SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - WAJEER
Banaan bax lagu xusayay sanad guuradii 19aad ee Wagalla Massacre.
16/2/2003
Axad


Ridwaan Xaaji C/weli
Wajir
Kenya


Kumanaan kun oo dadwaynaha reer wajir ah ayaa 15kii bishan isugu tagay garoonka wagalla ee xasuuqu uu ka dhacay 1984tii iyagoo xusayay sanad guuradii 19aad ee kasoo wareegtay xasuuqii wagalla Massacre.

munaasabadan waxaa ka qaybgalay dhowr mudanayaasha baarlamaanka ee gobolka woqooyi bari ee kala ah:

Maxamed Cabdi maxamuud
Cabdiraxmaan Cali xasan Coloow
shacbaan cali isaaq
Maxamed Cabdoow Xaaji

waxaa kaloo iyana ka qaybgalay masuuliyiin ka socda ururka xuquuqul insaanka ee dalka kenya, saxaafadda dalka kenya iyo marti sharaf ka socotay mombassa.

dhamaan madaxda ka qaybgalay munaasabadaas waxaa ay muujiyeen dareenkooda lagu xasuuqay 1000naan dadwaynaha deegaanka Wajir oo 400 oo kamid ah haatan magacyadooda lasoo bandhigay iyo in maxkamad lasoo taago dhamaan kuwii mas'uulka ka ahaa dhacdadaas.

waxaana ay ugu baaqeen dawladda Narc ee kenya in ay magdhaw ka bixiso dadkii ciidamadda qalabka sida ee dalka kenya ay xasuuqeen iyagoo kutilmaamay in ay amaanka soo celinayee.

Maxamed cabdi maxamuud iyo cabdiraxmaan cali xasan coloow oo labaduba laga soo doorto wajir ayaa ku tilmaamay falkaasi iyo kuwii kale ee gobolka mid xuquuqda bani'aadamka lagu xadgudbay.

100laal kamid ah dadkii ka badbaaday xasuuqaas oo dhaawacyo kala gadisani jirkoodu ka muuqdo aayaa iyaguna ka qaybgalay isu soo baxaas oo ah kii ugu horeeyay ee la isugu yimaado goobta xasuuqu ka dhacay oo 16Km ujirta garoonka dayuuradaha ee wajir.

waxaan anigu gacanta ku dhigay lafta faraha bani aadamka mid kamid ah oo aan ka helay goobta 1984kii lagu xasuuqay soomaalida wajir ku dhaqan,waxaa dhamaan halkaasi ku ilmaynayay hooyooyin laga dhintay iyo caruur ku agoontowday xasuuqaasi oo ilaa 5000 oo ruux la isugu keenay goobtaasi kadibna dab iyo xabad lagula dhaqmay.

munaasabadan waxaa soo qaban qaabiyay Ururka dhalinyarada TBT iyo ururka dhalinyaradda woqooyiga America waxaana ay sheegeen in ay wadayaan ka hadalka dhacdadaas.

Ridwaan Xaaji C/weli
Wajir
Kenya

Wararkii hore ee wagalla: http://kenya.somalitalk.com/   

[Qoraallo kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  Dagaalo Dhexmaray JWXO iyo Gumeysiga Itoobiya
Wararkii Radio xoriyo ee maanta.... XORIYO 

Mayee Ogaadeenyadii Bay ku Darartay
Jawaab qoraalkii Xagar Yare .... WQ. Axmed Yaasiin Feb 13

»JAWAAB: Muqdisho Caasimad ma u qalantaa????
»TACSIDA AY DIINTA ISLAAMKU OGOSHAHAY 

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Qaybtii 2aad: Xagar Yare.. Faallo

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo dad badan ku xidh xidhay Magaalada Dhagax-Buur
Wararkii Radio.... XORIYO

OGEYSIIS DEG DEG AH ee Somalida Minnesota
Maxkamaddii ku saabsaneyd dhoofinta soomaalida u xiran waaxda socdaalka in ay dhici doonto Arbacada, Feb. 12,003  GUJI

Ciid Mubaarak Dhammaan Muslimiinta
Bahda SomaliTalk waxay hambalyo u dirayaan dhammaan muslimiinta caalamka oo maanta ciidaya (ciidul Adxaa)....  GUJI Feb 11

I  I  D  H  E  H

 Xasuuqii Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali
Warbixin kusaabsan Sannadguuradii 12aad ee ee kasoo wareegtay Xasuuqaas....  GUJI Feb 10

Marxuum XAAJI XASAN MOHAMED ABDI [Buule Great]
oo ku geeriyoodey Columbus Ohio, USA GUJI...

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maxaa Xigi Doona Soo Dhoweynta Diiran ee Cabdiqaasim ka Helay Melez Zenawi?; Muxuu Xuseen Caydiid Ka Doonay South Korea? ...
GUJI...

Warbixin ku saabsan soomaalida Boson. MA
USA: Warbixintan oo uu soo diyaariyey C/Raxmaan Ceynte  GUJI Feb 10

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD [an error occurred while processing this directive]