliweyn
»»Warbaahinta oo hadalkii Ayaan u isticmaalay seef
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD