SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Aqoon Iswaydaarsi looga dooday shirka Soomaalida Eldoret.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com 

Nairobi, Kenya | 29 Agosto 2002, isniin

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M


680 Hotel, Nairobi  

Eldoret waa Magaalo sidee ah

Aqoon iswaydaarsi loogu gogol xaarayo shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee magaalada Eldoret ee bisha septemper lagu qaban doono ayaa shalay waxaa lagu qabtay hotelka 680 ee magaalada Nairobi.

Waxaa aqoon iswaydaarsigaas kasoo qayb galay in kabadan 60 isugu jira aqoonyahano, culimaa’udiin, waxgarad iyo dumarka oo soo gudbiyay aragtiyadooda laxiriira shirka soomaalida.

Waxaana dadkaasi ay walaac ka muujinayaan kadib markii walaac laga muujiyay ajandaha oo aan cadayn iyo sida looga soo qayb galayo shirkaasi.

Maxamed Aaden Xirsi Terra Ayaa waxaa uu isagu ka qayb galay Aqoon iswaydaarsigaasi shalay lagu falan qaynaya arimaha shirka soo socda waxaana uu waraysi la yeeshay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi waxaana uu udhacay sidan:

Terra: Maxay Tahay baahida keentay in aqoon iswaydaarsigan laqabto?

Gaandi: ugu horayn waxaan la soconaa in shirka la yiri wuxuu dhici doonaa dhowaan waxaana soo baxay walaac ka dhex jira dadka soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada iyagoo ka doodaya doorka ay ku leeyihiin soomaali ahaan shirka loo qabanyo oo ilaa iyo haatan aanay ka muuqanin qaban qaabadiisa iyo isku duba ridkiisa maskaxda soomaaliyeed aad moodana xubnaha ka shaqaynaya inaan qaarkood wax fikrad ah ka qabin dhibaatada dalka iyo dadka soomaaliyeed midna.

Terra: doodaas kadib maxaad isla meel dhigteen?

Gaandi: waxaa soo baxay aragtiyo badan oo ay qabaan ka qayb galayaasha iyagoo ka tarjumaya dareenka soomaaliyeed waxaa kamid ah.

1- in la sameeyo gudi soomaaliyeed oo iyagu la shaqeeya gudiga farsamada.

2- Beesha caalamka in ay bari gantaasho shirka dib u heshiisiinta kana qayb qaadato hub kadhigista maleeshiyooyinka, dib u dhiska dalka iyo wacyi galin.

3- In lagu tix galiyo shirka ka qayb galka beelaha yaryar iyo kuwa la quursado ee soomaaliyeed.

4- inaan cidna loo diidin shirka gaar ahaan kooxaha isku haysta dalka tixgalin gaar ahna lasiiyo bulshada rayidka siiba haweenka.

5- Shirka in uu noqdo mid dheer oo googol dhig laga hor mariyo kadibna waqti ku filan loo sameeyo.

Soomaali la qabat iyaga oo u safrayay Honkong

IQRA FM, 29 August 2002 


Jomo Kenyatta Airport, Nairobi, Kenya

8 qof oo soomaali ah ayaa xalay waxaa lagu qabtay garoonka wayn ee jomo Kenyatta international Airport ee magaalada Nairobi iyadoo uu ku jiro ilama yar oo dhabta lagu hayo.

Soomaalidaas waxaa lagu qabtay iyaga oo u safrayay honkong oo isticmaalayay baasaboor itoobiyaan ah sida ay shaaca ka qaadeen hawl wadeenada eriboorka.

Soomaalidaas waxaa maalinta bari ah lakeeni doonaa maxkamada magaalada Nairobi si loo waydiiyo su’aalo la xiriira viisooyinka iyo baasaboorda.

Khabiir dhanka xuquuqda bani’aadamka oo booqanaya soomaaliya

IQRA FM ,28/8/2002

Dr. Ghanim Alnajar Oo Ku Takhasusay Xuquuqul Insaanka Ayaa,Booqasho Muddo 11 Cisho Ah Ku Kala Bixin Doona Gobolka Afrikada Bari, Isagoo Inta Uu Joogo Magaalada Nairobi Wadahadalo La Yeelanaya Dipliomaasiyiin, Maamulka Hoosadyada Deeganada, Ururada Bulshada rayidka Ah Iyo Ururada Caalamiga Ah Ee Aan Dawligaahayn(Ngo’s) Isalamarkaana Tegaya Gobollo Kala Duwan Oo Soomaliya Aka Tirasanhadba Inta Ay Nabadgalyadu U Saamaxdo.

Somalia: Country Reports on Human Rights Practices Released by the Bureau of Democracy, Human Rights, and Labor
March 4, 2002        @ US Department of State
click here

Dr. Alnajar Oo Ku Guda Jira Booqasho Sanadeedkiisii 2aad Ee Uu Ku Marayo Soomaliya, Ilaa Iyo Intii Xoghaya Guud Ee Q.M. Mr Kofi Annan Uu Jagadasi U Magacabay Bishii June 2001, Dr. Alnajar , Oo Culuumta Siyaasadda Ka Dhiga Jamacadda Kuwait University, Islamkana Wuxuu Si Madaxbanaan U Fuliyaa Cilmi Baaristiisa.

Laga Bilaabo Maanta Oo Ay Bisha Augusto Tahay 28 Ilaa 2da Bisha September Ee Soo Socota, Wafdiga Khabiirka Madaxa Banaan Oo 3 Ruux Ka Kooban Waxay Ka Baarandagi Doonaan Qodobo Dhawr Ah Oo Xuquuqda Adamiga Ku Wejehan Oo Ay Ku Jirto Shuruucda Qaranka, Xilka Ciidamada Amniga, Xaaladaha Xabsiyada Adalka, Hubdigista, Askaraynta Caruurta, Kumanaanka Kun Ee Ruux Ee Gudaha Dalka Ku Barakacay, Dhaq1aalaha Bulshada, Xuquuqda Waxbarashada, Xaaladda Haweenka.

Warkan Oo Aani Ka Helnay UNDP-Soomaliya Xafiiskeeda Nairbi, Wuxuu Khabiirku Dr Alnajar Sheegay In Dagaalo Hore Oo Xiisado Dhaliyey Ay Ka Dambeeyeen Booqashadii Sanadkii Hore Uu Ku Maray Gobollo Ka Tirsan Soomaliya, , Isagoo Soo Jeediye In Ay Lagama Maarmaan Tahay Dhawrista Degenaanshaha Iyo Xuquuqda Insaanka…

Dr Alnajaar Booqashadiisani Waxay Dhamaystiraysaa Cilmibaaristiisii Hore, taasoo uu ku Soo Bandhigi Doona Shir Jaraid Oo La Filayo Inuu Ku Qabto Grand Regency 4ta Bisha September

IQRA FM

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD