SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

SOMALIYEEY IMAQAL, MIDNIMO IYO TAFARAARUQ

Mr. Feysal Rashiid  “Nayruus”


nayrus2001@hotmail.com

Lahore, Pakistan

Bismillaahi Raxmani Raxiim,

Mahad oo dhami waxay usugnaatay Allaaha Raxmaanka ee ina siiyay Caqli aan kukala soocno xaqa iyo baadilka

Nabadgalyo iyo naxariisna waxaa mudan Nabigeena Suubban Maxammed Ibnu Cabdillaahi 

Kelmadaha qaaliga ah ka gadaal waxaan halkan ka salamayaa bahda Somaliweyn iyo dhammaan bulsha weynta Somaaliyeed meel kastoo ay joogaan.“Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wb”

Mudanayaal iyo marwooyin, Hooyooyin iyo Aabbeyaal, Caruur iyo Waayeel, Wiilal iyo Gabdho, Rag iyo Dumarba.  Muddo aad udheer  oo jilaal iyo Abaaro, diif iyo darxumo leh ayaa kasoo wareegtay markii ay ummada somaaliyeed waayeen qaranimadoodii iyo midnimadoodii.  Ummada somaliyeed waxaa ku habsaday wahan, musiibooyin, Aafooyin aan ka xusi karro colaad aan lagaranayn ujeedadiisa, Dhac iyo boob loo gaystay hantidii ilaahay inaga xarrimay, Qax aysan mudnayn shacabweynaha Somaliyeed, kufsi ceeb ku ah dhaqankeenii wacanaa ee aan hiddaha u lahayn iyo banii aadantinimada oo waliba lagala kulmayo caro Alle(SW) iyo ciqaab. Tasoo keentay inay manta kala irdhoobaan mujtamacii walaalaha ahaa iyo in lawaayo karaamadii ay ummaddu lahaan jirtay, waxaa daaqadda kabaxaday kala dambeyntii   lamana yaqaan goorta laga baxayo dhibkaan iyo waxa ay ku dambayn doonto, lama odorosi karo muqaalka ay yeelan karto haddiiba shirka haddeer ka socda Nairobi ay wax kasoo baxaan.  Ilaahay Ummadda Somaliyeed ha u gergaaro.

Dhanka kale haddii aan milicsano amma dunida inteeda kale waxaan aragnaa isbeddelada ka jira iyo horumarka ay gaareen tasoo ay keentay Midnimo iyo wada shaqayn ka dhaxaysa iyo waliba nabadda ay ku naaloodaan. Haddaba akhristayaasha qiimaha leh Mowduuc kasta wuxuu leeyahay Eray iyo kelmaddo ku habboon oo ugaar ah, anna waxaan soo xushay Erayga MIDNIMO  kasoo aan isleeyahay waxa uu ku habboonyahay maqaalkaygan,  haddii aan oodda ka rogo, Midnimo oo ka kooban 4 shibbaneyaal iyo 3 shaqal ayaa ah eray(kelmad) marka ay dhegahaygu dhugtaan aan dareemayo farxad marka ay Dhaayahaygu qabtaanna ah wax isoo jiitta(isoo jillaabta) waxayna igu dardar galiyaan inaan Jalleeco Mustawaha ay Soomaali maanta joogto, tafaraaruqa ku habsaday iyo sida aysan Hoggaamiyayaasha agtooda wax qiima ah kalahayn MIDNIMO, halka ay dunida kale u ololeeynayaan una hammuun qabaan MIDNIMO. Waxaan kasoo qaadan karra  Dowladaha yurub ee dareemay Qiimaha ay leedahay Midnimo iyo horumarka kujira iyo ammaanka ka dhalan kara, waa kuwaana hadda isu diyaarinaya soo dhowaynta 10 dal oo kale oo ka midnoqda midowga yurub. Waxay ku guulaysteen inay samaystaan maamul sare oo mideeya iyo Lacag ka dhaxaysa oo ay isticmaalaan. Sidoo kale waxaan soo qaaan karraa Dalalka African-ka ee dedaalka badan ugu jira inay mideeyaan Afrika in kastoo ay adagtahay in laga dhaqan galiyo Africa haddana waxaan dareemayna sida ay agtooda qiimo uga leedahay MIDNIMO. Waxaa suurta gal ah amma hubaal ah qaar badan oo dalalkaas ah  inay ku kala duwan yihiin Dhaqan iyo Isir ahaanba, haddana wax shaki ugama jirto(shaki kama qabaan) inay horumar gaareen islamarkaana ay si wada jir ah u hiigsanayaan horumar iyo Kala dambayn jirriddiisu adagtahay wax badanna ka wacan ka ay hadda haystaan.

Bal haddeerna(Imminkana) aan Giraanta Geeskeeda kale dheehanno, Waa Gees GIRGIR badan amma ZIGZAG ah,Kurtummo badan haba sii kala girgiro bataanee, haddii aad is tiraaho taabo waxaad ka baqaysa in girgirku ku gooyo. Waxaa laga yaabaa inaad isweydiiso muxuu  uga dan leeyahay ?  hadda waxaad iga sugtaan waa jawaabta su’aashaas...… “waa Geyiga iyo Dad-weynaha Somaaliyeed”. Waa  Ummad aan Diin ku kala duwanayn sida Sudaan (Dawladda iyo kuwa Mucaaradka ah), waa shacab aan Luuqad kukala tagsanayn  sida Itoobiyo ammaba dalkan aan joogo ee Pakistan, waa qowmiyad aan dhaqan kukala geddisnayn sida Hiduuska iyo Kashmiiriyiinta,  waa bulsho weyn isku Isir ah. Waxaase  nasiib darro ka dhacday sida aysan u garanayn waxay qabsan karaan , uxayiran shaqsiyaad fara kutiris ah oo leh dano gaar ah kuna andacoonaya inay maslaxad usoo wadaan ummadda ay bideen waxaysan uqalmin amma aysan geyin. Waa Burbur “dib-udhis warkeeda daa”, dib-udhac “Horumar laga sugi mayo”, qalalaase “Degganaansho ay soo wadaan raja kama qabno” iyo gumaad “Daryeel Wallay ka tahay” iyo Hagardaamo “Daacadnimo habarteeday ka tahay” iyo in badan oo badan. Haddaba Sifo bixinta giraanta haddaan intaa ku dhaafo, bal haddana waxaad kusoo dhowaataan dulucda iyo Nuxurka maqaalkaygan.

Sida aynu lawada socono burburkii somaaliya ka dib waxaa soo baxayay laba waji  siyaasadeed oo muhiim ah waa MIDNIMADDA somaliya iyo Kala go’a Somaliweyn. Waxaan ka xusi karnaa Isbahaysi iyo Dowlad goboleedyo ka jira dalka islamar ahantaasna doonaya iyaga inaysan ka go’in Somaaliya  iyo maamul u ololeeynaya inuu ka go’o Somaaliya inteeda kale (waa Waqooyiga Somaaliya amma Somaliland  ninba sida uu jecelyahay ha uqaato). Haddii Taariikhda dib loo raacana qolo kasta waxaa ku dhacay amma ay ku andacoonaysaa in dhib badan iyo dhirbaaxo kasoo gaartay maamulkii Maxamed Siyaad. Inkastoo ay dhici karto inay jiraan gobollo si aad ah waxyeello usoo gaartay. Shacabka W-Somaliya waxaynu lasoconaa inay ahaayeen dadkii kaalinta firfircoon ka qaatay MIDNIMADDA Somaaliya , waxay ahaayeen dadkii naf iyo maalba u huray Calanka Buluugga ah, iyo ururinta bulshoweynta Somaaliyeed, waxaan lasoconaa inay kasoo baxeen Rag Culus oo manta misaan iyo qadarin ku leh mujtamaca somaliyeed iyo dunidaba, taariikhduna xustay xusina doonto.

Balse waayadaan dambe waxaan arkaa Taariikh aan ahayn tii ay lahaan jirtay waayo waayo, iyo siyaasiyiin aan  la feker, garaad iyo mustawa ahayn kuwii ay lahaan jireen mabda’ooduna yahay kala qaybinta ummadda walaalaha ah, kala gaynta dadkii dhaqan iyo degaan wadaagga ah. Intaas waxaa udheer colaad, cuqdad iyo xumaan lakala dhex dhigo walaalihii hiil iyo hooba isla garab taagnaa. Taasoo ay manta ku guulaysteen siyaasiyiinta casrigan dambe ee majaraha u haya shacabka qiimaha leh ee W-somaaliya amma Maamulka Somaliland. Wa tusaale inooka filan:-

  •   Colaadda lakala dhexdhigay iyaga  iyo    Maamulka Puntland (Harti)

  •        “            “             “               “      iyo    Walaalaha Kililka 5 aad

  •        “            “             “               “      iyo    Koonfurta Somaliya

  •        “            “             “               “      iyo    dad weynaha Bay iyo Bakool     

Taasoo aysan mudnayn walaalaha W-Somaliya amma Somaliland,  aniga shaqsi ahaan waxaan isweydiiyaa Aaweye Halyeeyadii Garashada wacnaa ?   Aaweye Aqligii iyo gobnimadii lagu yaqiin walaalahayo ? aaweye Misaankii iyo asluubtii hadal ee looga bartay  iyo aqoontii ay ku mutaysteen in maamulka qaybihiisa ugu muhiimsan in iyaga gacanta loo gasho 1960-kii ? aaweye Cuqaashii intaas deegaanka nabad kusoo dhaqaayay ?.  Wadanka may kabaxeen  masse ciiddaa qarisay (ilaahay Janatul firdows haka waraabiyo intii geeriyootay, ka awoow ka awoowna la xusi doono kaalintoodii qiimaha lahayd iyo taariikhdii ay ku lahayeen sooyaalka). Jawaabahooda waxaan u daayay shaqsi kasta oo soomaali ah. Waan garan karnaa inay jiraan in badan oo badan oo leh garasho, geraad, dareen iyo daacadnimo iyo waliba xirfado lagu amaano kanasoo jeeda Waqoyi islamar ahaantaasna kaalin wax ku ool ah ka gali kara midaynta iyo isusoo ururinta bulsha weynta somaliyeed.

            Anoo wali bartamaha kaga jira dulucda qormadaydan wxaan jeclahay shacabka iyo siyaasiyiinta somaliyeed meel kasta ha joogeene gaar ahaan walaalahayo waqooyiga somaliya amma Somaliland inaan usoo bandhigo dhowr su’aalood oo aan in badan gorfeeynaayay,  in badanna aan isku deyay inaan uhelo jawaabahooda islamarkaana aan shaqsiyaad door ah wax kawaydiiyay balse aan waayay qof si saxa iyo qalbi saliim ah iigu jawaaba, islamarkaana qaar ka mida dadka aan weydiiyay oo runtii aan lahayn akhlaaq(dhaqan) iyo asluub ay isoo qoreen af-lagaado iyo hadalo  ceeb ku ah Diinteena macaan, dhaqankeena hufann iyo shaqsiyadda qofka. Maantana waxaan u bareeray amma ku dhiiraday inaan usoo bandhigo bulsho weynta aqliga saliimka ah leh ee meel kasta ku dhaqan.  Su’aalahani ma aha kuwo kakan oo xayiri kara garashada qofka iyo fekerkiisa xalaasha ah  laakiin waa kuwo ubaahan inay inaku dardar galiyaan inaan si fiican uga fekerro mustaqbalkeena iyo hiigsiga amma hillaadka aayaha nololeed ee aynu ku taahmayno. Waxaa laga yaaba inuu qofku is yidhaahdo “qofkaan qadiyad aan wali lagaadhin ka hadlaya muxuu yahay ?  taas jawaabteedu waxaan u malaynaya  Ma ahi dadka cilmul-qaybka odorasa laakiin waxaan leeyahay garasho aan ku qiimayn karo horyaalka “Nimaan waxa soosocda garanin wax jooga magarto”.

            Haddii aan Maqaalka soo koobo , Su’aalaha aan qabo waxay yihiin :-

1-      Waxaan kor kusoo xusay Midnimo iyo qiimaheeda iyo waliba sida caalamku u dareensan yahay . haddaba maxay tahay Wanaagga ay Somaali ku waayayso MIDNIMO  Balse Tafaraaruq lagu kasban karo ?

2-      Waxaan wax kasoo taabtay sida ay somalidu Isir ahaan, Diin ahaan,  Dhaqan ahaan iyo Luuqo ahaan uga midaysanyihiin. “SO”   Dadkaan walaalaha ah ma kala maarmi karaan ?

3-      Waxaynu wada ogsoonahay in Website-yada War-baahinta caalamka “Raadiye, Telefeshin iyo war-gaysayada” intaba lagusoo qoro  Somalidu inay Leedahay  Cadow (Nacab) fara badan. Haddaba illeen gacmo wada jir bay wax ku qaban karaanee  …… Suurto gal miyaa  ummad  9 million ah oo kala firirsan isku qalbi iyo niyad ahayn inay wax iska caabbin karayaan  ?

4-      Su’aasha ugu muhiimsan,  haddii aynu fiirino caalamka guud ahaan dowladaha ay reer galbeedku soo guumaysteen  gaar ahaanna dhulalkii uu Ingiriisku guumaystay waxaa ka taagan dhibaantooyin xagga xuduudaha ah iyo dagaallo ku salaysan Dhul, taasoo aad moodo inayba ugu talagaleen markay xuduudaha ujeexayeen. Haddii aynu usoo noqono geyiga somaliyeed  Maamulka Somaliland wuxuu ku adkaysanayaa xuduudihii uu ka tagay Ingiriiska iyo Gooni isu taag. Dhanka kale shacab gobollada SOOL, SANAAG iyo CEYN, ayaa iyana aaminsan  MIDNIMADA ummadda Somaaliyeed  99%  wax kala go’ la dhahan aan degaankooda lamaqashiin karin. Su’aashu waxay tahay Haddabo ma laga bedbaadi karaa Dagaal lagu hoobto qasaaro badanna geysta islamarkaana daba dheerada  oo dhex mari kara walaalaha Somaliyeed ee Waqooyiga Somaliyeed (Somaliland) iyo Somalida inteeda kale  ?   waaba haddii la aqoonsado Maamulka Somaliland  islamarkaana ay Somaliya yeelato dowlad dhaxe. Tusaale waxaa inooka filan  dhibaatooyinka ka dhex aloosan  INDIA iyo PAKISTAN (kashmiir)  amma ITOOBIYO iyo ERETRIYA.    “Ilaahay inakama dhigo”

5-      Waxaan kawada dheregsanahay in jiritaanka horumar bulsho lagu qiimeeyo dhaqaalaha dalka, waxaynu aragnaa dhaqaalo xumada iyo saboolnimada baahsan ee ka jirta Guud ahaan Somaliya. Dagaalna waa Fuctors-ka ugu wayn ee  burburiya dhaqaalha waddanka. Haddaba colaad ka aloosanta deeegaanada nabdoon  haddaan si kale udhigno dagaal dhex mara labada dhinac ee aan kor kusoo xusay, dhaqaalo ahaan maxaynu ka filaynaa ?       “Ilaahay inaguma keeno”           

  • ·         in aan dumey maan ogayn

  • ·         in aan degey maan arkayn

  • ·         sidii qori daad la tegey

  • ·         wad baan dul sabbaynayaa

  • ·         Rabbow dambe noo ogow

  • ·         waxii tegey duudsi yeel

  • ·         Rabbow dalka aannu nahay

  • ·         intii degel mu’min yaal

  • ·         wanaag ku dallaallimee

  • ·         islaamka ku soo dabbaal

  • ·         hadday tahay maalin daran

  • ·         ka sii daran baa jirtee

  • ·         intay weli doobir tahay

  • ·         dib iyo noqoshaan rabaa

  • ·         dawiyo nabadbaan rabaa

  • ·         dan iyo nolol baan rabaa.

Gebagabadii,  Soomali meelkastoo ay joogto waa walaalo, ehel, xidid  iyo xigaal amma waaba Ul iyo diirkeed, waxaana horey loo yodhi “Ooduhu sida ay isu xigaan ayay isu xogaan”  waxaan uga dan leeyahay soomali meelna kuma kala maaranto sida aan qabo,  colaadaha hadda taagan iyo diifta iyo darxumada manta lagu jiro ma ahan midaan dhaxal u leenahay waa laga baxayaa Bi idnillaahi Al-kariim, “Culays kasta Miciisa Fudeed baa ah” ,  Hidda samida Diinteena Kaamilka ah iyo  dhaqankeena suubban  wuxuu ina barayaa in la diriri karo colaadi abuurmi karto laakiin Xal loo heli karo deminta colaadda iyo isusoo dumidda walaalaha kala irdhoobay shaydaanna shabakad u dhigay. Haddii xaal caynkaas yahay waxaa tolmoon in laga dheeraado wax kasta oo keeni kara qulqulatooyin iyo neceybka dadka walaalaha ah ee mar kasta is huran. Waxaa wanaag ku jiraa in laga fogaado wixii af-lagaaddo ah, waxaa wacan in laga feejignaado tafaaruqa, waxaa suubban in loo guntado MIDNIMO…… MIDNIMO…… MIDNIMO.  Shaqsi kasta oo somaaliyeed manta mas’uuliyad culus ayaa saaran  marka waa in qof kasta uu gartaa mas’uuliyadda ka saaran  dadkiisa dayacan iyo xal u hellidda mugdiga iyo mad madowga baahasan e udhaxeeya iyo horumarinta deegaanka. Ha lagu baraarugsanaado dhibaatooyinka iyo aafooyinka saameeyay ummadda somaliyeed iyo  xirfad kasta oo loo adeegsan karo xal u helidda  dhibaatooyinkan  Fardi fardi iyo Jamacba, rag iyo haween, Waayeel iyo dhalinyaro, Aqoonyahanno iyo Caammo. Aan ogaanno inaan wax badan qaban karro, wax yar oo abuurno uga dhigno wax weyn oo wax tar leh.

            Ugu dambayn aniga oo ka faa;idaysanaya Fursaddaan, waxaan baaq nabadeed iyo MIDNIMO isoo jeedinayaa Walaalaha ku diriray Tuulada dabataag ee gobolka SOOL iyo kuwa iyana ku dagaalamaya Xaramka, waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan  Colaadda islamarkaana ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya,  Isimmada,  Cuqaasha, Garaadada, Ugaasyada Salaadiinta, nabaddoonada, aqoonyahanada siyaasiyiinta iyo dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa inay u guntadaan deminta culaada si daacadana u galaan arrinka Ilaahayna waa idinku garab galayaa. Waxaan tacsi udirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen walaalaha ku geeriyooday daglaakaas, igana waxaan ilaahay uga baryayaa janatul firdowsa ka waraabiyo una dembi dhaafo. Aaamiin Allahayo Aaamiin.

Maqaalkaana waxaan kusoo khatimaya :-

MIDNIMAA  NOLOL AYATIIN WACAN LEH

NABAD BAA CAANO LADHAMO LEH

 Wabillaahi Towfiiq.

Waa Walaalkiin:   Mr. Feysal Rashiid  “Nayruus”
nayrus2001@hotmail.com
                                               LAHORE

                                               PAKISTAN

Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]