SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Dawlada Sudan oo joojisay wada hadalkii Machakos ee SPLA
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 4.9.2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M

Dawladda Dalka Sudan Waxay dhowaan Sheegtay In ay Joojisay Wada Hadalkii Nabadda Ee Ay La Lahayd Falaagada Konfurta Sudan Kadib Markii Mucaaradka ay Ka Qabsadeen Dawladda Magalada Istraateejiga Ah Ee Torit Oo Wadooyin Badan Kulmisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sudan Mustafa cusmaan Ismaciil Waxa Uu Weriyaasha Ugu Sheegay Magalada Qahira In Wada Hadalada Nabadda Ee Haatan ka socda dalkan Kenya Aan Dib Loo Soo Celin Doonin Ilaa Mucaaradku Ku Qancinayo Dawlada Ka Go’naanta Soo Afjarida Dagaalka 19sano Socday.

Afhayeenka SPLA Samson Kwaje Oo Ka Hadlayey Wada Hadalka Machakos Ka Socday Waxa Uu Sheegay In SPLA Ayan Sheegan Joojinta Dhankeeda Wada Hadalka,Waxayna Ku Eedaysay Ciidamada Dawladdu In Ay Duqaynayaan Goobaha Mucaaradka ay mucaaradku ka taliyaan.

waxaana dagaalo qaraar ay dhex mareen dawlada sudan iyo kuwa falaagada ee mucaaradka loona yaqaano SPLA.

Mogabe oo afka ka weeraray Tony Blair.

IQRA FM 3.9.2002

Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe Waxa Uu Afka Kaga Weraray Ra’iisul Wasaaraha dalka Britan Tony Blair Iyo Gumeysigii Hore ee dalka Britain Isagoo Ka Hadlayey Shirka Dunida Ee Magalada Johannesburg.

Wuxuuna Difaacay Siyaasada dalkiisa Ee Isbedelada Dhulka,Wuxuuna Mr. Mugabe Ku Yiri Hoggaamiyaha Britain Ku Ekaow dalka Iglantada hana iga soo fara gashanin dalkayga zimbabwe.

Mr. Blair Wuu Ka Ilaaliyey Hadalkiisa In Uu Ku Soo Qaado Arrintaasi,Bedelkeedina Wuxuu Ku Booriyey Hoggaamiyaasha Dunida Wax Ka Qabadaka Dhibaatooyinka Saboolnimada Iyo Degaanka.

Mr. Mugabe Waxa Uu Yiri Waxanu Nahay Afrikan Ee Ma Nihin British Ama Yurub Waxanu Samaynaynaa Sida Ugu Wanaagsan Oo Aanu Ku Hanan Karno Degaankayaga Si Kastoo Suurto Gal Ah.

Waxaanu U Soo Dagaalanay Dhulkayaga,Waxaan U Soo Dagaalanay Qaranimadayada,Waxaanu Ku Guuleysanay Madaxbanaanidayada,Waxaana Diyaar U Nahay In Aan U Huro Dhiigayaga Ayuu Yiri Mugabe.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Tony Blair Ma uusan Ku Sugnayan Shirka markii hadalkan uu jeediyay Mugabe , Hase Yeeshee Waxa Uu Dhegaystay Markii Madaxweynaha Namibia Sam Nujoma Sii Waday Werarka Oo uu Yiri : Waxanu Halkaan Afrikada Konfureed U Joognaa Hal Dhibaato Oo Weyn Oo Uu Abuuray Dalka Britain, Wuxuu Yiri Mudane Tony Blair Waxa Uu Joogaa Halkaan,Wuxuuna Abuuray Xaalada Zimbabwe.

Kooxaha U Ololeeya Degaanka Waxay Kaga Jawaab Celiyeen Dareen Naxdin Leh Afgaradaka Hoggaamiyaasha Dunidu Ku Gaareen Shirka Dunida Ee Johannesburg Ee Looga Jeedo Dhimista Fasakhaada Iyo Kaalmaynta Saboolka.

Kaddib Hal Toddobaad Oo Dhexdhexaadin Ah Waxa Wufuda Shirku Xal Iyeen Arrimo Badan Oo Khilaafkoodii Harsanaa kuwaas oo Qorshe Hawleedka 71 Bog Ka Kooban Markii Midowga Yurub Debciyeen Baaqyadoodii Yoolka Ay U Ahayd Isticmaalka Tamarta Dabaysha Iyo Qoraxda.

Waa Ka Liitaa Wixii Aanu Qiyaasaynay Sidaa Waxa Yiri Steve Sawyer Oo Ah Agaasimaha Cimilada Ee Green Peace,Wuxuu Intaasi Ku Daray In USA ,Sacuudiga Iyo Japan Heleen Wixii Ay Doonayeen Oo Ah Shidaalka Iyo Dhuxusha.

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Kofi Annan Waxa Uu Ku Booriyey In Ka Badan 100 Oo Hoggaamiyaasha Dunida Ah Ee Ka Qayb Qaadanaya Shirka Dunida Ee Johannesburg In Loo Guntado Hawl Gal In Xal Loo Helo Dhibatooyinka La Qeexay Toban Sano Ka Hor.

Madaxweynaha Dalka Fransiska Jacques Chirac Oo Shirka Ka Hadlaya Waxa Uu Cadeeyey In Bani’aadmku Mustaqbilkiisu Khatar Ku Sugan Yahay,Wuxuuna Yiri Cirifyada Dunida Waxa Ka Soo Yeeraya Dhawaaq Dhiilo Leh, Mana Dhihi Karno Lama Socono,Isagoo Ku Tilmaamay Dunida Guri Gubanaya Oo Lagu Jiro.

iqrafm@bidii.com ama ridwanhaji@journalist.com

WARARKII HORE EE IQRA

FAAFIN: SOMALITALK.COM 


HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA.. 26/8
Nin Soomaaliyeed oo u Baahan in Degdeg Kelyaha Looga Bedelo
AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02
 
 
Elijah Mwangale Ergayga gaarka ee Kenya U Qaabilsan Dalka Somalia 
Baadari Aflagaado ugeystey Diinta Islaamka iyo Nebi Muxamed (scw)
Muslimiinta Maraykanka ayay aad uga xanaajisey markii Rev. Jerry Vines uu yiri “Krishtaanka waxaa aasaasay wiilkii ilaahay -sayid Jesus, islaamkana waxaa asaasay Muhamed ina shaydaan oo ah carrur kufsade guursadayna 12 haween ah kuna qatimay gabar sagaal jir ah” GUJI.HALKAN June 17

Xildhibaanada Soomaalida Kenya oo wada jir u canbaareeyay Dawlada Itoobiya GUJI.HALKAN 


Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 


Wardheere oo Qoraal u Diray Madax sare oo Katirsan Maraykanka
"Waxaan ogaalkaaga gaarsiinayaa xasuuqa ba’an ee ka dhacay 13kii, May, 2002da Buula Xaawo..." oo... GUJI.HALKAN


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD