SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 1, 2004

WARARKA APRIL 1, 2004

  • Dagaal Qaraar oo saaka ka bilawday Deegaanka Muqdisho.
  • Cali Axmed Maxamed “Cali Beereey” oo Geeriyoodey
  • DKMG la tashiyo la leh qaar ka mida Madaxda Carabta

TALIYIHII CIIDANKA MUUSE SUUDI OO XALAY LA DILAY IYO DAGAAL CULUS OO KA DHACAY MAANTA XAAFADDA BARMUUDA

Waxaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday isbitaalka keysaney taliyihii ciidamada ee hogaamiye kooxeedka muuse suudi yalaxoow oo loo yaqaanay CALI BEERREEY sida wararku sheegayaan sabta loo dilay ayaan wali la garanin ayadoo waraku qaar leeyihiin waxaa dilay oo baabuurkii uu watay ku dhuftay qoriga loo yaqaano baasuukaha qaar kamid ah ciidamadiisa weyna ku qaldameen oo si kama' ah ayeey arintu u dhacday, si kastaba ha ahaatee  war rasmi ah wali lagama helin.

Dhanka kale waxaa maanta uu dagaal culus ka dhacay xaafadda siigaale ee degaanka loo yaqano barmuuda dagaalkaas ayaa sida lasheegay waxaa ku dhintay ilaa 2-qof halka ey 3-kalana ku dhaawacmeen waxaanan wali caddeyn wax dhaqa dhaqaaq ah oo muujinaayo in xabadda la joojiyo.

abuukar yaasiin xaaji | muqdisho | soomaaliya
abuukarsom@hotmail.com

Taliye Xigeenkii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo ku Geeriyooday Shil Gaari

WARAR DHEERAAD  AH OO KUSAABSAN GEERIDA BEERREY & DAGAALKA MUQDISHO HOOS KA AKHRI:

<><><>

Cali Axmed Maxamed “Cali Beereey” oo ahaa Ku Simaha Garabka USC/SSA ee uu hogaamiyo Muuse Suudi Yalaxoow, ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Keyzaneey ee Magaaladda Muqdisho.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  Garyare20@yahoo.com

Marxuumka ayaa u dhintay sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Kooxda Muuse Suudi dhaawac ka soo gaaray weerar lala beegsaday gaari uu saarnaa xilli uu ku gudi jiray Kormeer Hawleed, Waxayna saraakiishaasi sheegeen in Duleedka Kaaraan Maleeshiyo Fariisin ku leh oo hoos tagta Maamulkooda ay ka shakiyeen Gaari uu saarnaa Cali Beereey taasina ay keentay inay la beegsadaan Gantaal Nooca gacanta laga rido ah ee RPG, iyagoo Weerarkaasna lagu tilmaamay mid si qalad ah ku dhacay balse aan ku talagal ahayn.

Allaha u Naxariistee Cali Beereey waxa uu ahaa Taliyaha Ciidamadda Muuse Suudi, iyo Ku simaha Maamulka Muuse Suudi, Waxa uuna ahaa nin ay si aada isugu dhawaayeen Muuse Suudi isla markaana uu Masuuliyadiisa uga tagi jiray marka uu safaradda u baxayo.

<><><>

Dagaal qaraar oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka bilawday Deegaanka Siigaale oo ka tirsan Xaafadda Barmuudo ee Magaaladda Muqdisho.

Dagaalkan oo daba jooga dagaalo goos goos ah oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Barmuudo ayaa waxa la xaqiijiyay in illaa iyo saaka ay ku dhinteen 4 qof oo Labo ka mida ay yihiin Rayid, halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 10 qof.

Dagaalkan oo si wayn looga dareemay Muqdisho oo dhan marka loo eego Qoryaha cul culus ee ay labada dhinac isku adeegsanayeen ayaa waxa uu salka ku hayaa Muran soo kala dhex galay labo Shirkadood oo isku haysata Biyo Galinta Barmuudo iyo Deegaanadda ku xeeran.

Dagaalkan saaka soo xoogaystay ayaa yimid wax yar kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dawladda Ku Meel Gaarka ah, Xuseen Saalax ugu baaqay dhinacyadda dagaalamaya inay joojiyaan Colaada isla markaana isugu yimaadaan Miiska Wadahadalka.

Xuseen Saalax waxa uu ku hanjabay inay Awood ku dhex gali doonaan Labada Maleeshiyo haddii aysan joojin Colaada, Wuxuuna sheegay inay dhawaan Ciidamo u dirayaan Barmuudo, iyadoo labada shirkadood ee Muranku u dhaxeeyana arrintooda loo gudbin doono sida uu Ra’iisul Wasaare ku xigeenku sheegay Maxkamadda Sare ee Qaranka.

<><><>

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa la tashiyo kala leh qaar ka mida Madaxda Carabta sidii uu u qabsoomi lahaa Shir Madaxeedkii Carabta ee Baaqday.

Wada hadal ay qadka Taleefoonka ku yeesheen Madaxwaynayaasha Somalia iyo Masar, C/qaasim, iyo Xusni Mubaarak ayeey iskula soo qaadeen sidii uu u qabsoomi Lahaa Shir Madaxeedka Carabtu, Wuxuuna C/qaasim taageeray Fikradda Mubaarak ee ah in Shir Deg deg ah ay Madaxda Carabtu ku Yeeshaan Qaahira.

C/qaasim waxa uu sidoo kale qadka taleefoonka wada hadal kula yeeshay Hogaamiyayaal Carbeed oo ay ka mid yihiin Hogaamiyaha Libya, Kan qadar, Jabuuti, iyo kuwo kale, Wuxuuna C/qaasim ku biiray Madaxda Carbeed ee dadaalka ugu jira inay meel mariyaan Qabsoomidda Shir Deg Deg ah oo ay carabtu ku yeeshaan Qaahira.

Dib u dhac ayaa ku yimid dhawaan Shir Madaxeedkii Carabta oo lagu waday inuu ka dhaco Tunisia kadib markii Dawladda Dalkaasi ay si deg deg ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay Shir Madaxeedkaasi waqti aan la cayimin iyadoo aan cidna kala tashan.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  Garyare20@yahoo.com

<><><>

C/Lahi Yusuf oo Maanta Yimid Bosaso
Wadoonyinka Boosaaso ayaa saacado laga xiray gawaarida booqashada MDGL awgeed...
Guji April 1

Daahir Riyaale oo Kusoo Laabtay Dalka
Riyaale iyo weftigii uu hogaaminayey ee socdaalka ku marayey dalal ka mid ah qaaradda yurub ayaa..  Guji 31/3

<><><>

Madaxwaynayaasha Syria iyo Sudan ayaa la filayaa inay maanta gaaraan Magaaladda Sharmasheeq ee Dalka Masar.

Labadan Madaxwayne ayaa lagu waddaa inay wadahadal la yeeshaan dhigooda Masar, Xusni Mubaarak, Waxaana lagu waddaa inay kulankaasi iskula soo qaadaan sidii uu u qabsoomi lahaa shir Madaxeed deg deg ah oo ay yeeshaan Madaxda Carabtu.

Madaxwaynaha Masar, Xusni Mubaarak ayaa wadda dadaalo uu ku doonayo inuu qabsoomi shirkii baaqday ee Madaxda Carabtu ay ku yeelan lahaayeen Tunisia, waxaana uu shalay Sharmasheeq kula kulmay Ninka iska leh dhaxalka Boqortooyadda Sucuudiga, Amiir Cabdalla.

Mubaarak waxa uu inta badan ku qanciyay Madaxda Carabta in shir madaxeedka carabta lagu qabto Qaahira oo ah Xarunta Jaamacadda Carabta. Laakiin Tunisia ayaa wali ku adkaysanaysa inay xaq u leedahay Martigalinta shirkaasi.

<><><>

2 askari oo Maraykan ah ayaa dhaawacmay Kadib markii weerar lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen oo marayay Xadka kala qaybiya Syria iyo Ciraaq.

weerarkan oo ka dhacay Xaafadda Al-Qaa’im ayaa waxaa la sheegayaa inuu dhacay xalay Maqribkii, iyadoo war ka soo baxayna Ciidamadda Maraykankana lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah.

Weeraradda lala beegsanayo Ciidamadda Maraykanka ayaa soo laba lixaadsanaya, iyadoo Ciraaq ay si wayn ugu soo kordhayso Nacaybka loo qabo Maraykanka iyo Xulafadiisa Xooga ku qabsaday Ciraaq.

Shalay ayaa waxaa ka dhacay Ciraaq weeraradii ugu xumaa ee lagu laayo Maraykan, iyadoo Injineero Maraykan ah lagu gubay gaari ay saarnaayeen oo ay ku bas beeleen.

Maraykanka ayaa aaminsan in Weeraradaasi ay ka dambeeyaan Kooxaha Argagixisadda ee ku xiran Al-Qaacidda.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2004

WARARKA MUQDISHO... GUJI..

 WARARKA BOOSAASO... GUJI..

WARARKA HARGEYSA.. GUJI..

 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka



kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD