Khudbadii
Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer Puntland
Osman Ahmed Sheekh
isxaaq@yahoo.com
Janaayo 13, 2006
Bismillaah, waxaa in dhawayd shucuubta ku nool
degaanada Puntland hareeyey maamulxumo baahsan oo saamaysay dhamaan hay’adaha
Puntland oo idil.
Hadaba marka wax ay khaldamaan ayaa bulshada
waxaa caado u’ah in la eedeeyo masuulka markaas meesha ugu sareeya oo qura, ee
aan eeda xitaa lala wadaajin kuwa masuulkaas ka hooseeya. Puntland oo awalba la
daalaa dhacaysay maamulxumo iyo cadaalad xumo baahsan sidii loo dhisayba, ayaa
shacabku waxay uhanqaltaagayeen isbedel dhan walba leh inay arkaan kadib karkii
uu doorashadii ku guulaystay madaxweyne Cade Muuse janaayo 8, 2005.
Nasiib xumo ma dhicin in wax isbedelaan sababo
dhawr ah dartood.
Tan hore mudane Cade oo doorbiday intuu dawlad
cusub uu soo dhisi lahaa, bal inuu wakhti siiyo dawlada markaas jirtay oo
badidoodu ay wakhti yar oo kooban xilka hayeen sidaa darteedna wuxuu codsatay
inuu lix bilood ugu daro wasiiradii hore si loo arko wax qabadkooda .
Waxaa kaloo dhacday in madaxweynuhu uu
xanuunsaday kadibna uu safar dalka dibadiisa ugu amba baxay, taasoo si fiican
ay usoo muuqatay maamul xumida ka taagan degaanka Puntland. Ma lihi madaxwaynuhu
waxba ma qaban, waliba waan ucudurdaarayaa maadaama uu madaxweynuhu xanuunsanaa
in mudo ah oo isbitaal ku maqnaa. Waxaan qabaa in hada iyo wixii ka dambeeya aan
fiirino wax qabadka dawlada.
Waxaan kaloo rabaa inaan bulshada xasusiyo in
wax qabadku uusan ku koobnayn oo qura madaxweynaha balse inta ka hoosaysa iyana
laga sugayo inay waajibkooda gutaan, inkastoo ay u umuuqdaan wasiirada badidoodu
kuwo ka soo dhalaali waayey waajibkoodii .
Waxaan wax yar ka xusi karnaa madaxweyne Cade
wax qabadkiisa inaan idinka xasuusiyo dawladoo jirta bilo kooban in la bilaabay
dhismaha golayaasha degaanka ee degmooyinka ay Puntland ka kooban tahay oo
qaarkood ay goor horeba hawl galeen, halka kuwo kalena ay jidka ku soo jiraan
inkastoo khaladaad badan iyo cabashooyinba ay jiraan meelo ka mida Puntland sida
Gaalkacyo oo cadaalad xumo baahsan laga soo sheegayo ayna ugu dambaysay cabasho
ay gudbiyeen beelaha qaar oo ku saabsan sidii loo qaybiyey golayaasha degaanka,
iyadoo shacabka Gaalkacyo awalba ay la il daraayeen maamul xumo baahday.
Waxaan dhagaystay khudbadii qiimaha lahayd ee
madaxweyne cade uu maalintii Ciida ka jeediyey Boosaaso, taasoo runtii ahayn
khudbad ay ka muuqatay daacadnimo iyo isku kalsoonaan madaxweynaha hadaladiisa
laga dhadhaqan san karay.
Waxaan qabaa dhibaatada maamul xumo iyo
cadaalad xumo ama aanba isku mataaneelee maamul xumo waxaa daba socda xadaalad
xumee, waxaa loo baahan yahay in qof kasta oo ka soo jeeda degaanka Puntland dal
iyo dibadba ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa maamul xumida baahday oo
waliba gaartay hay’adihii lagu tirinayey inay wax ka qaban karaan ee garsoorka.
Waxaan aad uga naxay mar uu madaxweynaha ka
hadlayey qiso ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ah meesha ugu liidata maamul
ahaan iyo cadaalad ahaanba degaanada Puntland, mana aha hadal la iska yiriye waa
xaqiiqda ka jirta magaalada Gaalkacyo oo dal iyo dibadba laga ogyahay.
Madaxweynuhu wuxuu yiri waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacday in qof masuula oo
shaqaale soo qor la yiri meel looga baahnaa 40 qof oo shaqqle ah uu soo qoray
afartan masuulkaas ku jifo, qaraabo iyo xidid la ah, uusan dadkii kale ee
degaanka hal ruux xitaa uga darin. Runtii waxaan oran karaa madaxweyne Cade aad
ayuu ula socdaa qaska iyo maamul xumida ka taagan gaar ahaan maamulka
Gaalkacyo.
Gaalkacyo waa magaalada kaliya ee Puntland oo
maamulka degmadu uu xukunka hayo hal masuul 15 sanno ku dhawaad. Waxaan qabaa
maamul cadaaladeed oo magaaladaas Gaalkacyo loo sameeyana inay tahay dhib weyn
oo horyaala madaxweynaha maadaama aad moodo inay ka aasaasmatay magaaladaas wax
lagu tilmaami karo (Boqortooyo aan la ridi Karin in laka dhaxlo mooyee). Waxaan
qabaa suulinta maamul xumida ka jirta Gaalkacyo waxay tusaale unoqon kartaa
degaanada kale ee Puntland.
Qof kasta oo degaankaas Gaalkacyo booqda markii
aad ka waysato wuxuu kaaga sheegi maamul xumo, nabadgalyo xumo. Waxaan qabaa
maamul xumida ka jirta Puntland kala bar inay ka jirto Gaalkacyo barka kalena
Puntland inteeda kale waxaana looga gudbi karaa waa shacabka oo gacan buuxda
siiya madaxweynaha dhistana maamul aqoon leh kuna fakaraya horumarka degaanka ee
aan mudnaanta siinayn horumarka beesha masuulkaas uu ka soo jeedo oo qura. Waa
in lala xisaabtamaa kuwa caadaystay inay hantidii dadweynaha daaro dhaareer ka
jeexdaan xumahana aan ka xishoonayn. Waa in canshuurta dadka laga qaado lagu
horumariyaa degaanka ee aan hoteelo lagu dhisan ama baabuur quruxbadan lagu
iibsan. Shacabku waa inay la xisaabtamaan masuuliyiinta oo aysan indhaha uun ka
fiirsan.
Bal is bar bar dhig Boosaaso oo aan idaacahaha
ka maqlaynay maamulka degmada oo dhisay aargo ah astaanta laga soo galo Boosaaso
ama looga baxo , taasoo aan oran karo waxaa majaraha uqabtay masuul ku fakaraya
horumarka iyo bilicda magaalada iyo Gaalkacyo oo aan dakhli ahaan ka dhicin
Boosaaso oo aan lagaba aqoon laguna fakarin wax horumar ah, maamulka Gaalkacyo
ka jirana waxaa uu ka fakaraa oo qura waa horumarkiisa iyo dhisida daaro
dhaadheer oo uu yeesho waxaana taas cadayn u’ah hotelka quruxda badan oo laga
dhisay canshuurtii reer Gaalkacyo ee dadku uyaqaan hoteelkii Doonta.
Nin reer Boosaaso oo arkay hoteelkaas ayaa
markii loo sheegay milkiilaha hoteelka ayaa yiri boowow anagu hadaanu reer bari
nahay wixii aan bulshada ka xadno jeebkaan ku ridanaa oo fulaynimo awgeed ma soo
saari karo, boowe reer mudug aa geesi oo xoogaagii ay bulshada ka qaateen
waakaas oo dalkii quruxdiisii ayey ku bileen isagoo ku tilmaamaya indha adayga
reer muduga iyo xoolaha dawlada oo ay xadaan oo ay daaro ku dhistaan taasoo
runtii nasiib daro ah in shacabku ay canshuurta iska bixiyaan, balse aysan la
xisaabtamin maamulka degaankaas meeshii ay martay iyo wixii lagu qabtay toona
canshuurtii laqa qaaday shacabka. Waxaan is weydiiyay shacabka ma waxaysan aqoon
ulahayn wax yaabaha lagu qabto canshuurta laga qaado, mise cabsi ayaa ugu wacan
inaysan la xisaabtamin kuwa ku tagri falaya xoolahoda.
Cadde Muuse oo maalintii Ciida (Jan 10, 2006) la hadlayey Saxaafada...
|
Waxaa la iisheegay mar dhalinyaro udhalatay
degaanka mudug oo maamulka degmada weydiiyey canshuurta ay qaadaan waxa ay ku
qabtaan, masuulkii degmada wuxuu ku jawaabay waxaan ku qabanaa nabadgalyada
magaalada. Waxaa wax lagu qoslo ah Gaalkacyo oon nabad galyadeeda wada ognahay
inuu maamulku sheego inay wax kaga qabtaan nabad galyada, waxaa isweydiin mudan
meeqa ayey boqolkiiba ku bixiyaan nabadgalyada, maxaase kale oo lagu baxshaa
dhaqaalahaas faraha badan ee ka soo gala gegida dayuuradaha Gaalkacyo oo
diyaarado dhawr ahi kasoo degaan iyo kuwo kale oo badeeco dalka dibadiisa
udhoofsha. Canshuuraha farah badan ee laga qaado kala gadashada guryaha oo ah
dakhliga ugu badan ee soo gala maamulka dalwada hoose maxaa lagu qabtaa iyana.
Gaalkacyo waa magaalada labaad ee ugu dakhliga badan marka laga hadlayo maamulka
Puntland waxay ku xigtaa magaalada dekada ah ee Boosaaso.
Hadaba dhibkaas baaxada leh ee ka jira meel
kasta oo Puntland ah haba usii kala badnaadeene, ma waxaa laga rabaa inuu wax ka
qabto madaxweynaha oo qura mise waxaa loo baahan yahay in shacabku ay gacan ku
siiyaan madaxweynaha hawlahaas culus ee horyaala. Iga raali ahaada hadaan meel
walba ku soo cel celiyo madaxweynaha, waayo haatan iima muuqdo masuul kale oo
uheelan wax ka qabashada arimaha degaankaas Puntland dawladuna waxay umuuqataa
mid marakan madax ka nool ah, mustaqbalka yeelkeeda.
Hadaba aan uduceeyno madaxweynaha oo aan
rajaynayo inuu yahay shakhsi hadii alle uu la garab galo wax ka qabanaya
dhibkaas iyo dibu dhacaas Puntland ay haadan ku sugan tahay.
Waxaan kaloon madaxweynaha kula talin lahaa in
uu xilka ka qaado masuuliyiinta magaca uun huwan een wax qabadka lahayn, wax
qabadkooduna aysan dhaafsiisnayn beesha ay markaas ka soo jeedaan wax
uqabadkeeda ama inay dhacaan wax umada ka dhexeeya. Waxaan amaan gaara usoo
jeedin lahaa madaxda fara ku tiriska ah ee hawlahooda ka soo dhalaalay intii
madaxweynuhu uu hawlaha caafimaad ku maqnaa. Ma doonayo inaan magacaabo oo
bulshadoo idil waa ila garanaysaa wasiiradaas.
Waxaan aniga iyo inta horumarka jecelba qabnaa
in isku shaandhaynta madaxweynuhu aysan noqon mid isimada lagala tashado ee ay
noqoto mid aqoon uu ku soo xusho madaxweynuhu wasiiradiisa oo aqoontu ay mudnaan
unoqoto, sidoo kale waxaan qabaa aqoon yahan balwad leh oo wakhtiga intiisa
badan balwadiisa mashquul ku ah inaadan xulan ama aqoon yahan maskaxdiisu ay san
dhaafsiisnayn horumarka beeshiisa isna iska ilaali dadku waa is yaqaan waa nin
qaran iyo nin qabiil.
Inkastoo madaxweynaha dadka qaarki ay ku
sheegaan inuu yahay nin jilicsan, aniguse waxaan qabaa inay wali deg deg tahay
inaan ku sheegno jileec iyo ad adeeygtoona maadaama markii la doortayba uu inta
badan xanuunsanaa, sidaa darteed wixii hada ka dambeeya ayaan ogaan karaa
masuuliyada madaxweynaha mar haduu caafimaaday anigoo waliba ku kalsoon inuu si
haboon uwajihi doono hawlahaas dhibka badan ee hor yaala.
Ugu dambayn waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa
hadaanu nahay shacabka Puntland ee ku nool dibada in dhismayaasha golayaasha
degaanka ee Puntland oo qaarkood ay shaqo galeen qaarna dhisidooda ay wali muran
ka taagan tahay cadaalad daro loo qaybiyey dadteed inuu si aada uga taxadaro
arimaha golayaasha degaanka oo si daacadnimo ah arimahaas loo qaybiyo loona
dhamaystiro.
Golaysaasha degaanku waa halka ay ka bilaabato
dimoqraadiyada degaanka, sidaa darteed gudiyada qaybinaya ama dhisaya ha noqdeen
kuwo daacad ah oon laaluush qaatayaal ahayn waana in la qanciyaa dhamaan beelaha
oo idil ha noqdneen kuwo badan ama kuwo yar intaba. Cadaalada ka bilaabata
golayaasha degaanka ayaa noqon kara wajiga laga daawado horumarka degaankaas ama
guud ahaan Puntland.
Waxaan ku soo gababa gabayn in shacabku ay
maamulka xun iska qabtaan oo dhistaan maamul wanaagsan lana shaqeeyaan oo gacan
buuxda siiyaan madaxdooda horumarka dalka jecel, waa inaan ka tagnaa nin
jeclaysiga oo aan wax walba ka horumarinaa amuuraha degaanka.
Waxaan duco hawada usoo marinaynaa madaxweyne
Cade inuu alle caafiyo , una fududeeyo xilkiisa . Shucuubta Soomaaliyeed ee
daalacan toonta maqaalkana waxaan leeyahay ciidwanaagsan.
Wabilaahi tawfiiq.
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
|