"QARAXYADII LONDON
OO JAWAAB U AHAA DUULLAANKII BRITAIN EE CIRAAQ"
July 19, 2005
Baaritaan ay maanta
daabacday wargayska The Guardian ee Uk ka soo baxda ayaa wuxuu qoray
in weeraradii 7-da bishaan luulyo lala beegsaday meelo ka mid ah London ay
ugu wacnayd taageeradii Blair ee uu Mareekanka kagala qaybqaatay duullaankii
Ciraaq, aragtidan sida uu wargayska sheegay waxaa qaba saddax meelood laba
meel shacabka Ingiriiska.

Blair |
Tirakoobkan ay diyaarisay
mac-hadka ICM ayaa tilmaantay in shacabka ingiriiska 33% ay aaminsan yihiin
in Ra’iisal wasaarahooda Tony Blair uu “inta badan” mas’uul ka yahay
qaraxyadii London ka dhacay, halka 31% ay “in yar” oo shacabka ingiriiska ka
mid ah ay mas’uuliyadda qaraxaas dusha uga tuureen Blair duullimaadka
ciidamdiisa ee Ciraaq sannadkii 2003-kii.

ka bilow midig:
Hussain, Lindsay, Khan iyo Tanweer |
Dadkii ay mac-hadka ICM
waraysatay ayaa 28% sheegay inaynan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya
qaraxyadii dhowaanta ka dhacay London iyo duullamaadkii ciidamada Britain ee
Ciraaq.
Inkastoo maamulka Blair ay
gaashaanka ku dhufteen inay xiriir ka dhaxeeyaan qaraxyadii London iyo
duullamaadkii Ciraaq, haddana waxaa si weyn u soo if baxaya cabsida shacabka
ingiriiska ay ka qabaan in markale lala beegsado qaraxyo kaloo ka dhaca
dalka meelo ka mid ah.
Baaritaanadii booliiska
Ingiriiska ay sameeyeen ayay ku sheegeen in qaraxyadii London ka dhacay
7-dii bishaan ay fuliyeen 4 nin oo 3 ka mid ah ay ka soo jeedaan Pakistan,
halka kan afaraadna oo Jamaican yahay. Saddaxda dhalashadooda bakistaanka
yihiin waa Shehzad Tanweer (22 jir), Mohammad Sadique Khan (30 jir), iyo
Hasib Hussein (19 jir).

hasib |

shehzad |

mohammad sadique |
Maadaama nimankan ay ku
dhinteen qaraxyadaas, haddana waxay booliiska daba joogaan siday ku heli
lahaayeen goobihii iyo maskaxdii ka danbaysay qaraxii London oo ay ku
dhinteen wax ka badan 56, halka dhaawucuna aad u badan yahay.

Dr.Yusuf Al-Qaradaawi |
Imaamyo miisaan culus ku
leh ummadda muslimiinta dhexdooda ayaa si ba’an u canbaareeyay qaraxyadaan,
iyagoo sheegay inay sumcad xumo hor leh ay u soo jiidayso islaamka iyo
muslimiinta. Dr. Yusuf Al-Qaradaawi ayaa bayaan u soo diray shabakadda
islaamiga ee islamonline ku sheegay inuu aad uga xun yahay qaraxyadii ka
dhacay London, isagoo dheegay inay shareecada islaamka xarimtay in la
daadiyo qof aan waxna galabsan oo aamin ah.
“Falal waxshi ah oo aad u
foolxun oo weliba islaamka si weyn u diiday” ayuu sheekh Yusuf Al-Qaradaawi
qoraalkiisa ku sheegay.
Waxaa la ogsoon yahay laga soo billaabo
maalintii ay dhaceen qaraxyadii London in muslimiinta loo gaystay 300
falal aargoodsi ah oo isugu jira dil, waxyeello la gaarsiiyay masaajiddo
iyo aflagaadooyn iyo falal cunsurinimo si joogto ah loola beegsanayay
muslimiinta ku nool carriga England.
ISHA:www.guardian.co.uk/attackonlondon/story/0,16132,1531387,00.html
Tarjumadii: Ibraahim Saalax Aaden | SomaliTalk Yurub Email:
ibra88@hotmail.com
Faafin: July 19 , 2005
DENMARK: QAXOOTI
SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
Somali ku xirnaa
Israil oo is dili gaaray
Sida
ay qorayeen saxaafadda Caalamka waxaa muddo 3 sano ku xiran sahnuuniyada
Israil nin Soomaaliya oo lagu magacaabo Faysal Madadaal, isagoo bilooyinkaan
dambe u dhexeeyay isku tuurtuur wadanka Qubrus iyo Israil. Faysal waxuu
wadanka Israil galay sanadkii 1999kii, waxuuna dalbaday magangalyo
qaxootnimo, sida ay qorayaan saxaafadda israil waxaa waqtigaas la siiyay
Faysal madadaal joogitaan uu iska joogo wadankooda,Hay'adda Qaxootiga
adduunkana (UNHCR) waxay tiraba 6 wadan uga raadisay inay siiyaan magangalyo
qaxootinimo balse dal aqbala may helin...
Guji... Jun
20, 2005 |