SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 2, 2004

WARARKA MAANTA APRIL 2, 2004

  • Dagaal Maanta duhurkii ka bilawday Baladwayne
  • DKMG oo ku hanjabtay inay tallaabi ka qaadi doonto SL
  • Dadaalo la doonayo in lagu bad baadiyo Shirka Kenya oo socda
  • MGPL oo ay hareeysay Dood dhinaca Sharciga
  • Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo u xuub siibanay Maamul Gobaleed
  • Somalia: dal dhinac ka bur bursan dhinacna Caalamka kula tartamaya
  • Yuweeri Musafini: Masar waxay isku koobtay ka faa’iidaysiga Biyaha Niil

 W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com , garyare@msn.com , garyare20@hotmail.com 

Dagaal Maanta duhurkii ka bilawday Baladwayne.

Ugu yaraan shan qof ayaa inta la ogyahay dhimatay, tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii dagaal qaraar uu Maanta duhurnimadii ka bilawday duleedka Galbeedka Baladwayne ee Gobalka Hiiraan,

Dagaalkan oo socday illaa iyo galabta ayaa la sheegay inuu ka bilawday kadib marki Gaari Tikniko ah oo marayay duleedka Baladwayne ay rasaaseeyeen Maleeshiyo kale oo fariisin ka samaysatay Meel aan sidaa uga fogay Galbeedka Baladwayne, Waxaana la sheegay in Gaarigii tiknikadda ahaa ee la weeraray uu soo galay Gudaha Magaaladda Baladwayne taasina ay keentay inuu wato gurmad xoogan halkaana uu ka bilawday dagaal qaraar,

Iska horimaadkan oo salka ku haya dagaalo dhawr mar oo hore labo Maleeshiyo Beeleed ugu dhex maray Galbeedka Baladwayne ayaan la ogayn Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo aysan muuqan illaa iyo hadda dadaalo nabad raadineed oo lagu joojinayo dagaalka sokeeye ee ka bilawday Baladwayne,

<><><>

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia oo ku hanjabtay inay tallaabi ka qaadi doonto Maamulka Somali Land,

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in tallaabo ay ka qaadi doonaan Maamulka Somali Land hadii aysan ka waantoobin eedaynta ay maamulka Somali land ku sheegeen in dowladda KMG ay ka dambayso falalkii dilka ahaa ee ka dhacay deegaanadda hoos yimaada Somali land,

Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiir ku xigeenka koowaad ee dowlada KMG ah Xuseen Saalax Muuse ayuu waxa uu ku tilmaamey wax laga xishoodo hadalkii dhawaan ka soo yeeray Maamulka la magac baxay Somali land in dowlada KMG ahi ay lug ku lahayd dilkii loo gaystay shaqaalihii Hay’adda GTZ ee hawlaha samafal ka fulinaysay deegaanada hoos yimaada Maamulka Somali land ee ay ku dhimatay Gabar u dhalatay dalka Kenya,

Xuseen Saalax waxa kale oo uu sheegay in dowladda KGM ah ay tahay dowlad nabadeed, isla markaasi aysan suurtogal ahayn in ay lug ku lahayd falkii wuxushnimo ee loogaystay shaqaaliihi Hay’adda GTZ , wuxuuna tacsi u direy Eheladdii ay ka geeriyootay Gabadha kenyaatiga ahayd iyo dhaawicii soo gaarey Ninkii Jarmarlka ahaa,

Xuseen Saalax waxa kale oo uu intaasi ku darey in dadkii gaystey dilkii Shaqaalahaasi ay ahaayeen gebi ahaanba kuwo u dhashay Reer Somali Land, isagoo intaa ku darey in dowladda KMG ah aysan faraha ka laaban doonin hadii ay Maamulka Riyaale joojin waayaan Eedaynta aan salka iyo raadka lahayn ee ay u soo jeedinayaan Dowladda KMG ah,

Xuseen Saalax waxa kale oo uu sheegay in jawaabta ay ka bixin doonaan waxa uu ugu yeeray gardarada cad ee Riyaale aysan ku ekaan doonin hadal, balse ay noqon doonto sikale,

Dhinaca kale Wasiir ku Xigeenku waxa uu ka Hadley dagaaladda kasoo cusboonaaday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Barumuuda, isagoo xusay in dowladda KMG ahi ay horey u adeegsan jirtay xalinta dhibaatooyinka Odayaal Dhaqameedyada, laakiin hadda ay arrintu sidii hore ka badalan tahay loona baahan yahay in loo isticmaalo awood dowladeed,

Wuxuuna sheegay in ay u diri doonaan deegaanka Barmuuda Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milatari, si dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay nabad ugu seexdaan uguna soo toosaan,

Labada Shirkadood ee isku haysta Biya galinta Barmuuda ayuu sidoo kale ugu baaqay Xuseen Saalax inay tagaan Maxkamadda Sare ee Gobalka Banaadir si sharciga loogu kala saaro, Wuxuuna sheegay inay Waajib ku tahay inay magdhow ka bixiyaan qasaarihii ay soo gaarsiiyeen deegaankii ay ku dagaalamayeen,

<><><>

Dadaalo la doonayo in lagu bad baadiyo Shirka Kenya oo socda,

Iyadoo uu hakad ku jiro Shirka Soomaalida uga socday Kenya ayaa waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu badbaadiyo shirkaasi oo cabsi wayn laga qabay inuu fashilmo,

Goobjoogayaasha Beesha Caalamka ee ka qayb qaadanaya shirkaasi iyo Guddiga Hawl Fududaynta IGAD ayaa wadda dadaalo ay ku doonayaan inay ku bad baadiyaan Shirka Soomaalida uga socda Kenya, Waxaana ay la tashiyo ka leeyihiin sidii loo guda gali lahaa Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida oo ay qaadaceey Qaar ka mida Hogaamiyayaasha Kooxahu,

Diblomaasi ka tirsan IGAD oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in bartamaha Bishan si rasmi ah loo guda gali doono Wajiga Saddexaad ee Shirka, Wuxuuna Diblomaasigan hoosta ka xariiqay inaan loo xayirnaan doonin shaqsi iyo labo ka hor yimaada Nabadda Somalia,

Diblomaasigan waxa uu sidoo kale sheegay in lala xisaabtami doono Hogaamiye Kooxeedyadda Dhibaateeya dadkooda, isla markaana lagu soo oogi doono Dacwado dhinaca sharciga ah oo la xiriira Xadgudubyadda bini’aadanimo ee ay gaysteen, Wuxuuna sheegay in la magacaabi doono Guddi soo diyaariya Maxkamadda Dambiyadda dagaalka ee Somalia,

Shirka Soomaalida oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa u muuqda inuu hadda galay xaalad halis ah oo haddii aan la bad baadin ay imaan karto inuu gabi ahaanba bur buro geedi socodka Nabadda Somalia,

<><><>

Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo qorshaynaya inay u xuub siibtaan Maamul Gobaleed.

Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa wadda qorshayaal ay ku doonayaan inay ku samaystaan Maamul Gobaleed ku jaan go’an deegaanadda ay ka taliyaan,

Qorshahan ayaa soo baxay kadib markii ay la tashiyo muddo socday lahaayeen Aqoonyahano u dhashay Gobaladda Jubooyinka iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxadda Jubba, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka Dooxadda Jubba, C/raxmaan Waldiire,

Waldiiro waxa uu sheegay inay la tashiyadaasi ugu dambayntii iskula afgarteen in la sameeyo Maamul Gobaleed ay ka qayb qaadanayaan dhamaan Beelaha Gobaladda Jubbooyinka daga, Wuxuuna sheegay in Maamulkaasi uu u samaysnaan doono Hanaan Dawladnimo oo leh Hay’adihii Sharci dajinta iyo dhamaan Kaabayaashii dhaqaalaha ee laga maarmaanka ahaa, isagoo waqtiga Jiritaanka Maamulkaasna ku ekeeyay inta laga helayo Dawlad Midnimo Qaran leh oo ay Somalia yeelato,

Col Barre Hiiraale oo Madax ka ah Isbahaysigaasi ayaa isna lagu soo waramayaa inuu maanta gaaray Bu’aale, waxaana warar hor dhac ah oo ka soo baxay socdaalkiisa lagu sheegay inuu la tashiyo kala leeyahay Odayaasha dhaqanka ee Bu’aale arrimo ay ka mid yihiin sidii loo hakin lahaa dagaaladda ka socda Xaramka iyo samaynta Maamul Gobaleed badala Isbahaysigooda ku dhisan Hanaanka Jabhadeed,

Socdaalka uu Barre Hiiraale ku tagay Jubbada dhexe ayaa yimid xilli ay dagaalo ka socdaan Deegaanka Xaramka oo ka tirsan isla gobalkaasi, Waxaana dagaaladaasi lagu eedeeayay inay lug ku leeyihiin Isbahaysiga Dooxadda Jubba, Laakiin Sarkaal u hadlay Isbahaysiga Dooxadda Jubba ayaa sheegay inuusan jirin dagaal u dhaxeeya labo beelood balse ay baacsanayaan Burcad Ammaanka Wadda Marta Xaramka qal qal ku haysay,

<><><>

Maamulka Gobaleedka Punt Land oo ay hareeysay Dood dhinaca Sharciga ah oo ku aadan Xilli Kordhinta lagu sameeyay Waqtiga Jiritaanka Maamulkaasi,

Dood dhinaca Sharciga ah oo la xiriirta Xil kordhinta waqtiga Jiritaanka Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa ka dhex billaabatay Golaha Baarlamaanka ee Maamulkaasi iyo Maxkamadda Sare,

Doodan oo soo baxday kadib markii uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, C/qaadir Jaamac Giire dacwad dhinaca sharciga ah ku soo oogay Golaha Baarlamaanka oo uu sheegay inay si iskood Xilkii u kororsadeen, Waxaana la sheegay in shir deg deg ah la isugu yeeray Baarlamaanka Punt Land, si ay dood uga yeesheen dacwadda lagu soo oogay iyo qaabkii ay isaga difaaci lahaayeen,

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Punt Land ayaa sheegay in ajandaha ugu horeeye ee Miiska u saaran uu yahay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, taasoo haddii ay dhacdo laga yaabo inay keento muran iyo is jiid jiid badan, Waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Ragga ay isku afkaarta yihiin ku adkaysanayaan inuu dhamaaday Waqtigii jiritaanka Baarlamaanka Punt Land isla markaana aysan cidna xilka ka qaadi Karin,

Ma ahan markii ugu horaysay ee muran ka dhasho Xil kordhin loo sameeyo Maamul Gobaleedka Punt Land, Sannadkii 2001-da ayaa C/laahi Yuusuf waxa uu ku dhawaaqay inuu kororsaday Waqtiga Jiritaanka Maamulkiisa, Laakiin muran arrintaasi ka dhashay ayaa ugu dambayntii waxa uu keenay inay Punt Land gasho Qalaan qul siyaasadeed oo isku badalay Gacan ka hadal,

<><><>

Somalia oo noqotay dal dhinac ka bur bursan dhinacna Caalamka kula tartamaysa Horumarka Tiknoolajiyadda,

14 sanno oo dagaalo Sokeeye ah kadib ayaa waxaa soo muuqanaysa in Somalia ay horumar wayn ka gaartay Tiknoolajiyadda Casriga ah ee ay Adduunyadu ku tallaabsatay,

Cilmiga Kumbuyuutarka oo qayb ka ah Tiknoolajiyadda Xilligan Caalamka lagu hago ayeey Somalia ka gaartay Meeshii ugu saraysay, Waxaana Muqdisho ka furan in ka badan 10 Macaahiid sare oo lagu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, iyadoo lagu bixiyo shahaadooyin gaarsiisan Heerka Masterate-ka,

Taleefoonadda ayaa iyaguna qayb ka ah Horumarka Tiknoolajiyadda Somalia ee xilligan ay ku tallaabsatay, Waxaana Tuulo Kasta oo Somalia ka mida Maanta ku yaala Saldhig Taleefoon oo casri ah, isla markaana ay dadku u isticmaalaan adeego bulsho eel agama maarmaanka ah,

Taleefoonadda Gacanta lagu qaato ee Mobiles-ka ayaa iyaguna waxay ka noqdeen Somalia aalad uu qof kastaa isticmaalo heerkii doono nolosha ha ka joogee, Waxaana Muqdisho oo kaliya hal shirkad ay xaqiijisay in Sannadkii la soo dhaafay laga diiwaan galiyay mid ka mida saldhigyadeeda Muqdisho Kun iyo Sagaal Boqol oo Moobayl, kuwaaso la siiyay dad cusub oo ku soo biirayay Macaamiisha Shirkada,

Taleefoonadda Moobaayliska iyo Land Line-ka ayeey sidoo kale dhawaan billaabeen Shirkadaha Isgaarsiinta inay ka dhigeen Habka Pre Paid-ka loo yaqaan oo qofka hadba inta uu doono ku shubanayo, iyadoo sidoo kalana ganacsatadda iyo shirkadaha la siiyo Taleefoono Post Paid ah oo Bills lagu soo dalacanayo,

Sidoo kale Somalia waxaa markii ugu horaysay inta la ogyahay Taariikhda laga hirgaliyay Isgaarsiinta ku shaqaysa Sattelite-ka ee Thuraya Sattelite Phone oo ah nooc isgaarsiineed qofku uu ka madax banaan yahay saldhig gaar ah isla markaana uu ku isticmaali karo meel kasta oo ka mida Caalamka, wuxuuna Taleefoonkaasi si toosa ugu xiran yahay Server-ka dayax gacmeedka xambaara Isgaarsiinta,

Internet-ka ayaa sidoo kale Somalia waxa uu ku noqday aalad uu qofkastaa isticmaalo, waxaanad ku arkaysaa Goobaha Internet Cafes ka ah caruur ka yar 15 sanno oo ku dhex jira Qolalka Wada Sheekaysiga ee Afka qalaad lagu yiraahdo Chatting Rooms-ka, inkastoo ay Qatar badan ka imaan karto isticmaalka caruurta da’da yar Internet-ka haddana kuwooda uga faa’iidaysta aqoon kororsigu waxay ka helaan Macluumaad badan oo kaaba waxbarashadooda,

Nolosha Dhabta ah ee Muqdisho

<><><>

Yuweeri Musafini oo ku eedeeyay Masar inay isku koobtay ka faa’iidaysiga Biyaha Wabiga Niil,

Madaxwaynaha Uganda, Yuweeri Musafini ayaa ku baaqay in dib loogu laabto Heshiiskii lagu qaybsaday ka faa’iidaysiga Biyaha Wabiga Niil oo dhacay 1929,

Musafiini oo ka hadlayay Shir Caalamiga oo ka dhacay Kampala isla markaana looga hadlayay Amniga cuntadda ayaa sheegay inaysan suuragal ahayn in Masar oo kaliya ay ka faa’iidaysato Biyaha Wabiga Niil, Wuxuuna Sheegay inuusan ku talinayn inuu gaajooda Qof Masaari ah, Laakiin waaa in xad loo yeelaa ayuu yiri Siyaasadda Isla waynidda leh ee ay Masar ku doonayso inay kaligeed uga faa’iidaysato Biyaha Wabiga Niil,

Musafiini waxa uu ka dalbaday Qaahira in dib loogu laabto Heshiiskii kol hore laga gaaray ka faa’iidaysiga Biyahaas oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, iyadoo heshiiskaasna ay gaareen Masar iyo Ingiriiska oo markaasi gumaysan jiray Afrika inteeda badan.

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com , garyare@msn.com , garyare20@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2004

<><><>

C/Lahi Yusuf oo Maanta Yimid Bosaso
Wadoonyinka Boosaaso ayaa saacado laga xiray gawaarida booqashada MDGL awgeed...
Guji April 1

Daahir Riyaale oo Kusoo Laabtay Dalka
Riyaale iyo weftigii uu hogaaminayey ee socdaalka ku marayey dalal ka mid ah qaaradda yurub ayaa..  Guji 31/3

 Kulaabo bogga hore ee: www.SomaliTalk.com

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


kaah
 




Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...



Maxamed Dheere VS Xijaabka Islaamka...Guji

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD