SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004
QORISTII FAR SOMALIGA MA WXAY AHAYD HORUMAR LA GAARAY MISE DIB U DHAC LAGA SHAQEEYEY
Cabdulahi Cali Cabdi(Xanaf)
khartoum-Sudan
xanaf2007@yahoo.co.uk

Waxaad moodaa in Somaalidu ay ku kla duwan tahay jawaabta su'aashan oo ay qaar badani u arkaan inay ahayd talaabo horumareed oo lagu talaabsaday halka ay qaar kalena u arkaan dib u dhac laga shaqeeyey inu ahaa.
Hadaba qoraalkaygan waxaan jeclahay inaan kaga faalooda qoristii far Somaliga ma waxay u hayd bulshda Somaaliyeed mid lagu farxo mise mid laga naxo.

Hadaba saan og nahay sida ku qoran dastuurka Qaramada Midoobay dalkasta marka uu xoriyada qaato waxaa uu xaq u leeyahay inuu aayihiisa siyaasadeed,dhaqaale,ijtimaaci,tacliimeed,uu isaga u tashdo,hadaba taasi may dhicin oo raadkii gumaystaha uu uga tagay Somalida ka sokow lagama harin ee waxaa la'isku dayey in meel cidla ah la soo taago.

AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
.Sunta ku duugan Soomaaliya

.Macdanta ku duugan Soomaaliya

 
Qoraalkaaga oo aad Loo Fahmo Waa Muhiimadda Koowaad [A.Sheikh]
 

Qaamuuska maamaahyada Soomaaliyeed
 
DHAWRITAANKA XUQUUQDA QORAALKA  

Somaalidu qorista far Somaliga ka hor waxay wax ku baran jirtay afka Carabiga iyo kan Ingriiska,waxaa soo raacay afka Talyaniga oo aan isaguna sidaa u sii buudhnayn,Somalidu waxay siweyn ugu xirnaayeen dunida Carabta haday noqon lahayd ,ganacsi wax-barasho,siyaasad iyo arimaha dhaqanka guud ahaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ay ku dadaaleen raggii gumeysiga in Somalida laga jaro xiriirka ay la leeyihiin dunida Carabta,isla markaana laga go'doomiyo.Hadaba talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ahayd fikirkii qorista far Somaliga oo looga dan lahaa in Somalida looga reebo caalamka horumary,iyadoo la adeegsaday rag lagu sheegay inay ahaayeen aqoon yahano Somaliyeed.

Waayo barnaamijka noocan oo kala ah waxaa ka bixi kara dad isku filaasho dhinackasta gaaray,haday noqon lahayd dhanka,Tacliinta,dhaqaalaha iyaasada,thaqaafda,isla markaana ka maarmi kara inay dhigood ku daba feylaan.

Somalida degta Jamhuuriyadii horay loo'oran jiray Somaliya iyo sadexda qaybood ee ka maqan Somalida, marka dadka ku nool cadadkooda la isku daro waa dad tiradooda aysan gaareyn 20,000,000.Milyan,hadba dadka ku hadla waa dad tiro yar oo aan awoodin meel marinteeda.
Hadaan tusaalayaal soo qaato af-Sawaaxilga waa af balaaran oo dadka ku hadlaa ay tiro badan yihii waxaana looga hadlaa dadlal badan oo East Afrika ah sida Kenya,Tanzania,Uganda,Ruwanda.IWM.Oo waxaa uu heli karaa qofka af-Sawaaxiliga ku hadlaa fursado uu thaqaafad ku korarsado,oo waxaa uu noqonayaa nin ku hadla luqad mujtamac badan oo kala Thaqaafad duwan kala taariikh duwan kala horumarsan ku hadla.Taa oo keeni karta in uu ka faa'iidaysto waxyaabaha hadii uu wadnkiisu sabool yahay oo uusan samaysan karin ka soo amaahdo kuwa la luqad ah oo aan (juhdi) dadaal badan uga baahnayn,sida Manaahijta wax-barashada fursadaha shaqada iyo jiho kata oo ay luqadu saamyn ku yeelan karto.

Afka Maleyga loo yaqaan oo ay isna ku hadlaan dalal badan oo Asiya ah sida Indunisia,Thailand,Malasia,Singabur,iyo kuwo kale,oo ah af baaxad leh oo dadkaa frahaa le'eg ay kawada siman yihiin.
Waxaan jeclaan lahaa muhimada ah in aad lahaato af lagula wadaago faa'iidada uu leeyahay inaad ila fahamto,tusaale hadii hada lagu yiraahdo waxaa wadankaaga oo sabool ah lagu darayaa Urur dhaqaale oo wadamada Qaniga ah ay leeyihiin intee in le'eg baad u malaynaysaa in uu wadankaaga ururkaa ka faa'idi lahaa dabcan waa cadahay oo hadii ururkaa uu xubnaha kujira caawinayo inaad adiga ugu horaynayso taa oo dadkaaga iyo dalkaaga ay ka faa'idayaan,hadaba afka lagula wadaagaa oo ay kula wadaagaan dad aan kula thaqaafo ahayn aan kula cilmi ahayn ay kula wadaan sidaa la mid ah ayaad uga faa'idaysaa oo wax yaabaha ay dadkooda u sameeyeen oo aan adiga wadankaagu samaysan karin uga faa'idaysaa si sahal ah.

Waana waxa maanta kala haysta Midowga rer yurub iyo wadamada Yurubta kale ee aan xubnaha ka ahayn ee doonaya inay xubnaha ka noqdaan.Tusaalahaan aan soo qaatay hadii ay kuula muuqato mid dhaqaale khuseeya inuu yahay oo kaliya maahee waa mid saamaynaya dhinackasta.

Mujatamaca Somalidu wuxuu ku sifoobaa marka uu dalkiisa dibada uga soo baxo ama u muuqdaa mujtamc (umi)ah mujtamac aan wax akhrin waxna qorin xataa hadii uu jamacad ka soo baxay qofka Somaliga ahi,umana sahlana inuu ka faa'iidayto Culuumta casriga ah waayo dhamaan Cilmigii waxaa uu maanta ku qoran yahay luqado uusan aqoon sida Carabi , Ingriis,Faransis,IWM.Taa oo u keenaysa inuu Mujtamaca Somaaliyeed waligii uusan horumarin.

Dalalka rer galbeedka gaar ahaan rer yurub waxaa uu wadan walba leeyahay luqad u gaara intooda badan hayeeshee iyagu waa dad isku filaasho gaaray oo muwaadinkooda baahi uma qabayo uu luqadahaa ku barto waayo wax walba waxaa loogu qoray afkoodii fursad kastana waxaa uu ka helayaa wadankiisa,oo waxaa uusan dareemayn ciriiri xaga cilmiga ah.

Afka Somaligu waxaa lagu sheegaa af-qani ah taasina waa midaan wax ka jirin,waayo Afka inta uu u baahan yahay in la kabo maaha af-qani ah waxaan og nahay percentag-ka uu crabiga ka yahay af-Somaliga oo ah mid aad u badan.Af-Somaliga kaliya maahe ee waxa crabiga ka maarmi waayey xataa waxaa uu percentage badan ka yahay luqadaha Sawaaixilga Amxaariga,Faarisiga,afka-Maleyga iyo kuwo kale.

Hadaba waxay aniga iila muuqataa qoristii far-Somaaliga inay ahayd fikrad aan la mahadin oo dib u dhac ku keentay bulshada Somaliyeed isla markaana aan laga fiirsan ijaabiyaadkeeda iyo salbiyaadkeeda intaba.

Hadaan wax yar dib ugu noqdo lugooyadii uu isticmaarkii ingriisku u gaystay Somalida,waxaa ugu horaysa xagga Thaqaafada tusaale ahaan samayntii BBC-da waaxda af-Somaliga oo aan baahi weyn markaa looba qabin waayo markaa waxayba dhagaysan jireen aqoon-yahanadii Somaliyeed BBc-da qaybaheeda carabiga iyo ingriiska,marka tani waxay ahayd oo kaliya in Somalida looga jaro dunida carabta ee kale oo ay ka mid ahayd dhankasta.

Waayo waa maxay Istaraatiijayada uu ingriiska u sameeyey Laanta af-Somaliga ee BBC-da.

Halkii ololahii af-Somaliga looga samaynayey waxay ahayd in Carabiga loo sameeyo waayo hada oo kale Somalidu waxay ahaan lahaayeen kuwo thaqaafo ahaan horumarsan iyadoo aan og nahay baaxada ay leedahay luqada Carabiga.Sidoo kale waxaan Mustaxiil ahayn aan la qariibsan karin meel kasta oo aan ka tago dunida Islaamka inaan helayo dad si aan caadi hayn igula hadla luqada Carbiga,halka aysan suuragal hayn in maanta aan helo mujtamaca aan Somali ahayn oo adeegsanaya af-Somaali.

Cabdulahi Cali Cabdi(Xanaf)
khartoum-Sudan
xanaf2007@yahoo.co.uk


Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qaofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD