SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - UK

DAREENKAYGII MARKAAN IMID LONDON

Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

Aug 3, 2005

Markaan socdo waddooyinka bartamaha London, waxaan si cad u dareemayay inaan dhex socdo magaallo dadkeeda si weyn uga feejigan qaraxyo iyo weeraro ku soo socda. Booliiska iyo baabuurta dab-damiska ah ayaa meel walba kaaga hor-imaanaya. Waxaa dhacda inay booliiska ku istaajiyaan, hadday muuqaalkaaga u gartaan inaad soomaali tahay. Waxaa dhacda inay saacado badan ku haystaan oo ay ku weydiiyaan arrimaha la xiriira qaraxyadii lala beegsaday meelo ka mid ah London.

Dareenka dadweynaha waxaad mooddaa nacaybkii ay billowgii bisha luulyo u qaadeen bakistaaniyiinta inay ugu darsantay dadyow kale oo ka soo jeeda Geeska Afrika, gaar ahaan soomaalida, kadib markii labo ka mid ah lagu soo eedeeyay inay isku-day qaraxyo oo fashilmay ay doonayeen inay ka fuliyaan meelo ka mid ah London, inkastoo ay soo baxayaan wararka sheegaya mid k ka mid labadaas nin uusan soomaaliba ahayn oo Itoobiyaan yahay.

Labadii maalmood ee aan London joogay, kuna beegnaa weekend-kii tagay waxay taleefishinnada dalka Britain ay si talantaali uga hadlayeen faallooyinka ku saabsan qaraxyadii ka dhacay London. Weriyayaasha tv-yadaas ka soo baxa England ayaa si aan dheellitirsanayn u kicinayay dareenka dadweynaha reer Britain, taasoo abuuraysay nacayb hor leh oo loo qabo guud ahaan jaaliyadaha muslimiinta.
 

Goobaha ganacsiyada iyo xarumaha ururrada soomaalida ay leeyihiin ayaa si joogto ah maalmahaan uga hadla eedeymaha loo soo jeediyay labada nin ee lagu nisbeeyay soomaali, kuna lug leh sida la sheegay qaraxyadii London.

Inkastoo ay jireen dadaalo kooban iyo kulamo aanan badnayn oo ay soomaalida ka qaateen eedeymahaas, haddana waxaa hubaal ah inay soomaalida Uk ku guuldaraysteen inay warbaahinta Britain ay u gudbiyaan jawaabo cadcad oo ay ku sharxayaan mowqifkooda ku aaddan arrimahaan murugaysan. 

Kumanaan kun oo ururro soomaaliyeed ayaa ka jira dalka Uk, hase ahaatee badankoodu waxay sal ku hayaan qabiilkii burburiyay qarankoodii iyo dalkoodii ay ka soo qaxeen. Way adkaan kartaa in wax ka yar 5 urur ay hal ujeeddo ku kulmaan, shaki iyo kalsoonni darro aan loo baahnayn ayaa dhexdooda si weyn looga dareemayaa markaad dhagaysatid waxa ay dhexdooda isku hayaan, waana tan keentay inayan dowr fiican oo muuqda ka qaadan waxa danta u ah inay ka wada kulmaan. Inkastoo laga joogo qiyaastii 2 usbuuc markii magaca nimanka soomaalida lagu lifaaqay kooxaha argagaxisada ee booliiska Britain ay raacdaysanayso, haddana maalintii dorraad ayay ahayd markay qaar ka mid ah ururrada soomaalida ay ku wada kulmeen kulamo ay arrimahaan si wadajir ah uga wada hadlayaan. Waxaa la sameeyay xiriir taleefan oo hotline ah ay soomaalida London ku wada xiriiri karaan, haddii qaarkood loo gaysto falal xadgudubyo ah. 

Gabar soomaaliyeed oo la dilay

Nin deggan London ayaa ii sheegay, in gabar soomaaliyeed oo reer London ah laga soo riday/tuuray dabaqa afaraad daartii ay ka degganayd, halka nin dhalinyaro ah oo injineer ah oo madoow ah degganna Liverpool ay dileen koox cunsuriyiin ah, kadib markay u maleeyeen inuu soomaali ahaa, sida ay booliiska u sheegeen warbaahinta Britain. 

Dumarka muslimiinta Uk

Booliiska ayaa dumarka muslimiinta ee xijaaban dhowr jeer uga digay in loo gaysto falal-denbiyeed aargoodsi ah, kadib qaraxyadii London. Wadaad Masri ah oo ku hadla magaca imaamyada masaajidda Uk ayaa dumarka muslimiinta u fatwooday inay xijaabka iska dhigaan haddii qaadashada xijaabka ay dhibaato u keenayso. Bayaan ay dumarka muslimiinta uk soo saareen, laguna daabacay shabakadda islam online ayay ku gacan sayreen fatwada wadaadkaas masaarida ah, waxayna ku adkaysteen inuu xijaabka yahay waajib diinni ah uu Allaah ku waajibiyay ayna isla markaas qaadanayin fatwadaas uu isaga la yimid.

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in ninkii lagu sheegay soomaaliga, laguna eedeeyay inuu ka danbeeyay isku daygii qaraxii bishii tagtay ee 21-ka luulyo la doonayay in laga sameeyo meelo ka mid ah London uusan soomaali ahayn. Wargayska The Guardian ayaa maanta maqaal uu daabacay ku sheegay inuusan ninkaas soomaali ahayn, magaciisana Osman ahayn. Magaciisa wuxuu wargayska ku sheegay Hamdi Isaac uuna Itoobiyaan yahay. Hamdi wuxuu dowladda Talyaaniga ka codsaday inaanan isaga faraha loo gelin booliiska Uk, oo dacwadiisa lagu qaado dalka Talyaaniga.

Digniino joogto ah

Mararkii badnaa ee aan booqashada ku soo gaaray London aad ayay markan danbe iiga duwanayd. Guud ahaan goobaha garoonada diyaaradaha, isteeshinada tareenada iyo xarumaha basaska ayaad si is daba joog ah ugu maqlaysaa ereyo ay ka mid yihiin inaadan qaadin boorso si gooni meel u taala iyo inaad la xiriirtid howl-wadeennada goobahaas haddaad aragtid waxaad ka shakisid. Welwel iyo walbahaar ayaad dareemaysaa markaas maqashid ereyadaan, weliba adigoo jooga mid ka mid ah magaalooyinka lagu tilmaamo xoriyadda iyo ammaanka.

Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub
Email:
ibra88@hotmail.com

Faafin: Aug 3 , 2005


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY


Somali ku xirnaa Israil oo is dili gaaray

Sida ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan dambe  u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo qaxootinimo balse dal aqbala may helin... Guji...  Jun 20, 2005

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 

DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD