SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 Xuseen Cali Cilmi oo Lagu Afduubay [lagala baxay gurigiisa] Nairobi

Oct 3, 2002

 Wararka ugu dambeeyey ee maanta (0ct 4) waxay sheegayaan in.... GUJI

DIGNIIN:

»» Virsuka Halista ah ee Goldfish
»» Virus cusub oo cinwaano badan wata
»» Virus cusub oo lagu magcaabo OPASOFT
»» Taxadarka Emailada ka imanaya nayjeeriya
»» Xusuusin waalidka ee carruurta iyo Internetka

 Dhammaan ka akhri halkan 

Saaka waaberigii waxaa SomaliTalk soo gaarey in la afduubay qoraagii wargeyska Assiyaasa, Xuseen Cali Cilmi, taas oo sida warka nasoo gaarey sheegay xalay  lagala baxay gurigiisa oo kuyaal magaalada Nairobi xaafadda Islii (Eastleigh).

Kaddib markiiba si xaqiijin ah ayaan email ugu diray email aan horay uga hayney qoraaga, oo ah xuscalcilmi@yahoo.com,  in uu kasoo jawaabo haddii warkaasi uusan xaqiiqo ahayn, kaddib waxaan isku daynay in aan telefoon u diro labar telefoon ee kuqoraa qoraalkii uu noosoo tebiyey September 13, 2002 ee cinwaankiisu ahaa  Xuseen Cilmi: "Nolosheyda Khatar ayey ku jirtaa.", Telefoonkaas oo ahaa:  Tel:254-722723344 . Waxaana telefoonkaasi muujinayaa sidii wax aan shaqaynayn oo kale. Sidaas ayaan ku go'aaminey in aan socodsiino daabacaada qoraalkii sheegayey warka Afduubka ah.

Qoraalkii Soo gaarey SomaliTalk waakan hoos kuqoran:

Waxaana qoraalkas nasoo gaarsiiyey F.J. shillinson  shillinson@hotmail.com [XUSUUS: Magaca FJ waxaan usoogaabinay arimo la xiriira ammaanka qofka nasoo gaarsiiyey, emailku waxay ka midtahay shuruudaha SomaliTalk in aan daabacno emailka qoraalku naga soo gaarey] 

Xalay abaarihii 12:30 ayaa tafaftirihii jariiradda al-siyaasa, Dr. Xuseen Cali Cilmi, waxaa lagala baxay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Eastliegh ee ku taala magaaladda nayroobi oo dalka Kenya. Sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa marka la afduubayay tafaftiraha ayaa waxay sheegeen in niman u eg askar oo qaarna ku labisnaayeen dharka shibilka qaarna qabeen labiska boliiska Kenya ay soo galeen guriga uu deganaa xuseen dabadeedna ay ku bilaabeen garaacis iyo jirdil. Ilaa iyo hadda lama yaqaan halka uu ku sugan yahay tafaftiruhu iyo wuxuu mutay.

Laba asbuuc ka hor tafaftiruhu wuxuu ku shaaciyay wakaaladaha wararka iyo internetka in naftiisu khatar ku jirto kadib markuu qoray maqaalo lid ku ah kooxda carta iyo shirkaddii albarakat ee lagu xiriiriyay inay lug ku lahayd argagixisadda caalamiga ah.

Maaha markii ugu horaysay ee xuseen sababo aan la qeexin loogu afduubo ama xiraba magaaladda Nayroobi,tanina waa markii afraad.

 

shillinson | shillinson@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga nasoo gaarsiiyey

Oct 3, 2002 


Qoraaga Wargeyska Assiyaasi - Nairobi
oo sheegay in noloshiisu khatar kujirto  GUJI.. 13/9

 

WARARKII Oct 2 

I  I  D  H  E  H

Reer Galbeedka oo soo dhoweeyay Dawlad laga dhiso Soomaaliya
Doblamaasiyiin reer galbeed ah oo u waramayay saxaafada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay soo dhowaynayaan dawlad laga dhiso dalka soomaaliya maxaa yeelay tan iyo  
GUJI.
.. 

Saxaafada Xorta ah ee Soomaaliya ma ogola Go'aanka DKG ku xakamaynayso Saxaafada
Tan iyo markii uu golaha shacabka kmg  ah ee soomaaliya uu ansixiyay sharci ay u aragtay saxaafada madaxa banaan mid caburinaya hawshooda shaqo ayaa isla markiiba waxa ay bilaabeen inay ku dhaqaaqaan
.. GUJI... 

Shir looga hadlay Soomaaliya oo Caawa kadhacay Hotel PanAfica
KENYA: Waxaa caawa ka dhacay hotel the PanAfrican oo ku yaalla magaalada Nairobi shir ay soo qabanqaabiyeen hay'adaha INXA, COGWO iyo JOINT. Shirkaas waxaa isugu yimid... GUJI... 

Bulgaria iyo Romania oo Mucaawino Gaarsiinaya Soomaaliya
Booqasho hawleed rasmi ah (special envoy) oo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ahna u qaybsanaha arimaha gobolka Baalkanka ee DKMG, uu ku tegay Dalalka Baalkanka , gaar ahaan Bulgaariya iyo Roomaaniya.(8dii bisha 8aad  illaa 6dii bisha 9aad). GUJI... 

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota
MAS waa Muslim American Society oo ah ururka muslimiinta Maraykanka oo faracyo ku leh gobolada Maraykanka qaar ka mid ah.  GUJI... 

Sharci liddi ku ah saxaafada xorta oo kasoobaxay DKMG
Golaha Baarlamaaanka dawlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray sharci ay ku xakameeynayaa saxaafada Xorta ah. XORIYO... 

ISRAA WA AL-MICRAAJ
Maadaaama aan kujirno bishii Rajab ee bilaha islaamka ka mid aheyd, waxaa bishaan ku jira habeenkii Rasuulka SCW la dheelmiyey oo loo yaqaan ISRAA WA AL-MI'RAJ, GUJI... 

Qoxootiga Bantuga oo gudniinka ku boobsiinaya gabdhohooda 
sida eey sheegtay wakaalad warar oo laga leeyahay waddanka Holland, waxaa xeryaha qoxootiga ee somali-bantu-gu daggan yihiin ee dalka Kenya ka billowday olole si habsami ah u socda oo lagu gudayo gabdhaha soomalida ah ee GUJI...  
Aragtida dadweynaha iyo Gudniinka Fircooniga


WARARKII OCT 1

Yurub iyo Kenya oo Maalgelinaya Shirka Kenya
Guddiga Yurub ee lagu soo gaabiyo (EU) Iyo Dawladda Dalkan Kenya Waxay Kala Saxiixdeen Dhowaan Heshiis Ku Saabsan Taageero Maalgelineed oo loogu tala galay Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Soo Socda. GUJI... 

Wararkii Wardhere ee Toddobaadka Sept 30 - Oct 5 
.USA-Labo reer oo murugaysan ka dib markii maydadkoodii la isku qalday.  iyo, NY-Gabar dhimatay oo reerkeeda la waydiiyay inay bixiyaan kharashkii ijaarka muddadii ay saxiixday guraga inay deganaanayso.
GUJI... 

KA QAYB GALKA SHIRKA NAIROBI IYO QORSHAHA(SOOL, SANAG, HAWD)
Sida aad la wada socotanba waxaa wakhigan abaabul iyo dedaal loogu jiraa qabanqaabada shirka (Eldored.Kenya) ee loogu magac daray shirka dib u heshiisiinta Soomalida,sidaas darteed.
GUJI... 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
Qiyaastii 63% inkabadan ayaa Musliim ah 65ka milyan ee dadka Itoobiya.. GUJI..

Wararkii Sept  29-30: Soomaaliya, Kenya, Sacuudiga
»» DKG oo Sharci u Soo Saartay Saxaafada
»» G/W/Bari Kenya Oo Ka Biyadiiday Dastuurka Qabyada
»» Sacuudiga oo Safiirkeedii Qadar u Yeeratay
Dhammaan ka akhri halkan

Wararka Soomaalida 26/9/2002
»» Bayaan Beesha Cumar Maxamuud ee London, UK
»» Yalaxow oo Caddeeyey Mowqifkiisa Maamulka B&BS
»» SPR oo Codsatay in la Maxkamadeeyo Cabdullaahi Yuusuf 
»» Maxaa ka soo baxay shirkii Johannsburg, S-Africa
»» Warsaxaafadeed Kasoo Baxay Xarunta Dr ismaaciil jimcaale 
»» Waraysigii Macalin Siciid Saalax ee codka beesha
Dhammaan Ka Akhri Halkan
[26/9/2002]


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Dadka Soomaalida Ma yihiin Wadaniyiin?
Waa doo ay ka qeyb galeen dhageystayaasha Soomaaliyeed ee isugu jira rag iyo dumar kuna nool Atlanta. Waxaa doodaas qaban qaabiyey Radio Sagal. Waxaana soo jeedinaya werriye C/lahi Nur Kolombo oo ka tirsan bahda Radio Sagal Riix Halkan
OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD