SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 1, 2004
Taliye Xigeenkii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland oo Shil Gaari ku Geeriyooday

Gaari Tekniko ah oo Soo Galbinay Madaxweynaha Puntiland oo Qalibmey, waxaa ku dhintay Taliye xigeenkii Ciidamada Ilaalada madaxtooyada PL, waxaana ku dhaawacmay 14 ka tirsan ciidanka ilaalada, dhaawacii waxaa loo qaaday Galkacyo, waxaana dhaawacii u dhintay labo.

Wadooyinka Boosaaso oo Qaarkood Saacado Laga Xiray Gawaarida Booqashada MDGPL awgeed

SAWIRADII MAANTA: APRIL 1, 04

Ciidamadii oo Wadada Ka saaraya gawaarida

Ciidamadii oo wadada ka saaraya Gawaarida


Gaari ka mida kuwa Ciidamada u baaqaya markii uu soo dhawaa Madaxweynuhu

Gaari Xamuul sida oo wadada laga saaray Kadib markuu Madaxweynuhu soo marayay Wadada


Basaska loo kala Raaco Bosaso Gudaheeda oo dib shaqadii u bilaabay

gawaaridii Xamuulka oo Soogalaya Magaalada

taxi Bosaso oo Dib shaqadii u bilaabay

Waxaa saaka markay ahayd Shantii aroornimo laga xayiray in ay maraan baabuurta waaweeyn iyo kuwa yaraya wadooyinka loogu kalasocdo bosaso gudaheeda oo uu ugu horeyo wada laamigaa ee dhexmarta Bosaso iyo wadada Dheer ee isku xirta Bosaso iyo Magaalooyinka kale ee puntland iyadoo lasoo dhaweeynayaay Madaxweynaha DGPL Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo Dib uga soo laabtay Madasha shirka Nabadaynta Soomaaliyeed 29/3/2004 isagoo ka soo dagay Magaalada Caasumada DGPL ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka hortagay Masuuliyiinta Gobolka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Bari Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin).

Madaxweynaha ayaa ka soo dhaqaaqay Aroornimadii Saaka Magaalada Garoowe kadib ayuu ku soo hakaday Magaalada Degmada Carmo halkaas oo ah meesha ay mas,uuliyiintu kaga Hortageen, waxana uu soo galay magaalada Bosaso Kow iyo Tobankii Duhurnimo intaas oo ay u xayirneed Wadada Magaalada ganacsiga Bosaso, iyadoo aan wax ka waydiiyay ganacsatada iyo Dadka kale ee ka shaqeeysta Bosaso ayaa ii sheegay in ay ahayd malin barkeed oo shaqo la,aana, iyadoo la xayiray Dhaqdhaqaaqii ganacsi oo Dhan tasoo ka dhalatay Ilaalinta nabadgalyo ee Madaxweynaha.

Waxaa soo galbintii Madaxweynaha ku geeriyooday taliye xigeenka Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyadoo ay ku dhaawacmeen ilaa afar iyo Toban kale oo ah Ciidamada Ilaalada Madaxweynaha kadib markii uu la rogmay Gaari Tikniko ah, Dhaawicii Ciidankaa ayaa la saaray Diyaarad u socotay Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa markuu ka soo dagaayay garoowe ee uu ka yimi Kenya ayaa la sheegay in dhaweyntiisii ay ku dhaawacmeen qaar ka tirsanaa ilaalada Taliyaha Ciidanka Boliska DGPL oo iyagu xiligaa Waajibkooda Ciidan nimo Gudanayay, Ciidamadaa ayaa la Rogmatay Gaari Tikniko ah oo ay wateen.

Wararka hadda naga soo gaarey Galkacyo ayaa sheegay in Dhaawicii la geeya Gaalkacyo oo tiradoodu ahayd Afar iyo Toban waxaa geeriyooday labo ka mida oo u mid ka mida ku sii geeriyooday Diyaarada laguna aasay Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaan Saxaafada la hadal intuu ku soo noqday Dalka iyadoo la filaayay in uu warbixin ka Dhiibo Safarkiisii uu ku tagay Shirka Madasha Nabadaynta Soomaalaiyeed ee Kenaya kasoo la sheegay in ay Puntland ka baxday markii ay ku aragtay waxyaabo aan Dan u ahayn, Madaxwaeynaha ayaa safarkiisa uu ugu soo Noqday Dalka laga sheegayaa warar kala duwan iyadoo ay sheegeen ilo ku Dhowdhow in uu isku Shaandheeyn doono Golahiisa wasiirada isagoo intuu yimi aan la sheegin in uu wax kulana la yeeshay Golaha wasiirada, lakiin uu kulan la sameeyay Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DGPL.

Madaxweynaha DGPL safarkiisa uu ku yimi Bosaso ayaan idiinsoo Gudbin doonaa Wixii ka soo Cusboonaada.

SOOMAAL PHOTOGRAPHIC & PUBLISHING CENTER SOMALIA

Bosasso, Puntland, Somalia.
By Cabdifataax Jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2004

TALIYIHII CIIDANKA MUUSE SUUDI OO XALAY LA DILAY

<><><>

 WARARKA BOOSAASO... GUJI..

100 Qof oo Ku Dhintay Doon Degtey
Wararka ugu dambeeyey ee kasoo baxaya doonta ku  qaraqantay badda u dhexaysa Bosaso & yemen ayaa Guji

WARARKA BOOSAASO 23/3/04
» Boosaaso oo lagu gubey 112 Kartoon oo ah "Galcaar"
»
Dawladda Hoose Boosaaso oo Dib u Habayn Lagu Sameeyey

»
Sariflayaasha oo Ka cabanaya cashuuraha kala Duwan

»
Guryaha Madaxda Dawlada  oo aan Bixin lacagta Korontada

»
Aqoon Isweydaarsigii Ka Socdey jaamacada EAU oo Lasoo gabagabeeyey

»
Qoraal kasoo baxay Guddiga Nabad Galyada G/Bari

Dhammaan ka akhri halkan... Guji

Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji Maarso 23, 2004

Aqoon Isweydaarsi Ka Furmay Jaamacada Bariga Africa ee Boosaaso
Aqoon iswaydaarsigaas oo looga Hadlayo sidii  loo furi lahaa Kuliyada Waxbarashada Macalimiinta
Waxa uu aqoonisweydaarsigani socon doono 18-21/03/2004 oo ah mudo Afar casho ah waxaana...
Guji Maarso 19

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka



kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD