MARKII 
		CADAWGU INOO TALIYAY! 
		
		Ismail A. 
		Hassan(khaliil)
		London, U.K.
		
		khaliilha484@hotmail.com
		
		“Waxaa 
		la ii magacaabi doonaa jagada Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waayo waxaa 
		i wadata Itoobiya” 
		
		Shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka mid yahay shucuubta adduunka kuwa ayaan 
		darrada ugu weyni ka soo gaadhay gumaystayaashii reer Yurub ee miiska 
		korkiisa ku kala qaybsaday quruumaha adduunka ee ay ka itaalka 
		roonaayeen. 
		
		Inta ay gumaysteen ka dib xornimadooda may siin ee qaybo muhiim ah oo 
		dhulka Soomaaliyeed ka mid ayay u gacan geliyeen wadamada deriska ee 
		Itoobiya iyo Kenya iyadoon shacabka dhulkaas waxba laga weydiin 
		rabitaankooda. 
		
		Dhalashadii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dib siyaasadda dawladdihii 
		kala dambeeayay ee xukunka soo qabtay, waxay ahayd in la raadiyo sidii 
		ay dadka Soomaaliyeed ee gacanta wadamada deriska ku jiraa ay aayahooda 
		uga tashan lahaayeen. 
		
		Siyaasaddaasi waxay ahayd mid ka tajumaysa dareenka shacabka 
		Soomaaliyeed iyo himiladooda in la helo qaran Soomaaliyeed oo ay ku 
		midaysanyihiin shantii gobol ee gumaystayaashu Soomaaliya u kala qoqbeen, 
		taasi oo ay astaan u tahay xiddigta shangeesta ah ee badhtamaha kaga 
		taal calanka Soomaaliya. 
		
		Hadaba cadaawadda iyo dagaalada u dhexeeyay Soomaaliya iyo wadamada la 
		deriska ah siiba Itoobiya ma ahayn kuwa la bilaabmay dhalashadii 
		Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waa kuwo soo taxnaa muddo dheer  ayna 
		saldhig u ahaayeen siyaasadihii dhul balaadhsiga ee Boqortooyadii 
		Abasiiniyiinta. 
		
		Sida ay taariikhdu ina barayso masiixiyiinta Itoobiya oo ay taageerayaan 
		saancaddaalayaashii reer Yurub, waxay ahaayeen kuwa markasta ku hamiya 
		sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen guud ahaanba dhulka Soomaaliyeed 
		ayna u hoos keeni lahaayeen xukunka Boqortooyadooda. 
		
		Soomaalida oo horseed u ahaa Muslimiinta geeska Afrika ayaa iyagu mar 
		walba sutida u hayay dhul ballaadhsiga Xabashida. Heshiisyo qarsoodi ah 
		oo dhex maray Gumaystayaashii reer Yurub siiba Ingiriiska iyo 
		Boqortooyadii xabashida ayaa ugu dambeystii Itoobiyaanka u suurto 
		geliyay inay gacata ku dhigaan qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. 
		
		Hadaba shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumysiga Itoobiya iyagoo 
		taageero hiil iyo hooba ah ka helaya walaaalahooda Soomaaliyeed ee 
		xornimadooda hantay ayay halkii ka sii amba qaadeen halgankii xornimo 
		doonka Soomaaliyeed, waligoodna isumay arag inay yihiin qayb ka mid ah 
		dhulka Itoobiya balse waxay ahaayeen shacab la gumaysto. 
		
		Jamhuriyadda Soomaaliya oo ahayd dawlad haybad iyo awood ku leh 
		mandiqadda geeska Afrika ayaa mar walba u arki jirtay in uu waajib 
		muqaddas ahi ka saaranayahay taageeridda dhaqdhaqaayada Xornimodoon ee 
		ay ku jiraan Soomaalida la gumaystaa, halka ay Itoobiyaankuna dhankooda 
		ka aaminsanaayeen in sida keliya ee ay dhulkaas ku sii haysan karaan ay 
		tahay in la burburiyo qaranka Soomaaliyeed uuna noqdo mid ay iyagu u 
		arimiyaan. 
		
		Hadaba Itoobiyaanku waxay guushii ugu weyneyd gaadheen ka dib markii ay 
		heleen shakhsiyaad Soomaaliyeed oo iyagu diyaar u ah in ay hawsha 
		burburinta qaranimada Soomaaliya horseed u noqdaan. 
		
		Kooxihii kala duwaanaa ee Itoobiyaanku u deegsadeen burburinta 
		Soomaaliya sida SSDF,SNM.USC iyo SPM ayaa ahaa kooxo ay hamigooda xukun 
		jacayl iyo qabyaaladdu ka indhasaabtay khatarta ay u horseedi karaan 
		dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 
		
		Guushii kooxahan ayaa dhanka kale waxay ahayd dhammaadkii Soomaaliya xor 
		ah oo laga haybaysto. Khudbaddii uu keligii taliye Mingiste Xayle Maryam 
		u jeediyay shacabka Itoobiya dharaarihii ugu dambeysay xukunkiisa ayaa 
		si cad inoogu muujinaysa ujeedooyinkii uu ka lahaa taageeridda waxii 
		loogu yeedhi jiray xoogagga mucaaridka hubaysan ee Soomaaliyeed. 
		
		Hadaladii uu ugu manno sheeganayay shacabka Itoobiya ayaa waxaa ka mid 
		ahaa inuu burburiyay cadawgii ugu weynaa ee Itoobiya! 
		
		Dhanka kale dawladda Kenya ayaa iyana weligeedba waxay Istiraatajiyo 
		midaysan ka lahaayeen Itoobiyaanka marka  ay noqoto siyaasadaha ku 
		jihaysan Soomaaliya. 
		
		Hadaba arinta isweydiinta mudan ayaa waxay tahay suurto gal ma tahay in 
		cadawgaagii oo aad burbirisay dib isugu soo noolayso? 
		
		Waxaan filayaa in arintaas jawaabteedu iska caddahay, waxaanan si fiican 
		uga dheehan karnaa hadaladii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi 
		 oo mar uu booqanay dalka Maraykanka xiligii uu socday shirkii dib u 
		heshiisiinta Soomaalida ee Kenaya sheegay in Kenya iyo Itoobiya aanay 
		rabin in mar kale ay dawlad Soomaaliyeed dhalato. 
		
		Hadaba hogaamiyayaasha horbooda siyaasadda Soomaalida ayaa iyagu ahaa 
		kuwo meel kasta oo looga baaqo in shir dib u heshiineed loogu samaynayo 
		Soomaalida iska xaadiriya, iyagoon isla markaana dhanka kale isweydiin 
		siyaasaddaha dawaladahaas ka leeyihiin Soomaaliya. 
		
		Dawladda Itoobiya oo iyadu faraha kula jirtay siyaasadda Soomaaliya tan 
		iyo intii ay ka burburtay dawladda Soomaaliyeed, ayaa ahayd midda 
		saamaynta ugu weyn ku leh hogaamiyayaasha Soomaaliyeed. 
		
		Waxay mudadaas wadanka si deeqsinimo leh ugu soo daldalaysay hub fara 
		badan taasi oo qayb weyn ka ahayd sii hurinta colaadda iyo dagaalada 
		Soomaaliya ka taagnaa. Waxay hadba taageero u fulinaysay hogaamiyihii u 
		dhaga nugul amaradeeda iyadoo isla markaana abaabushay isbahaysiyo iyada 
		ka talo qaata.
		
		Waxay Itoobiyaanku si cad uga horyimaadeen dawladdii Carta maadaama 
		aanay ahayn dawladdaasi mid ay madaxdeeda iyagu soo magacawdeen, taasoo 
		ay fashiliyeen ugu dambeystii iyagoo adeegsanaya dagaal oogayaasha ka 
		amar qaadan jiray. 
		
		Shirkii Kenya ayaa waxa uu noqday fursad ay Itoobiya muddo dheer 
		sugaysay si ay talada Soomaaliya faraha ugu geliso wakiilo iyada ka amar 
		qaata. 
		
		Hadaba markii ugu horeysay taariikhda ayaa qof Soomaaliyeed oo 
		mas’uuliyad sheeganayaa dafiray in ay jiraan Soomaali qarnigan 21aad ku 
		hoos jira gacanta gumaystayaasha. 
		
		Hadaladii uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ka yidhi British 
		Brodcasting Corporation 11kii bishan November ayaa ahaa kuwa aan la yaab 
		ku noqonayn Soomaali badan, marka aad fiiriso shakhsiyaadka hogaamiya 
		Dawladda FKMG Soomaaliya iyo sida ay mansabkaas ku heleen. 
		
		Cali Maxamed Geeddi oo siyaasadda Soomaaliya daaqadda ka soo galay xilli 
		uu gabagabo marayay shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Kenya, ayaa 
		u muuqda nin ay karti darro iyo waayo aragnimo la’aan siyaasaddeed isu 
		biirsadeen. 
		
		Markii Col. Cabdilaahi Yuusuf oo Itoobiyaanku taageerayeen loo doortay 
		Madaxweynaha dawladda FKMG Soomaaliya, ayaa dadku aad isu weydinayeen 
		cidda uu u magacaabi doono jagada Ra’iisal Wasaarenimada oo dagaal 
		oogayaal badan hunguri ka hayay. 
		
		Waxaa magaca Cali Maxamed Geeddi iigu horeysay maqalkiisa war aan ka 
		akhriyay mid ka mid ah websiteyada  Soomaaliyeed oo inta badan wuxuu 
		qoro aanan rumaysan. Waxay soo qoreen in nin la yidhaa Cali Maxamed 
		Geeddi oo aan xubin ka ahayn Baarlamaanka uu sheegtay in isaga loo 
		magacaabi doono jagada Ra’iisal Wasaaranimada Soomaaliya. 
		
		Sababta magacaabiddiisa waxa uu ku sheegay hal qodob,  qodobkaasi :  
		
			- 
			Ma ahayn in uu yahay aqoonyahan 
			Soomaaliyeed oo aan ka qayb qaadan dagaalada sokeeye. 
			
- 
			Ma ahayn in uu yahay nin kalsooni ka 
			haysta xubnaha Baarlamaanka iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed.
			
- 
			Ma ahayn inuu yahay nin karti iyo 
			waayo aragnimo leh oo Soomaalida ka saari kara dhibta iyo dawlad 
			la’aanta ay ku suganyihiin. 
- 
			Ma ahayn in uu yahay nin taageero ka 
			haysta beesha caalamka siiba dawladaha waaweyn oo ay adduunyadu wax 
			la qaban doonto xukuumaddiisa. Ma ahayn ….ma ahayn…
		Sababta xilkaas loogu magacaabayo ayaa waxa uu ku sheegay oo keliya in 
		uu yahay “nin ay Itoobiya wadato”!. Waa astaanta(qualification) ugu xun 
		ee siyaasi Soomaaliyeed ku kasban karo jagada Ra’iisal Wasaaranimada iyo 
		masuuliyad kasta oo qaran heerkay doonto ha ahaatee iyo masalo nin 
		damiir lihi in uu afkiisa soo mariyo aan laga filayn. 
		
		Maalmo ka dib arintii sidii la sheegay bay arintii u dhacday. Si jidka 
		loogu sii xaadho magacaabistiisa ayaa Maxamed dheere oo ay isku beel 
		yihiin kana mid ah dagaal oogayaasha gacansaarka la leh Itoobiya u 
		banneeyay xubinimadiisii Baarlamaaka. 
		
		Hadaba ninka xilka sidaas ku helay ma lala yaabi karaa in uu ku hadaaqo 
		hadaladii runta ka fogaa ee uu ka sheegay British Broadcasting 
		Corporation laanteeda Soomaaliga? 
		
		Waxaan shaki lahayn in maanta Jigjiga iyo Jawhar aanay waxba ku kala 
		duwanayn maadaama ay labada meeloodba ka taliyaan wakiilada Males Zanawi, 
		Itoobiyana ay gaadhay ujeeddooyinkeedii ay mudada dheer ku taamaysay ee 
		ku aaddan Soomaaliya. 
		
		Hadaba shacabka Soomaali Galbeed iyagoo abaal weyn u haya walaalahooda 
		Soomaaliyeed aqoonsannaa dadaalkii naf iyo maalba lahaa ee ay u soo 
		galeen sidii ay heeryada gumaysiga uga dul qaadi lahaayeen guud ahaanba 
		Soomaalida gacanta shisheeyaha ku jirta, ayaa hadana mawqifka dawladda 
		Soomaaliyeed oo is bedelaa aanu waxba ka bedeli doonin xaqa ay u 
		leeyihiin in  ay aayahooda ka tashashadaan dagaal iyo nabad mid kii la 
		doonaba ha lagu gaadhee. 
		
		Ismail A. Hassan(khaliil)
		London, U.K.
		
		khaliilha484@hotmail.com 
		 
		Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh 
		qoraaga ku saxiixan
		Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005