SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 7, 2004

 WARARKII APRIL 7, 2004

  • Shir looga hadlayo Xawaaladaha Soomaalida oo kasocda Abu Dhabi
  • Baarlamaanka DKM oo ansixiyay Xeerka ka mid noqoshadda Baarlamaanadda Afrika
  • Ergayga gaarka: Shirka Kenya waxaa ka soo bixi doona Dawlad ay Somalia yeelato,

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  garyare20@yahoo.com 

Shir looga hadlayo Xawaaladaha Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socda Magaaladda Abu Dhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta,

Shirkan oo ay ka qayb galayaan inta badan shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ayaa looga hadlayaa habkii loo nidaamin lahaa Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida iyo sidii ay uga bad baadi lahaayeen Xayiraad lagu soo roggo, Waxaana shirkaasi si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii shirkadaha Soomaalida ay u heli lahaayeen Nidaam Caalamiya oo ay iska diiwaan galiyaan.

Guddoomiyaha Shirkadda Sahan, Maxamed Jirde Xuseen oo ka hadlay kulankaasi ayaa waydiistay Waddanka Imaaraadka ee ay Martida u yihiin inuu gacan ka gaysto sidii ay isku diiwaan galin lahaayeen Shirkadaha Soomaalidu, Wuxuuna sheegay in dhibaatadda ugu wayn ay ka soo gaarto Xawaaladaha Soomaalida sidii ay u raaci lahaayeen Nidaamyadda Caalamiga ah ee Xawaaladaha,

Shirkadaha Xawaaladaha ee Soomaalida ayaa intii wixii ka dambeeyay markii uu Maraykanku xayiraada ku soo rogay Shirkadii Xawilaada iyo Isgaarsiinta ee Barakaat waxay billaabeen inay is diiwaan galiyaan si ay uga bad baadaan in loogu soo gambado Sharciga adduunyaddu ay ka soo saartay Argagixisadda Caalamka,

Dhaqaalaha Soomaalida ayaa la rumaysan yahay inuu inta badan ku xiran yahay habka Xawilaada ee ay lacagaha isugu diraan Soomaalida kala joogta gudaha iyo dibadda, Waxaana Soomaalidu ay inta badan ka shaqaysataa Waddamadda Yurub, Ameerika, iyo Carabta,

<><><>

Golaha Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa shalay ansixiyay Xeerka ka mid noqoshadda Baarlamaanadda Afrika,

Xeerkan oo in muddo ah horyaalay Baarlamaanka ayaa shalay lagu ansixiyay Fartaag, Waxaana meel mariyay Xeerka ka mid noqoshadda Baarlamaanadda Afrika 90 Xubnood, iyadoo ay diideen 17 Xildhibaan halka 14-na ay ka aamuseen,

Meel marinta sharcigan oo yimid xilli ay Xildhibaanadda qaarkood ku adkaysanayaan in marka hore laga dooda Sharcigan inta aan cod loo qaadin meel marintiisa ayaa ansixintiisa kadib waxaa buuq badan uu ka dhex billawday Xarunta Baarlamaanka, iyadoo qaar ka mida Xildhibaanaddu ay ku tilmaameen sharci darro hanaanka loo ansixiyay Xeerka ka mid noqoshadda Baarlamaamka Somalia,

Xildhibaan Cali Xaaji oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka aamusay cod bixinta xeerkan ayaa ku dhaliilay Guddoonka Baarlamaanka inay hareer mareen sharci hoosaadka Baarlamaanka, Wuxuuna sheegay inay ahayd in Mudanayaashu ay fikradooda ka dhiibtaan ka mid noqoshadda Baarlamaanadda Afrika ka hor inta aan cod loo qaadin,

Tallaabadda xigta Ansixinta Xeerka ka mid noqoshadda Baarlamaanadda Afrika ayaa lagu waddaa inay noqoto magacaabista shantii xubnood ee Baarlamaanka Somalia uga mid noqon lahayd Baarlamaanadda Afrika,

<><><>

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay arrimaha Somalia, Winston Tutman ayaa sheegay inuu rajaynayo in Shirka Kenya ay ka soo bixi doonto Dawlad ay Somalia yeelato,

Tutman waxa uu sheegay in Qaramadda Midoobay ay rajo wayn ka qabto in shirka Kenya uu maro dhalo isla markaana ay Soomaalidu ku dhistaan Nidaam ay isku raacsan yihiin, Wuxuuna sheegay in ifafaalaha muuqda illaa iyo hadda ay muujinayaan in shirku uu ka tallaabsan doono Horumar,

Tutman waxa uu sidoo kale ugu baaqay Kooxaha Soomaalida ah ee diidan Dukumuntigii la saxiixay 29 January inay muujiyaan Tanaasul Siyaasadeed si ugu dambayn loo gaaro Xal siyasaadeed oo soo afmeera dhibaatadda daba dheeraatay ee Somalia, Wuxuuna si gaar ah u waydiistay Kooxaha Jawhar ku shirsan inay yimaadaan Madasha shirka, halkaasna ay ku soo bandhigaan waxyaabaha ay dhaliilsan yihiin,

Ergayga gaarka ah ee Annan u qaabilsan Somalia waxa uu meesha ka saaray in Gudaha Somalia lagu dhamaystiro Shirka Dib u Heshiisiinta ah ee Soomaalida uga socda Kenya, Wuxuuna sheegay in mashaakilka siyaasadeed ee Somalia uusan ahayn Goobta shirka lagu qabanayo balse ay Soomaalida isku diidan yihiin Aragtidooda SIyaasadeed,

Mar la waydiiyay Tutman waxa ka jira wararka sheegaya in Somalia ay imaan doonaan Ciidamo Caalamiya waxa uu sheegay in dhibaato kasta oo heer caalamiya aysan ka fursan doonin faragalin in lagu sameeyo, Wuxuuna ku gaabsaday inay suurtagal tahay in Beesha Calaamku ay soo faragaliso arrimaha gudaha ee Somalia,

<><><>

Pentagon-ka Maraykanka ayaa xaqiijiyay in looga dilay Magaaladda Ramaadi 12 Askari oo Mariiniska Maraykanka ka tirsan Isla markaana laga dhaawacay 24 kale,

Pentagon-ku waxa uu sheegay in mashaqadan ay dhacday kadib markii la soo weeraray sida ay sheegeen Ciidamadda Maraykanka oo ku jira Hawl Maalmeedkoodii Caadiga ahaa, Waxayna ku eedeeyeen Masuuliyadda Weerarkaasi inay ka dambeeyaan Haraadigii Madaxwaynaha Maxbuuska ah ee Saddaam Xuseen, laakiin ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya eedaynta Maraykanka,

Magaaladda Ramuudi waxay ka mid tahay deegaanadda ay ku badan yihiin Sunniyiinta Ciraaq,

Dhinaca kale dagaalo qaraar ayaa wali ka soconaya Koonfurta iyo Galbeedka Ciraaq, iyadoo dagaaladaasna ay u dhaxeeyaan Taageerayaasha Wadaadka Shiicadda ugu sareeya ee Moqtada Sadr iyo Xulufadda uu Maraykanku horkacayo ee duulaanka hubaysan ku qabsaday Dalka Ciraaq,

Magaaladda Faluujo ayaa iyadana wararka ka imaanayaa waxay sheegayaan in Maalintii Saddexaad ay Magaaladaasi ku jirto Go’doon, iyadoo aysan jirin wax galaya iyo wax ka baxaya Magaaladaasi,

Ciidamadda Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay xalay oo kaliya ku dileen Magaaladaasi in ka badan 32 ruux oo rayid ah una badan caruur iyo haween,

Telefeshinka Al-Jazeera oo ah kan kaliya ee ay wariyayaashiisu wararka ka soo tabinayaan Faluuja ayaa sheegay in labo jeer oo ay Ciidamadda Maraykanku isku dayeen inay galaan Magaaladaasi ay ku fashilmeen kadib markii ay iska caabin xoog leh kala kulmeen Dadka Magaaladaasi, Waxaana lagu soo waramayaa in Maraykanku uu albaabadda u xiray Isbitaalkii Fuluuja isla markaana aysan jirin goob ay CIraaqiyiintu geeystaan dhaawacyadooda,

Xasuuqyadda uu Maraykanku u gaysanayo Shacabka Fuluuja oo tiradooda gaarayso Soddon iyo Shan kun oo qof ayaa lala xiriirinayaa afar qandaraaslayaan Maraykan ah oo hore magaaladaasi loogu dilay dabeetana maydkoodii laga laalaadayay Buundu ku taala Magaaladaasi,

Magaaladda Dhinaca koonfureed ku taala ee Naasiriyah ayaa iyadana lagu soo waramayaa inuu iska hor imaad ku dhex maray Ciidamadda Talyaaniga ah ee Magaaladaasi gacanta ku haya iyo Taageerayaasha Moqtada Sadr, Waxaana iska hor imaadkaasi dhinaca Shiicadda uga geeriyootay 10 qof halka Talyaanigana ay 8 Askari iska hor imaadkaasi uga dhaawacantay

Wadaadka ugu sareeya Shiicadda Ciraaq ee Muqtada Sadr ayeey wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu gaaray Magaaladda Najaf, Waxayna wararku intaasi ku darayaan in Magaaladaasi xalay laga maqlayay rasaas xoogan, iyadoo aan illaa iyo haddana wax faah faahin ah laga bixin Baaxadda uu le’eg yahay Khasaaruhu.

W/Q.Cabdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com  garyare@msn.com  garyare20@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2004

Wararkii hore ee MUQDISHO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

Cunsuraha Iyo Caqabadaha Shirka Calwiyey: Faalladii Toddobaadka ee Ibraahim Maxameddeeq iyo shirka Nairobi... Guji..


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD