SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 9, 2004

MID KA MID AH MAXAABIISTII XABSIGA ABUU GARIIB OO KA SHEEKEYNAYA TACADDIYADII LOO GAYSTAY!!!

W/D:- Amiin Yuusuf Khasaaro
E- mail amiinkhasaaro@hotmail.com

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2
Xaydar sabbaar Cabdi oo horay uga mid ahaa ciidammadii dalka Ciraaq haddana ka mid ah malaayiinta reer Ciraaq ee ay shaqo la’aantu hayso ayaa ka mid ahaa maxaabiistii tacadiyada foosha xun loogu gaystay xabsiga loo yaqaan abuu Gariib oo sawirradooda intooda badanna lagu shaaciyay warbaahinta Caalamka, ayaa wuxuu ka sheekeynayaa dhibaatooyinkii uu kala soo kulmay xabsiga, isagoo u warramayay Shabakadda BBC-da wuxuu yiri: ‘Waxaan watay gaari Taxi ah oo aan soo kireystay, intii aan soconnay ayaa waxaan ku soo hagaagnay meel Isbaaro u tiillay ciidammadii Mareykanka, Deegaanka loo yaqaanno At-taaji, xilligaasoo ku aadanay bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay oo ku beegnayd Bishii November ee kal hore, waxay na weydiiyeen warqadihii gaariga, waxaan u sheegnay inaan wax warqad ah wadan, markiiba waxay noo dhigeen meel saldhig u ahayd oo ay ciidammadooda joogeen, kaddibna waxay noo soo gudbiyeen goob dadka lagu xiro oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Baqdaad, waxay nagu yiraahdeen waa la idin baarayaa kaddibna waa la idin sii daynayaa, saddex maalmood ayay halkaas nagu hayeen mana jirin qof baaritaan noogu yimid.

People Against POW Abuse: Guji

Aroonimadii 4:00 subaxnimo (10-ka saac ee habeennimo) maalinnimadii saddexaad ayaa waxay ii qaadeen saldhig ciidan oo lagu magacaabo Booka oo ku yaal Magaalada Basra, waxayna markaa igu yiraahdeen waxaa lagu saari doonaa maxkamad ay howl wadeenno ka yihiin dad ciraaqiyiin ah.

Waxaan ku iri: “Maxkamad in la I saaro maba xumee maxaan sameeyay, oo aan ku mutaystay in maxkamad la I saaro, ma ihi dambiile; waxaan leeyahay shan caruur ah iyo hooyadood mana iga warqabaan”.

Intaa kaddib waxay ii qaadeen xabsiga weyn ee loo yaqaan Abuu Gariib, waxaa markaa billowday tacadiyadii iyo ciqaabihii naloo geysanayay, maalin ayaan doodnay nin kale oo Ciraaqi ah oo xabsiga ka shaqeynayay, oo xiriir la lahaa ciidammada Mareykanka, wuxuuna ahaa nin u dhibi jiray maxaabiista xabsiga ku xiran, aniga iyo isagana gacan ayaa na kala gaartay.

Ciraaq: Ciidamada Maraykanka iyo Ingariiska oo ka darey kuwii Sadaam

Ciidammada Mareykanka waxay bilaabeen inay I marsiiyaan ciqaabtii ugu xumayd, markiiba dharkii ayay iga jarjareen, xitaa dharkii aan hoosta ka xiranayay way naga siibeen kaddibna waxay na amreen inaan bood boodno oo aan dhaqdhaqaaqyo badan sameyno; waxay hoteenna soo fariisiyeen naag ka mid ah ciidammada Mareykanka, waxay igu amreen inaan sameeyo fal anshax xumo ah oo aan ku hor sameeyo naagta horteeda, waan diiday markii hore, garaacis ayay iigu dhaqaaqeen; kaddibna madaa ayay kiish ii geliyeen, inta la I soo dhaqaajiyay anoo indhaha ka xiran ayaa gacmaha la ii saaray madaxa, mid ka mid ah maxaabiistii xabsiga igula xirnayd iyadoo la iiga dhigayo in ay tahay naagtii ciidammada Mareykanka ka tirsanayd, markii dambe Jawaankii ayay madaxa iiga saareen waxaana arkay qofka ay gacantaydu madaxa ka saaran tahay inuu saaxiib xabsiga igula xirnaa.

Waxay igu yiraahdeen waan ku dilaynaa, haddii aad yeeli waydo waxa aan ku farno, markiiba garaacis ayay igu bilaabeen illaa heer aanba rumeystay in markan aan dhimanayo, daanka ayay I jabiyeen oo illaa iyo hadda wax cunistu way I dhibtaa, mar kale ayay madaxa jawaan ii geliyeen, waxayna nagu amreen aniga iyo qaar saaxiibbaday ka mid ah inaan u dhawaaqno sida Eeyaha, mar alla markii aan maqallo dhawaaq seeriga oo ay noo yeerinayeen, markii dambe waxay na amreen inaan dhamaanteen dusha iska fuul fuulno, dhab ahaantii aad bay noo cadaabeen. Maalmo kaddib ayaa koox baarayaal isku sheegaya noo yimaadeen, aniga waxaan uga sheekeyay sidii la igu keenay goobta iyo dhibaatada la I gaarsiiyay, waxayna amar ku bixiyeen in la I siidaayo 15-ka April sanadkan.

W/D:- Amiin Yuusuf Khasaaro
E- mail amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

FALLUUJA IYO FIRXADKII MAREYKANKA!!

Muddo bil ah ayay ahayd markii dagaal faraha looga gubtay ay gorodda isla galeen Mareykanka ee xoogga ku qabsaday waddanka Ciraaq iyo maleeshiyada Reer Ciraaq ee ku sugan magaallada Falluuja, waxaana dagaalkan oo aan waxba la iskula harin ha noqoto min qori AK-47 illaa AC-130 ayaa waxaa ku dhintay dagaalkaasi dad fara badan oo Ciraaqiyiin ah oo kor u dhaafayay illaa 1000, halka Mareykankuna ay sheegteen in ay kaga dhinteen boqollaal, loogana soo riday dhowr diyaaradood.

Dagaalkan waxa uu wadna qabad ku noqday ciidammada Mareykanka, dhowr jeer ayuuna damcay in uu heshiis xabbad joojin ah la galo, balse way suurtogeli waysay, wuxuuna Mareykanku damacsanaa in xabbad joojintaasi uu kaga faa’iideysto ciidammo dheeraad ah, balse khiyaanadaasi waxaa fahmay kooxaha muqaawamada iyagoo mar kastana ku hayay weerar aan kala go’ lahayn.

Mareykanku waxa uu ogaaday in khasaaro xoog leh ay ka soo gaareyso magaallada Falluuja, wuxuuna aakhiritaankii soo jeediyey in heshiis xabbad joojin ah uu la galo Reer Falluuja, isaga oo markiiba ku wareejiyey nin ka tirsanaan jirey ciidammadii Xaarisul Jamhuuriga oo lagu magacaabo General Maxamed Jaasim Saalax, taasoo keentay in si weyn loogu soo dhoweeyo magaallada Falluuja.

Soo dhoweyntaasi Mareykanku waxa ay ku noqotay walwal iyo walbahaar cusub oo ku soo kordhay, wuxuuna cadaadis kaga yimid kooxaha Shiicada oo iyagu diiddanaa in dib loo soo celiyo Jeneraalladii Saddaam Xuseen, isagoo arrintaa ka duulaya ayuu saddex beri kaddib waxa uu beddelay General Jaasim, waxa uuna xilkii u dhiibay Jeneral kale oo isna ka tirsanaa ciidammadii Sirdoonka ee Saddaam Xuseen oo lagu magacaabo Maxamed Ladiif.

Qorshaha uu Mareykanku soo dejiyey waxaa fahmay Reer Falluuja, waayo Mareykanku wax uu damacsanaa in uu iska horkeeno Reer Falluuja, balse si la mid ah ayay u soo dhoweeyeen General-ka kale ee cusub Maxamed Ladiif.

Heshiiskii dhex maray Mareykanka iyo Reer Falluuja waxa uu khilaaf xoogan ka dhex abuuray ciidammada Mareykanka, gaar ahaan Saraakiisha sar-sare, waxaana khilaafkii ugu xoogganaa uu sameeyey General Richard Myer oo ah taliyaha guud ee Ciidammada Mareykanka iyo General John Abu Zeyd oo ah taliyaha taliska dhexe ee ciidammada Mareykanka.

Heshiiska waxaa Reer Falluuja la gaaray General John Abu Zeyd, halka General Richard Myer uu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid uusan ka warqabin aqalka Pentagon-ka, waxaana aakhiritaankii ay keentay in loo hoggaansamo heshiiskii uu gaaray General John Abu Zeyd, isagoo garab ka helaya Donald Ramsfeld oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka.

Ciidammadii ugu dambeeyey ee Mareykanka waxa ay magaallafa Falluuja ka bexeen maalintii dorraad ahayd, iyagoo welibana ay kor ka ilaalinayeen diyaaradaha Helicopters-ka, iyagoo ka cabsi qabay in uu weerar kaga yimaado kooxaha muqaawamada ee ku sugan magaallada Falluuja.

Arrinta ka qabsatay Mareykanka magaallafa Falluuja waxa ay horseedi kartaa in ay raacaan magaalooyinka kale ee Mareykanku xoogga ku haysto sida haatan ku haysata magaallada Najaf, Karbalaa iyo Kuufa oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Muqtad Al-Sadri, iyadoo mar la wareystay mid ka mid ah taageerayaasha Muqtada AL-Sadri ee ku sugan magaallada Falluuja uu shegay in ay diyaar u yihiin in ay ciidammo iyo hubba u diraan magaallooyinka Najaf, Karbalaa iyo Kuufa, si halkaasi ay uga saaraan ciidammada Mareykanka. Mareykanka fadeexaddii ka qabsatay magaallada Falluuja waxaa kaloo ugu darsamay sawirro tacaddiyo ah oo ay soo bandhigeen saxaafadda caalamka, kaddib markii Maxaabiis Ciraaqiyiin ah oo ku jirey xabsi lagu magacaabo Abuu Gariib loola dhaqmay si ka baxsan beni’aadannimada, inkastoo Bush uu raalli gelin ka bixiyey arrintan, haddana waddammada Carabta iyo kuwa Islaamka kuma qanacsana raalli gelintaasi, waxayna ku tilmaameen in ay tahay mid jees-jees ah, iyadoo lagu warramay in haatan uu cadaadis saaran yahay xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Donald Ramsfeld oo isagu laga dalbanayo in uu iska casilo xilkaasi, kaddib markii uu la socon waayay waxa ka dhacay xabsiga Abuu Gariib.

Ugu dambeyntii waxaa magaallada Falluuja ka socda fantasiyo ay dhigayaan Reer Falluuja oo ku saabsan guushii weyneyd ee ay ka gaareen ciidammada Mareykanka, kaddib markii ay u oggolaan waayeen Mareykanka in uu soo galo gudaha magaalladaasi oo ay ku nool yihiin illaa iyo 600,000-qof, waxaana magaallada haatan ku soo laabanaya dadkii ka bara kacay, waxaana dib u furmay ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka, haddaba falluuja iyo firxadkii Mareykanka waxa uu himmad gelin karaa magaalooyinka kale ee waddanka Ciraaq.

W/Diyaariyay:- Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2004

Afeef: Aragtida qoraaladan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD