May 28, 2004
65 Qof Ayaa Ku Dhintay Dagaal ka Maanta Ka
Dhacay Muqdisho
Dadweynaha Waqooyiga
Muqdsiho oo dib uxasuustay maanta dagalkii 4ta Bilood ee Caydiid Iyo
Cali Mahdi
Waxaa
maanta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho sida Kaaraan meelo ka mida,
Cabdicasiis iyo shibis dagaal khasaarihiisu gaarayo inta la
ogyahay dhimasho 65 qof iyo dhaawaca aan ka yarayn tiradaas.
Dagaalkaas lagu hoobtay oo udhexeeye beelaha ay ka soo kala
jeedaan hoggaamiyaha GBQS Muuse Suudi Yalaxow iyo Ganacsade
Bashiir Raage. Waxaana ku baro kacay dad aad utiro badan si ay
uga badbaadaan xabadaha iska wiifaya ee la isku ridayo .
Oday ruug cadaaya oo waligiis ku
noolaa Agaagaarka Kaysaney ayaa yiri dagaalka maanta dhacay
waxuu la mid yahay kii loo yaqaanay 4ta bilood ee dhexmaray
Caydiid iyo Cali Mahdi.waayo buu yiri waagaasaa iigu dambaysay
dad loo aasayo raxanraxan Maanta ka horow.guuxa hubka laisku
ridayo oo u-saan-saan dhow kii waagaas ayuu yiri odaygaas oo ii
sheegay inuu naf soo biday gabar uu dhalay oo lagu qabo Xaafadda
Xamarjadiid.
Dagaalka maanta dhacay waxuu
biloday in ka yar 24 saac ka dib markii beesha wacbuudhan ku
hanjabtay inayan beel kaliya awoodeeda yeelanayn dhaqaalaha
kasoo baxa Dekadaha Ceelmacaan iyo Cisalay oo waa siday hadalka
uyiraahdeene u dhexeeyaan beelwaynta Muddulood. Nolosha
Dhabta ah ee Muqdisho
Maamulka Puntland oo Markii u
horaysay Gaaray Magaalada Ceerigaabo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
madaxda Gobalka Sanaag ee ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in wafti
ka yimmid Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ay yimaadeen
magaalada Cerigaabo oo sida laga warqabo ay gacanta ku hayso
Dowladda Somaaliland.Waftiga oo u hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka
gobalkaas ay u magacowday Puntland laguna magacaabo Axmed Muuse
Guulled ayaa waxaa kaloo ka mida wafitga guddoomiyaha Degmada
Laasqoray .ayagoo ku tilmaamay safarkooda sidii ay usoo ogaan
lahaayeen xaaladda dadka taageersan Maamulka Puntland ee ku sugan
Magaalada Cerigaabo,waxayna wararku sheegayaan in dadwaynaha
magaaldu ka cabsi qabaan inay abuurto xiisad cusub oo ka dhex
aloosanta labada maamul ee Somaaliland iyo Puntland.
Waa markii u horaysay oo masuuliyiin
ka socota Maamulka Puntland ay yimaadaan Magaalada madaxda Gobalka
Sanaag ee cerigaabo,ayagoo ku ekaa waa maamulka Puntlande dhanka
Beriga Sanaag.waxaan ilaa iyo hadda wax wara ka oran imaatinka reer
Puntland, masuuliyiinta Somaliland.
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
Faafin: SomaliTalk May 28, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|