SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ciidanka Qaranka Somaliland noqon maayo sidii ciidamadii la jebiyey ee Dalka Rwanda ee uu xiligaasi Madaxweynaha ka ahaa keligii taliyihii la diley ee Juvinal Haybrimana ( PART.2 )

Akristayaal,Saaxiibayaal waa qaybtii labaad( Part.2) ee maqaalka ujeedadiisu kor ku qoran tahay,qaybtii hore waxay ka koobnayd Faalo iyo Dulucda Maqaalka iminkana waa( Biyo dhaca Maqaalka. Biyo dhaca maqaalka.

Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu mudadii ay talada dalka gacanta ku hayeen waxay ku kaceen si badheedhana u galeen BOQOL IYO AFARTAN( 140 ) denbi ama jariimadood oo dembi weliba mid ka kale ka daran yahay ayna kula kacayeen shacabkii nadiifta ahaa ee dan yarta ahaa ee reer somaliland ee weliba soo doortay,hadaba qoraalka dembiyadaasi halkan kuma soo wada koobi karo ee waxaan ka soo qaadanayaa afar( 4 ) dembiyadaasi la galay ka mid ah waxayna kala yihiin sidan hoos ku xusan.

1.Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu waxay burburiyeen kuna tunteen Dastuurkii Dalkeena iyo qawaaniintii oo dhan iyagoo dhamaan shuruucdii oo dhan daaqa ka tuuray kana dhigay waxaan jirin.(destruction of constitution rules and regulations of somaliland)

2.Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu waxay ku kaceen oo sameeyeen (Khiyaamo Qaran) kadib markii ay Gobolka Sool,Bariga Sanaag,iyo Degmada Buuhoodle oo ka tirsan Gobolka Togdheer ay Hadyad u siiyeen Maamulka Puntland( high Treason ).

3. Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu waxay dhaceen oo jeebabka ka buuxsadeen hantidii yarayd ee Shacabka Somaliland waa xatooyo xoolo dadweyne(Corruption) .

4. Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu waxay wada hadal qaran dumisnimo ah la leeyihiin Cadawga Somaliland iyadoo wada hadal kii ugu danbeeyey dhexmaray Wasiirka Maaliyada Somaliland Cawil iyo Raiisal Wasaaraha Dawlada Empegati lagu soo disay ee Somalia Cali Maxamed Geedi,taasi oo kuu cadeynaysa in Riyaale iyo Dawladiisu aysan raali iyo runtoona ka ahayn Jiritaanka Qaranimada Somaliland( Treason Meeting ).

Hadaba Madaxweyne Riyaale iyo Dawladiisu iyagoo intaasi oo dembi ah iyo in kaloo fara badan oo khiyaamo qaran ah dadka iyo dalkaba ka galay ayey maantana ku riyoonayaan in ay Doorashada Baarlamaanka muran geliyaan ama joojiyaanba hadii ay doorasho dhacdana ay ku shubtaan ama ay boobaan,waxay Wasiiro Dawlada Riyaale ka mid ihi hore u yidhaahdeen ama u sheegeen hadii aanu u aragno in Doorashada Baarlamaanka ay Xisbiyada Mucaaradka iyo taageerayaashoodu guuleysanayaan wax kasta oo awooda waanu isticmaaleynaa si aanu guusha xisbiyada mucaaradka u joojino xitaa hadii ay nala geleso in aanu adeegsano ciidamada qaranka si ay xisbiyada mucaaradka ah iyo taageerayaashooda ay cagta u mariyaan. Hadaba waxaa isweydiin leh Riyada Madaxweyne Riyaale iyo dawladiisu ma suurtoobaysaa, Ciidamada Qaranka Somalilandse ma ogolaanayaan Shacabkiina xasuuqa,taasi waxaan kaga hadli doonaa Qaybta Sadexaad( Part.3).

AKHRI Qaybta Sadexaad ( Part. 3 )

Qalinkii. Yusuf Cabdilahi Janale
Norway Oslo. 11.08.05

ajanaaaale3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SOmaliTalk.com | August 11, 2005

»Maxamed Dheere "waxaan rabo sheeg  hadiii kale waa xarig"  | A.A
» Soomaalida Ingiriiska iyo Dhacdadii 21ka Julay | Cabdi Xasan
» DHAQAN BI'IS MA SOOMAALAA, GABAR QAWANI MA ISLAAMBAA
»
MUSTAQBAL MA LEH HORJOOGAYAASHA HUBAYSANI | C/Fatah
»Yaan meel looga dhicin magacii & sharaftii Xooga Dalka Soomaliyeed
»XALRAADINTA GUURTIDA OGADENYA IYO XEELADAHA MALASE
»MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD