SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Janaayo 25, 2004   , Nairobi.

War-1-25-janaayo,04,Nairobi.
Muuse Suudi iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Nairobi...............

Guddoomiyaha Goloha Samatabixinta Qaranka Muuse Suudi Yalaxoow iyo wadigiisa oo maanta duhurnimadii soo gaarey magaalada Nairobi.

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Wafdiga Muuse suudi ayaa waxaa ka mid 1-Cusmaan Xasan Cali Caato , 2-Maxamed Ibraahim Xaabsadae, 3-Isaaq biixi, iyo qaar kale oo ka mid ah Ergada golaha badbaadada Qaranka ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Wilson Air-port oo ku yaala Magaalada Nairobi.

Imaashaha Muuse Suudi iyo wafdigiisa ayaa waxay la xiriirtaa in ay saxiixaan Qoddobadii qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka KMG oo la rabo in lagu dhaqo 5-sanno soo socota Dawlada Dimoqoraadi Federaal KMG ah iyo Baarlamaan KMG.

Hogaamiyayaashan ayaa shirka ka tagey ka dib markii ay soo jeediyeen in hogaamiyayaasha Soomaalida Gooni gooni isu arkaan, wada casheeyaan, wada hadlaan ayaa heshiis ka dib iman karaa,
laakiin raga aan wada hadlin oo aaan wada casheyn qoddobo in ay ku heshiiyaan iska daaye dawladii iyo baarlamaanka halkan ka soo baxa waxa uu noqonayaa mid ummada soomaaliyeed mar kale u horseeda 4-sanno oo dagaale lagu hoobtaa ayuu yiri Muuse Suudi markii ugu dabnbeysay uu shirka ka baxayey iyadoo maalintaasi uu fikirka ka soo jeediyey Shirweynaha Soomaalida oo la isu diyaarinayey in la ansixiyo Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka ka dib Ergadii shirweynaha ku oridey Muuse suudi .

Garoonka ayaa waxa ku soo dhaweyey safiirka Dawlada Kenya ee Soomaaliya Maxamed cabdi Afey iyo qaar ka tirsan Ergada Soomaalida oo ka qayb galaya wadahadalada Nabada ee ka socda Kenya 14-bilood.
dhamaad.
Abdikarim Aden hussein.
Nairobi.Kenya.

abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 25, 2004
<><><>

XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

WARAKII HORE EE SHIRKA

Xirida Wajiga 2-aad ee shirweynaha Wadahadalada Soomaalida oo dib loo dhigay
Sababtoo ah 
Madaxweyne Yuwero Musaveni oo sheegay in maalinta Isniinta ku aadan tahay sanad guurada Maalinta uu xilka Madaxweyne ka qabtey dalka UGANDA Guji.. 24/1

Heshiis Buuxa oo Lagu Gaaray Shirkii Soomaalidda
Waxaa lagu guulaysaty in golaha samata bixinta ee Nairobi ku sugan ay qalinka ku duugaan hindisaha cusub ee IGAD ay soo gudbiyeen, kaas oo Guji... 23/1

Golaha Badbaadada Qaranka oo wali Diidan in ay Saxiixaan Buuga Axdiga iyo Dastuurka
Iyo Kenya oo Sheegtay in Wajiga 3aad ee Shirka Lafuri Doono Isniinta... Guji... 22/1/04

SOMALIA: Maadooyinka iyo Manaahiijta Dugsiyada waxbarasahada ma noqon doonaan dugsiyo u gaar ah Muslimiinta: Waa dastuurka la isku raacay ee Dawlada Soomaaliya loogu dhisayo Nairobi ee loo bixin doono Jamhuuriyada dimoqoraadiga federaalka ku meel gaarka ee Soomaaliya Guji...

NAIROBI: Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo aan Weli Go'aan Gaarin
iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada kenya oo baaq nabadeed u jeediyey Somaliland iyo Puntland.. Guji 19/1

Ciidanka USA oo Tababar  u Furay Ciidanka Kenya
tababarkaas oo laga furay magaalada LAMU oo u dhow xuduuda Soomaaliya... Guji...
17/1/04

Hogaamiyayaasha Madasha Shirka Nairobi oo Magacaabey Guddi
Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, waxa kale oo shirka ku cusub in... Guji...
16/1/04

Shirka Somalida oo La Joojin Doono Dhawr Bilood Haddii Wax ka Soo Bixi Waayaan 10ka-Beri ee Gooni u Faqa
Hogaamiyayaasha Soomaalidana waxa lagu celin doonaa Soomaaliya haddii 10-beri ee gooni u baxa uu natiijo dhalin waayo sidaas waxaa tibaaxay...  Guji...
15/1/04

Kolonzo Misayoka:- waa in war aan la siin suxufiyiinta 10-maalmood ee wada tashiga........
wasiirka Arrimaha Dibada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka ayaa hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida ee shirka wadahadalada Nabada ee ka socda dalka Kenya ka codsadey in ayan la kulmin ama war siin suxufiyiinta... Guji...
12/1/04

C/Qaasim oo C/Lahi Yuusuf Kusoo Booqday Guriga uu Nairobi Ka Deggan Yahay
iyo Kenya oo hoggaamiyayaasha Soomaalida u sheegay in aysan wax war ah siin saxaafadda mudada uu... Guji... 
12/1/04

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD