SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 Dagaal wali Ka soconaya Isgoyska Fagax
Afduubkii Max'ed Faarax oo Soo Af-jarmay
Kaddib markii saakay dagaal laba kooxood ka dhacay agagaarka Hotel Lafaweyne ayaa halkaas waxaa ka cararay dadkii uu u qafaalaa Maxamed Faarax oo UNka shaqaalaheeda ka mid ahaa, sidaas ayaa lagu soo daayey isaga iyo... GUJI.. 4/9

A. D. | weekly@somalitalk.com 
SomaliTalk | Muqdisho, Soomaaliya

September 4, 2002

Dagaal shalay ka qarxay isgoyska Fagax, ayaa saaka mar kale ka bilawday isla goobtii shalay, dagaalkan oo u dhexeeya malayshiyo beeleedyo isku wada hayba, ayaa la isu adeegsanayey hubka noocyadiisa culus iyo kiisa fududba.

Dagaalkan ayaa wuxuu la xiriiraa mid bilihii u danbeeyey si goos goos ah u dhex marayay beelaha ku abtirsada Mudulood oo ka dhacayay Xamar iyo waliba deegaano kale oo ka dururgsan magaalada. Dagaaladan ayaa lagu soo waramayaa inay qasaare ba’an u gaysteen dadka rayidka ah ee iyagu aan waxba galabsan.

Dr. Ulusso oo la Kulmay Beesha Celi Cumar
Shir weyne Beesha Celi laguna qabtay magaalada London eyna soo qaban qaabiyeen dhalinyarada ku nool London, UK oo... GUJI... 26/8

Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8

Dhinaca kale, waxaa soconaya dadaal xoogan oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo iska hor imaadyadan u dhexeya dadkan walaalaha ah, oo ay wadaan wax garadka iyo odayaa dhaqameedyada Muqdisho oo dhan, waxaana ka hadlay siyaasiyiin caan ka ah Muqdisho, culumaa’u diin iyo waxgarad kale oo uu ka mid yahay guddoomiyaha ururka USC/SNA Md. Cusmaan Xasan Cali Caato, Muuse Suudi Yalaxoow, Shiikha Muudeey Gacal, iyo wax garad kale oo dhamaantood ugu baaqay dhinacyada diriraya inay xabada joojiyaan. 

Dagaalkan o shaly iyo maantaba si xawli ah ku socday ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.


Cusmaan Caato: "Ciddii Dagaal ku sii wada shacabka Soomaaliyeed waxaa la saari doonaa Maxkamadda danbiyada dagaalka"

Cusmaan Xasan Cali Caato, guddoomiyaha ururka USC/SNA, oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xarunta ururkiisa ayaa ka hadlay dhinacya badan oo quseeya siyaasadda dalka maanta meesha ay marayso.

Cusmaan Caato wuxuu si wayn uga hadlay dagaalada ka soo cusboonaaday dalka meela badan o ka mida wuxuuna dhamaantood ku tilmaamay kuwa aan loo baahnayn oo aan wax guula lagu gaari Karin, wuxuuna ugu baaqay kuwa dirirtu u dhexmarayso inay joojiyaan dagaalkana ay wada hadal ku bedelaan “Adduunyada ayaanu ku dacwaynaynaa kuwa dagaalka ku haya shacabka ayaana dacwayn doona” sidaana waxaa yiri Md. Caato oo intaa ku daray in shirka dhowaan la qaban doona ay Soomaalidu ka wada qayb galaan, cid walbaana ay ka gaysato kaalinteedda.
Maxamed Qanyare
"Ma qabo inuu yahay Shirka Nayroobi mid najxaya waayo waxbaa ku hoos qarsoon" sidaas wuxuu kusheegay waraysi dheer oo  GUJI... 2/9

Dhinaca kale Cusmaan Caato wuxuu sheegay in Mawliid Macaani uu yahay xoghayaha golaha SRRC ee saxda, laguna soo dortay hab beeleed oo dastuurka SRRC waafaqsan.

Cusmaan Xasan Cali Caato oo ka mida raga ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya tobankii sano ee tegey ayaa u ololeeynaya dhinaca nabadda. Isagoo sheegay inaan waxba lagu gaari Karin dagaal “Ma jirto cid xoog ku muqunin karta cid kale, mana jirto cid ka adkaan karta cid kale, waxaana na bartay waaya aragnimada” ayuu yiri Cusmaan Caato”.


Wada Hadallo La sheegay Inay dhexmarayaan Garab RRA ah iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba

 I   I  D  H  E  H 

Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga: km-5 Mogadishu


Saraakiil sarsare oo ka tirsan Isbahaysiga Dooxada Jubba oo isagu hadda gacanta ku haya Jubbooyinka iyo garabkii ka soo go’ay Shaati Guduud ee RRA, ayaa lagu soo waramayaa inay hadda u soconayaan wadahal galay maalintiisii sadexaad sida ay sheegayaal ilo lagu kalsoonaan karo, dhinacyadan shiraya oo ay aad u dhib badan tahay in wax laga ogaado waxa ay si dhab ah uga wada hadleen ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya inay kawada arinsanyaan lababda dhinac heshiis qoto dheer oo quseeya iskaashi milatari, iyo sidii ay u samaysan lahaayeen ciidan isku dhaf ah oo ka hawl gala deegaankaas.

Mogadishu Weekly Reporter A. D

  weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

SOMALITALK.COM | Sept 4, 2002  


Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6

 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

  AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD