SomaliTalk  DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAAMUUS
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
March 30, 2004
  • Ku: Dhammaan Jaaliyadaha Debedda
  • Ku: Dhammaan Websityada Afsoomaaliga
  • Ku: Dhammaan TV-yada & Raadyayaalsha Afsoomaaliga
  • KU: Dhammaan Wargeysyada Afsoomaaliga
  • Ku: Dhammaan Baadhayaalsha & Afyahannada Afsoomaaliga
  • Ku: Dhammaan Jaamacadaha & Machadyada Affafka

UJ: Qaamuus Cusub oo Afsoomaali ah

Anigoo ku hadlaya magacca Machadka Affafka ee Xarunta Cilmibaadhista Jabbuuti (CERD), ayaa waxa sharaf ii ah, inaan idinku bishaaraynno in laga bilaabo 15-kii Bilsha Feebarweri ee sannadkan uu soo baxay Qaamuus Cusub oo afsoomaali ah oo uu qoray Saalax Xaashi Carab.

Qaamuuska oo xanbaarsan ilaa 40,000 oo erey oo afsoomaali ku sharraxan iyo lifaaqyo si gaar ah u muujinaya ereycodeedyada afsoomaaliga iyo 10-ka Farcan ee uu uu qoruhu u dejiyey Farcanka Falsaleedka Afsoomaaliga, ayaa waxa bilidda araggiisa iyo sare u qaadidda fahamka akhriskiisaba lagu sii xoojiyey 600 boqol oo sawir oo midabaysan.

Qoraha, oo muddo siddeed lix sanadood ah socdaal ku gaalaabixinayey dalalka Geeska Afrika, ayaa wuxuu ku guuleystey inuu dejiyo Qaamuus (Ereykoobe) si horumarsan u dhigan uuna qoruhu qoridtaankiisa u adeegsaday xeerar asaasi ah oo ku taxaluqa saafidda (sarfiga) ereysaleedka, kuwaas oo uu iyaga laftooda Saalax Xaashi Carab baadhis ku helay.

Haddaba, waxa Machadka Affafka ee Xarunta Cilmibbaadhista Jabbuuti (CERD) soo dhoweynayaa isla markaasna ku wargelinaysaa in, cid kasta oo xiisaynaysa helidtaanka Qaamuuska ama haysa su’aalo dheeraad ah ee ku taxaluqaa ay la soo xidhiidhaan Machadka iyo Qoraaga oo cinwaannadoodu hoos ku qoran yihiin.

CABBIRRADA QAAMUUSKA:

  • Dherer: 23,5 cm
  • Ballac:15 cm
  • Miisaan:1kg

Iddiris Yuusuf

Agaasimaha Machadka Affafka Xarunta (CERD)

CINWAANNADA
Machadka Affafka ee
Xarunta Cilmibbaadhista
Jabbuuti (CERD)
POBox: 486
Tel: (253) 35 27 95
Fax: (253) 35 48 12
Email: institutlang@yahoo.fr


Saalax Xaashi Carab
POBox : 486
Tel: (253) 35 08 41
Email: salahashi@msn.com

CODSI

Dhammaan Websityada awoodda u leh, waxaan ka codsanaynaa inay war ahaan iyo wargelin ahaanba u gudbiyaan akhristayaalshooda. Mahadsanidin.

Saalax Xaashi Carab oo ka hadlaya Qaamuus Af soomaali ah... Gujil

Faafin: SomaliTalk | Muqdisho | Maarso 30, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Maxamed Dheere VS Xijaabka .Guji

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD