SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 Imamka Masjidka Portland, oregon oo la xiray

Sida eey sheegtay wakaaladda wararka ee AP ku dhawaad 200 oo qof ayaa isugu soo baxay maxkamad saaridda wadaadka la yiraahdo Sh. Max'ed C/raxman Kariye oo ah imaamka masjidka Al-Sabr ee magaalada Portland ee gobolka Oregon, si eey taageero ugu muujiyaan. sheekha ayaa lagu heystaa danbiyo lagu soo oogay oo eey ka mid yihiin " isdaba marsiin dukumiinti & foorjari" !, waa sida warku u dhigaye.

. FBI Searches Islamic Leader's Home


. Muslim Supporters Rally Around Sheik
Muslims pay tribute to 9/11 victims, speak of consequences on Islam's followers in America more.. 
Five illegal immigrants arrested in Baltimore; material seized more... 
The Warlord Who Laid Down His Gun to Preach Peace

Maalintii shalay aheyd ayaa wadaadka gurigiisana baaritaan loogu dhaqaaqay sida eey Police-ku sheegeen. inkastoo axaddii la qabtay isaga.

25 qof oo kaliyah ayaa loo oggolaaday ineey qolka maxkamaddu ka socoto galaan, inta kalena waxaa lagu horay barsadda & jaranjarooyinka maxkamadda.

Mid ka mid ah dadka sheekha inbadan yaqaanay oo la yiraahdo Musse olol ayaa saxaafadda ku yiri " .. wey dhici kartaa.. qofkasta ayeey ku dhici kartaa.... laakiin hogaamiyaheena ayuu ahaa" Mr olol wuxuu sheegay inuu sheekha garanayo muddo ku dhow 18 sano !

Sh.Kariye waxaa lagu soo oogay isticmaalid waraaqo been abuur ah & magac badalid sharci darro ah, isagoo baa la yiri " dalbaday kaarka badbaadada bulshada (social security) saddex goor oo kala duwan intii u dhexeysay 1983 ilaa & 1995-tii" sidoo kale wadaadka waxaa lagu eedeeyey inuu taariiq-dhalasho been abuur ah qortay mar uu dib isu dhiibay 1998-dii ! laakiin sheekhu arrintan wuu beeniyey, maxkamad ayaana u ballansan bisha novermber 5-teeda.

FBI-da ayaa diidan ineey sheegaan wixii eey ka soo heleen guriga sheekha.

sheekh Kariye waxaa lagu xiray gegida caalamiga ah ee Portland isaga, walaalkiis & affar caruur ah oo uu dhalay oo wata tigid aan soo laabasho laheyn (one-way ticket) kuna sii jeeda waddanka Imaaraadka carabta.

nabad suggiddii baartay boorsooyinkiisa ayaa sheegtay " ineey boorsooyinkiisa ka dhex dareemeen haraa waxyaabaha qarxa" inkastoo aan taa lagu soo oogin wadaadka.

Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI.. 9/9 

suuqWarbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal.. GUJI.. 9/9 

Wardheere &Toddobaadka
USA: Dawladda Federaalka ma rabto governorka Minnesota inuu aado Cuba asagana kama yeelayo iyo. GUJI... 8/9

QuraanGudoomiye Maxkamadeed oo Ogolaaday in Quraanka Lagadhigo Jaamacad Maraykan ah
Qareen Maraykan ah ayaa xakumay in Jaamacada North Carolina lagu dhigi karo Quraanka, waxana uu yiri “quraan aqriska kama qaado qofka xornimada" .... GUJI... 19/8
 

Qareenka wadaadkan Mr Phlip Lewis ayaa aaminsan " in boorsooyinka muwakilkiisa laga soo raacay kuwa kale " !

Mid ka mid ah baarayaashii boorsada ayaa maxkamadii horteeda ka qiray inuusan waligii arag boorsooyin waxaas oo kale ku jiraan.

Sarkaal kale ayaa sheegay in sheekhan affartan & kow jirka ah markii la xirayey uu watay " dhowr kun oo doollar" xaaskiisii horena uu u sheegay inuusan qorsheeyneeyn inuu soo laabto .

Qareenka wadaadka ayaa sheegay in sheekhu uu ku dhashay wadanka somalia, dhalashada mareykanka-na uu qaatay 1998, haddana shaqo macalinimo ah uu ka helay Imaaraadka carabta, sidaas darteedna uu u safrayey, dhanka kale madaxa xarunta islamiga ah ee Portland ayaa saxaafadda u sheegay inuu sheekha siiyey lacag dhan 2,000$ si uu ugu safro .

Sarkaal sare oo dowladda katirsan ayaa daboolka ka qaaday inuusan " xaqiijin karin in xirnaanshaha wadaadka uu qeyb ka yahay baaritaanka lagu hayo dhacdooyinkii sept 11 " ee hal-ka sano jirsaday maanta.

Guud ahaan waddankan ayeey maanta ka aloosneyd baroordiiq lagu xusayo sanad guuradii koobaad ee ka soo wareegatay dhacdooyinkii Sept 11.

C/raxman Ceynte

Minneapolis, MN

ceynteyare@hotmail.com 

September 12, 2002

 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD