Maamulka
Gobalka Shabeeladda Dhexe ee uu Madaxda u yahay Maxamed Dheere ayaa
xiray Iddaacad FM ah oo saldhigeedu yahay Magaaladda Jawhar iyo qaar ka
mida Wariyayaashii ka shaqaynayay Iddaacadaasi.
Madaxa Wararka Iddaacada Jawhar. C/Qani Shiiq Maxamed iyo Abshir
Cali Gabre ayaa Maamulka Maxamed Dheere waxa uu u taxaabay Xabsiga
kadib markii lagu eedeeyay inay baahiyeen Barnaamij ka dhan ah
Siyaasadda Gobalka, Waxaana labadan Wariye loo xiray ka hadalka Shirka
Dib u Heshiisiinta Soomaalida uga socda Kenya oo uu Hogaamiye Kooxeedka
Maxamed Dheere sheegay inuu fashilmay kadib markii uu Isbahaysi uga
dhawaaqay Jawhar.
Wariye ka tirsan Iddaacadaasi oo qadka Taleefoonka aan kula xiriiray
isla markaana codsaday inaan magiciisa la shaacin ayaa sheegay in
labadan wariye loo xiray kadib markii ay tabiyeen Warar ay ka heleen
Nairobi oo ka hadlayay Kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD.
Waxaana uu wariyahan sheegay in marar badan oo hore loo soo gudbiyay
Hanjabaado ku aadan in la ciqaabi doono haddii aysan u hadlin sida uu
Maamulka Maxamed Dheere rabo. Laakiin waxa uu sheegay inay go’aankaasi
dhagaha ka furaysteen si ay u illaaliyaan Doorkooda dhex dhexaadnimo.
Tallaabadan lagu xiray labada Wariye iyo Saldhigii Warbaahineed ee
ay ka shaqaynayeen ayaa qayb ka ah qorshayaasha ay ku doonayaan
Qabqablayaasha dagaalka ee Somalia inay ku caburiyaan Saxaafadda Xorta
ah ee 14 kan sanno ka hana qaaday Dalka. Waxaana ay Suxufiyiinta Madaxa
Banaan ee Soomaaliyeed ka dalbadeen Maxamed Dheere inuu si deg deg ah u
soo daayo Wariyayaashaasi isla markaana u oggolaado Iddaacadii FM-ka
ahayd ee Magaaladaasi inay dib u billawdo Hawlaheedii Warbaahineed.
Aabaha dhalay Wiilkii lagu dilay Dugsiga Al-Fajri ayaa sheegay inaan
dib loo furi Karin Dugsigaasi inta Sharciga laga horkeenayo
Gacandhiiglihii dilka gaystay iyo Maamulaha Iskuulka oo uu sheegay inuu
amray dilka Wiilkiisa.
Macallin Maxamuud waxa uu sheegay inuusan aqbali Karin in iyadoo
Dhiigii Wiilkiisu uu ka qoyan yahay Banaanka Iskuulka in dib loo furo
Iskuulka isla markaana ay Ardayda kale ku tuntaan goobtii lagu daadiyay
Maskaxda Wiilkiisa. Wuxuuna sheegay inay taasi ula muuqato in Wiilkiisu
uusan lahayn Tixgalin Bini’aadanimo.
Macallin Maxamuud waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay in Arrinta
Wiilkiisa loo bandhigo Sharciga Islaamka. Wuxuuna sheegay inuu ku qanci
doono wixii ay arrintaasi ku xukunto Shareecada Islaamka. Laakiin waxa
uu sheegay inuusan marnaba aqbalayn in arrinta Wiilkiisa lagu dhameeyo
qaab Beeleed.
Xasan Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa Ardayda Dugsiga Al-Fajri ee
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si bareer ah u toogtay mid ka mida
Illaaladda dugsigaasi kadib markii ay ardaydu Banaanbax ka sameeyeen
Banaanka Dugsiga. Waxaana sidoo kale isla goobtaasi ku dhaawacmay labo
Arday oo kale.
Maamulka Dugsigaasi iyo Guddiga Waalidiinta ayaa shalay shir ay ku
yeesheen Iskuulkaasi waxay gabagabadiisii ku dhawaaqeen in Iskuulka dib
u billaabayo hawlihiisii. Waxayna sheegeen in laga cafiyay Lacagihii
Muranka dhaliyay ee Maamulka Iskuulku waydiistay Ardayda. Laakiin
Ehaladda Wiilka dhintay ayaa sheegay inaysan waxba kala socon shirkaasi.
Waxayna ku gacan sayreen in Iskuulkaasi uu dib u hawl billaabo.
Dib u dhac ku yimid bilaabashada Wajiga Saddexaad ee Shirkaa.
Wajiga Saddexaad ee Shirka Soomaalida uga Socday Kenya inka badan
Hal Sanno ayaa mar kale dib loo dhigay waqti aan la cayimin.
Dib u dhacan oo ay ku dhawaaqeen Wasiiradda IGAD ee u xilsaaran
Shirka Soomaalida kadib markii ay shalay kulan ku yeesheen Magaaladda
Nairobi ayaa lala xiriiriyay kadib markii ay shirka soo wajaheen sida
ay sheegeen Dhbaatooyin dhinaca Tasiilaadka ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya. Stephan Kolonzo Mosiyooko oo
kulankaasi kadib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan waxba ka
jirin wararka sheegayay in Shirka Soomaalidu uu fashilmay. Wuxuuna
sheegay in dib loogu dhigay shirka kadib markii ay suuragali waysay in
la keeno Madasha Shirka Odayaasha Dhaqanka. Sidaas darteed waxa uu
sheegay inay qorshaynayaan in dhawaan ay billaabaan soo daad guraynta
Odayaasha Dhaqanka.
Mosiyooko waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in Shirka laga
wareejinayo Waddamadda IGAD. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in dalalka
deriska la ah Somalia ay door muuqda ku leeyihiin Dib u Heshiisiinta
Soomaalida. Sidaas darteedna waxa uu sheegay inaan laga wareejin doonin
Marti galinta iyo Dhex dhexaadinta Shirka illaa iyo inta ay iyagu ka
dalbanayaan.
Jaamac Maxamed Qaalib oo Rajo Wanaagsan ka muujiyay Shirka Kenya.
Jen Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mida Xubnaha Ururadda Bulshadda
Rayidka ee ka qayb galaya Shirka Kenya ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay
Shirka Soomaalida uga socda Kenya.
Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sheegay in la gudo galayo Wajiga
Saddexaad ee Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in Beeluhu ay billaabi
doonaan Hanaanka Awood Qaybsiga oo ku salaysnaan Dooba 4.5.
Mar uu ka hadlayay Jaamac sida laga yeelayo Hogaamiyayaasha ka maqan
Shirka. Waxa uu sheegay in Shirku uusan hadda wixii ka dambeeya u lug
xirnaan doonin Qab Qablayaal dagaal oo sida uu sheegay dano gaar ah leh,
Wuxuuna sheegay in Beesha Caalamka iyo Soomaalidu ay garteen cidda
hortaagan Nabada Somalia. Inkastoo uu ka gaabsaday inuu magacaabo dadka
hortaagan Nabada Somalia.
Janaraalku waxa uu sheegay in Kulankii Wasiiradda Arrimaha Dibadda
ee IGAD ay iskula garteen Wasiiraddu in Shirka aan cidna loo hakin isla
markaana si deg deg ah loo billaabo qaybaha ka dhiman Shirka. Wuxuuna
sheegay inay IGAD ku guulaysatay Xallinta Khilaafaadkii dhexdeeda ahaa.
Dhinaca Wakiiladda Beesha Caalamka ee ka qayb galaya Shirka Kenya
ayuu sheegay Janaraalku inay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan
Taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen Shirka Kenya. Wuxuuna sheegay in
Beesha Caalamku ay u heeloon tahay Soomaalida. Laakiin waxa uu sheegay
in haddii ay Soomaalidu ku fashilanto inay fursadaasi ka faa’iidaysato
ay dhici doonto inaan Caalamku mar dambe isku shuqlin Xallinta
Mashaakilaadka Dhibaatadda Somalia.
Duqii Magaalada Laascaanood oo Xabsiga loo taxaabay.
Booliska Maamul Gobaleedka Punt Land ayaa xabsiga u taxaabay Duqii
Magaaladda Laascaanood.
C/risaaq Maxamuud Waranle ayeey shalay Boolisku ka taxaabeen
Gurigiisa oo ku yaalay Magaaladda Laascaanood. Waxayna wararku
sheegayaan in loo gudbiyay Xabsi ku yaala Magaaladda Garoowe ee
Caasimadda u ah Maamul Gobaleedka Punt Land.
Sarkaal u hadlay Booliska Laascaanood ayaa ku eedeeyay Masuulkan
inuu ka waday Magaaladdaaasi olole uu ku doonayay inuu Nabadgalyo xumo
uga abuuro Laascaanood. Wuxuuna sheegay inuu Lacago ka soo qaatay
Magaaladda Hargaysa. Dabeetana uu ka billaabay Laascaanood kulamo iyo
shirar uu ku xagal daacinayo Maamul Gobaleedka Punt Land. Waa sida uu
hadalka u dhigayee.
Ehaladda C/risaaq Waranle ayaa ku tilmaamay eedaymaha ka soo yeeray
Booliska Punt Land kuwo ay ugu mar marsiyoonayaan inay ku dhaafiyaan
Xoriyadiisa Shaqsiyadeed. Waxayna sheeegeen in Waranle uu muddo bil
joogay Laascaanood oo uusan wax safar ah galin. Isla markaana uu ku
mashquulsanaa Xanaanaynta Aaabihiin oo xanuunsan. Iyagoo ka dalbaday
Maamulka Punt Land inay si deg deg ah Xoriyadiisa ugu soo celiyaan
Waranle.
Dhinaca Kale Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga ee
Punt Land. Faarax Yuusuf ayaa lagu amray in la xiro Warshadda Kalluunka
Laas Qoray ee Gobalka Sanaag. Kadib markii sida wareegtadaasi lagu
sheegay ay shaqaaluhu billaabeen inay Bililiqaystaan Qalabka
Warshadaasi dabeetana ay u dhoofiyaan Dalka Dibadiisa. Waxaana uu
Wasiirku ku amray Maamulka Gobalka Sanaag inay la wareegaan
Masuuliyadda Warshadaasi.
Wasiirka Warfaafinta ee Punt Land. C/kariin Cali Mahdi ayaa isna ku
eedeeyay Warshadda Laasqoray inay Maamulkeedu ka soo horjeedaan
Siyaasadda Punt Land. Wuxuuna sheegay in shaqaalaheedu ay galeen Arrimo
Siyaasadeed oo Qatar galin kara Jiritaanka Maamulkooda. Inkastoo uu
inta badan ka gaabsanayay inuu ka jawaabo Su’aalihii ay Warbaahintu
Waydiinayeen.
Warshadda Laasqoray waxay ka mid tahay Warshadaha Farakutirska ah ee
ka badbaaday Burburkii soo gaaray Somalia. Waxaana gacanta ku hayay
Ganacsato reer Sanaag ah. Iyadoo Kalluunkeeda oo Tayadiisu aad u
saraysana laga isticmaalo Somalia oo dhan.
Iimaamka Maxamuud Iimaam Cumar oo soo afjaray Colaadii Siigaale.
Iimaam Maxamuud Iimaam Cumar oo ka mida Odayaasha Dhaqanka ee sida
wayn looga tixgaliyo Koonfurta Somalia ayaa ku guulaystay inuu soo
afjaro Xiisadii Colaadeed ee muddooyinkan ka aloosnayd Deegaanka
Siigaale oo Ka tirsan Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.
Iimaam Maxamuud oo labadii Toddobaad ee la soo dhaafay fariisin ka
dhigtay goobtii ay ku hardamayeen Labada Maleeshiyo Beeleed ayaa ugu
dambayntii waxa uu ku guulaystay inuu ku qanciyo labadii dhinac ee isku
haystay deegaankaasi inay Miiska Wadahadalka isugu yimaadaan. dabeetana
waxa ay kala saxiixdeen Heshiis lagu soo afjarayo Colaadii Sokeeye ee
deegaankaasi ka socotay.
Iimaamku waxa uu ku canaantay Odayaasha Labada Beelood inay ka
gaabiyeen Xalinta Dagaalkii u dhaxeeyay Maleeshiyooyinka Labada Beelood.
Wuxuuna waydiistay inaysan hadda kadib dhicin in la isku laayo Dhalinta
Labada Beelood.
Iimaamku waxa uu markii ugu horaysay meel fagaare ah sidoo kale ka
sheegay Mawqifkiisa ku aadan Shirka Kenya. Wuxuuna Sheegay in Kenya
aysan marti galin Karin shir Soomaaliyeed haddiiba ay Mamnuuceen
Baasaboorka Somalia. Wuxuuna sheegay inuusan tagayn Kenya inta ay ka
noqonayso go’aanka ay ku mamnuucayso Baasaboorka Somalia.
Colaada Siigaale oo noqotay mid ka mida Dagaaladii sokeeye ee ugu
dheeraa Muddooyinkan Muqdisho. Waxa uuna dagay goobtii dagaalku ka
socday. Isagoo sheegay inuusan ka tagayn Goobtaasi inta xal nabadeed
laga gaarayo.
Qaxootiga ku dacdaraysan Muqdisho.
Qaar ka mida dadka soo barakacay ee ku nool Xeryaha Qaxootiga
Magaaladda Muqdisho ayaa ka cabanaya Dhibaato dhinaca nolosha ah oo soo
wajahday.
Xeradda Qaxootiga ee Warshadii hore ee Coca Cola ayaa lagu soo
waramayaa inay soo food saareen dhibaatooyin dhinacyo badan leh.
Waxaana ay ka cabanayaan dadkaasi helitaanka Maciishadda iyo Cuduro ka
dilaacay Xeradaasi,
Maye Muumin Caliyoow oo ka mida Odayaasha Xeradaasi ayaa sheegay
inay ku adkaatay Helista Maciishadda kadib markii ay Odayaashii
Qoysasku ku mashquuleen Cuduro ka dillaacay Xeradaasi. Wuxuuna sheegay
in Xeradaasi ay ka dillaaceen cuduro ay ka mid yihiin Maleeriyo iyo
Daacuun Caloole.
Cabashadda ka timid dadkan ku nool Xeradda Qaxootiga ee Coca Cola
ayaa timid xilli ay Roobabkii gu’ga ka billawdeen Muqdisho. Waxaana
dadka ku nool Xeryaha Qaxootigu ay ka cabanayaan sidoo kale dhinaca
Hoyga oo ay sheegeen in Buushashka ay dagan yihiin aysan xilligan celin
Karin Roobabka billawday.
Qaramadda Midoobay oo ansixisay.
Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa 140 Cod ku oggolaaday
Qaraar dalal ay Malaysia ka mid tahay u soo gudbisay Golaha isla
markaana qeexayay in la aqoonsado Jiritaanka Qaranimo iyo Dhuleed ee
Falastiin.
Qaraarkan ayaa qeexaya in Dhulkii Isreal ay ka qabsatay
Falastiiniyiinta Sannadii 1967-dii ay leeyihiin Dadka Falastiiniyiinta
ah. Waxaana qaraarkan uu Cambaaraynayaa haysashadda Dhuleed ee Yuhuudu
ay haystaan Dhulka Falastiiniyiinta.
Qaraarkan oo ay golaha soo hordhigeen 28 dal oo Carab u badan ayaa
waxaa ka hor yimid 6 Dawladood. Waxaana ka aamusay 11 kale. Iyadoo
Wakiiladda Golaha ee Carabtana ay ku tilmaameen Qaraarkan mid meesha ka
saarayaa Qorshayaashii lagu dulmayay Falastiiniyiinta ee Sharon.
Waxayna sheegeen in la gaaray xilligii laga hortagi lahaa Gardaradda ay
Yuhuudu ku duudsiinayso Falastiiniyiinta Xaqooda Dhuleed.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)