SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

Denmark oo badhifurtay siyaasadii Europe ee ku jahaysnayd dagaal Ciraaq lagu qaado.

In kastoo xubnaha Golaha Ammaanka intooda badan ay qabaan in dhibaatada Ciraaq si nebedgelyo ah loo dhammeeyo, haddana ra’iisal wasaare Anders Fogh Rasmussen iyo 7 hooggaamiye oo kale oo reer Yurub ah ayaa maanta qoray warqad furan oo ay ku dhiirri gelinayaan in Maraykanka lagu taageero dadaalka uu ugu jiro inuu Ciraaq hubka ka dhigo. Waxyaalaha warqaddaas lagu soo qaray waxaa ka mid ah; Awooddeenu waxay ku jirtaa inaan iskaashano, waxaana wax ka saxiixay hooggaamiyayaash dalalka Britan, Spain, Talyaaniga, Burtuqaal, Hungary, Poland iyo Chek, waxaana lagu soo daabacay wargayska The Times. Wadamada Yurub ee arrintan ka soo horjeeda waxaa ka mid ah Jarmalka iyo Faransiiska oo had iyo goore ku taliya in qaab nebedgelyo iyo heshiis lagu dhammeeyo dhibaatada Ciraaq.

Xisbiyo badan ayaa rumaysan in ra’iisal wasaaraha Danmark uu kala jabinayo siyaasada dalalka Yurub ee Ciraaq ku saabsan, waxayna ku dhaleeceeyeen warqad ay isaga 7 hooggaamiye oo kale si wadajir ah u saxiixeen, taasoo ay ku baaqeen in Maraykanka lagu taageero dagaalka Ciraaq. 

Xisbiyada Socialdemuqraadi iyo SF ayaa rumaysan in Ra'iisal wasaaraha Denmark Mr, Anders Fogh Rasmussen looga baahnaa inuu Guddiga Siyaasada Dibada ee baarlamaanka la socodsiiyo, ka hor intii aanuu bayaankan wax ka saxiixin, sababtoo ah bayaankani wuxuu saamayn wayn ku leeyahay siyaasada dibada ee Danmark. Anders Fogh Rasmussen wuxuu muujiyay in siyaasada Yurub ay kala qaybsan tahay, gacan wayn ayuuna ka gaystay xoojinta kala qaybsaanta markii uu saxiixay bayaanka Maraykanka lagu taageerayo, sidaasna waxaa yidhi afhayeenka arrimaha dibada ee xisbiga Socialdemuqraadi Jeppe Kofod. 

Hooggmmaiyaha xisbiga SF Holger K. Nielsen ayaa isaguna bayaankan la yaabay, wuxuuna sheegay in baarlamaanku uu had iyo goor isku dayay inuu ogaado mawqifka uu Anders Fogh Rasmussen ka qabo khilaafka ku dhexjira Maraykanka iyo dalalka Yurub qaarkood, balse uu ilaa iyo hadda diiddanaa, arrintaasoo uu hadda bayaankan ku caddeeyay, waana tallaabo aanuu baarlamaanku aqbali karin

By: Osman Abdillahi Sool, Copenhagen 
sooldhuub@hotmail.com
 
31/01/2003
Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

FAALLO: Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota Qoraladii Maxamed Diridhaba. GUJI [Cali Shirwac]

»»Qaabka Loo Bixiyo Sakada Dahabka.... GUJI... 
»»
26 Janaayo: Libta Saas Laguma Helo
»»
GABAY: "DAAWO NABADEED
»»Sheeko Dhaxmartey
»»Kiciddii iyo Kufiddii Aragtida Somaliweyn
»»Warbaahinta oo hadalkii Ayaan u isticmaalay seef
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

<><><><><>

I  I  D  H  E  H

WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD