SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Wiil uu dhaley Gudoomiye ku xigeenkii baarlamaanka DFKMG Cismaan Ciilmi Boqore oo lagu Diley Muqdisho

  • Ogaysiis Ku wajahan JAALIYADDA SOOMAALIDA MINNESOTA

  • Midowga Yurub oo sheegay in khilaafka u dhexeeya Dowladda uu yahay mid aan sidaa. 

  • Culuma-u-diin ka tirsan Beesha Suleymaan oo digniin u jeediyey..

  • Qaabkee ayay Beeluhu u qaybsadeen maamulka Gobolka Banaadir..

  • Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo ku Geeriyoodey Jowhar…..

  • Dugsi loogu magac daray.Al Qamar oo shaley laga furey Muqdisho..

  • URURKA PEDO OO HOGAAN CUSUB DOORATAY

WARARKII MAANTA::: NOV 12, 2005

Ogaysiis Ku wajahan JAALIYADDA SOOMAALIDA MINNESOTA
Dhagaysiga MAXKAMADA lagu qaadayo Maxamed Warsame oo la xiray Sannadkii 2003
 

Walaalkaa Maxamed Warsame oo Xiran wuxuu sugugayaa Caawinaadaada..GUJI (PDF)
Jaaliyada Soomaalida waxaa laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan dhagaysi MAXKAMADA lagu qaadayo Maxamed Warsame oo la xiray December 8, 2003 dad waynaha waa loo ogol yahay inay kasoo qayb galaan dhagaysiga MAXKAMADA, arintaasna waxaa si khaasa uga codsaday Soomaalida Qareenka Maxamed Warsame oo yiri waxay caawinaysaa kiiska Maxamed Warsame, hadaba waxaa si naxariis leh loogu adkaynayaa Soomalida degan Minnesota inay kasoo qayb galan, qofkii aan baabuur haysan waxaa laga qaadayaa Xaafada Cedar Communit-ga hortiisa.

Goorma:: Talaadada: November 15, 2005  | Saacada:: 1:30 pm

 
Goobta dhegeysiga Maxkamada:::

US FEDERAL COURTHOUSE

300 SOUTH 4TH STREET ROOM 13
MINNEAPOLIS, MN 55454


Wiil uu dhaley Gudoomiye ku xigeenkii baarlamaanka DFKMG Cismaan Ciilmi Boqore oo lagu Diley Muqdisho

November 12, 2005 9:36:36 AM

WAR DEGDEG AH::: waxaa daqiiqado ka hor lagu diley agagaarka isgoyska lambar 4 wiil uu dhaley Gudoomiye ku xigeenkii baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Cismaan Ciilmi Boqore,  wiilka oo lagu magacaabo Khadar Cismaan Cilmi Boqore ayaa waxaa dilkiisa  geystey Koox dabley ah oo wadatey gaari Mark ii.

Ilaa iyo hadda lama garanaayo cidii ka dambeysey dilka wiilka Gudomiye ku xigeenka balse warar baa la xiriirinaayaa in wiilka loo diley ishaysiga u dhaxeeya xubnaha Dowlada ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhaar.

Wareysi uu dhawaan bixiyey Wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo wax laga weydiiyey Baxsashada Gudoomiye Ku xigeen Cisman Cilmi Boqore wuxuu sheegey in uusan Meel dheer naga jirin Boqore maadaama ay nala joogaan Caruurtiisa iyo ehelkiisa.

Dhowr jeer ayaa caruurrta looga digey in ay si caadii aha u maraan Magaalada Muqdisho maadaama aabahood uu ku biirey dhinanaca Jowhar, warar kale ayaa sheegaya in wiilasha loo soo direy digniino loogu hanjabayo in la dili doono.

Amiin Yuusuf, Muqdisho.

WARBIXIN KALE OO KU SAABSAN DILKA....

Muqdisho- 12.November.2005: Wiil uudhaley Gudoomiyo Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Kmg Cismaan Cilmi Boqore Ayaa waxaa lagudiley Maglaalada muqdisho. Ilaa hadana Lamashaacin Marxuumkaasi Arimaha loodiley Tasoo  Salka kuheydoonto  Arimo siyaasadeed,  Magaalada  muqdisho  oo  maalmahaani Caado u ah Dilalka noocaan oo kale ah, taasoo lagu leynayo dadka wax garadka ah oo aan waxba galabsanin. sida aqoonyahanada wax garadka, saraakiisha iyo wixii lamid ah.

Bishan Novemer 7deedii ayey ahad markii Diinsoor lagu diley Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka oo Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa.

Cumar Cabdi Xaashi
Kenya Nairobi
Email: suxufi200@yahoo.co.uk  
suxufi200@gmail.com


Midowga Yurub oo sheegay in khilaafka u dhexeeya Dowladda uu yahay mid aan sidaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

            Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Jowhar gaaray wafdi ka socday Midowga Yurub waxayna wafdigaasi kulan gaar ah la yeesheen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya iyo sidii midowga Yurub uga qayb qaadan lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya. Mas’uuliyiintii ka socotay midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in ay gacan siin doonaan Dowladda Federaalka ah waxayna meesha ka saareen in uu jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka. “Haddii uu khilaaf uu jirana ma  ahan mid sidaas u weyn” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Midowga Yurub. Dowladaha Midowga Yurub ku jira ayaa waxay ahaayeen dowladihii ugu badnaa ee bixiyay qarashkii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay wadanka Kenya socdayna muddo ka badan labo sano iyo ber. Magaalada Jowhar waxaa maalmahan ku sii socday wufuud kala duwan oo ka socday beesha caalamka, waxaana maalintii doraad ahayd Magaalada Jowhar ka ambabaxay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta oo iyagu halkaasi ka caddeeyay in ay Jowhar ka fureen xafiiskii Jaamacadda carabta, sidoo kale waxaa Magaalada Jowhar ka baaqday shir ay isugu imaan lahaayeen urur gobaleedka IGAD Wasiiradooda arimahada dibadda, waxaana la sheegay in Dowladda Federaalka ay si aad uga xumaatay baaqashada kulankaasi. Wufuudaan kala duwan ee gaareysa Magaalada Jowhar ayaa waxa uu dhabar-jab ku yahay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Culuma-u-diin ka tirsan Beesha Suleymaan oo digniin u jeediyey..

            Kulan ay isugu yimaadeen Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay uga hadleen weerar ay sheegeen in lagu soo qaaday xarun Diimeed ku taala Xaafadda Wardhiigley gaar ahaan Mowlaca Shiikh Maxamuud Nuur.

            Waxay sheegeen in weerarkaasi ay gaysteen kooxo ka socday Maxkamadaha Islaamiga ah iyagoo sheegay in halkaasi ay ka abuureen qas iyo qallaan-qal.

            Culuma’udiinkaaas iyo waxgaradkaasi waxay soo saareen dhowr qodob oo ku aadan weerarkaasi, waxayna sheegeen in Culuma’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca aysan aqoonsaneyn Maxkamadda Islaamiga ah ee Beesh ayna yihiin kooxo isku bahaystay dano gaar ahaaneed.

            Waxay ugu baaqeen kooxahaasi inay ka waantoobaan falalka noocaas oo kale ah oo ka fog Islaamnimada iyo aqliga Saliimka, waxayna u soo jeediyeen Beelaha kale ee ka soo jeeda Maxkamadaha kale in ay gacan ka gaystaan sidii ay u xakameyn lahaayeen maleeshi-yooyinkaas.

            Ugu dambeyntii waxay sheegeen in wixii dhibaato ah ee ka yimaada falalkaasi daandaasiga ah in ay dusha u ridan doonaan waxay ugu yeereen kooxahaas, waxaana ka mid ah Culuma’udiinkii iyo waxgaradkii soo saaray qoraalkaan Shiikh Maxamuud Cawaale Max’ed, C/llaahi Macallin Shaati-Cadde, Daahir Xaaji Yuusuf, C/llaahi Warsame Cabdi, C/raxmaan Shiikh Cumar Rooble, C/raxmaan Xalane, Nabadoon Salaad Coloow, Macallin Shire Foodey, Shiikh Cabdi Jimcaale Cabid, Shiikh C/llaahi Cabdule Faarax, Shaaxi Axmed Taraare, C/qaadir Shiikh Max’ed Mataan, Maxamuud xasan Bile, Mahad Xuseen Kaahiye, Shiikh C/llaahi Macallin Jaamac iyo Shiikh Aadan Cali Diirshe.      

Qaabkee ayay Beeluhu u qaybsadeen maamulka Gobolka Banaadir..

            Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa shalay isla ogaalaaday in xubnaha maamulka Gobalka Banaadir ay noqdaan 64 xubnood, taas oo ay sheegeen in lagu qaybsan doono qaab beeleed.

            In kastoo guddiga loo xilsaaray maamulo u sameynta Gobalka Banaadir haddan waxaa si hoose ku helnay shaxda qaybsiga xubnaha Beelaha waxayna kala yihiin:_

            Beesha Mudulood 13 xubnood, Beesha Habar-Gidir 9 xubnood,  Beesha Murusade 8 xubnood, Beesha Xawaadle 4 xubnood, Beesha Duduble 3 xubnood, Beesha Gaal-Jecel 2 xubnood, Beesha Gugundhabe 2 xubnood, Beesha Shiikhaal 2 xubnood, Beesha Silcis 1 xubin, Beelaha Digil iyo Mirifle 6 xubnood, Beelaha Daarood 4 xubnood, Beesha Direed 4 xubnood, Beelaha Jareerweyne 2 xubnood, Beelaha Banaadiriga 2 xubnood, Beesha Ajuuraan 1 xubin, Beesha Reer Ow Xasan 1 xubin.

            Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka Dowladda Federaalka xubnahooda ku sugan Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maanta lagu dhawaaqi doono qaabka qaybsiga Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo ku Geeriyoodey Jowhar…..

            Wararka naga soo gaaraya magaallada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd uu magaalladaasi ku geeriyooday xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo lagu magacaabo C/qaadir Cabdi Jibaar oo la sheegay in uu muddo halkaasi ku xanuunsanaa.

            Inkastoo aan faah-faahin laga bixin sababaha dhabta ah ee uu u geeriyooday xildhibaankani ayaa haddana warar waxay sheegayaan in xildhibaankaasi uu u geeriyooday si caaadi ah, iyadoo aaskiisana ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federal-ka.

            Waa Xildhibaankii 5-aad ee ka geeriyooda xildhibaannada Baarlamanka, iyadoo ay horey u geeriyoodeen Xasan Cabdulle Qalaad, Max’ed Xaashi Gaani, Faarax Maxamed, Aadan Gabyoow iyo kuwo kale.

            Illaa iyo hadda Golaha Baarlamanka ma uu san buuxin boosaskii ay ka geeriyoodeen xildhibaannadaasi, marka laga reebo Aadan Gabyoow oo booskii-sa uu buuxiyey wiilkiisa C/rashiid Aadan 

Dugsi loogu magac daray.Al Qamar oo shaley laga furey Muqdisho.

            Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Al-Qamar oo ay ka qayb galeen Maamulka Dugsiga, madaxda Hay’adaha Samafalka, madaxda Dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banadir qaarkood, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa waxay shalay ka dhacday xarunta Dugsigaasi, waxaana halkaasi ugu horreyntii warbixin ka soo jeediyey Maamulaha Dugsiga Max’ed Nuur Barre, isagoo sheegay in dugsigaa Al-Qamar Intermediate and Pre-Intermediate uu noqon doono mid waxbarashadiisu ku bixi doonto Luqadda Carabiga, marka laga reebo luqadaha kale.

            Max’ed wuxuu sheegay in dugsiga keliya uusan noqon doonin Dugsi/Hoose/Dhexe, hase yeeshee ay heli doonaan dadka kale ee doonaya in ay baartaan luqadaha & xisaabaad-ka in dugsiga ay qorshaha ugu jirto maadooyinkaasi, isagoo qeexay in ay wax ka dhigi doonaan Dugsiga macallimiin heer Jaamacadeed oo ka soo qalin jebiyey gudaha iyo dibadda, waxaana Dugsiga oo ku yaalla inta u dhexeysa Black Sea iyo NBC ayaa furitaankiisa waxaa si weyn u soo dhoweeyey dadka deegaanka oo baahi weyn u qabay dugsi noocan oo kale ah oo laga furo xaafadda dhexdooda, iyadoo isla markiiba ay soo gaareen codsiyo fara badan oo dhinaca is qorista Ardayda ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com


URURKA PEDO OO HOGAAN CUSUB DOORATAY

Karachi: ururka Puntland Education Development Organisation ( PEDO) ayaa maanta qabtay doorashadii sanadlaha ahayd ee ka dhacday xarunta laga asaasay ururka ee ugu wayn ee magaalada Karachi, dalka Pakistan. Taariikhdu markay ahay jimce 11. nov. 2005. 

Xafladaan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan ardayda reer puntland , waxay xafladu ku bilaabatay hanaan wanaagsan , jawi fiican, iyo farxad iyo rayn rayn, ardayda oo shucuur farxadeed ka muuqatay ayey goobta doorashadu ka dhacaysay yimaadeen. 

Musharaxinta ku tartamayey jagadaa hogaanka ururka horomarinta wax barashada ayaa  guud ahaan lagu tilmaami kara musharixiin ay ka go’an tahay in ay wax  qabad mujiyaan isla markaasna  shucuur wadani nimo ka muuqatay wajiyadoda.  Musharixintan oo kala ahaaa:

  • 1: Mr. Ismail Ali Artan
  • 2: Engr. Abdulkadir Asair Said.
TAHNIYAD AROOS
dhaman ardayda reer puntland ee dalka masar wax kubarata waxay tahniyad iyo boogaadin u dirayaan caruuska iyo caruusada kala ah
 Guuleed axmed cigaal iyo Amaal shariif faarax oo caawa arooskoodu ka dhacay magaalada london ee carriga ingiriiska.
waxaan ilaah uga baryeynaa in uu ka dhigo kuwii isku waara ubad kheyr qabana kala hela, wiil iyo caano gabadh iyo caano
Aamiin Aamiin Aamiin Amiin
Sharmarke A. Ilmi"
shsugulle@hotmail.com 

Ayaa Intaan doorashadu bilaaban waxaa warqa tanasul ah soo gudbiyay musharaxa jagada gudoomiye nimada ururka. mudane Ismaciil uga tanaasulay walaalkiis  

Musharax tanaasulka sameeyey ayaa ka jeediyey hadalo aad u wanag san oo kalsonidisa kusiinaayey Musharaxa isagu kusoo haray jagada hogaanka ururka  P.E.D.O Halkaasna waxaa loo doortay Engr. Abdulkadir Asair Said  Gudoomiyaha  ururka PEDO,

Wuxuuna guduumiyihu  ka jeediyey hadalo aad u wanag san oo shucuur  galaisay ardayda,  gudoomiyuhu markiiba u doortay Mr Ismail Ali Artan ( Musharraf) afhayeenka ururka. Wuxuna yiri Xubnaha kale ee ururkana gadaal ayaa laga soo dhisayaa. 

Ururkan PEDO oo jiray muddo hal sano, wuxuu xarumo ku leeyahay wadamo gaaraya 19 wadan. waxaa uu ka caawiyay waxbarashada shacabka reer Puntland, waxaana ka mid ah inuu arday badan waxbarasho jaamacadeed u soo saaray, una qabtay seminaaro iyo xaflado lagu hormarinayo waxbarashada, dhiirri gelinna ku sameeyay ardayda reer puntland, wuxuu kaloo ku caawiyay jaamacadda East Africa University inuu macalimiiin kala duwan oo ajnabi ah u diro si kor loogu qaado tayada waxbarasha jaamacadda, ururku wuxuu kaloo qabtay waxyaaba badan oo aan lagu soo koobi karin halkaan. 

Ururkaan BEDO oo hogaankiisi hore ahaa mudane C/raxman Faarax Cali (Sudeysi) hadana ka ah Proffessor jaamacaddda East Africa ayaa hambalyo u soo diraya gudoomiyaha cusub. Waxuuna balanqaaday wada shaqayn wacan.

Waxaa diyaarshay:


Afhayeenka Ururka PEDO
Ismaciil Cali Cartan (Musharraf)
Mobile:00923002668962
Email: ismaaciili@hotmail.com
Karachi Pakistan

Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba?
Intaa nooshahay maalin walba wax aad arkeysaa wax kaa yaabiya, iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan Xaafadda aan deganahay ee AL-Baraka Guri u dhow waxaan arkay dad buuqaya oo la leeyahay Caawa Xaafadda waxaa jooga Dhurwaa, inta yaabay ayaan waxaan dadkii ku iri “oo Dhurwaagu muxuu qabanayaa?”... Warka oo dhan...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2005

SomaliTalk oo Doorashadii USA ka waraysatay Maxamuud Wardheere
Wardheere oo mar u tartamay duqa Minneapolis, haddana la shaqeeya Senator laga soo doorta Minnesota ayaa.
Guji...

Geeddi oo Soo Dhoweeyey Xafiiska ay Jaamacada Carabtu Ka Furaneyso Jawhar
»Itobiya oo ka xumaatay weerarkii lagu qaaday Geeddi..
»Sweden: Shaaweeye iyo Firimbi oo ka qaybgalaya Shir..
»Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM oo sheegay in..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Nov 10

Dahabshiil Holland oo bishan khidmadii hoos u dhigtay boqolkiiba 50%
Shirkada Dahabshiil ayaa waxay dadka deggan Holland ku war gelineysaa in... Guji...

C/llaahi Yuusuf oo sheegay in Muqdisho ay ku sugan yihiin Kooxo farabadan oo Argagixiso ah
»DFKMG oo baaritaan ku samaysneysa qaraxii Muqdisho
»Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo dib ugu laabtey Jowhar
»Shariif Xasan oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho
Wararka oo dhan oo ka akhri halkan.... Guji... Nov 9

Gaadiid badan oo gumaysiga lagaga gubay Ogaadeenya
iyo Qalalaasihii Itoobiya oo meel xun maraya... Guji...

Baaq ay soo Saareen Dhallinyarada Gobolka Bari...
oo ku wajahan Shirkad la sheegay inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka tirsan DGPL... Guji... Nov 8

Musharaxa Duqa Magaalada Minneapolis oo Booqday Masjid Shaafici
Peter Mclaughlin oo ah musharaxa duqa magaaada ayaa lakulmay Sh. C/Raxmaan, Soomaalidana waxa uu weydiistey in ay u codeeyaan Doorashada Maanta (Nov 8) waxana uu ballan qaaday in Guji....

Injineer Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah... ka akhri..
HALKAN... GUJI...
Nov 7


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD