SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 31, 2004

WARARKA MAANTA

  • Banaadir oo Si Diiran Looga Soo Dhoweeyey xaabad Joojintii Xalay Lagu Dhawaaqay
  • Maxamed Cabdi Afeey: Ciidamo Afrikaan ah ayaa la geyn doonaa Soomaaliya
  • Gudoomiyihii hore ee maxkamada Degmada Marka oo LaguXukumay 10 Maalmood oo xarig ah
  • Kulan ay ka soo qeyb galeen Golaha Wakiilada Somaliland oo lasoo gabagabeeyey

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Jeylaani  Qaali Huurshe Gudoomiyihii hore ee maxkamada Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose oo maanta lagu xukumay 10 maalin oo xarig ah iyo lacag dhan $150 dollor oo ay wehliso 500.000 sh.so. 

Waxaa maanta lasoo tagay Maxkamada Degmada marka ee Gobolka Shabeelaha hoose Jeylaani Qaaali Huurshe oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Degmada marka kadib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday lacago uu lahaa maamulka Maxkamada Degmada.

Maxkamada xukunkan qaaday ayaa sheegtay inay ucus katay sharciga islaamka kiiska lagu soo oogay  eedeysanahan sida uu sheegay mid kamid ah Garsoorayaashii Xukunkaasi qadayay, waxaana intaa la raaciyay in ay dhageysteen eedeymo loo soo jeediyay Jeylaani oo ka imaanayay dhinaca Maamulka Shabeelaha hoose ee uu hormuudka u yahay sheikh Yuusuf Indha Cade . 

Dhinaca kale waxaa Maxkamada horteeda lasoo taagay shaqsiyaad ku marag kacayay in jeylaani qaali huurshe uu qaatay lacag cadad keeda  ay ku sheegeen $150 dollor iyo 500.00 sh.so iyadoo laaluushkaasina la sheegay inuu u cus kaday  qadob uu ugu magic daray gal fur oo uu ka qaaday shaqsiyaad maxkamada dacwad layimid. 

Xubno sare oo ka tirsan maxkamadan xukunkan qaaday ayaa sheegay in Jeylaani Qaali Huurshe uu yahay nin caadeysatay wax is daba marin iyo musuq maasuq aanu cidna u aabbe yeelin, waxaana sidaa darted lagu xukumay oo uu muteystay ayay yiraaheen saraakiishaasi  10 maalin oo xarig ah iyo inuu bixiyo lacagtaa aanu soo xusnay, waxaana uu xariga lagu xukumay eedeysanahan uu ka bilaawaday  24ka may ee sanadkan wuxuuna ku eg yahay xarigiisu 3/06/04. 

Jeylaani Qaali Huurhse ayaa mar uu lahadlayay Saxaafada waxa uu sheegay in xarigan loo geystay uu yahay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ah iyo kuwa xeer hoosaadka ah midnaba, wuxuuna intaa raaciyay  inaysan jirin haba yaraatee wax cadeymo ah oo  loo hayo danbigan lagu soo eedeeyay  ee lagu soo taagay Maxkamada horteeda, sidaa darteedna wuxuu u arkaa xarigiisa iyo eedeymaha loo heystaba inay yihiin kuwo wax loogu dhimayo sharfta uu ku dhex leeyahay bulsho weynta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose . 

Gabagabadii xukunka jeylaani ayaa waxaa ka dhacay wajiga hore ee maxkamada  dibad bax balaaran oo looga soo horjeedo xukunka lagu riday gudoomiyihii hore ee maxkamada degmada marka Jeylaani Qaali Huurshe. 

Danjiraha dowlada Kenya u qaabishan arimaha soomaaliya maxamed cabdi afeey oo sheegay in ciidamo africaan ah lakeeni doono wadanka soomaaliya. 

Maxamed Cabdi Afeey Danjiraha Dowlada Kenya ayaa shaaci ka qaaday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diri doono dalka sooomaaliya marka lagu dhawaaqo dowlada la dam cinayo in lagu dhiso deegaanka embagathi ee duleedka caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Danjire afeey oo u waramayay Jariirarada  East African Standard ayaa ka war bixiyay qaabka Ciidamada loogu dirayo Dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay yihiin Ciidamadaasi kuwo ka amar qaadanaya Golaha Amaanka ee Midowga Africa ee dhawaan lagu magacaabay caasimada dalka ethopia ee adis ababa,waxaana uu intaasi ku daray inay sidoo kale ay wada shaqeyn layeelan doonaan Ciidamadaasi Dowlada Ku Meel Gaarka ah ee lagu soo dhiso doono Shirka Somalida uga Socda Kenya ee iminka ugudbay Wajigiisii Sadexaad ee Awood Qeybsiga. 

Dhanka kale waxaa uu Danjire Afeey uu warbixintaasi ku tibaaxay inay jiraan Hogaamiyayaal ka biyo diidsan Geedi Socodka uu uu haatan ku socdo Shirka Somalida oo ah sida uu sheegay mid guul laga gaaray,laakiin Afeey waxaa uu kuwaasi ugu hanjabay inay yihiin kuwo la horkeeni doono Maxkamad Caalami ah,iyadoo Maxkamadaasi noqon doonto sida uu sheegay Afeey mid ku  saabsan Gabood falada ay ka wadaan Gudaha Wadanka Somaliya oo u badan kuwa ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha sida uu hadalka u dhigay Danjire Afeey. 

Maxamed Cabdi Afeey Danjiraha Kenya u qaalibsan Somaliya waxaa uu dhinaca kale uu Qalinka ku duugay in Dowlada lagu soo dhisi doono Somaliya ay Xarunu noqon doonto Magaalada Muqdisho oo ah Xarunta Somaliya,taasoo horay ay xarun ugu Noqotay Dowlad ku Meel Gaar ka ah Somaliya ee  lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Wadanka Jabuuti,iyadoo lagu eedeeyo inay ka gaabisay Waajibaadkii looga baahnaa. 

Kulan ay ka soo qeyb galeen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta lagu soo gabagabeyay murankii muda ka taagnaa Miisaaniyada Dhaqaale ee Somaliland. 

Wararka naga soo gaaraya Magalaada Hargaysa ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu soo afjaray murankii baryahanba ka taagnaa Miisaaniyada Dhaqaale ee Somaliland ee sababtay in Shaqadoodii ay ku waayaan Qaarka mid ah Golaha Wasiirada ee Somaliland. 

Wariye jooga Magaalada Hargaysa oo aan Qadka Teleefoonka kula xiriirnay ayaa waxa uu inoo cadeeyay in si aqlabiyad leh la igu raacay misaaniyadii Dhaqaale ee Somaliland,taasoo la horkeenay Golaha Wakiilada Somaliland kuwaasoo Baryihii tagay isku maandhaafasanaa qaabka loo wajahayo  Miisaniyada Dhaqaale  ee hortaala Madaxda Maamulka Somaliland. 

Arintaan ah miisaaniyada Dhaqaale ee Somaliland ayaa ahayd Todobaadyadii aynu ka soo gudubnay mid gil gishay gabi ahaanba Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Somaliland ee uu Madaxwaynaha ka yahay Mr,Daahir Riyaale Kaahin,sikastoo ay tahay la argi doonee halka ay ku danbeeyso arintan soo kala dhex gashay Maamulka Somaliland.

Ganacsatada iyo Ururada Bulshada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta  si  diiran u soo dhaweeyay Xabad joojinta ay wada gaareen Xalay qeybihii ku Dagaalamayay Waqooyiga Magaalada Muqdisho. 

Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  C/laahi Xasan  Ganey (Firinbi) oo lahadlayay  Qaar ka mid ah Saxafada ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Heshiiska ay Xalay wada gareen Garabyadii ku Dagaalamayay Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho,isagoo sidoo kale intaasi ku daray inay dhawaan qaban doonaan Dibad bax Balaaran oo lagu taageerayo sidii loo dhaqan gelin lahaa Xabad joojintaasi ay iminka wada gaareen Dhinacyada ku Dagaalamayay maalmihii ugu danbeeyay. 

C/nasiib Shuuke Macalin oo ah Gudoomiye Urur Dhalin yaro oo ka dhisan Magaalada Muqdisho ayaa isagana waxaa uu muuiyay sida uu ugu faraxsan yahay Guusha lagu soo afjarayo Dagaaladii ruxay  guud ahaan Magaalada Muqdisho,waxaana uu intaasi raaciyay C/nasiib Shuuke codsi ay u dirayaan  Madaxda kala Hogaaminaysa Dagaalada ka soo cusboonaaday  Magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay waxyeelada ugu ba’an soo gaartay Dadka Rayidka ah sidaa darteedna loo baahan yahay inay joojiyaan Dagaalka. 

Cali Mahdi Maxamed oo ah siyaasiga kaliya ee ku jira dhex dhexaadinta Qeybaha ku Dagaalamaya W/Muqdisho iyo Shiikh SHariif Shiikh Muxyadiin ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay Xabad joojinta ay iminka wada gaareen dhinacyadii Dirirtu  u dhexeysay,kuwaasoo ay ku howlanaayeen maalmihii la soo dhaafay    

Dagaalkan ayaa ah mid waxyeelada ugu ba’an  ee uu geestay laga dareemayaa marka aad Booqato Xarumaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk May 31, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD