SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
September 9, 2002

I    I    D    H    E    H


Mac-Hadka  ASAL ee Barashada Computerka iyo Xisaabaadka Ganacsiga:  
km-5 Mogadishu

Wararka Maanta waxaa ka mida: 

*Qaar Ka Tirsan Hogaamiye Kooxeedyada Oo Ka Carooday......
*Shaati Guduud oo ka ambabaxay Baydhabo.
*Urur cusub oo looga dhawaaqay Beledweyne
*Guddoomiyaha qawmiyadda Carabta Soomaaliyeed Oo sheegay....

A. D. | weekly@somalitalk.com 
SomaliTalk | Muqdisho, Soomaaliya

Qaar Ka Tirsan Hogaamiye Kooxeedyada Oo Ka Carooday Hadalkii Ka Soo Yeeray Wasiirka Ariamah Dibada Ee Dalka Kenya

Md. Hilowle Imaam Cumar, oo ah mid ka mida guddoomiyayaasha kaltanka golaha SRRC-da, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii uu sii daayay wasiirka arimaha dibbadda ee dalka Kenya, warkaas oo ahaa, in dawladda KMG ahi ay ka soo qayb galayso shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, iyadoo wadata magac dawladnimo. Hilowle Imaam Cumar ayaa ku celceliyay ereyadiisii ahaa, kooxda Carta iyo in golaha SRRC ay isa soo horfariisan doonaan.

Md. Hilowle, ayaa sidoo kale sheegay inuu ka xunyahay warkii ka soo yeeray Md. Cusmaan Caato, kaas oo sheegayay in qaar ka mida madaxda SRRC lagu haysto Itoobiya qaab madax furasho, sida uu Md Caato hadlka u dhigay.

“SRRC, waxay xarumo ku leedahay Baydhabo, Muqdisho iyo Addis Abeba, halkaas oo ay ka fuliyaan arimaha quseeya golaha SRRC” sidaana waxaa yiri Md. Hilowle Imaam Cumar oo waraysi siinayay idaacada qur’aanka Kariimka.

Hadaladan ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Md. Madoka ayaa wuxuu si weyn uga caraysiiyay hogaamiye kooxeedyo fara badan, iyagoo qaarkoodna ay sheegeen in ay arintaas dacwad ka gudbin doonaan.

Shaati Guduud oo ka ambabaxay Baydhabo

Madaxweynaha is-maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Md. Shaati Guduud iyo wafdi u hogaaminayo, ayaa shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, isagoo ku sii jeeda Doolow ee dhinaca Itoobiya, safarka Shaati Guduud ayaa lagu soo waramayaa inuu ka danbeeyey ka dib markii la sheegay in dawladda Itoobiya ay casuumaad u fidisay isaga iyo Shiikh Aadan Madoobe oo haatan si ba’an isaga soo horjeeda iyagoo horeyna ugu dagaalamay magaalada Baydhabo.

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay doonayso inay dhexdhexaadiso dhinacyadan is haya ee horey uga wada tirsanaan jiray ururka RRA.

Shiikh Aadan Madoobe oo isna ka ambabaxay magaalada Diinsoor isagoo sii maraya dhulka, kuna sii jeeda Dooloow ee dhinaca Itoobiya, ayaa sheegay inuusan marnaba la kulmaynin Shaati Guduud.

Warar kale ayaa soo baxaya oo sheegaya in dowladda Itoobiya ay ugu yeertay raggan iyo kuwo kaleba, sidii aya mar kale isugu keeni lahayd golaha SRRC, oo beryahan danbe u muuqday mid sii kala daadanaya.

Dhinaca kale, odoyaal dhaqameedyo iyo waxgarad ka tirsan Raxanweyn oo ku hawlanaa isu keenidda Shaati Guduud iyo ku xigeenadiisii ururka RRA, ayaa sheegay in arintu meel fiican u marayso, ayna dhimantahay oo kaliya inay isa soo hor fariistaan.

Urur cusub oo looga dhawaaqay Beledweyne

Urur cusub oo la magac baxay USC/UJH, ayaa looga dhawaaqay gobolka hiiraan magaala madaxdiisa B/weyne, ururkan oo guddoomiye loogu doortay inu noqdo Dr. Axmed Cumar Gaagaale, ayaa sheegay in ururkiisan cusubi uu ka shaqayn doono danaha beesha Baadi Cadde, oo uu sheegay guddoomiyuhu in beesha Baadi Cadde ay danaheedii ka dhex weysay ururada kale ee jira, taasina ay tahay sababta ku dhalisay in la dhiso ururkan cusub oo uu ku nuuxnuuxsaday inuu ka soo jeedo deegaan baaxad weyn laguna yaqaano dadka ku dhaqan wadan jacayl.

“Waxaan aaminsanahay 8 gobol oo kaliya inuu ka kooban yahay dalka Soomaaliya, waana wax kama jiraan 18 gobol” sidaana waxaa yiri guddoomiyaha ururkan cusub Dr. Axmed Cumar Gaagaale oo u waramayay, idaacadda Benaadir ee Muqdisha.

USC/UJH ayaa wuxuu ka mid noqon doonaa ururada ka sii farcamay urur weynihii USC oo ay ku midaysnaayeen beesha Hawiye, ka dib markii ismaandhaaf siyaasadeed oo xoogani soo kala dhexgalay beelihii ku abtirsan jiray USC.

Md. Thaabit: ma jirto dhibaato gaar ah oo naloo gaystay, wixii dhacayna waxaanu la qabnaa umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha qawmiyadda golaha Carabta Soomaaliyeed oo uu fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, Md. Abuukar C/qaadir Thaabit, oo ka hadlayay dhinacyo badan ayaa sheegay, in ay ka qayb gali doonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka dhici doona Eldoret  ee dalka Kenya iyagoo ka mida golaha SRRC.

“waxaanu ka mid nahay golaha SRRC, iyaga ayaanuna wax la qaybsan doonaa” sidaana waxaa yiri Md. Thaabit oo intaa ku diray in dadka Carabta Soomaaliyeed ee uu isagu metelo ay ku nool yihiin dhamaan 18-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka, wuxuuna intaa ku daray in aysan jrin dhibaato iyaga si gaar ah u taabatay, ayna kal sinaayeen wixii wada gaaray umadda Soomaaliyeed dhib ama dheef.

Md. Thaabit ayaa sheegay inuusan aqoonsanayn wax la yiraahdo dawlad KMG ah oo dalka ka dhisan, wuxuuna ugu yeeray kooxda Carta, sida ay inta badan ee hogaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda natiijadii Carta ay ugu yeeraan dawladda KMG ah.

Mogadishu Weekly Reporter A. D.

 

  weekly@somalitalk.com 
Muqdisho, Soomaaliya

SOMALITALK.COM | Sept  9, 2002  

WARARKII HORE EE MOGADISHU WEEKLY REPORTER - GUJI


Faalo: Dib u dhigidda Shirka Kenya
warkaan iyo Dhac Loo Gaysanayo Basaska Oo Muqdisho Si Weyn Looga Dareemay  GUJI..  8/9
WARARKII MUQDISHO - 6.9.2002
Dadweyne Aad U Tiro Badan Oo Maanta Socod Ku Maray Goobihii Dagaaladu ka dhaceen iyo Darawal waday gaari booyad ah oo lagu dilay Isgoyka Tawfiiq.. GUJI..   
Warbixin: Dagaalkii  is-Goyska Fagax
Dagaalkan oo kadhacay isgoyska fagax ee Muqdisho, Cusman Caato oo ka hadlay dembiilayaasha dagaalka iyo wadahadallo u socda garab RRA ah iyo is-bahaysiga dooxada Jubba GUJI.. 4/9
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
Xasan Abshir oo Ka Dhoofay Muqdisho
Ra'iisul wasaaraha DKG oo u dhoofay Sucuudiga iyo Wafdigii Ka Socday IGAD Oo Maanta Gaaray Jawhar GUJI.HALKAN ama HALKAN Agoosto 2
Qanyare oo Kahadlay arimaha Shirka nairobi
"Ma rajaynayo inay ka soo bixi karaan shirka Nairobi wax Natiijaa." sidaas waxaa yiri...
GUJI  July 31

Xasan Abshir oo Amray in La Joojiyo Dhismayaasha Sharcidarada ah
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ayaa amar ku bixiyey in la is-hortaago dhismayaal si sharci darro ah looga sameysanayo dhulka uu...
GUJI.. July 30

WARARKA SOOMAALIYA - JULY 28
Dagaal mar kale ka qarxay bartamaha Baydhabo iyo Cumar Finish oo qabtay Shir Jaraa’id markii u horeysay dagaalada Muqdisho ka dib   GUJI.HALKAN

Warsaxaafadeed: Xoghaynta Mudullood
Guddomiyaha GMM Dr Cabdi Culusow, guddiga fulinta iyo xubnaha Golaha midnimada mudullood Dhamaan waxaay iyaga oo
GUJI.HALKA ama halkan July 27


Muqdisho Oo Markale Dib U Jaleecaysa Maalmahedii Dagaalka
Waxaa laguqiyasay in 40 qof ay kudhinteen, 60 kalena kudhaawacmeen dagaalkii Muqdisho ee.. 
GUJI.. July 26

Dadka iyo Dagaal Oogayaasha Kuweebaa Gardaran

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
GARGAAR DEG-DEG AH

  AUSTRALIA - Ninkaas Soomaaliyeed oo kelyihiisu hawlgab noqdeen waxa uu u baahanayahay US$22,000, waxaana hadda loo hayaa US$12,000, hadaba waxaa laga codsanayaa dhammaan in GUJI... 28/02  
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
BEESHA SARANSOOR
Baaq Kasoo Baxay Beesha Saransoor 
Waxgaradka beelaha Saransoor ee ku kala nool dalalka Waqooyiga Ameerika, Yurubta Galbeed, Australia, Dunida Carabta, Kenya, Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa GUJI.. 8/ 9
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD