SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

KENYA: NABAD RAADINTA SOOMAALIYA & MIDA SUDAN ISKU EKAAN & KALA DUWANAAN.

Mahdi Muse
Khartoum E-mail :
hagar131@hotmail.com 


Kenya waxay Rug u noqotay labadan Sano ee u dambeeyay Nabad raadinta soomaaliya Mida sudan , Labadan Dalba waxaa mudooyin ka jiray Dagaalo sokeeyo.


Dagaalka Sudan waxuu ahaa mid daba dheeraaday oo garsisan Qarani Barkii, marka laga reebo heshiisyo dhaxal gal noqday oo mudo lagu waaray, colaadan waxay Salka ku haysaa Khilaaf Diimeed & mid xaga firka ah, waxaa dalkan-Sudan- wadaaga Muslimiin u badan Carab oo dhican ah, Masiixiyiin & kuwa caabuda dhgaxaanta fac ahaana ka soojeeda afrika oo dhanka kale ah, Colaada Somaliya ha ahaato Mid Ahli ah, laakiin wax xariir ah lamalaha Diin & Fir toona.

Geedi socodka Nabad raadinta labadan dalba waxay ka furmeen Kenya socod dheer kadib, ayago si isku mid ah u soo wada maray dalalka Gobolka sida: Masar, Liibiya, Itobiya, Jabuti.

Wareegi ugu horeeyay ee nabad raadinta Soomaaliya waxaa lagu qabtay Degmada Eldoret, oo in kabaxsan caasimda Kenya, Goobtan waxaa lagu saxiixay heshiiskii xabad joojinta ee hogaamiyaasha siyaasada, waxaana saxiixay 24 hogaamiye oo kala matalayay tiro inta la, eg oo kooxo magacyo kala duwan ah leh, waa yaraa is jiid jiidka muran ee u dhaxeeyay Hogaamiyaasha , badanaa lama guda galin Arimo xasaasi ah xiligaa.

Machakos ayaa ah goob u dhiganta Eldoret, waxaa ka dhacay is,aragyadii ugu muhiimsanaa ee xukuumada Sudan & mucaaradkeeda, waa jireen kulamo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi, ka hor Machakos , sida kulankii dhexmaray Madaxweyne Al-Bashiir & hogaamiyaha mucaaradka John Grang , waxayse ahaayeen kulamo loogu googol xaarayo wada hadalo rasmi ah oo arimo badan lagu falan qaado, sidaa ayuu ugu dhigmay kulan kii Machakos wareegii koowaad ee nabad raadin Dalka Sudan.

Machakos waxaa lagu saxiixay protocol u dhigma Dastuur mustaqbalka wadahadalada Sudan, maxaa yeelay arimo badan oo dood ba,ani ay ka taaganyd ayaa si guud la, isugu waafaqay, marka laga reebo faah faahinta arimahaa , oo dib loogu dhigay qodbayn darted.

waxaa xusid mudan in heshiiskii lagu saxiixay Eldoret uu san la miisaan noqon Protocalka Machakos ee xakuumada Sudan & mucaradkeedu wada gaareen, kagadaal ayaamo saxiixa xabad joojinta Somaliya ayaa waxaa ka bilaawday Gudaha Soomaaliya Dagaalo u dhaxeeya qaar saxiixay heshiiska xabad joojinta, waxayna arintan Cashar cusub oo ku saabsan dabeecada hogaamiyaha Somaliya u noqotay Goob joogaayasha shirka & hawl wadeenada IGAD waxayna ku keentay Niyad Jab la socota Quursi Hogaamiyaasha soomaalida.

ismaan dhaafkii ku saabsanaa Miisaaniyada Shirka & waliba waxa ku baxa shirayaasha ee u dhaxeeyay Hogaamiyaasha Siyaasada & hawlwadeenada IGAD ayaa laga aqrisan karay inta uu gaarsiisan yahay ixtiraamka loo qabo hogaamiyaasha Siyaasada ee soomaliya, taana waxay keentay in gogoshii shirka loo soo raro gudaha NAirobo, Xarunta mbagathi, oo markaa loo arkayay in ay tahay goob aan u qalmin in looga doodo Mustaqbalka Qaran dhan, waxayse noqotay Mbagathi goobtii ugu Cimriga dheerayd ee looga dodo arimaha Soomaalya sida ay doonto ha u ekaatee,waxaana in badan lagu ictikaafay dooda Dastuurka oo noqotay arintti ugu waqtiga dheerayd in tii lagu shirsanaa Nairobi.

dhanka kale wadahadaldii Sudan waxaa loo soo wareejiyay Naivasha, waxaa la orankaraa ka soo wareega Machakos ee Naivasha wxuu u dhigmay tix galin ka dhalatay Dhaxal galkii uu noqday protocolkii Machakos, si kale hadaan u fiirino waxaa uu shirku u gudbay is hor fariisad shakhsiyaad muhiim ah, oo ay lagama maarmaan tahay in loohelo goob u dhiganta darajadooda , CAli Cusmaan CAli Dhaha oo ah ku xigeenka koowaad ee madaxweyne Al-Bashhirr ayaa gacanta ku dhigay malafka nabad raadinta Sudan ee dhanka XAkuumada, Dr: john garang oo ah hogaamiyaha Mucaaradka ayaa isna soo gaaray Naivasha si uu uu wax ula qaybsado Xakuumada, badanaan labadan nin waxaa lagu tuhmayay dhaga Adeyg u dabacsanaan dhanka kale.

durbaba waxay wada gaareen xabad joojin, dhaxal gal noqotay waqtigaa, kagadaal waxay u talaabeen xal u helida arimo badan oo muhiim u ahaa nabad raadinta dalka, sida: Qeybsiga xukunka & Batroolka, hab maamulka Caasimada, muraka kataagan Sadexda gobol- waa gobolo si toos ah u raacsanayn waqooyiga ama koonfurta degaan ahaan ama dhalasho ahaan- badanaana arimahan qaar waa la isku waafaqay sida qeybsiga xukunka & batroolka, & in badan kamid ah dooda sadexda Gobol.

Arimahan Ayaa u ahaa Muhiin xal raadinta Nabadeed EE sudan , maxaa yeelay waxay ahayeen Qodobadii ugu muhiimasanaa ee keenay colaada daba dheeraatay ee dalkaa, waxaase layaableh wadahadalada Somaaliya ee Mbagathi qodobkii ugu muhiimsanaa ee ahaa DAstuurka ku dhawaad sanadka la,isku haystay , waxaa su,aal ah oo ay fiicnayd in la waydiiyo hawl wadeenada Shirka & hogaamiyaasha siyaasada ee soomaaliya Dhibka Soomaaliya ka taagan ma nooca Dastuur ee uu dalka yeelanayo miyaa .???? ma sababtaa ayaa ah mida keenatay dagaalda dhiiga badan ku daatay laguna waayay qarankii soomaaliya…?

waxaa la,oran karaa Dastuurka waa mu asasada koowaad ee kala hagta maamul jira ama sal looga dhigo mid la dhisayo, hadii aan sidaa niraahno waa macquul, laakiin waxaa ka sii daran maxaa keenay in laga dodo magaca uu qaadanayo qaranka soomaaliyeed dawlada matalaysa, sidoo kale waxaa hadal heynta Dastuurku gashay nooca uu nqonayo Calanka soomaaliya, intaaba waa dabkii oo xaabo loo kordhiayay laakiin cid uunaby ka gashay danteeda qaran in sidaa loo ekaysiyyo dooda qaran Soomaaliyeed sida lagu heli lahaa.

wadahadalada Nabad raadin ee Sudan tix galin weyn oo caalami ah ayay heshay , taaso aah mid aan loo babac dhigi Karin mida soomaaliya ee ay isku dalka ka socdaan, dhamaan ururada Caalamiga sida: Qaramada midobay, kan afrika, Jaamacada Carabta, midowga yurub waxaa ka joogay wakiilo toos uga socda , waxaana sii dheer wakiilka gaarka ah ee maraykanka, kaasoo ahaa dhx dhexaadiyaha rasmiga ah marki ay timaado Khilaaf keeni kara in shirku hakado ama dib u dhac muujiyo.

inta waxaa ka weyn goobta shirka waxaa soo gaaray xoghaya Arimha debada ee maraykanka collen paul waxuuna kulamo waqti yar qaatay la kala yeeshay mas,uuliyiinta shirayasay, waxuuna sharfid ahaan u gaarsiiyay in xaflada saxiixa dhamaan heshiisyada lagaaray lagu qaban doona Aqalka cad uuna gudoomin doono madaxweyne Bush.

Poul ma moogayn in wadahadalada soomaaliya ay ka socdaan gudha Nairobi laakiin macada in si,aan rasmi aheyn wax looga waydiiyay in uu tagayo goobta shirka soomaaliay & in kale, waxase hubaal ah hadiiba ay jirto in uu ka xishooday jawaab bixinteeda, maxaa yeelay Maraykanu waa yaqaan saaxiibkiisa MAslaxada, macnuhu ma,aha in danaha maraykanka ee sudan ay ka muhiimsan tahay mida somaliya laakiin arintu waa kuma cida uu ku aaminayo dhinaca soomaaliya malafka dano kal badalsho ee maraykanka, halka dhanka sudan oo arintaa kala hadlay labo qof oo ay ka go,I karto wax kal badaalsho & wax isku badalid.

dhanka socodka shirka, labada shirba waxay wadaagan hakad sababay khilaaf jira, dhanka sudan dooda cusub waxay raad ku leedahay doodihii magaalooyinka lagu muransanaa qaarkood, sida Degmada Abyey, o uu murankeedu uu sababi gaaray in uu shirku bu buro, dhanka kale waxaa ayana taagan dooda Sharciga caasimada ay yeelanayso, halka mucaaradku soo jeediayay in caasimadu yeelato sharci aan diin raad la laheyn, laakiin sabata nooca hakadka shirka soomaaliya malah cinwaan aan ka badnayn qodoka sodonaad oo aan wadan macno wax u dhibi kara qaran soomaaliyeed, hadii lagatago & hadiiba laqaato.

fogaanta khilaaf ee ah mid diineed & mid farac ee u dhaxeysa doodayaasha shirka labad dhinac ee Sudan , ayaad moodaa in ay ka ififaalo dhawdahay mida aan waxba ku dhisnaynee u dhaxeysa siyaasinta soomaaliya taasina waa khilaafka ku dhisan danaha gaarka ah ee qaawan.


Mahdi Muse
Khartoum E-mail :
hagar131@hotmail.com 
 

Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD