SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Socdaalkaygii Ingiriiska iyo nolosha Soomaalida UK.

14-25 january waxaan socdaal 10 maalmood qaatay aan ku tegay dalka Ingriiska. Socdaalkayga oo ahaa markii iigu horaysay oo dalka Ingiriiska aan tago ayaa ujeedadayda ugu wayn waxay ahayd sahan aan ugu kuur gelayey nolosha Soomaalida oo sannadihii ugu danbeeyey u hayaamayses xagaa iyo carrigada Ingiriiska. Sooamali hayaamaysay dhinaca Ingiriiska waxay intoodada badan ka tegayeen dalal Scandinavianka, Finland, Holland, France, Belgium, Italy iyo dalalka kale oo Yurub ka tirsan. Dadka Soomaaliyeed ee ka soo hayaamay dhica Scandinavianka iyo Holland waxay u badnaayeen dad waqtidheer deganaa oo haysta dhalashada dalalkaa iyo dad sharci joogta ah ku lahaa dalaka ay deganaayeen.

Duruufo kala duwan ayaa u sababa ah in Soomaalidu u hayaanto dalka Ingiriiska. Duruufahaa waxaan ka soo qaadan karnaa duruufo la xidhiidha dhinaca hinaca dhaqdhaqaaqa iyo nolosha, waxaa kale oo jira arimo kale oo siyaabo kala duwan ula xidhiidha dhinacyada dhaqanka oo ay ka mid yihiin Diinta, luuqada iyo nadaamka waxbarashada iwm. Arimahaa oo ka tarjumayey rabitaan ah in dad badan u diyaar garoobaan inay iyagu isku tiirsanaadaan iyagoo adeegsanaya aqoontooda iyo xirfadooda si ay wax ula soo baxaan khaasatan dhinaca ganacsiga ama dad siyaabo kaleba u doonayey isbedel.

Dalalkan Scandinavianka dhinaca ganacsiga ayaa ah mid ku adag badiba dadka Soomaalida, marka loo eego dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhinaca dadka ama macaamiisha ay heli karaan (Population density), waxaa iyana jirta in dalalka Scandinavianku ay leeyihiin heer nololeed la xadido (life standard), kaas oo looga baahan yahay wax kasta oo qofku samaynayso inuu raaco nadaamka, haday ahaan lahayd dhinaca caafimaadka, adeega, bilicda, tartanka (Computation) iwm. sidaa awgeed dad badan ayaan ka soo bixi karin inay ganacsi ka abuuraan dalalka qaarkood sida Scaandanavianka, marka loo eego dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta intaba. Taas waxay dad badan gayeysiisaa in ganacsigoodu soo dhaafiwaayo luuqyada, waxaana sii adkaata in laga faa'iido marka lagu fashilmo shuruudaha iyo tartanka marathonka ee suuqyada ganacsiga. Xaga shaqada ayaa iyana ah arin dalalka qaarkood la isku midab takooro oo ay adagtahay inaadba shaqo hesho hadii aan communitygu ku gayn. Tusaale dalka Den amrk waxaa jira nadaam dawlada iyo Communities (dawladaha hoose) qaarkood abuureen shirkaduhuna aad u jecel yihiin, kasoo-qaad hadii aad shaqo iskaa u hesho, waxaa shirkadaha badan koodu kula gelayaan heshiis ah inay community-gaaga la xidhiidhaan si ay ula heshiiyaan, waayo waa nadaam aad ugu raqiis ah, kaasoo micnihiisu yahay in qofka shaqaalaha ah ay xoogiisa kala iibsadaan shirkadaha iyo community-gaagu, halkaana qofka shaqaalaha ah uu ku waayo xuquuda uu leeyahay. Waxaa kale dad badan caadiyan ku dhacda, in marka lix bilood lagugu shaqaysto la yidhaahdo kuuma baahnin, waayo waxaa bedelkiisa la keenaa qof kale oo lix bilood oo kale si raqiis ah loogu shaqaysto, arinkaa oo inta badan ku dhacda dadka muruq maalka ah. Inkasta oo xaaladan aanay ka wada jirin dalalka Scandinavianka, hadana waa qayb ka mid ah arimaha Soomaalidu ka hayaamayso.

Si kastaba aha ahaato'e, Soomaalida ku soo hayaantay dalka Ingiriiska intooda badan waa dad isbedel doon ah, isbedelkaas oo dhinacyo badan leh. Hadaba marka dhinac laga eego waa arin yididiilo leh dhaqdhaqaaqa is bedel doonka ah oo Soomaalidu ay raadinayso, laakiin wuxuu leeyahay dhibaatooyin badan oo qof kasta ku keeni kara niyad jab iyo in noloshu ka lunto. Dhibaatooyinkaas waxaan ka soo qaadan karnaa dhinaca dhaqan, dhaqaalaha, shaqada, la-qabsiga, sida macluumaad ku filan qofku u heli karo, xuquuqda (meel aad la qabsatay oo sharciga iyo dhaqankeeda baratay way ka duwan tahay meel waxwaliba kugu cusub yihiin) iwm. Hadaba, waxaad dareemaysaa in guud ahaan jaaliyada Soomaalida ee UK uu haysto jaahwareer ha ahaadeen kuwii horay u joogay ama kuwa ku soo hayaamay'e, arintaa oo aanan wada fahamin waxa u sabab ah, hadana waxaan anigu umalaynayaa in ay ka dhalatay nadaamka dalka oo ay adagtahay in la fahmo iyo arimo xaga oranizingka (agaasinka), aqoonta, dhinaca dhaqaalaha iyo dhaqanka (qaadka, qabiilka ayaa iyana qayb ka ah). Waxaan aad u dareemay markii aan waraystay Soomaalida inay aad ugu hooseeyaan dhinaca ururada, shirarka ay kaga tashanayaan dhibaatooyinkooda guud iyo isfahanka oo dad ay yihiin kuwo uu madax maray qabiilka, siyaasada Soomaliya ee wareertay iyo danaysiyada gaarka ah.

Meelaha ugu daran oo Soomaalida kala geeyey ayaa ah dhinaca siyaasada. Sida aan xogta ku helay guud ahaan dhamaan waa isku kid sida Soomalidu ugu nooshay dalka UK. Waa dad aan lahayn cod urursan, isku xidhanayn iskana warhayn. mudadii gaabnayd ee aan joogay Birmingham waxaa boolisku masaajidka ka baafiyey gabadh Soomaaliyeed oo muddo laba todobaad ah qaboojiyaha maydka ku jirtay oo cid garata la raadinayo. Uk waa meelaha ugu daran oo ay ka oogan tahay siyaasada Soomaaliya, waxaa ku badan fadhi ku dirirka. Dadku aanu guriga ugu jirin internet aroortii ayey meelaha Internet Caffe-yada ku soo kalahaan. Dadka aqoonta iyo wax qabadka leh ayaa ah meelo ay adagtahay inay fagaarayaasha ka muujiyaan sidii dadku wax u wada qabsan lahaayeen, meelaha aad is odhan karto waa ugu roonyihiin waa masaajida iyagana wadaadadii waadaadadii waxay kaga ururtay shanta salaad oo keliya (malaa in wax kale laga hadlaa waa bidco iyo mooyi, amaba markiiba waa siyaasad iyo qabiil ama fadhi ku dirir kale...). Waxaa la ii sheegay in marba koox ay is qaad-qadato oo tidhaahdo cirkaan tegaynaa, waxbaan qabsanaynaa, laakiin ay lix bilood ama kayar ku fashilmaan. Sida la ii sheegay waxaa kale oo caadi noqotay in koox kasta mashruuc samaysaa ayba waxay qabtaan daaye marka dhaqaalaha loo soo shubo ay bilo gudahood kaga guuraan xafiisyadai oo iska kala tagaan. Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK degan ayaa lagu qiyaasay in ka badan badan boqol kun oo qoys, iyadoo ay jiraan dhibatooyin laxaad leh oo dadka Soomaaliyeed guud ahaan haysta ayaa waxaan la yaabay sida dadka aqoontoodu gaaban tahay ay xafiisyada dawlada ugula wareegaalaysanayaan arimo siyaasadeed oo aanay xataa dawlada Ingiriisku diyaar u ahayn inay faraha la galaan (siyaasadii dalka Soomaaliya ayaa noqotay wax qof walbaa tuurta ku sito oo sida uu doono isagu uu u fasiro, laguna kala tago...).

Arimahaas siyaasadeed waxay markiiba soo saartaa in aanay dadka Soomaaliyeed ahayn dad mas'uuliyad leh. Waxaa la ii sheegay in dadka madow oo muda dheer deganaa UK kana mid ah dabaqada shaqaalaha iyo tan dhexe dhexeba intooda wax garanaysaa ay Soomaalida aad u baraarujiyaan, si ay dhibka haysta uga baxaan. Waxayaabaha markiiba ay ishaydu qabatay ayaa ahaa xaga nolosha oo ay ka mid tahay guryaha, shaqada, wax barashada (da'yarta), ganacsiga iyo dhinaca ururada. Arimahaas waxaan uga hadli doono mid mid.

Hadaba, magaalada Birmingham oo ahayd meesha aan joogay mudadii aan martida ku ahaa dalka Ingriiska, waxaa la ii sheegay inay ku nool yihiin dad gaadhaya, 2,5 million, marka la isku daro dadka gobolka degana lagu qiyaasay dad gaadhaya 7 million. Waa dad 2 million in ku dhaw ka badan dadka ku nool Denamrk oo dhan. Dadka Soomaalida oo Birmingham degan ayaa la iigu sheegay in ka badan 60 kun oo qof oo wax walba leh. Hadana ma leh dadka intaa le'eg meel uu ku hagaago qofkii ay soo wajahdo dhibaato ama u baahda macluumaad, xafiisyada dawlada waxaa tuuran Aasiyan aan kala jeclayn inaad albaabka xafiiska ku dhimato iyo in kale. Waxaa la cadeeyey in qoysaska Soomaalida inta Social Eeshiyan ah inta booliiska soo kaxaysto ay guryahay ku soo weeraraan oo caruurta ka qaataan. Sida la ii sheegay nolosha iyo dhinaca sharciga ayaa ah mid uu ka siman yahay dalka UK, dhinac kastana waa isku mid sida looga nool yahay UK. Sida la isku raacsan ayah waxay sheegaysaa in dadka Ingiriiska ah ay iyagu degan yihiin magaalooyinka hareeraheeda, iyaga oo ku nool, nolol European Standard life, Taasna waxaad dareemi kartaa marka aad booqato meelaha la-wadaago (the Common places) sida Airportska, dukaamada waawayn, farasmagaalaha iwm. Dhamaan badh-tamaha magaalooyinka iyo nolosha uu Ingiriisku ka digo rogtay ayaa waxaa degan dadka ajaanibta ah oo ay hogaanka u hayaan kooxo Eeshiyaan ah oo musuqmaasuqu iyo nacaybka dadku aad ugu baahay. Hadii aan u soo noqdo arimaha la xidhiidha xaga nolosha ee soomaalida UK.

1. Guryaha: Arimaha ugu daran ayaa ku tilaami karaa dhinaca guryaha. Soomaalida badidoodu waxay ku nool yihiin guryo duqoobay oo qanigii tegay ama ka hor la dhisay. Guryahaas ayaa ah kuwo xaaldoodu ay aad u liidato, sida aan ku qiyaasay waa guryo dib u habayn aan lagu samayn muddo ka badan 40 sano. Waa guryo xaaladooda caafimaad, dhaqaale iyo standerd lahaanba aad looga yaxyaxo. Sida aan maqlay guryahan inta badan waxaa gacanta ku haya shirkado ay leeyihiin dad Eeshiyaan ah oo u badan Hunuud. Markii aan waraystay guryahaa xaaladooda iyo in dawladu ka warhayso, waxaa la ii sheegay in guryahaas loo qoondeeyo lacag aad u badan diiwaankana ay ugu jirto in markasta dib u habayn lagu sameeyo. Guryahan qaar kood ma leh nadaamka kulaylka oo dadku waxay isticmaalaan qalab khatar ku ah caafimaadka iyo nabadgelyada magaalada, qaarkale weli istimaalaan heating sysytem aan aduunkaba waqtigan ka shaqayn oo aad u gaboobay, kaas oo isticmaalaya lacag aad ubada n, caafimaad ahaana aan wanaagsanayn. Caruuro badan ayaa waxaa haleelay cudurka loo ayaan astama (xiiqda) iyo TB, ama biyo ayaa feedhaha ka galay, nadaamka kale ee caafimaadka ayaan wanagsanayn. Waxaa kale oo la ii sheegay in guryo badan sida aqal Soomaaliga marka roobku da'ayo maacuun loo dhigo daroota. Waxaa la ii sheegay in qoyska ama qofka Soomaaliyeed marka guri uu dalbado in qof/shirkad hindi ah ay gayso dhawr guri oo aan xataa Eydu ku noolaan karin, marka uu iska diidana buuga loo geliyo in qofkaan uu yahay qof kibray oo aan guri ubaahnay, hadii kale wuxuu ku qasban ayahay inuu qaato guri muraayadaha ka dil-dilaacsan, mararka qaarkoodna aan robka celin, dhaxan iyo caafimaad xumana ay u dheertay. Waxaa marka iswaydiin leh ilmaha guriga noocaas ah degan miyaanu xaq u lahayn inuu waalidkii ka cararo, si uu u helo nolol u dhaanta cadaabka la geliyey. Qisada guryuhu waa mid aan halkan lagaga soo hor kalaaban karin.

2. Dahinaca waxbarashada da'yarta ayaan theory ahaan laga dayrin karin, laakiin waxaa jira dhibaatooyin aad u lixaad wayn oo xaga sharciga ah iyo damiirka ah. Waxaa waalidiinta Soomaaliyeed haysata cabsi badan oo ay ka qabaan dhinaca socialka iyo iskuulkaba. Waxaa qoysaska faqiirka ah loo isticmaalaa weak point-tigooda xag dhaqaale iyo macluumaadka oo aan markii horeba cidina la talin ama wax u sheegin, iyadoo aan tixgelin la siin nolosha kale ee aasaasiga ah. Waxaa laga yaabaa in ilmaha iyo reerka oo dhan ay saamaysay nolol xumada xaga systemka ah, markaa ilmihii aan lahayn firfircoonidii laga rabay ama qoonsada inuusan maalintaa in aan la siin lacagtii nacnaca ama in ilmaha si qaldan wax loogu fasiro ama isaga laftiisuba uu u galo kooxo ku shaqo abuurta ilme waalidkii laga dhaco. Kooxahan waxay xarumo ku leeyihiin iskuulada iyo xafiisyada socialka.

3. Dhinaca shaqada ayaa lafteeda waxaa ku jira musuq-maasuq wayn, iyadoo laga yaabo in qofka shaqaalaha ah uu maro dhawr gacmood oo dulaaliin ah. taas oo geyey siisa dabaqadaha hoose in ay ku shaqeeyaan mararka qaarkood lacag aan noloshooda ku filayn.

4. Suuqa ganacsiga ayaa ah meelaha ay yididiilo yar ka muuqato, idoo la odhan karo guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay xiiseeyaan ganacsiga, ayaa hadana waxaa jira dhibaatooyin culculus oo ka horyimaada, kuwaas oo la xidhiidha dhinaca, dhaqaalaha, farsamada, aqoonta, suuqgaynta iyo xataa horumarinta ganacsiga. Sidaas oo ay tahay suuqa ganacsiga ayaa ah meelaha ugu roon oo aad moodo in Soomaalidu ay lugaha la soo gelayso, waana arin fiican mar hadii dalka Ingiriisku yahay dal ay ku nool yihiin dad badan dhaqaalihiisuna fiican yahay.

5. Meelaha ay Soomaalidu aad ugu liitato ayaa waxaa ka mid ah dhinaca urarada. Sida la ii sheegay guud ahaan Soomaalida UK weli kuma guulaysan hal urur oo adeeg shaqo iyo macluumaad waafi ah u qaban kara dadka Sidoo ma-leh ururada xirfad-leyda, kuwa aqoonta leh iyo kuwo ganacsiga midna. Badiba Soomaalida UK waa dad aad ugu dhega nugul dhinaca siyaasada oo aad ugu habsaamay wax aan laga jeclayn xataa dalka UK ka hadalkiisa (waxaan ku metelay "dad foosto daloosha dhaaminaya") Waxay ku haboonaan lahayd inay taabo geliyaan ururo wax tar u leh oo kooxaha awooda u leh (capacity groups) sida ganacsatada maal gelinta ururada ka qayb qaadata iyo dadka aqoonta leh inay aqoontooda dadka ugu adeegaan iyagana shaqo ka abuurtaan, maskaxna ku midoobaan oo samaystaan ururo ay noloshooda ku hormariyaan dadkana kula soo simaan, iyagoo ka fogaaanaya dhinaca siyaasada iyo qabiilka. Talaabo noocan ah waxay noqon kartaa mid dadka Soomaaliyeed aad ugu horumaraan dhinac kasta ayna ku difaacan karaan xuquuqdooda. Waxaas oo dhan iyaga oo ay jiraan, hadana, hadii aan dhibaatada dhinaca Soomaalida iyo dadka kaleba ka duwo waxaan is waydiiyey Ingiriiska aduunka oo dhan gumaystaytay ma kan buu ahaa, mise mid qarniyadii hore jiri jiray, waxaase ii soo baxay in dhibaatada Ingiriisku dunidii uu gumaysan jiray uu kaga tegay inay ka dhalatay maamul xumo qaan gaadhay.

Waxaa soo ururiyey iskuna soona diyaariyey:
Hassan Nuur
Aarhus, Denmark
srg14@jubiimail.dk

Afeef: Fikrada waxbixintan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2006


Xamaas oo doorashooyinka ka dhacay Falastiin ku Guuleysatay
Ururka Xamaas ayaa cod aqlibayad leh ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay Falastiin.. Guji..

Haamahii Shidaalka  Kismaayo oo dib loo hawlgaliyey
C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi
Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.
Carruur ku geeryootay qarax ka dhacay Caabud Waaq..
Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa Muqdisho..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Jan 26

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
"Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay" Guji....