SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SUXUFIGA SOM.

May 30, 2004

Doorka Suxufiga Soomaaliyeed Qeybtii 4aad
Cabdullaahi Black


Waxaa inoo suurta gashay in aan wareysi la yeelano Cabdullaahi Maxamed
Xassan (Black) oo ah Tifaftiraha wargeyska Ayaamaha ee kasoo baxa
magaalada Muqdisho, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka hay'ada
warbaahinta bariga Afrika (The Eastern Africa Media Institute - EAMI)
faraca Soomaaliya.

Su'aal: Goormaa la aasaasay Wargeyska Ayaamaha?

Black: Waxaa la aasaasay sanadkii 1995 bishii

Su'aal: Yaa ka dambeeyay aasaaska wargeyska?

Black: Rag dhalinyaro oo is biirsaday oo saxaafadda wax badan ka soo
bartay

Su'aal: Sidee ku heshaan wararka gobolada kala duwan ee dalka?

Black: Inta badan saaxiibo ayaan ku leenahay, haddii aan sida kale u
dhigana weriyeyaal ayaan inta badan ku leenahay oo isugu jira qaar si
toos ah wargayska ula shaqeeya iyo qaar madax bannaan  (Freelancers)
oo aan wararka ka xigano.

Su'aal: Tan iyo markii la aasaasay wargeyska horumar intee la eg baad
ku talaabsateen?

Black: Horumar la taaban karo ayuu ku talaabsaday, wuxuu markiiba ka
mid noqday wargaysyada faro ku tiriska ah ee ugu afka dheer muqdisho,
guud ahaana wuxuu magac wayn oo kalsooni ku dheehan tahay ka kasbaday
bahda Soomaali weyn ee dibada, wuxuu wargayska intii uu jiray soo
saaray weriyeyaal da’ yar oo ku soo biiray saxaafada Soomaaliyeed
kuwaas oo qaarkood magac ku leeyihiin, sidoo kale wuxuu wargaysku
yeeshay oo uu samaeeyay web page ay dad badan oo dibada ku nool ay la
helaan wararka.

Su'aal: Ma jiraan tababaro aad ka heshaan hay’adaha saxaafada dalka
guduhiisa ama debediisa? Black: Way jiraan, waxaana aad u badan kuwa
ay bixiyaan hay’adaha warfaafineed ee dalka ka jira, BBc-da ayaa ugu
badan hay’adaha dibada ee saxaafada gudaha tababaro siiya.
 
Su'aal: Ma jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo mararka qaarkood idinla soo
gudboonaada?

Black: Waa joogto inta badan, waayo tirada jaraa’idadu sy soo saaraan
aad bay u kooban yihiin, iidhehyada ay helaana waa wax aad u yar oo
waxaa saamayn xoog leh ku yeeshay idaacado xoog badan oo Magaalada
Muqdishu ka jira kuwaasoo qaarkood gaara gobolada dalka oo dhan.

Su'aal: Haddii ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale sidee uga hortagtaan?

Black: Inta badan wargaysyadu waxay ku dadaalaan kordhinta
tayadooda,iyagoo inta badan ku soo kordhiya qoraaladooda qormooyin ay
dadku xiisaynayaan, taasoo keenta in wax uun kor u kaca xaga tirada ah
ay timaado oo iyana wax badan ka daboosha dhaqaalo xumida mararka qaar
soo darista.

Su'aal: Suxufiyiinta u shaqeeya wargeyska, aqoon intee la’eg bey u
leeyihiin howsha ay hayaan?

Black: Waxay isugu jiraan kuwo haysta shahaado jaamacadeed mid
saxaafadeed iyo mihnado kaleba, iyo saxafiyiin khibrad 10 sano ka
badan haysta iyo kuwo junior ah.

Su'aal: Wargeyskiinu ma gaaraa Soomaalida dibadda ku nool?

Black: Haa

Su'aal: Hadday jawaabtu tahay haa, qaabkee buu ku gaaraa?

Black: Waxaanu leenahay wab page cinwaankiisu yahay www.ayaamaha.com

Su'aal: Aqristayaal intee la’eg baad u maleyneysaa in ay soo galaan
website-ka wargeyska? Black: Runtii hadda qiyaasa kor kama hayo,
waxaase jirtay xilli uu web-keenu ahaa isha keliya ee waraka
Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho laga helo, xilligaasoo ahayd xilligii
Maraynkanku uu xiray shirakadii Internetka ee fadhigeedu ahaa
Muqdisho, waxaana howshaa qaban jiray xafiis wargaysku ku leeyahay
magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Su'aal: Muhiimad intee la’eg baad siisaan gaarsiinta wararka ee
Soomaalida debedaha ku nool?

Black: Muhimad gaar ah ayaanu siinaa,waxaana u aragnaa in ay uga baahi
badan yihiin kuwa gudaha dalka ku nool,waxaana si daily ah  wararka
ugu shubnaa web-keena, si ay uga dheehdaan.

Su'aal: Waxaan ka warqabnaa in aad tahay gudoomiyaha wargeysyada
madaxa banaan,  hadaba ururkan ma mid ku kooban wargeysyada Muqdisho
oo keliya mise waa mid ay ku mideysan yihiin wargeysyada dalka oo dhan?

Black: Ilaa iyo hadda waxa uu ku kooban yahay kuwa Muqdishu oo keliya,
waxaanse rajeynaynaa in mustaqbalka uu gaari doono gobolada dalka,
haddii ALLE idmo.

Su'aal: Muxuu qabtaa ururkiinu?

Black: Ururka Wargeysyada madaxa bannaan ee Soomaaliyeed (Somali
Independent Newspapers Association SOINA) waxaa ku mideysan illaa iyo
hadda 21-wargeys, ujeeddadiisuna waxay tahay sidii loo mideyn lahaa
dhamaan saxafiyiinta ku howlan saxaafadda daabacan, inuu difaaco
xuquuqdooda una halgamo difaaca xorriyadda saxaafadda, isla markaana
uu saxafiyiinta u raadiyo tababarro aqoon kororsi ah.

Su'aal: Ma jiraan taageero aad ka heshaan hay’ado caalami ah?

Black: Illaa iyo hadda ma jiraan hay’ado aan taageero ka helno,
waxaase jira hay’ado saxaafadeed oo caalami ah oo uu xiriir naga
dhexeeyo.

Su'aal: Waxaa beryahan soo badanaya shabakadaha internetka ee ay
Soomaalidu wax ku qoraan, sidee u aragtaa arintaas? Black: Waa horumar
aad u ballaaran oo runtii mudan in lagu farxo in maanta dalkeenna iyo
dadkeena oo lagu tirinayo in ay aad u hooseeyaan in aan dunida
horumartay la qaybsanno horumarka Tiknolojiyadeed ee ay ku
tallaabsatay, waxaase mar walba aan jeclahay inaan qofka saxafiga ah
ku biiriyo hal eray oo ah in uu ilaaliyo anshaxa saxaafadda
(Journalism Ethics).

Su'aal: Ma kula tahay in wararka lagu soo qoro shabakadaha Internetka
ay ka tayo yar yihiin kuwa Wargeysyada?

Black: Haa iyo Maya midna ma oran karo, waayo, labaduba waxay
adeegsadaan ilo wareedyo gudaha dalka ku yaal, waxayse ku kala
horreeyaan hadba siday u kala helaan wararka tayada leh runtana ku
salleysan, asluub saxaafadeedna ay ku dheehan tahay.

Su'aal: In badan oo ka mid ah saxaafada Soomaalida waxay taageeraan
hogaamiye-kooxeedyo, hadaba maxaa sababay arintaas?

Black: Way yar yihiin saxaafadda taageerta hoggaamiye kooxeedyada kuwo
ay iyagu sameysteen maahee, inta badan saxaafadda Soomaaliyeed maanta
waa xor inkastoo ay ka maqan tahay wax badan oo aqoonta saxaafadda ah.

Su'aal: Door intee la’eg bey saxaafada Soomaalidu (Radio, Wargeys IWM)
ka soo qaadatay hurinta dagaaladii sokeeye? Black: Dhab ahaantii,
waxaan oran karaa haddiiba ay jirto inay door ku leeyihiin waa wax aad
u yar, waayo, intii ay dagaallada sokeeye dalka ka jireen dalka kama
bixin, waxaana intaa ku gudo jiray howlaha saxaafadda haddii ay noqon
lahayd wargeysyada iyo idaacadaha, mana arag wargeys ama idaacad dhab
ahaan u adeegsanaysay erayo ay dagaallada kaga qaybqaadanayeen, wayse
jireen wargeysyo fara ku tiris ah oo markaa siyaasadaha
hoggaamiyeyaasha qaarkood aad u taageerayay, balse hurinta dagaaallada
sokeeye waxay ahayd mid ay aad uga fogaato saxaafadda.
 
Su'aal: Maxaa keenay bey kula tahay in suxufiyinta qaarkood noqdaan
kuwo ay caadifad qabiil qaado?

Black: Dabeecadda soo korotay 10-kii sano ayaad moodda in badan oo
qaybaha kala duwan oo bulshada ah ay saamaysay; saxafiyiintuna
bulshada ayay ka tirsan yihiin, waxaanse anigu qabaa inay saxafiyiintu
yihiin kuwa ugu yar ee ay saameysay caadifadda qabiil, waxaana tusaale
kuugu filan inaad maanta dheehan karto boqollaalo Wargeys, Web-page-yo
iyo idaacadaba oo dhammaantoo madax bannaan, mana imaan lahayn
xorriyaddaasi haddii weriyeyaashu intooda badan ay ku shaqeyn
lahaayeen caadifad qabiil, waxaana aanan dafirayn in ay arrintani
jirto waxaanse leeyahay way yar yihiin.

Su'aal: Hadaad is barbardhigto saxaafada Soomaaliya, kahor dagaaladii
sokeeye iyo kaddib, maxaa kuusoo baxaya?

Black: Waa laba waqti oo runtii aad u kala duwan, saxaafaddii dalka ka
jirtay markii ay dowladdu jirtay waxay ahayd mid la yaqaanno waddada
ay marayso waxaana hagaysay dowladda, inkastoo aysan xor ahayn haddana
dadku badbaado ayay ku qabeen oo ma aysan abuuri jirin dhibaatooyinka
xilliga xorriyadda la sheeganayo jira, waxayna lahayd cillado badan oo
ay ugu horreyso in marnaba qofku uusan heli jirin warar run ah oo
daboola baahidiisa wareed, wuxuuna qofku mar kasta maqli jiray warar
aam marnaba is beddelin. Basle saxaafadda xilligaan dagaallada sokeeye
soo ifbaxday waxay xarigga ka jartay aamusnaantii iyo daboolistii
wararka xaqiiqda ah ee ay dadku u baahnaayeen, waxay mar qura ku
faaftay dalka oo dhan iyadoo aysan jirin waxa faafreeb ah, wax kastoo
jirana nusqaanteeda ayay leeyihiin, xorriyaddan ay saxaafaddu xilligan
heshayna dhinacyo badan oo negative ah ayay leedahay. Haddii aan isku
soo ururiyana labada xilli midba dhinac ayuu ku fiicnaa, waxaanse
qiyaas loo helayn xorriyadda saxaafadda iyo inuu qofka uu cabiri karo
ra’yigiisa isagoo aan cidna ka cabsanayn.

Su'aal: Door intee la’eg ayaa saxaafada Soomaalida kaga aadan dib u
heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed?

Black: Door aad u muhiim ah ayaa kaga aadan arinkaas, waaba haddii ay
dareensan yihiin oo ay ka soo dhalaalayaan, waxaana qabaa in ay tahay
arrin muhiim ah oo cidkasta oo saxafi ah dhab ahaan looga doonayo.

Ururkeena SOINA oo ay ku midaysan yihiin ilaa iyo 21 wargays, waxay
hoosta ka xariiqdeen in ay u shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka,
waxaana sanadka  ururku diyaariyay abaalmarino la siinayo wargaysyada
sidawanaagsan wax uga qora nadabba iyo arrimaha bulshada, waxaana
abaalmatinta sanadkan oo lagu soo beegay maalinta Saxaafadda Xorta ah
ee Adduunka (World Press Freedom Day) oo ku beeganayd 3-dii May ku
guulaystay saddex wargays oo ka tirsan ururka.
 

Su'aal: Ma jiraa urur ay ku mideysan yihiin guud ahaan hay’adaha
saxaafadeed ee dalka ka jira?

Black: Maya, ilaa iyo hadda lama hayo urur kulmiya guud ahaan
hay’adaha saxaafadda dalka ka jira, waxaase dhowaan Muqdisho laga
dhisay guddi ay ururada saxaafada ee Muqdisho ka dhisan u doorteen in
uu ka soo shaqeeyo sidii loo samayn lahaa urur mideeya dhammaan
ururada  saxaafada ee ilaa iyo hadda jira.

Su'aal: Ma kula tahay in loo baahan yahay urur noocaas ah?

Black: Aad baa loogu baahan yahay wax badan oo saxaafadda iyo
saxafigaba u qabsoomi lahaa ayaa ku maqan dartiis.

Su'aal: Ma jiraan dhibaatooyin ay idiin geystaan hogaamiye kooxeedyada
dalka?

Black: Ma badna, marka ay dhacdana saxaafadda oo dhan meel ayay uga
soo wada jeestaan

Su'aal: Inta badan suxufiyiinta maanta waa kuwo da’ yar hadaba xagay
ka baxeen kuwii hore?

Black: Wax dhintay, wax cararay iyo kuwo howshaa isaga fariistay, oo
mihnado kale ka raadsaday kaddib markii ay ula muuqadatay in xilligaan
ay adag tahay sida looga shaqeeyo.

Su'aal: Ma jiraa baaq aad u gudbineyso suxufiyiinta Soomaalida?

Black: Waxaan aad u jeclahay in saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta
oo ay joogaan in aan ku iraahdo marka hore iga gudooma salaan iyo
hambalyo ku aadan maalinta warbaahinta xorta ah ee adduunka, teeda
kalena waxaan leeyahay mihnadan waa mid aad u culus oo  u baahan
mas’uuliyad adag, ha qorin wax aadan hubin, waxa aad qoraysana ha
ahaadaan ku ku salaysan anshaxa suuban ee saxaafadda, noqdana kuwo
qalinkooda iyo qowlkooda ugu ageeda dib u dhiska dalkooda burburay.

Waxaa waraysiga qaaday
Mohamud Yusuf Garre
editor@burtinle.com

Faafin: SomaliTalk May 30, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qaofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]