Sida badan siyaasadda waxaa xiiseeya dadka waaweyn ee
carruurtu cayaaraha ayey jecel yihiin! Gaar ahaan soomaalida waxaa talada wax
laga weydiiyaa waayeelka oo waatii la yiri ”Labaatan jir inta uu geed ka boodo
ayuu talo ka boodaa”!
Horta la yaab ma leh oo Idaajaa iyo ragga la taariikhda ahi
waa in ay la hadlaan dad aan garanayn sida carruurta uu isaguba sheegay in uu
kala hadlayo arrimaha federaalka iyo qabyaaladda!
Wuxuu Idaajaa sheegay in uu federaalka shisheeye afka inooku
tiray! Horta shisheeye waa maxay? Shisheeye waxaa loo qeexaa saddex siyaalood!
Kow shisheeye waa dad meel fog oo shishe dega marka la
eego joqoraafi ahaan. Haddaba dadka joqoraafiga inagaga fog oo afka inoogu
tiray waa kuwee? Ma Maraykan baa mise waa Suuriya? Cidna Idaajaa ma uu sheegin
ee waa uu iska aamusay!
Qeexidda labaad waa dad cadow kuu ah oo nafta kaa goynaya
ama ku xiraya ama ku dhacaya. Haddaba inuu shisheeye Idaajaa ka hadlo waxaa loo
baahnaa waagii la xasuuqayey dadka metelan Somaliland iyo ummadda kolkii
xabsiyada lagu silcinayey ama qabiilooyinka xabbadaha la isugu dhiibayey!
Markaas Idaajaa qudhiisu shisheeye ayuu ahaa oo hadde cadowgaas ayuu
warfidiyeen iyo lataliye u ahaa!
Qeexidda saddexaad oo shisheeyuhu waa dad uu heerka
caqligooda aad kaaga fog yahay oo uu shisheeyo! Dadku hadday aad u kala garasho
duwan yihiin waa isu shisheeye oo hadde caqligooda ayaa kala shisheeya.
Haddaba marka uu Idaajaa dhallinyada la hadlayo wuxuu
dareemay in ay dadka waaweyn oo waayo-aragnimda lehi shisheeye u yihiin, oo ay
federaalka dhallinyarada afka ugu tiraan!
In uu cadow 1977-78 intii ka danbaysey soomaalida qaar ku
shaqaysanayey ayuu sheegay, ee intii ka horraysey muxuu ku caddaynayaa in aan
dad soomaali ah lagu shaqaysan jirin?
Midda kale muxuu u sheegi waayey dadka lagu shaqaystay? Ma
uu baqayaa, mise dadka ayuu u qarinayaa dadka lagu shaqaystay oo uu og yahay?
In uu wax sheego ayaa roonayd, laakiin waxba ma uu sheegin!
Idaacadaha ama saxaafadda carabta wuxuu sida maqaalka ku cad
Idaajaa bilaabay oo uu ku xirmay intii shirkii
Carte ka danbaysey, haddana
wuxuu sheegay dagaal-oogeyaal xunxun!
Haddaba Cabdiqaasim ma uu ku jiraa dagaal-oogeyaashaas? Mase
laba arrimood baa ka saaraya? Kow in uu carabtaas uu Idaajaa wararkooda ku
xirmay lacag ka soo qaado. Labo in ay beeshiisa iyo beesha Idaajaa wada
qabsadeen magaalooyin ay Kismaanyo ka mid tahay!
Marka dagaalladii dhulalkaas lagu qabsaday sow Cabdiqaasim
oday uma uu ahayn? Lacagtii lagu qabsadayse sow sida badan shisheeye lagama soo
shaxaadin?
Marka uu leeyahay federaalka tol-tol baa looga dan leeyahay
oo dalka ayaa qaar tol gaar ah la siinayaa wuxuu uga jeeda in beesha
Cabdiqaasim iyo beeshiisa aan lagu qabsan guryihii iyo beerihii ay xoogga ku
qaateen! Warbaahinta carabtana waxaa loogu xirmay lacag sow ma aha?
Maxay Idaajaa, Cabdiqaasim iyo dadka ay
ku shaqaystaan keligood federaalka ugu sheegaan tol-tol? Ma dadka ayey ka caqli
badan yihiin oo ka waddanisan yihiin? Hadday caqli iyo waddaniyad hayaan may
masaakiinta ay ka xoog roonaadeen beerohooda iyo guryohooda uga baxaan?!
”Shirkii Carte ayaa shirarka ugu
fiicnaa!” buu yiri Idaajaa Faarah! Dadkii shirkaas ka qaybgalay bulshada lagama
soo xulin ee dad iska yaacay bay ahaayeen, waana qosol iyo maad in uu Idaajaa
sheegay xulitaan iyo in dadkaas la soo dirsaday ama laga kala keenay qaybaha
bulshada!
In qabiil wax lagu qaysado wuxuu ina
Faarax ceeb uga dhigay in Gallaydh lagu beddeley Xasan Abshir, oo uu uga jeedo
in labada jilib oo Puntland oo ay labadaas qof ku kala abtirsadaan looga jeedey!
Horta Xasan Idaajaa wuuba yaqaan! Wuxuu kale oo yaqaan sida
labadaas jilib la isgu diro, oo wuxuu arrintaas ku soo shaqeeyey 21 sano oo
kacaan ah iyo 13 oo kalayaac ah! Diradire qabiil buu ugu dugaaley in uu in
qabiil wax lagu qaysado hadlay, ee wanaag dhallinyarada uma uu sheegin!
Gabayga Aw-Muuse oo uu hadalka ku ebyey ma daacadnimo ayuu u
soo qaatay, mase dagaalka uu maqaalku sido ayaa lagaga raadgadanayey?! Waxaa la
hubaa ay tahay markii kowaad oo uu Idaajaa gabay uu Aw-Muuse tiriyey idaacad
ama maqaal ku xusay, wuxuuna gabayada soomaalida ka hadlayey afartameeye
sannadood, Aw-Muusena wuxuu ahaa gabyaagii ugu horreeyey gabaygiisa la hayo oo
mudnaantaas ayuu leeyahay!
Sidaas darteed sababta uu Idaajaa gabayada u soo qaato waxaa
had iyo jeer ku jirta siyaasad iyo qabyaalad laqdabo ah, ee taariikh iyo
murtiyi kuma ay riixaan!
”Musuqmaasuq” buu ka hadlay, waana sax in uu Siyaad Barre
ummadda habeenbarkii uu inqilaabay ay ahayd musuqmaasuq, laakiin wuxuu Idaajaa
qosolkii naga dhammeeyey markii uu ka hadlay in haddii Siyaad la dhaleecayn
lahaa uu nin fiican ahaan lahaa!
Horta Siyaad nin la dhallili karo ma uu ahaa? Midda kale muu
Idaajaa qudhiisu dhaleeceeyo muxuu ammaantiisa loogu waali jirey, ilaa
imminkana noogu wadaa?! Hadda miyuu bartay Idaajaa in madaxda la dhaleeceeyo?
Siyaad Barre ninkii wax ka sheega waa la toogan jirey!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
QORAALADII HORE EE SHAAFICI