SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

WARARKII MAANTA:

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

  • Dawladda Kenya ayaa dadaal wayn ugu jirta inuu qabsoomo Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD
  • Booliska Dalka Kenya ayaa ku xayiray Ayraboorka Jomma Kenyatta Dad Rabay inay Somaliya kusoo laabtaan
  • Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo Ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida ku xiray Saddex Qodob.
SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

Dawladda Kenya ayaa dadaal wayn ugu jirta inuu qabsoomo Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD

Dawladda Kenya ayaa dadaal wayn ugu jirta inuu qabsoomo Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD oo lagu ballan sanyahay inuu Maalinta Beriya ka furmo Magaaladda Nairobi.

Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Somalia ayaa la filayaa in Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD ay ku dhawaaqaan inuu furmay Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida, Waxaana uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya u kala diray Fariimo Casuumaad ah Wasiiradda Arrimaha Dibada ee IGAD.

Warar diblomaasiyadeed oo laga helay Nairobi ayaa muujinaya inay suuragal tahay inuu dib u dhac ku yimaado Kulankaasi, Waxaana dib u dhacaasi loo aanaynayaa Waddamadda IGAD oo aan si wayn u danaynayn Arrinta Somalia, iyadoo aysan illaa iyo hadda Madasha shirkaasi loo qorsheeyay soo gaarin Wasiiradaasi oo la filayay inay ugu dambayn Maanta Yimaadaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Stephan Kolonzo Mosiyooko ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriiro kala duwan la sameeyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Jabuuti, Eritrea, Ugand iyo Suudaan, Waxaana ay wararku sheegayaan in Ethiopia, Sudan iyo Eritrea ay ka cudurtaarteen Wasiiradeedu inay ka soo qayb galaan Kulankaasi, laakiin waxay ballanqaadeen inay soo dirsan doonaan Wakiilo u matala Kulankaasi.

Sudan iyo Ethiopia ayaa iyagu inta badan kulamadda looga hadlayo arrinta Somalia u soo dirsato Wufuud Heerkoodu aad u hoosayso, Waxaana Caga jiidka IGAD ee arrimaha Somalia laga yaabaa inay ku keento Fashil Shirka Soomaalida oo berri uu qorshuhu ahaa in la gudo galo Wajigiisa Saddexaad, iyadoo illaa iyo haddana aysan gaarin Madasha Shirka Odayaasha Dhaqanka iyo Hogaamiyayaasha ku maqan gudaha Somalia.

Booliska Dalka Kenya ayaa ku xayiray Ayraboorka Jomma Kenyatta Dad Rabay inay Somaliya kusoo laabtaan

Booliska Dalka Kenya ayaa ku xayiray Ayraboorka Caalamiga ah Jomma Kenyatta Ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo jeeday Magaaladda Muqdisho.

Ganacsataddan oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ruqsad u siisay inay ka dhoofaan Ayraboorkaasi ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Booliska Kenya kadib markii ay diideen inay bixiyaan Lacago Laaluush ah oo ay waydiisteen Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya. sida laga soo xigtay Qaar ka mida Ganacsatadaasi.

Ganacsade Cabdi Xasan oo Saaka isaga oo ku sugan Garoonka Diyaaradaha Qadka Taleefoonka ay kula xiriirtay STN ayaa sheegay in Booliska Kenya ay kala garan waayeen Muhiimadda uu leeyahay Qofka Aadanaha ah iyo Faa'iidada ay Kenya ka hesho Jawaanadda Qaadka ah ee loo iib geeyo Somalia, Wuxuuna sheegay in si cad loogu sheegay inaysan Diyaaraduhu boos u hayn dadka, sidaas darteedna ay Jaadka oo kaliya qaadayaan Diyaaraduhu.

Cabdi Xasan waxa uu sheegay in Xalay Tobankii Habeenimo la keenay Garoonka illaa iyo saakana ay ku go'doonsanaayeen Garoonka Diyaaradaha oo aysan jirin cid qiimaynaysa Dadka Soomaaliyeed, Wuxuuna Ganacsadahaasi sheegay in dadka garoonka ku go'doonsan ee laga tagay ay ka mid ahayd Haweeneey da'ah oo arrimo Caafimaad loo keenay Kenya.

Kenya oo marti galinaysa Wadahadaladda Soomaalida ayaa haddana waxaa ay si xun ula dhaqantaa dadka Soomaaliyeed, iyadoo kol horana mamnuucday Baasaboorka Somalia.

Mamnuucista ka sokow Soomaalidu waxay inta badan ka cawdaan Booliska Kenya oo waydiiya qof kasta oo Soomaali ah lacago Laaluush ah, taasoo haddii aan la bixin keenaysa in la xiro Qofkaasi dabeetana lagu soo oogo dambiyo uusan wax lug ah ku lahayn, tiiyoo aysan jirin Dawlad Dhexe oo u dooda Dhibaatadda Soomaalida ku haysata Qurbaha.

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga

Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo Ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida ku xiray Saddex Qodob.

Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Koonfurta Somalia sida wayn looga tixgaliyo ayaa shuruudo adag ku xiray Ka qayb galka Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga socda Kenya.

Afhayeenka Iimaamka, Xaaji Maxamed Yuusuf oo Shir Jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Iimaamku uusan ka qayb galayn Wajiga Saddexaad ee Shirka inta looga soo jawaabayo Qoraal uu horay ugu diray IGAD oo uu ku dalbanayay Saddex Qodob.

Qoraalkaasi ayuu Iimaamku ku dalbaday in ka hor inta uusan tagin Madasha Shirka in loo qeexo Doorka Odayaasha Dhaqanka ee Shirka, sidoo kalana in loo oggolaado inuu shirka la taggo 20 Ergo ah, Kenyana waxa uu Iimaamku si gaar ah u waydiistay inay ka laabato goaanka ay ku mamnuucday Baasaboorka Somalia, Wuxuuna Afhayeenku sheegay in haddii aan laga soo jawaaban Codsigaasi ay adag tahay in Iimaamku uu aqbalo inuu taggo Madasha Shirka Soomaalida ka socdo.

Odayaasha Dhaqanka Soomaalida oo looga bartay inay hormuud u noqdaan Xal u raadinta Dhibaatooyinka ka dhex dhaco Bulshadda ayaaa muddooyinkan dambe waxay door fir fircoon ku yeesheen Arrimaha Siyaasadda kadib markii ay ku guulaysteen inay ku soo dhisaan Tuuladda Carta ee Dalka Jabuuti Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, oo ku fashilantay Kaalintii Dawladnimo ee Somalia, Waxaana ay Odayaashu mar kale u ololaynayaan inay Shirka Kenyana hogaankiisa qayb ku yeeshaan, taasoo qaar ka mida Qab Qablayaasha dagaalka ee Somalia ay si wayn uga biyo diidsan yihiin.

Naadiga Zimba ee Dalka Tanzania oo Naadiga Elmen ee Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya ka dalbaday Laba Ciyaaryahan.

Naadiga Zimba ee Dalka Tanzania ayaa kula gor gortamaya Naadiga Elmen ee Horyaalka Kubada Cagta Soomaaliya inay ka iibiyaan Labo Ciyaaryahan oo Laf dhabar u ah Naadigaasi.

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay Kooxda Elmen ayaa lagu sheegay inay dhinaceeda aqbashay inay ka iibiso Goolhaye C/qaadir Shiiq Cusmaan Bakiyaa, iyo Weeraryahan Ciise Aadan Abshir Ciise Dheere Kooxda Zimba kadib markii la tashi ay la samaysay Labada Ciyaaryahan Laf ahaantooda, Waxayse Kooxda Elmen sheegtay inay ku xirtay Kooxda Zimba ee Tanzania inay marka hore ku soo qanciso labada Ciyaaryahan ee Soomaaliyeed Magaaladda ay dagayaan Garoomadda ay ku ciyaarayaan iyo Heerka Nolosha ay ku noolaanayaan, iyadoo ballan qaaday in marka ay go'aanka ugu dambeeya ee oggolaanshaha u soo gudbiyaan Labadaasi Ciyaaryahan inay saxiixi doonaan Heshiiska kala wareejinta.

Labadan ciyaar yahan oo si wayn uga dhex muuqday ciyaarihii Kigali ayaa waxa ay ka mid yihiin Dhalinta dada yar ee sida wayn uga dhex muuqda Isboortiga Somalia, Waxaana ay yididiilo galiyeen Ciyaaryahanadda kale ee Soomaaliyeed oo hada iyo wixii ka dambeeya billaabi doona inay halgan u galaan sidii ay uga dhex muuqan lahaayeen Ciyaaraha Caalamiga ah.

C/qaadir Bakiyaa oo ah Gool Haye shafka u dhabaan dhabiya Kubadda Xirfadaysan ee Weeraryahanadda waxa uu ku dhashay Degmadda Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose, Waxa uuna ku soo biiray Kooxda Elmen sannadkii 2002.

Weeraryahan Ciise Dheere oo isna caan ku ah inuu dhex jiiro Difaaca ka soo horjeeda isla markaana si wayn u xirfadeeya Kubadda waxa uu ku dhashay Magaaladda Luuq ee Gobalka Gedo sannadii 1984-tii, waxa una ku soo biiray Kooxda Elmen Sannadkii 2002-da.

Qaybtii ugu dambaysay ee Ciidamadda Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa inay ka baxeen Magaaladda Fullujah.

Ciidamadan oo saldhig ku lahaa dhinaca Waqooyi ee Magaaladaasi ayaa ka bixitaankooda Fullujah waxay qayb ka tahay dhaqan galinta heshiis uu Maraykanku la galay Waxgaradka Magaaladaasi, Waxaana dadkii horay uga qaxay Magaaladaasi ay billaabeen inay dib ugu soo laabtaan Magaaladoodii oo bur bur xoogan uu ka muuqdo, iyadoo ay Magaaladda si xoogan u duqeeyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka kadib markii ay gali waayeen Magaaladaasi Ciidamadda Maraykanku.

Ammaanka Magaaladasi ayaa waxaa la wareegay Jen Maxamed Ladiif oo horay uga tirsanaa Sirdoonka Ciidamadda Milatariga ah ee Ciraaq, Waxaana la sheegay in ninkan oo si wayn looga soo dhaweeyay Magaaladaasi ay Maraykanku u xilsaareen inuu dajiyo Xaaladda Fullujah.

Dhinaca kale Magaaladda Barakaysan ee Karpala oo ku taala Koonfurta Dalka Ciraaq ayaa waxaa isku hareereeyay Ciidamo Maraykan oo xoogan, Waxaana ay dadwaynuhu billaabeen inay ka qaxaan magaaladaasi kadib markii ay soo baxday cabsi wayn oo laga muujinayo in Weerar uu Maraykanku ku ekaynayo Magaaladaasi, Laakiin Diyaaradaha Maraykanka ayaa ku dul daadinayay Magaaladaasi waraaqo ay uga dalbanayaan Dadwaynaha ay ku nagaadaan Guryahooda oo aysan qaxin.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Balad Xaawo oo istaagey
iyo Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka DKMG ah ayaa sheegay in lagu xadgudbay awood qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed ee 4.5-ka
Guji

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

 AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD