SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

Maantana waa Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

 

Wararka ka imaanaya soomaaliya ayaa sheegaya in dalka isutagga imaaraadka carabta (UAE) uu joojin doono fiisaha uu siiyo dadka wata baasaboorrada soomaaliya. Go'aankan ayaa sida soomaali fara badan aaminsantahay wuxuu saamayn weyn ku yeelanayaa soomaali badan oo aan haysan hab kale (means) oo ay ugu socdaalaan. Soomaalidu waxay dalka UAE u aadaan sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin caafimaad, ganacsi iyo in ay Yurub uga sii socdaalaan. [Eeg halkan | halkan]

 

Arrintani waxay kusoo beegantay kadib markii bil ka hor dalka Kenya uu joojiyay fiisaha uu siiyo dadka wata baasaboorrada soomaaliyeed, waxaana sabab looga dhigay in baasaboorka soomaaliya uu noqday wax la iska samaysan karo oo aan dowlad ku tiirsanayn (forgery), oo xitaa Kenya dhexdeeda lagu farsameeyo. Warbixinno ayaa sheegaya in baasaboor soomaali ah magaalooyinka Muqdishu iyo Nairobi looga heli karo lacag dhan $25.00 USD, wax shuruud kale ahna aysan ku xirnayn.

 

Xafiisyada hey’adaha arrimaha socdaalka (travel agents) ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaqiijiyay in ay heleen qoraal rasmi ah oo go'aankaas caddeynaya, inkastoo qoraalku ka gaabsaday sababaha loogu diidayo fiisaha dadka wata baasaboorrada soomaaliyeed.

 

Haddaba, wararkan sheegaya in UAE ay go'aansatay in aysan baasaboorka soomaaliyeed fiisa (visa) siin ayaan ahayn wax filan waa ah, sababtoo ah soomaaliya xaaladda ay iminka ku sugan tahay awgeed ma jiro dal oodda ka rogaya oo gacmo furan kusoo dhaweynaya.

 

Dowladda Kanada ayaa taariikhdu markay ahayd 16-kii December, 1999, soo saartay sharci caddaynaya qof kasta oo wata baasaboor soomaali ah in uu yahay qof haysta dukumiinti aan sharci ahayn (invalid) sidaas darteedna aan loo ogolayn in uu Kanada kusoo galo. Eeg:http://canadagazette.gc.ca/

 

Inkastoo dood laga qabi karo, waxaan ku jirnaa sannadkii 14d oo soomaaliya dowlad la'aan tahay. Maalinba maalinta kasii dambaysana dagaal aan ujeeddo iyo micno ku fadhin ayaa dalka ka qarxaya. Maleeshiyo maanta wada socota oo heshiis ah baad arkaysaa iyagoo berri dagaallama oo waliba hubka culus rayidka dhexdiisa isugu adeegsanaya! Hogaamiyeyaashoodiina shirkii 14d bay haatan u fadhiyaan dalka Kenya. Shirkaas oo maalintii la billaabay ilaa iyo hadda aysan kasoo bixin wax ummada soomaaliyeed ku diirsato. Waxaan idaacadaha ka maqalnaa hishiisyo la wada saxiixday oo haddana maalmo kadib kuwii saxiixay ay dood ka qabaan wixii ay gacantooda ku saxiixeen! Adduunkuna sidaas buu u daawanayaa!

 

Soomaalidu ma sed bay u heshay dagaalka, dowlad la’aanta iyo dhiig daadinta, maxaase laga dhaxlay?  Jawaabtu miyaysan ahayn sharaf darro, sharci la’aan, qaxootinnimo, barakac, biyihii badda oo lagu halaagsamay, berrigii oo cudur, gaajo iyo xabbad loogu baaba'ay, iyo wax kale oo kasii daran.

 

Waxaan Allaha awoodda sare leh soomaalida uga baryayaa in uu xaqa garansiiyo, danahoodana tuso.

 

C/fataax M. Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com

 Qoraaladii hore ee Abdifatah

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
iyo Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo... Guji May 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD