Muqdisho waxay Caasimad u qalantaa
Haddii?
abdishakur Ali mire
gaalaeri@yahoo.com
Feb 14, 2003
Waa dood sanadihii ugu danbeeyayba soo
xoogaysanaysay, waa dood sida uu sheegay midka mid ah asxaabta wax ka qortay
soo laba kaclaysa mar kasta oo shir dib u heshiisiineed laqabanayo, waa dood
mar kasta oo la arko ifi-faalo dawladeed meel aad usaraysa gaarta, waa dood
dadka qabaa intooda badan yihiin dadkii laga soo bara kiciyay magaalada
muqdisho bilowgii sagaashameeyadii oo ayagu hanti iyo ruuxba ku waayay
magaaladaas, waa dood markii lasoo hadal qaado ay aad uga xanaaqaan dadka
sheegta muqdisho inay tahay deegaankoodii, waa dood qofba meel ku dhufto,
waa dood aan ilaa hada xal midaysan laga gaarin walow ay aad usoo
xoogaysanayso fikrada Muqdisho diidka ah, waa dood u baahan in si
cilmiyaysan oo kala gar-qaadasho leh mudan in loo wajaho, balse aan xal
looga gaarayn caasimad uma qalanto iyo waa u qalantaa oo ah labo aragtiyood
oo aad u kala fog, waa dood kan diidan caasimd noqoshadeeda looga baahan
yahay in uu keeno sababo cad oo qancin karta dadka ka soo horjeeda
fikradidiisa, waa dood u baahan midka difaacaya inay caasimad u qalanto inuu
asna sababeeyo, waa dood u baahan in lacadeeyo Muqdisho caasimd waa ahaan
jirtay ee maxaa maantay su’aasha galiyay? Ma wax iska yimid baa mase waxaa
jira sababo rasmi ah oo kalifaya in mugdi lagaliyo caasimadnimada magaalada
Muqdisho.
Anigoon ku dheeraanyn ayaan si kooban wax
uga tilmaamayaa aragtidayda magaalada muqdisho islamarkaas anigoo ka faa’iidaysanaya
qoraaladii asxaabtii iiga horaysa qormadan sida Fahad Yaasiin iyo Saciid
Xaaji Xuseen. oo aan isleeyahay labaduba waxay uga hadleen si xikmadaysan
inkastoo Fahadna tilmaamay dhibaatooyinka ka jira Muqdisho oo ah kuwa dad
badan ku dhiiri galin kara inay ku doodaan inaan Muqdisho caasimad u qalmin,
halka uu Saciid xoogga saaray fikrad dhex dhexaadnimo ka muuqato oo wax isku
soo dhawayn karta, inkastoo aan meelaha qaarkood Siciid ku raacsanayn,
habadaba anigoo ka mid ah dadka muqdisho kusoo koray waxna ku bartay aadna
ujecel inaan mustaqbalka ku noolaado, hadii wax iska badalaan jawiga ay
hadda ku jirto, waxaan dhihi lahaa haddii laga hadlayo istiraatiijiyad ahaan
,cimilo ahaan, deegaan ahaan, adeeg ahaan iyo dhamaan wax yaabaha fududeeya
hawlaha dawladi ubaahan tahay waxaan aamin sanahay inay Muqdisho tahay
magaalo aan lagula tartami karin
hase’ahaatee waxaa cad inaan dadka diidan
Muqdisho inay caasimad sii ahaato inaysan doodoodu ku salaynayn arimahaas ee
doodu tahay mid ku salaysan wax yaabihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ama
laga dhaxalay dawlad la’aanta 12 jirsatay, waxaan halkaas ku kala aragti
badalan nahay Saciid Xaaji Xuseen oo qaba in marka caasimada Muqdisho laga
hadlayo aan lagu salayn dhibaatooyinkii dhacay wuxuuna ahaa hadalkiisu
sidatan ""Waxaa intaas dheer in dooda ku
saabsan xagee caasimad noqonaysa aaysan noqon mid lagu saleeyo
dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ee noqoto mid lagu saleeyo shuruudaha lagu
xusho caasimad oo leh kuwa dhaqaale,siyaasadeed,istiraatiijiyadeed,iyo
bulsheedba,kuwaasoo markii si cilmiyeysan loo baaro aaysan jirin meel
muqdisho ku soo dhawaan karta""
waxaan Saaxiibkay Saciid dhihi lahaa saxiib
marna lagama fursan karo in dhibaatooyinkii dhacay lagu salayeeyo dooda
caasimad-nimda Muqdisho tusaale ahaan markii qarankii Soomaaliyeed bur buray
waxaa magaalada Muqdisho ku haray hal beel waxaana jirta in dad badan oo
beeshaas ka mid ah aamin san yihiin amaba ay ku shaqaynayaan Muqdisho inay
tahay magaalo beel gaar ah leedahay Soomaalida kalena marti ku yihiin hadii
aad doonto boqol guri ku lahow Sida hadaba ka jirta.
waxaan ku xasuusinyaa oo marqaati meel dhow
ah kaaga soo qabanayaa markii ay xukuumada K.M.G ah dhisaysay maamulka
gobolka Banaadir waxaa ay 15 Degmo ee gobolka Banaadir umagacawday 15
Gudoomiye oo hal beel kasoo jeeda, waxaana lawada qirsan yahay shuruucda
caasimadaha in aysan hal beel kaliya maamulkeeda iyo xuquuqdeeda xaq ulahayn,
xataa hadii ay timaado tartan kuraasta baarlamaanka sharci ahaan waa in
muwaadin kasta uu ka tartami karaa caasimada, hase ahaatee waxaa is waydiin
leh angoo ogsoon maantay oo aan dawlad loo wada dhan yahay dhisnayn hadii ay
reer muqdisho qabaan Muqdisho xuquuqdeedu inay tahay mid ku kooban hal beel
sideed uga dhaadhicin kartaa Soomaalidii kale in ay aqbalaan marti noogu
ahaada Muqdisho
arimahaan oo dhan waxaa keenay
dhabaatooyinka ka dhacay Soomaliya hadii lawada aqoon san yahay shuruucda
caasimdaha Muqdishana la hubo in lagu dhaqayo amaba aysan jirin cabsi iyo
dulmi ka dhashay dagaaladaii sokeeye doodan maba timaadeen oo arintu
sideedii hore ayay ku socon lahayd.
sidaas darteed anigu waxaan qabaa Muqdisho
waxay caasimad u qalantaa hadii?
Muqdisho waxay caasimad uqlantaa hadii ay
dadka reer muqdisho ictiraafaan dhamaan shuruudaha ay leeyihiin caasimadaha
aduunka oo ay muqdishana lagaba maarmaanka u tahay in lagu dhaqo.
Muqdisho waxay Caasimada uqalantaa hadii ay
reer muqdidho ictiraafaan in ay muqdisho tahay magaalo Soomaaliyeed oo aan
beel gaar ah, sigaar ah usheegan karin
Muqdisho waxay caasimad uqalantaa hadii
reer muqdisho hanti celin sameeyaan gaar ahaan hantida shacabaka ee ay xooga
ku hasytaan sida guryaha iyo wixii lamid ak ah iskaga baxaan.
Muqdisho waxay caasimad uqalantaa hadii
reer muqdisho isla qaataan in nadaamkii iyo kala danbayntii lagu soo celiyo
magaalada.
Muqdisho waxay caasimda uqalantaa hadii ay
reer muqdho islaqataan inaysan dawladii lasoo dhisaaba ka hor imaan ee ay
wax ka baalaan dawaladii Soomaali soo dhisato.
Muqdisho waxay caasimad uqalantaa hadii ay
reer muqdisho ayagu ay diyaar uyihiin inay gacan ka gaystaan sidii Soomaali
oo dhan ugu qanci lahayd in Muqdisho loo daayo Caasimadnimada.
Arimhaaas oo aan la helin waxaan aamin
sanahay inaan muqdisho lagu deg degi karin hadii la dhihi lahaa, markii
dawlad la helo arimaha intooda badan waxaa xal ka gaaraysa dawlada waxaa
dadku xasuusanayaan khibradiii laga dhaxalay dawlada K.M.G ah ee Carta oo
tiri anagaa xal ka gaaraynaa arintaas balse meeshii ay waajibaad kaas qaran
fulin lahayd dhaafiba wayday qodxihii ay reer muqdisho udaad-sheen sidaasna
waqtigeedii ku dhamaaday.
gabagabadii waxaan shaqsiyan aamin sanahay
in muqdisho tahay magaalo uqalanta caasimda horayna uhaan jirtay, qofkasta
oo muqdsho qayb nolashiisa kamid ah kusoo qaatayna aan filayo inuu ila qabo
hase ahaatee duruufaha maantay jire oon wax laga badalin ma qabo in ay
muqdisho buuxin karto kaalintii lagu yaqaanay ee ay ka af-duubeen
garwadayaasha siyaasada marin habowsan waxaan dhamaan reer muqdisho ku
boorin lahaa inay layimaadan tusaaleyaal ka fiican kuwii in dhawaale lagu
bartay si ay Soomaalida kale ugu dayato amaba ugu dhiiradaan in ay ku soo
celyaan qalbigii ay ka tir tireen.
cudurdaarasho,
waxaa Soomaali badan caado unoqotay in qofkasta oo wax qora aan lagu
tixigalin aragtidiisa iyo afkaarta uu qabo balse dusha loosaaro arimo kale
sida inuu qabiil gaar ah ujeedo iwm sidaas daradeed waxaan halkaan kusoo
bandhigay waa afkaartayda shaqsiga ah sax iyo qaladba qabiil aan gaar ugu
jeedana lama arko waxay ila noqtay sida aan u arko doodan kusaabsan Muqdisho
waad mahad san tihiin..
abdishakur Ali mire
gaalaeri@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
[Qoraallo kale
|