SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

WARARKA MUQDISHO EE MAANTA

.Dagaal Wali ka socda Muqdisho oo saameeyay Magaaladda oo dhan
.Baladxaawo oo maanta dagan
.Qiimaha Shidaalka oo wali cirka ku shareeran.

.DKMG ayaa ka codsatay UAE manuucidda Baasaboorka Somalia

.Dawladda Ethiopia  oo codsi u ditay Hogaamiyayaasha Kooxeedyadda gacan saarka
 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Dagaal Wali ka socda Muqdisho isla markaana saameeyay Magaaladda oo dhan.

Dagaal qaraar ayaa ka soconaya Wadada Fiat deegaanka Beexaani ee Magaaladda Muqdisho. Halkaasoo ay ku dagaalamayaan Labo Maleeshiyo oo kala taabacsan Haweenayda iska leh Hoteelka Global ee Mina iyo Ganacsade Bashiir Raage. 

Dagaalkan oo Muqdisho oo dhan laga dareemay ayaa waxaa uu markale qarxay Maanta Barqanimadii kadib markii ay gurmad ka kala heleen labadii dhinac ee shalay dagaalamay Maleeshiyooyin ay isku hayb yihiin. 

Lama oga illaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka Maanta ka billawday Muqdisho. Laakiin Goobjooge ayaa laga soo xigtay inuu arkayay Maydadka dhawr qof iyo Dhaawacyo daadsan goobaha uu dagaalku ka socdo. Wuxuuna qofkaasi sheegay inuu Maqlayay dhawaqa qof dhaawac ah oo ka dalbanayay Gurmad. Laakiin uu haleeli waayay inuu wax u qabto isla markaana uu naftiisa kala soo baxsaday Rasaasta xoogan ee ay Labada Maleeshiyo is dhaafsanayeen. 

Dagaalkan oo daba jooga dagaal hore oo shalay ka dhacay isla goobta uu dagaalku maanta ka dhacay ee Beexaani ayaa imminka waxa uu markii hore ku billawday is rasaasayn dhex martay Illaaladda Hoteelka Global iyo Maleeshiyo Taabacsan Ganacsade Bashiir Raage. Laakiin dagaalka ayaa imminka waxaa laga cabsi qabaa inuu u xuubsiibto Dagaal Siyaaasadeed. Waxaana la arkayay Tiknikadda Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi oo ku soo qul qulaya Muqdisho. Iyagoo ka kala imaanaya Jawhar iyo Balcad oo ay labadan Hogaamiye Kooxeed ka taliyaan. 

Labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa dano ganacsi kuwada leh goobta uu dagaalku ka dhacay. Waxaana ay isku jiraan Dhawr Tallaabo Hoteelka Haweenaydaasi ay leedahay iyo Iddaacada Bariga Afrika ee FM.ka ah oo uu leeyahay Bashiir Raage isla markaana saldhigeedu yahay Xaruntii hore Gaadiidka Booliska. 

Dagaalkan ayaa yimid wax yar kadib markii Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar uu ku guulaystay inuu heshiis dhex dhigo labo Maleeshiyo Beeleed oo isku haystay Deegaanka Siigaale ee Muqdisho. Waxaana imminka ay wadaan Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho dadaalo ay ku doonayaan inay ku kala dhex galaan Labada Dhinac.  

Dawladda Ethiopia ayaa kala hadlaysa Hogaamiyayaasha Kooxeedyadda gacan saarka ay la leedahay inay tagaan Madasha Shirka Soomaalida uga socda ee Kenya. 

Dawladda Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay dadaal ugu jirto sidii ay uga dhaadhicin lahayd Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida inay dib ugu soo laabtaan Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo ee Magaaladda Nairobi. 

C/qaadir Beebe oo Xubin ka ah Golaha Abaabul Qarameedka ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Dheere ayaa sheegay inay Ethiopia xiriiro la soo samaysay Golahooda. Wuxuuna sheegay inay ka dalbatay inay dib ugu noqdaan Madasha Shirka Soomaalidu ka socdo. Laakiin waxa uu sheegay Beebe oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyaddii la boqray intii uu socday Shirka Kenya inay dhinacooda dalbadeen in Xayiraada laga qaado Baasaboorka Soomaaliga iyo in dib loogu laabto Wajiga Labaad ee Shirka. Wuxuuse ka gaabsaday inuu cadeeyo in laga aqbalay dalabkooda iyo inkale.

 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xiriiro ay maalmihii la soo dhaafay Ethiopia la lahayd qaar ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda Soomaalida. Soomaali badan ayaa shaki ka qaba qorshayaasha Ethiopia oo ay aaminsan yihiin inay waddo dadaalo ay ku xagal daacinayso Shirka Soomaalida uga socda Kenya. Laakiin Ethiopia oo ay Beesha Caalamku cadaadis ku saartay inay Taageerto Shirka ayaa u muuqata inay imminka wax ka badashay Mawqifkeedii hore ee ay shirka ku xagal daacinaysay.

 Hogaamiyayaal ay si aada isugu dhaw yihiin Ethiopia oo uu ka mid yahay Maxamed Dheere ayaa wali ku adkaysanaya inaysan ku laabanayn Shirka Kenya. Wuxuuna Maxamed Dheere ka gaabsaday inuu ka hadlo wadahadal ay Qadka Isgaarsiinta ku yeesheen Saraakiil Ethiopian ah. Inkastoo uu qiray jiritaanka Wadahadalkaasi haddana waxa uu ku tilmaamay inuu ahaa Wadahadal waxyaabihii uu ku qotamay aan loo gudbin Karin Saxaafadda. Waa Sida uu Hadalka u Dhigayee.

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, ayaa ka codsatay Maamulayaasha Imaaraadka Carabta inay ka noqdaan go’aanka ay ku mamnuuceen Baasaboorka Somalia. 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah,  Xuseen Saalax  oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay inay Somalia ka mid tahay Jaamacadda  Carabta. Sidaas darteedna aysan Mudnayn in dalalka Carabtu ay horseed u noqdaan Xayiraad lagu soo rogo Baasaboorka Soomaaliga. 

Xuseen Saalax waxa uu sheegay inay waydiisan doonaan Imaaraadka inay ka laabato go’aanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga. Wuxuuna sheegay in haddii ay Madaxda Imaaraadku ka dhaga adaygaan dalabkooda ay ashtako u gudbin doonaan Jaamacadda Carabta oo Somalia iyo Imaaraadkuba ay xubno ka yihiin. 

Saalax waxa uu sidoo kale ugu baaqay Ganacsatadda Soomaaliyeed inay si deg deg ah ula soo xiriiraan Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah si loo diiwaan galiyo Hantidooda ka taala Imaaraadka. Wuxuuna sheegay inay u xisaabtami doonaan Qaababka Caalamiga ah ee ay u xisaabtamaan Labo Dal oo Xiriir Ganacsi ka dhaxeeyo. 

Imaaraadka ayaa noqotay Dawladii labaad ee Mamnuucda Baasaboorka Soomaaliga. Waxaana horay Tallaabo tan la mid ah u qaadatay Dawladda Kenya oo xilligan marti galinsa Wadahadaladda Nabadda ee Somalia. 

Tallaabadan ay Labada Dawladood ku mamnuuceen Baasaboorka Soomaaliga ayaa ah mid aan si wayn looga jeclaysan Somalia. Waxaana Soomaalidu ay ku fasireen Tallaabooyinkan is daba jooga ah ee lagu Mamnuucayo Baasaboorka Soomaaliga mid lagula dagaalamayo Jiritaanka Soomaalida. Isla markaana lagu curyaaminayo Ganacsigooda. Laakiin Ganacsatadda Qaarkood ayaa iyagu aaminsan in Mamnuucista Baasaboorka Soomaaliga ah ay la xiriirto arrimo siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin Quwadaha Awoodda ku leh Caalamka.

 Baladxaawo oo maanta dagan.

 Deegaanka Balad Xaawo ee Gobalka Gedo oo labadii Maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhaceen Dagaalo Sokeeye ayaa imminka xasiloon. Kadib markii ay dib u garasho sameeyeen  dhinac ka mida dhinacyadii isku hayay gacan ku haynta Magaaladda.

 Macalin Ismaaciil Cabdi oo ka mida Waxgaradka Baladxaawo ayaa Isgaarsiinta Fooneeyaha loo yaqaan ugu sheegay Shabakadan inay imminka Magaaladdu Xasiloontahay oo aysan wax dagaalo ahi ka jirin. Wuxuuna sheegay in mid ka mida labada dhinac ay ka baxeen Magaaladda. Isla markaana ay yartahay Rajadda laga qabo in dagaalku uu sii socdo marka loo eego dadaaladda Nabadeed ee ay wadaan.

 Macallin Ismaaciil waxa uu sheegay inay Ergo Nabadeed ka daba direen Dhinicii laga saaray Magaaladda. Wuxuuna sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in ugu dambayn xal nabadeed laga gaaro arrinta Balad Xaawo. Isagoo aan meesha ka saarin in dalal shisheeye ay gacan ka gaysanayaan Hurinta Colaada Sokeeye.

 Qiimaha Shidaalka oo wali cirka ku shareeran. 

Iyadoo wali uusan isbadalin Sicirka Shidaalka Basiinka e Somalia oo gaaray Heerkii ugu sareeyay ayaa waxay qaar ka mida Ganacsatadda Soomaaliyeed sheegeen inay qorshaynayaan Tobanka Maalmood ee socda inay keenaan Shidaal ku filan Dalka oo dhan. 

Maxamuud C/kariin Gabayre, Guddoomiyaha Midowga Ganacsatadda Gobalka Banaadir ayaa sheegay inay si deg deg ah ku keenayaan Dalka Shidaal wax ka tari kara Baahida Basiin ee ka jirta Somalia. Wuxuuna sheegay inay soo gabagabeeyeen Wadahadallo ay la lahaayeen Shirkadaha Shidaalka ee Caalamka. 

Gabayre waxa uu sheegay in sababta ay u keeni waayeen Shidaalka ay tahay kadib markii uu sare u kac ku yimid Shidaalka Caalamka oo dhan. Wuxuuna sheegay inay taasi keentay inay u bareeri waayaan inay soo iibsadaan Basiinka oo si wayn looga isticmaalo Somalia. 

Kor u kaca ku yimid Qiimaha Basiinka ayaa laga dareemay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Dadwaynaha. Waxaana kor u kacay qiimaha lagu raaco Gaadiidka dadwaynaha. Iyadoo kala bar baabuurtii dadwaynahana la iska xareeyay kadib markii ay is bixin waayeen Qarashaadka laga helo iyo Shidaalka. 

Somalia oo aysan ka jirin Dawlad dhexe oo awood leh isla markaana dabagal ku samaysa dhaq dhaqaaqyadda Ganacsi ee Dalka ayaa waxaa lagu dhaliilaa Ganacsatadda Qaarkood inay u dhaqmaan si ka baxsan NIdaamka Caalamiga ah ee Ganacsiga. Waxayna ku qasbaan Shacabka inay iibsadaan Badeeco Qaali ah. Iyagoo heshiis ku ah in muddo la Curyaamiyo Badeecooyin dalka looga baahan yahay si ay lacag badan ugu helaan inta Dalka taala. 

Ma jirto Wasaarad Ganacsi oo la xisaabtanta Ganacsatadda Soomaaliyeed oo intooda badan soo caan baxay 14 kii sanno ee Dagaaladda Sokeeye ay ka socdeen Somalia. Waxaa Somalia laga dhoofiyaa wax kasta oo dawladihii hore Xakamayn jireen taasoo keentay in xilligan ay ganacsataddu fursad u heleen inay Dalka soo galiyaan kana dhoofiyaan wax kasta oo Sharcigu diidayay. 

Xeeldheerayaasha ayaa aaminsan in Ganacsiga furfurmay ee Somalia uu dhinaca kale wato dhibaatadiisa. Waxaana laga yaabaa Mustaqbalka in haddii uu sharci yimaado inay ganacsatadda waqtiga iy Waayaha ku taajiray iyo Sharcigu iska horyimaadaan. Iyadoo Sharcigu uusan aqbalayn in Markab Shidaal ah laga soo xareeyo Lacagtii laga heli Lahaa Toban Markab oo Shidaal ah. Taasoo micnaheedu yahay in Markabkaas Shidaalka ah lagu iibiyo Lacago ka farabadan intii ay xaqa u lahaayeen inay ku iibiyaan.  

Bush oo maanta ku dhawaaqi doona Xayiraad dhaqaale oo uu qorshaynayo inay ku soo rogaan Syria. 

Warar laga helay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegaya in Madaxwayne Bush ay ka go’antahay inuu fuliyo Cunaqabatayntii dhaqaale ee Sannadkii hore ay qalinka ku duugeen Koongareeska Maraykanka. 

Aqalka Cad ayaa lagu waddaa in Maanta ay si rasmiya ugu dhawaaqaan Cunaqabatayntaasi. Waxaana tallaabadan uu Maraykanku ku Cunqabataynayo Syria iyadoo aan oggolaansho ka helin Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay lagu tilmaamay inay tahay mid lagula xisaabtamayo Syria. Sida ay Saraakiisha Aqalka Cad ku andacoonayaan. 

Syria ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay inay sharci darro tahay Cunaqabataynta uu Maraykanku qorshaynayo inuu ku soo rogo Dalkeeda. Waxayna sheegtay inuusan Maraykanku xaq u lahayn inuu iskiis go’aan uga gaaro Cunaqabatayn la saaro Syria. 

Faaruuq Ashaara, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Syria ayaa sheegay in Dalalka Carabtu ay u ballanqaadeen inaysan aqbali doonin Cunaqabataynta uu Maraykanku la damacsan yahay Dalkiisa. Wuxuuna sheegay in Mawqif mid ah ay ku gaareen Carabtu inay ka hortagaan Gardaradda Maraykanka. Laakiin ma cadda sida ay Carabtu Mawqif mid ah uga qaadan karaan go’aan caynkan ah. Iyadoo Dalal Badan oo Carbeed ay xiriir la leeyihiin Maraykanka taasoo laga yaabo inay sahasho in Maraykanku uu ku guulaysto Hadafkiisa uu go’doonka dhaqaale ku galinayo Syria. 

Syria ayaa waxay ka mid tahay Waddamada uu Maraykanku aaminsan yahay inay Xiriirka la leeyihiin Argagixisadda.  Laakiin ma jirto illaa iyo hadda Baaris dhex dhexaad ah oo muujinaysa in Syria ay taageerto Kooxaha Argagixisadda. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
iyo Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacay Buulo xaawo... Guji May 10

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD