SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

Mushkiladda Maandooriyeha 

Faisal Issa Suleiman
Nairobi, Kenya.        
faisalisse@hotmail.com   

 

Maandooriyeyaashu waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweyn ee khatarta ku haya aadanaha. Sida ku cad magaca  “maandooriye” mukhaaradaarku waxay badalaan fikirka iyo xaalada maskaxda isticmaalaha.  Guud ahaan waa ka mamnuuc wadamada caalamka haysashada, beerista, ka ganacsiga iyo isticmalka maandooriyeyaasha .

Taariikh ahaan kumanyaal sano ka hor ayaa la isticmaali jiray maandooriyaha , iyadoo wadamada China iyo Bariga dhexe ay yihiin halka ay ka soo askuntay isticmaaalka mukhaadaraadku , maandooriyaashu waxay u kala baxaan noocyo kala duwan.

 

Kuwo laga farsameeyo :dhir la qamiiriyey, la qalajiyey, la dubay, ama la budeeyey iyo kuwo ka kooban daawooyin lagu xad gudbay oo la marin habaabiyey  isticmaalkooda (Drug abuse ) dhamaan noocyada maandooriyaha ayaa ka siman badilida xaalada maskaxda iyo waxyeelo caafimaad oo ay u keenaan dadka isticmaala.

 

Kuwa laga sameeyo dhirta waxaa ka mid ah xashiishada iyo Marijuana oo marmar lagu sheego in ay isku mid yihiin ,maadaama ay ka soo jeedaan geed isku mid ah oo layiraado hamp oo magaceeda saynisku loo yaqaan   cannibas  sativa.

 

Xashiishada oo ah mid ka mid ah kuwa ugu caansan maandooriyaasha waxay leedahay xaalado caafimaad daro oo ba’an , xashiishadu waxay weerartaa  marka ay gasho jirka hanaanka iyo hab socodka habdhiska dareen-wadka jirka iyadoo saaxiibkeeda ka dhigta mid ku jira xaalad khiyaaliya oo dhalanteeda .

 

Xashiishadu waxay ku keentaa ruuxa isticmaala inuu ku dawakho oo ku dayoobo nolosha ku gudaaman, iyadoo qofka maqashiisa oo  tusta waxaan jirin isla mar ahaantaasna muusiga iyo jabaqda uga dhigta wax la taaban karo oo (xisi) ah .Xashiishada oo 5-8 jeer ka saamayn badan maandoodirayaha isku geedka laga sameeyo ayaa aakhirka sababta nooca waalida maskaxda ee loo yaqaan  paranoid ; oo u dhaw waxa waayahan danbe loogu yeero (buufiska) oo ah dhimanaansho maskaxeed oo bukaanka uu haleelo u muujiya cadaw cayrsanaya oo aan cidna la arkayn  .

 

Marijuana oo ah daroogo laga sameeyo ubaxyda iyo caleemaha la qalijiyey ee geedka loo yaqaan hemp  ( canibas sativa ) ayaa loogu yeeraa naanayso fara badan oo ay ka mid yihiin xashiish, grass, pot iyo weed . Marijuana waxaa kumaansano B.C ka hor loo isticmaali jiray sarkhaanimo iyo daawo ahaan .

Marijuana oo haatan loo isticmmalo mandooriye kaliya waxay badashaa xaalada maskaxeed ee isticmaalaha iyadoo raadxun oo muuqda ku yeelata habsami u socodka hawl fulinta maskaxda mudada dhow iyo tan dheerba.

 

Marijuana oo ka kooban in ka badan 400 Chemicals marka la qiiqiyo waxay soo saartaa in kor u dhaafayso 2000 Chemicals kuwaas oo jirka aadanaha kasoo gala sanbabada ka hor inta aysan u dhaadhicin dhiigga iyo maskaxda  ,

 

 

Waxyeelada walxaha kiimikaad ee marijuana oo loo kala saaro raadaynta  dhaw iyo tan-dheer ayaa labaduba halis ba’an u keena isticmaalaha ,inyar uun kadib marka uu ruuxu isticmaalo marijuana ayaa laga dareemaa isbadalo jireed iyo maskaxeed sida xaalad hurdo iyo wahan isku ladhan oo qofka la huwiyo taasi oo waqtiga qofka ka dhigta mid aayar u socda oo ay wehiliso dareemo baqdin iyo argagax leh. Astaamaha ugu horeya ee markiiba ka daahira qofka quuta daroogada caynkan ah   waxaa ka mid ah: indhaha  oo casaada wadna garaac iyo agaasinka  isku dheelitirnaanka iyo isxukunka qofka oo meesha  ka baxda taas oo khatar ku keeni karta ka shaqaynta hawlaha matoorada qalabka korantada iyo jikooyinka.

 

Daraasado cilmibaaris ah oo lagu sameeyay dad isticmaalay daroogada marijuana mudo dhawr bilood ah maalin kasta ayaa muujiyey in ay la soo daristay caafimaad daro halis ah oo mudada dheer ah oo ay ka mid ahaayeen burunkiito, qufac, xabad xanuun, ragga oo ay ku yarayso biyaha ama shahwada Iyo hormone ka taranka labka la xiriira ee testosterone.

 

Dumarka ayay ku keentay hoos u dhac ku yimaada isku dheeli tirnaanta hab-socodka caadada. Sida ay muujisay daraasadani marijuana waxay dhalinyarada ka qaadaa xiisaha ay u qabaan xubnaha qoyska , bulshada iyo hawlo maalmeedkooda. Dadka isticmaala daroogada oo intooda badan bilaaba ilaa 18jirka ayaa waxaa ku kalifa iskuday iyo ka wardoonid xiligaas oo ah waqtiga ay qofka masaxdiisu qaabaysmayso oo doorto aragtida  iyo dhaqanka uu ka qaadan lahaa nolosha ku xeeran .

 

Dadka ay saaxiibadood isticmaalaan marijuana ayay u dhawdahay in ay iyaguna tijaabiyaan. Daraasad 2001 ay soo saartay hay’ada maraykanka la yiraahdo “National Household “ ayaa lagu sheegay in 83 million oo maraykanka ah oo tirada dadweynaha maraykanka ka noqonaya qiyaastii 37% ay ugu yaraan mar  tijaabeyey mandooriyaha marijuana.

Sida uu sheegayo qoraaga maraykanka ah Robert L . Dupont  oo wax ka qora arimaha bulshada iyo sameynta maandooriyaha " in kastoo dadka isticmaala daroogada Marijuana iyo xashiishada ay ku doodaan in ay kor u qaado kartida firfircoonida iyo awooda maskaxda hadana saynis yahanadu wali ma aysan helin daliil cilmi ku dhisan oo taageeraya fikradaasi".

 

Si kastaba ha ahaatee qaar badan oo ka mid ah isticmaalayaasha marijuana waxaa ku adkaata iska deynteeda iyadoo sababta qayb ahaan loo aanaynayo  iyagoo markoodii hore ku talax tagay isticmaalka maandooriyaha.

 

 Khamriga

 

Acoholka ama khamriga oo laga sameeyo midho la qamiiriyey ama si kale loo sanceeyey waxaa kumanyaal sano ka kor B.C laga isticmaali jiray dhulalka haatan loo yaqaan Ciraaq,  Masar, iyo China .

 

Isticmaalka Alcoholka oo heerkiisii ugu saraysay ka gaaray Europe 1300-1400 AD ayaa asalkiisii   kasoo galay qaarada Europe dhinaca jasiirada carabta.

 

Dadyowgii ugu horeeyey ee isticmaala khamriga ayaa u adeegsan jiray siyaabo badan oo ay ka mid tahay iyagoo ku dari jiray cunada si ay uga ilaaliso qudhmida iyo baariyida.

 

Joogteynta cabida khamriga ayaa nooca ugu khatarsan loogu yeeraa “Dipsomania” oo ah erayo Giriig ah oo macnahodu yahay “waalida haraadan” waxyeelada maskaxda ee khamriga ayaa ah mid aad caan u ah oo la dareemi karo , alcoholku wuxuu dhalanrogaa xaalada isku dheelitiranta miisaanka sarkhaanka iyadoo maqashiisa ama tusto waxaan jirin oo aysan dadka caadiga ahi arki Karin. Isticmaalka khamriga uxuu qofka ka dhigta mid ku dayacma nolosha kana dhexbaxa bulshada islamarkaana tahli waaya nadaafada jirka huga iyo degaankiisa.

 

Ka sokow waxyeelada maskaxda ee guud waxay kaloo khamridu keentaa cuduro ay ka mid yihiin Korsakov psychosis iyo Cirrhosis. Psychosis waa cudur ku bilowda wareer iyo qofka oo dareema maqal iyo aragti gaar ah kadibna isku roga ugu danbaystii qalal iyo waali maskaxeed ba’an.

Cudurka Cirrohsis ee laga qaado isticmaalka khamriga ayaa xaniba halbawlayaasha dhiiga isagoo weerar ku qaada nudaha beerka oo kalifta in uu beerka shaqo gabo taas oo sababta dhimasho degdeg ah.

 

 

Drug Abuse

Maandooriyayaasha ka kooban daawooyinka lagu xadgudbo oo ay ugu caansan yihiin Cokiene , Herione , Morphine iyo opium . ayaa loo qaataa siyaabo kala duwan sida, liqida, san ka nuugida  iyo cirbadaha la iska duro oo daroogada la raacsiyo .

Maandooriyaashani waxay dhinaca waxyeelada caafimaad la wadaagaan kuwa kala, balse waxay kaga duwan yihiin iyagoo jirka ku jira mudo dheer. Noocyadan mukhaadaraadka ahi waxay caan ku yihiin waxyeelada ay u geystaan maskaxda iyo wadnaha .

Sida uu sheegeyo professor  Glen Hanso oo madaxka ahaa daraasad lagu baarayey waxyeelada daawooyinka lagu xadgudbo oo lagu qabtay wadanka   U.S.A, isticmaalka daawooyinkan waxay keenaan is badal ku yimaada  dabeecada,dhaawac gaara sanbabada, xasuusta dhaw oo ay  digada ka dhigaan, iyo  habdhiska difaaca jirka oo ay hoos u dhigaan. Isku darka kiniiniyada hurdada qaarkood iyo Herione  ayaa badanaaba sababta coma iyo dhimasho lama filaan ah .

 

DRUGS and HIV/AIDS

Sida ay cadeeyeen khubarada caafimaadka waxaa jira xiriir toosa oo ka dhexeeya maandooriyayaasha iyo  HIV/AIDS,  dadka isticmaala maandooriyaasha ayaa wadaaga cirbadaha la isku duro ee lagu qaato mukhaadaraadka, taasi oo  si sahlan u gudbisaa HIV/AIDS .

sida ay muujisay cilmi barista sahanka machadka  (National Institute of Drug Abuse ) ee U.S.A dad lagu qiyaasay 2-3 million ayaa qaaday HIV/AIDS ka dib markii iyagoo daroogeysan ay cirbado la wadaageen dad qaba HIV/AIDS.

 

Xiriirka kale ee ka dhexeeya daroogada iyo HIV/AIDS  ayaa ah qofka daroogaysan oo ku lugyeesho ama si fudud ugu dhaca galmo aan hore loo sii qorshayn oo aan la isticmaalin wax difaace ah. Iyadoo daroogadu qofka ka qaado cabsida uu ka qabay cudurada galmada ku faafa ee STD.

 

Social Aspects of Drug Abuse                   

 

Maandooriyayaashu waxay sababaan dhibaatooyin bulsheed  ba’an iyagoo dadka isticmaalka ka jara xiisaha ay u qabaan bulshada, shaqada, waxbarashada, iyo cibaadada.

Maandooriyayaasha waxay qaadaan xishoodka iyagoo horseeda faldanbiyeedyo cawaaqib xun, sida tuugo, dhac, dil, dhilaysi iyo isdilid. Dadka isticmaala daroogooyinka ayaa aakhiritaanka ku danbeeya xabsi ama geeri lama filaan ah.

 

Sings   of Drug Abusers    (calaamadaha)

 

Astaamaha lagu garto dadka qaata daroogada waxaa ka mid ah isbadal degdeg ah  oo ku yimaada dhaqanka iyo dabeecada qofka, hadalka oo aad u bata ama yaraada , dadka bilaaba maandooriyayaasha ayaa aad ugu daaha saacadihii ay horay u imaan jireen guriga, shaqada iyo waxbarashada (schoolka) iyagoo marmarka qaarkood aan in badan xaadirin schoolka iyo maheradaha,

Qofka ku cusub daroogada waxaa laga dareemaa hoos u dhac  aan horay loogu aqoon oo kaga yimaada schoolka iyo shaqada. Si kastaba  ha ahaatee marmar way adag tahay in lagarto dhalinyarada isticmaasha xashiishada iyo marijuana oo xataa waalidka la nool ayay ku adkaataa inay horay u dareemaan.

 

Daaweynta Daroogada

 

Ilaa iyo hada ma jiro hanaan la isku raacsan yahay oo lagu daaweyn karo dadka la-qabsada isticmaalka maandooriyaasha ee ka hara nolosha caadiga ah .

 Sikastaba ha ahaate, qaar ka mid ah dhaqaatiirta ayaa dadka u go’ay daroogada herione  iyo kuwa la midka ah siiya daawada la yiraahdo Methodone oo ka caawisa sidii ay uga soo kaban lahaayeen saameynta mukhaadaraadka waxayse waxtartaa oo kaliya bukaanada la yimaada iskaashi buuxa iyo xilkasnimo dhab ah.   

 

Faisal Issa Suleiman
Nairobi, Kenya.        
faisalisse@hotmail.com   
        


Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]